Home Blog Page 3075

{DAAWO MUUQAALKA} Fatahaada oo Godoomisay Dagmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

0

Axad-December-10-2023-{HMC}  Fatahaada oo Godoomisay Dagmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 10/12/2023

0

Axad-December-10-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdimaajid Abdiraxmaan Aadan

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Wafdi ka socda dowladda iyo Qaramada Midoobay oo gaaray Magaalada Baardheere.

Axad-December-10-2023-{HMC} Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka hay’adda maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, qaybna ka yihiin wasiiro katirsan Maamulka Jubbaland ayaa gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo kamid ah degmooyinka sameenta ay ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada.

 

Wafdigaan waxaa sidoo kale qayb ka ahaa, u qaybsamaha Qaramada midoobey ee arimaha gargarka iyo ban’iadanimada {DSRGS) George Conwey, Madaxda Hay’addaha UNICEF, WFP iyo madaxa Mashruuca gargaarka degdega ee hay’adda FAO Somalia, UN-OCHA Somalia.

 

Ujeedada Socdaalka Wafdiga ayaa la xariirtey u kuur gelidda sameynta ka dhalatey fatahaaddii uu sameeyey webiga Jubba ee mara degmada Baardheere, Burburkii Buundadii muhiimka u ahayd Bulshada magaalada Baardheere iyo Saameenta wayn ee ka dhalatay fatahaadaha Elnino, waxa ay boqdeen sidoo kale xirooyinka ay daganyihiin dadka Barakacaaysha ah ee sida ba’an u saamaysay fatahaada, Buundada Burburtay, Isbitaalka degmada iyo Xarunta Mamulka degmadaas.

Hay’adda Duulista oo soo bandhigtay Qorshaha Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah

Axad-December-10-2023-{HMC} Axmed Macallin Xasan, Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), ayaa daah-furay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya doorka ay ku leedahay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa daah-furay 16 bishii Oktoober ee sannadkan Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya , iyadoo ujeeddadu tahay horumarinta waxqabadka hay’adaha Dawladda.

Agaasimaha Qorsheynta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Aamina Cabdiraxmaan Cusmaan oo horey dalka dibadeeda ugu soo qaadatay tababarka hirgalinta hannaankan ayaa ku soo bandhigtay kulan ay goobjoog u ahaayeen agaasimayaasha iyo agaasime waaxeedyada HDRS , siyaabaha loo dhaqangelin karo iyo sida ay HDRS waaxyaheeda qayb uga noqon lahaayeen hannaankan ku salaysan isla-xisaabtanka waxqabadka (Performance Tracking).

“ Hannaankan wuxuu gacan ka geysanaya inan xoojino wada-shaqeynta waaxyaha oo isla jaanqaadidooda ay gacan ka geysanayso in la horumariyo dadaalladii lagu fulinayo adeegyada bulshada iyo qaranka aan u heyno.” ayuu yiri Maareeyaha guud ee HDRS, Mudane Axmed Macallin oo faray agaasime waaxeedyada Hay’adda dhaqangelinta doorka ay hay’addu ku leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga.

Inta lagu jiro dhaqangelinta Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah , waaxda Qorsheynta HDRS ayaa bixin doonta tababarro la siinayo waaxyaha si loo dardargeliyo hannaankan ku salaysan isla-xisaabtanka waxqabadka (Performance Tracking).

Mohamed Abdi Ware Becomes Deputy Executive Secretary General of IGAD

0

Sunday-December-10-2023-{HMC} Former Presidential Envoy for Stabilization and Protection of Civilians, Mohamed Abdi Ware was appointed to be Deputy Executive Secretary of Intergovernmental Authority on Development(IGAD) according to Minister of foreign Affairs of Djibouti, H.E. Mohamoud Ali Yusuf who is also Chair of IGAD Council of Ministers.

The Minister said in a letter addressed to Executive Secretary General of IGAD, Dr Workneh Gebeyehu today on Sunday, December 10, 2024 that the decision was made by Assembly of the heads of States of IGAD during the ordinary summit in June 2023 with regard of the appointment of Mr. Mohamed Abdi Ware, as the new Deputy Executive Secretary of IGAD.

Minister of Information, Culture and Tourism of Somalia, Da’ud Awes Jama cingulated Ware on his new position in the regional bloc, describing it a significant win for Somalia.

“In a significant win for Somalia, Mohamed Abdi Ware’s appointment as Deputy Executive Secretary General of IGAD elevates Somalia’s influence within the region and internationally, marking a key diplomatic achievement for the Federal Government”, Jama said.

The President Commends IGAD State Members for their role on Somalia’s Key Achievements

0

Sunday-December-10-2023-{HMC}  The President of the Federal Republic of Somalia, HE. Hassan Sheikh Mohamud, extended his gratitude to the member states of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) for their role in joining the East African Community (EAC) and lifting the arms embargo on Somalia during the 41st Extraordinary Session of the IGAD Assembly.

The President, described the common challenges shared by the countries of the region, which include terrorism, the effects of climate change and conflicts.

“I thank the members of the IGAD Regional Organization for your support in lifting the arms embargo on Somalia and our request for inclusion in the East African Community, measures that testify to our efforts to ensure a stable and progressive Somalia”, He said.

During the meeting, the leaders of IGAD listened to a report from the leader of the Supreme Council of the country, Mr. Abdulfatah Alburhan, who stood on the advice of IGAD regarding the war in Sudan, in which the government of Somalia is one of the members involved in finding a solution to this war.

IGAD State members are committed to find lasting peace in Sudan while trying bring waring parts together, in order to end the conflict.

Tirada dadka ku dhintay daadadka iyo fatahaada Wabiyada Dalka oo korortay

Axad-December-10-2023-{HMC} Maxamuud Macalin Cabdulle Guddoomiyaha hay’adda Maareeynta iyo Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa sheegay iney gaartay tirada dadka dhintay daadadka ka dhashay roobabka iyo fatahaada wabiyada Jubba iyo Shabeelle 120 ruux.

Guddoomiyaha SODMA ayaa sidoo kale sheegay in dadka ugu badan ay ku dhinteen gobolada Baay, Gedo iyo Jubbada Hoose.

“Daadadka iyo fatahaadaha inta aan diiwan galinay dhimashada waa 120 ruux oo ah guud ahaan gobolada dalka, haba ugu sii badnaadaan gobolada Baay, Gedo iyo Jubbooyinka, dadka dhintay waxaa ku jiray dhowr iyo toban ruux oo doon la gadoontay iyagoo ka cararaya kooxda Al-shabaab” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiyaha iney ku adkaatay in deegaanada qaar ay gaarsiiyaan gargaar, kadib markii garoomada diyaaradaha intooda badan ay ku xirmeen daadadka ka dhashay roobabka.

Dhibaatooyinka ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha ayaa wali ka taagan magaalooyin badan oo ku yaala gobolada dalka, haba ugu sii darnaadaan Baledweyne, Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

In kabadan 17,kun oo dadka rayidka ah ayaa ku dhintay duqeymaha Israa’iil ay ka geysatay Dhulka Falastiin.

Axad-December-10-2023-{HMC}  Waxaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa tirada dadka shacabka ee reer Falastiin ee ku dhimanaya duqeymaha Israa’iil.

 

Militariga Israa’iil ayaa Sabtigii Shalay ahaa waxay duqeyn culus ka geysteen Koonfurta magaalaglda Gaza, gaar ahaan Khan Yoonis, taasoo geystay khasaare xoogan.

 

Duqeynta Shalay ay Gaza ka geysteen Militariga Israa’iil ayaa kusoo aadeysa, maalin kadib markii Mareykanka uu codka diidmada qayaxan u isticmaalay qaraarkii Qaramada Midoobey ee ku baaqayay xabad joojin deg deg ah oo bani’aadantinimo.

 

Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas maamusho oo xalay shaacisay tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqaymaha Israa’iil ayaa sheegtay iney gaartay dhimashada 17,700 oo ruux.

 

Bishaan Decembar ee maanta mareyso 10-ka ayaa la sheegay in ciidamada Yahuuda dadka rayidka ah ay ku dileen Gaza iney gaareyso 3,000 oo ruux.

 

Dhinaca kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres oo ka hadlay xaalada reer Gaza ayaa sheegay in dadka reer Gaza ay ku jiraan god dheer oo mugdi ah.

 

António Guterres ayaa tilmaamay in gantaalada Xamaas ku weerareyso Israa’iill inaysan Isra’iil qiil uga dhigan karin xadgudubyada ay ka gayneyso Marinka Gaza oo baal marsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

{DAAWO MUUQAALKA} Caruur Sanadooyin u afduubnaa A.S oo la midoobay Qoyskooda

0

Axad-December-10-2023-{HMC} Caruur Sanadooyin u afduubnaa A.S oo la midoobay Qoyskooda

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Galmudug oo booqday halka loo asteeyay dhismaha dekadda Hobyo

0

Axad-December-10-2023-{HMC} Madaxweynaha Galmudug oo booqday halka loo asteeyay dhismaha dekadda Hobyo

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA