Home Blog Page 3074

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaal ka dhex-qarxay madaxda Rwanda iyo DRC Congo.

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Dagaal ka dhex-qarxay madaxda Rwanda iyo DRC Congo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Waa kee Dalka Soomali badan ay niyadda ku hayaan inay u safraan oo kuwii ku noolaa ka cararayaan.

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Waa kee Dalka Soomali badan ay niyadda ku hayaan inay u safraan oo kuwii ku noolaa ka cararayaan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Mareykanka oo si degdeg ah Israa’iil uga iibinaya rasaasta taangiga

0

Isniin-December-11-2023-{HMC}  Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa ansixisay in si degdeg ah dalka Israa’iil looga iibiyo 14,000 oo xabo oo rasaasta taangiga ah oo ku kacaysa ilaa $106.5 milyan oo doollar, sida uu sheegey maamulka madaxweyne Joe Biden Sabtidii.

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaaahinta Hiiraanweyn 11/12/2023

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Mustaf Cali Caddow

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Israel oo shaacisay tiro lama filaan oo ah ASKARTA looga dilay dagaalka GAZA

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa sheegay in mar kale ay korortay tirada askarta lagaga dilay hawlgalka dhulka ee ay ka wadaan Marinka Gaza, inkasta oo tirada ay shaaciyeen aad loola yaabay.

Taliska ayaa qoraal uu xalay soo saaray ku sheegay in 97 askari ay kaga dhinteen hawlgalka dhinaca dhulka ee ka socda Marinka Gaza.

Taliska ayaa sheegay in Sabtidii oo keliya ay ka dhinteen 5 askari, kuwaa oo mid ka mida uu adeer u yahay Taliyihii hore ee Ciidamada Israel, Gadi Eisenkot, haatana ka mid ah Guddiga Golaha Wasiirada ee dagaalka.

Sidoo kale wiil uu dhalay Gadi Eisenkot ayaa Khamiistii lagu dilay dagaal ka dhacay waqooyiga Gaza.

Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa sheegay in 97 askari ee looga dilay dagaalka ay dhinteen, wixii ka dambeeyay 27-kii bishii October, markaas oo dhanka dhulka ay ka weerareen waqooyiga Gaza.

Militariga Israel oo 1-dii bishan dib u bilaabay hawlgalkooda Gaza ayaa waxay markaan diiradda saarayaan dhanka koonfureed ee magaalada, inkastoo weli ay hawlgalka ka sii wadaan waqooyiga magaalada.

Ciidamada Israel oo doonaya in ay si buuxdo isugu wada fidiyaan labada daamood ee Gaza ayaa iska caabin xoogan kala kulmaya Xoogaga Ururka Xamaas.

Si kastaba ha ahaatee tirada askarta ay Israel sheegtay in lagaga dilay dagaalka ayaa la fahamsan yahay inay aad uga badan tahay intaas, islamarkaana ay qarineyso macluumaadka saxda ah ee khasaaraha askarteeda.

Ilo-wareedyada Xamas ayaa horey u sheegay inay dileen kumanaan askari, islamarkaana gubeen boqolaal gawaarida dagaalka ah

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Cubaydah ayaa sheegay in Xoogaga Xamaas ay burburiyeen 135 ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Israel, 72-kii saac ee la soo dhaafay oo kaliya, kuna dileen boqolaal askari.

Xaaska ninkii ku dhintay shilka uu wiilka madaxweynaha Soomaaliya ku lugta lahaa oo hadashay

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Öznur Göçer oo ah xaaska ninkii u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday shilka gaari ee wiilka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu ku lug yeeshay ayaa la hadashay warbaahinta Cumhuriyet ee dalka Turkiga.

“Waxaan ka cabanayaa qof kasta oo sababay geerida ninkayga iyo kuwa u ogolaaday in uu dalka ka baxo” ayay tiri Öznur Göçer.

Dawladda Turkiga ayay sheegtay in aysan sameyn tilaabooyinkii ay ka rajeyneysay inay qaadaan, si ninkeeda dhintay uu cadaalad u helo.

“Dowladdu waxay sheegaysaa in wixii loo baahnaa la sameyn doono, balse anigu kuma qanci karo waxa ay leeyihiin,” ayay raacisay hadalkeeda haweeneyda oo aad u murugsaneed.

Shilkaan oo 30-kii November ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayuu dhaawac culus ka soo gaaray seygii haweeneydaan, wuxuuna dhaawacaas u dhintay lix maalmood kadib markii shilku dhacay.

Wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee magaalada Istanbul, sida uu duqa Istanbul shaaciyay maalin ka hor.

Muuqaallo lasii daayay oo ay duubeen kaamirooyinka CCTV ayuu duqa magalaadda Istanbul ku daabcay bogga uu ku leeyahay Twitter – muuqaalkaas ayaa muujinaya gaariga oo gadaal ugu dhacaya mootada, waddo mashquul badan.

“Waxaan haystaa gabar 15 jir ah oo dugsi sare dhigata. Waxaa kale oo ii jooga wiil sideed jir ah oo qaban xanuunka autism ka. Cunugeyga waa uu ka haray noloshii bulshada, maadaama uu xanuunsanaa. Seygeyga iyo anigu waxaan isku dayaynay inaan nolosha ku toosino. Hadda cidlo ayaan taaganahay,” ayay tiri Öznur Göçer.

Haweeneydaan ayaa booliska ku eedeysay inay gudbiyeen warbixin qalad ah, taas oo horseeday inuu waddanka ka baxo eedeysanaha shilkaan oo ah Maxamed Xasan Sheekh, wiilka madaxweynaha Soomaaliya.

Xog cusub: Sidee u dhacay dilka dhaqtarkii iyo macallinkii lagu hor dilay hooyadood?

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Waxaa habeen hore tuulada Ilix oo 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowladda gobaleedka Galmudug lagu dilay laba wiil oo walaalo ah kuwaas oo kala ahaa macallin dugsi qur’aan iyo dhaqtar.

Waxaa lagu kala magacaabi jiray Dr Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar macallin Liibaan Xasan Cismaan.

Farxaan Cabdullahi Cali oo ka mid ah ehelada wiilasha ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Dr Axmed Xasan Cismaan oo in muddo ah deeganka ka maqnaa uu dhawaan yimid si u soo arko hooyadii oo xanuunsanayd iyo in uu xarun caafimaad uu ka hirgaliyo magaaladda Gurceel.

“Walaalahay gacan ka xaqdaran ayaa dishay. Macalin Liibaan Xasan Cismaan waligiis quraanka ayuu dadka bari jiray, Dr Axmed Xasan Cismaan deeganka waa ka maqnaa oo waxbarasho ayuu Muqdisho iyo Nairobi u jiray oo hadda ayuu dib ugu soo laabtay,” ayuu yiri Farxaan

Waxaa uu sheegay in aysan garanayn cida dishay wiilashooda, balse ay jiraan aanooyin qabiil oo mararka qaar ka dhac deeganka.

“Odayaasha dhaqanka, laamaha ammaanka iyo maamulka waxaay noo sheegeen in ay ku dabjoogaan dadka dilka gaystay. Ma jirto cid ilaa iyo hadda aan ognahay oo dilka gaystay, hadii wiilashu ay cabsi qabaan halkas ma imaan lahyeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dilalka ku salaysan aanooyinka qabiilka ayaa mudooyinkii danbe kusoo noqnoqday deegano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dr Axmed Xasan iyo macalin Liibaan Xasan ayaa ahaa laba da’ oo isku xigtay – 30 sano iyo 28 sano ayay kala jireen.

Waxaan isku daynay inaan la xiriirno hooyada dhashay labada wiil, balse waxaa naloo sheegay inay ku jirto xaalad murugo oo aad u daran.

Markii dilku dhacayay ayay ku sugnaayeen labada wiil guriga hooyadood, iyada oo hooyadu goobjoog ka noqotay falka naxdinta leh ee farxadii ay wadaageysay wiilasheeda u badalay tacsida xanuunka badan.

Macallin Liibaan Xasan wuxuu ifka uga tagay xaas iyo caruur, halja naloo sheegay in Dr Axmed uusan wali guursan, sida uu yiri Farxaan Cabdullahi Cali oo ay ilmo adeer yihiin.

Maamulka deegamnka muxuu ka yir dhacdadaan?

Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow) ayaa falka ku tilmamay mid foolxun.

Waxaa uu sheehgay in maleeshiyaadka dilka gaystay ay goobta isaga baxsadeen balse ciidanka amaanku wali daba joogaan .

“Dad wareersan oo aan ilaa iyo hadda gacanta lagu dhigin balse ciidanka ammaanka ay ku dabajoogaan ayaa raggaas laayay,” ayuu yiri gudoomiye Geeda-qaoroow.

Dilka labadaan wiil ee walaalo ah ayuu gudoomiayahu sheegay in uu aaminsan yahay in uu yahay mid ku salaysan aano qabiil.

“Meel baadiye ah ayaa ciidanka ammaanku wali ku daba joogaan raadka ragga falka gaystay. Waana la qaban doonaa hadii alle idmo. Markaas ayay cadaan doonta sababt ay dilka u gaysteen,” ayuu hadalkiisa raaciyay Geeda-qoroow.

Kooxadda AS ayuu sidoo kale sheegay in tuhunsanayahay in ay lug ku leeyihiin dilalka ka dhac gobolka .

“Raggii dilka gaystay deegaanada as ay gacanta ku hayaan ayay aadeen. Marka waxaan aaminsanahay in ay lacago ku bixinyaan oo ay dilka qeyb ka yihiin “ ayuu tuhunka uu qabo ku daray Gudoomiye Geeda-qoroow.

Walaaca Bulshada ee deegaanka

Dilalka ka dhacay gobolka Galgaduud waxaa walaac ka muujiyay bulshada ku dhaqan deegaanka.

Cadceed Sheekhdoon Diiriye oo ka mid ah odayaash dhaqanka Galmudug ayaa kamid ah dadka ka walwalsan dilalka maalmihii la soo dhaafay ka dhacay gobolkaan.

“Waa in dib u heshiisiin la sameeya oo dadka walalaaha ay dilka joojiyan. Wixii dhacay waxa ay ahayd wax aad looga xumaado,” ayuu yiri Cadceed.
Sidoo kale Safiyo Shire Faarax oo ka mid dadka ku nool magaalada Dhuusmareeb ayaa sheegtay in ay dareemeyso cabsi badanoo si shaqsi ah ula soo daristay.

“Waxaan ogahay qiimaha ay nabad leedahay, waxaan ka xumay dadka is dilay ee walaalaha ah ee maalin kast dhibku dhax yaal. Waxaa hadda na haysta cabsi badan,” ayay tiri Safiyo Shire Faarax.

Galmudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil. Horay waxaa dil loogu fuliyay nin dhallinyaro ah oo maxkamadi ku heshay inuu nin ganacsade ahaa ku dilay degmada Guriceel.

Isha: BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Dooni siday shixnado gargaar mucaawino ah oo Loo diray Deegaanada Jubbaland.

0

Axad-December-10-2023-{HMC}  Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo Dooni sida shixnad gargaar mucaawino ah u dirtay Deegaanada Jubbaland, oo kamid ah goobaha ay sida ba’an u saamaysay daadadka Elniino iyo fatahaadaha wabbiyada.

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan C/samad Macallin Maxamuud”Lacagta lagu dhisaa Dakada Hobyo qeyb ka mid ah waa la haayaa”

0

Axad-December-10-2023-{HMC} Xildhibaan C/samad Macallin Maxamuud”Lacagta lagu dhisaa Dakada Hobyo qeyb ka mid ah waa la haayaa”

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dhismaha garoonka ciidanka cirka XDS oo meel gabo gabo ah marayo.

0

Axad-December-10-2023-{HMC}  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin ayaa Kormeeray Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Ciidanka Xoogga Dalka ee laga hirgaliye Degaanka wargaadhi

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA