Home Blog Page 310

Machadka Cilmi-baarista Beeraha Soomaaliya oo la Bilaabay dhismihiisa.

0

Axad, 16, Nov 2025 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka, ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo machadkani in uu soo saari doono khubaro Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaata horumarinta wax soo saarka beeraha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in beeruhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidoo kalena muhiimad weyn u leeyihiin horumarinta bulshooyinka dunida oo dhan.

Isaga oo carrabka ku adkeeyey in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta koowaad siinayso kordhinta wax soo saarka gudaha, maadaama uu caalamku wajahayo cabsi ku saabsan cunno yaraan, taas oo waddamo badan ku qasabtay in ay joojiyaan dhoofinta dalagyadooda.

“Dhulkeennu waa mid aad ugu habboon beerista oo leh biyo ku filan, waxaan nahay dal isku filnaan kara haddii la horumariyo wax soo saarka beeraha. Xukuumaddana waxaa ka go’an in ay xoogga saarto kobcinta dhaqaale ku saleysan beeraha iyo xoolaha. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dadaalka ay ugu jirto abaabulka beeraleyda iyo iskaashatooyinka, ayaa adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo wacyigelinta iyo aqoontooda, isaga oo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay dib u eegaan maalgashiyadooda, isla markaana ku dhiirradan in ay maal geliyaan wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beeraha oo uu sheegay in ay leeyihiin fursado dhaqaale oo ballaaran.

“Soomaaliya waxa ay ku taallaa goob istaraatiji ah oo dunida oo idil muhiim u ah, waxaana jira dalal badan oo diyaar u ah in ay dalkeenna maalgashadaan, gaar ahaan beeraha iyo xoolaha”. Ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Itoobiya waxay iclaamineysaa dagaal ku saabsan Badda Cas

0

Axad, 16, Nov 2025 {HMC} Itoobiya “waxay dagaal u iclaamineysaa” Eritrea kaasoo ku aaddan fekradda helidda bad, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Yemane G/Masqal.

Wuxuu dowladda Abiy Axmed ku eedeeyay inay sharraxayso sababo ku filan inay u heystaan inay dagaal kula galaan Eritrea, sida uu ku qoray bartiisa X.

“Waxay aflagaaddo ku tahay madax-bannaanida Eritrea in si joogto ah loogu dhawaaqo ‘waa inaan xoogag militari ka sameynaa Badda Cas ‘ si xoog ah,” ayuu bartiisa X ku qoray Yemane G/Masqal.

Wuxuu sidoo kale Itoobiya ku eedeeyay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay ka shaqeyneysay sidii ay isaga dhigi lahayd “mid ku taagan is difaacid” si ay dagaal ugu qaaddo Eritrea.

Maxay Itoobiya tiri?

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Gideon Timothy ayaa dhowaan sheegay in dowladda federaalka aysan ka sii aamusnaan doonin in ay qaado tallaabo ka dhan ah “xadgudubka” Eritrea ay ku sameysay “madaxbannaanida dhuleed” ee Itoobiya.

Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in Cassab ay u leedahay “muhiimad sare” dowladda federaalka sababtuna waxa uu ku sheegay in ay “ku maalgeliyaan hanti badan dakadda Cassab ka hor iyo kaddib markii ay Eritrea ka go’aday Itoobiya.

Dr. Gideon hadalkaas waxa uu shalay ka sheegay madal siyaasadeed oo ay soo qabanqaabiyeen hay’ada Horn Review iyo jaamacadda Addis Ababa.

Wasiirka waxa uu madasha ka sheegay siyaasada Itoobiya ee la xiriita waxyaabihii ugu dambeeyay ee ka soo kordhay gobolka geeska Afrika. Madasha waxaa sidoo kale joogay diblomaasiyiin iyo safiiro ka kala socday dalal badan.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda waxa uu diirada saarayay xiriirka ka dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea. Waxa uu sheegay wasiirka in khilaafka mudada dheer soo jiray ee u dhexeeyay labada dal uu yahay mid aan ku ekeyn dekado iyo bad. Hadalka wasiirka oo dhameystiran waxaa lagu daabacay bogga wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waa weyn ee keenay khilaafka ayuu ku sheegay wasiirka in ay tahay faragelinta dowladda Eritrea ay ku hayso arrimaha gudaha Itoobiya.

“Dowladda Eritrea waxay dareemeysaa in ay xaq u leedahay oo ay kaalin ka qaadato siyaasada gudaha Itoobiya”, wasiirka waxa uu dhaliilay hoggaanka Eritrea oo u sheegay in ay u janjeeraan adeegsiga dhammaan awood kasta oo ka horjeeda danaha Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay hoggaanka dalka in ay “si weyn u doonayaan in ay gobolka ka noqdaan dal taageera dagaalada si ay u gaaraan danahooda”.

Wasiirka wuxuu kaloo ka hadlay arrin kale oo ku saabsan Eritrea oo ah “Siyaasada Isaiah” oo ah mid ku saleysan in jiritaanka Eritrea oo ku jiro dhibaatada, qeybsanaanta, iyo deganaasho la’aanta Itoobiya”.

Wuxuu u sheegay wasiirka dadkii madasha joogay in Eritrea ay gashay “xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida dal iyo dhuleed ee Itoobiya”.

“Hadda ciidamada Eritrea ayaa maamula dhowr deegaan oo ku yaal waqooyiga Itoobiya” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in goobahaas “ay ka mid yihiin dhulka Itoobiya ee madaxbannaan”.

Wuxuu kaloo ku eedeeyay wasiirka in dowladda Eritrea ay “faragelin ku hayso arrimaha gudaha Itoobiya iyadoo taageero siineysa kooxaha hubeysan ee ka horjeeda dowladda”.

Dr. Gedeon waxa uu sheegay tallaabooyinka dowladda Asmara in ay tahay wax “ku filan Itoobiya oo ay ku qaadi karto tallaabooyin ay isku difaacdo”, wuxuu kaloo sheegay in dowladiisa ay diiday in ay qaado tallaabo la xiriirta arrintan.

“Inkastoo Itoobiya ay wajaheyso xadgudubyo halis ah oo lagu sameynayo madaxbannaanideeda dhuleed hadana in aysan qaadin tallaabo ay isku difaaceyso” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in mowqifkan looga fogaanyo dagaalka “uusan aheyn mid sii jiri doona.”

Wasiirka arrimaha dibadda wuxuu kaloo ka hadlay arrintan ku saabsan doonista Itoobiya ee ah in ay hesho dakad, wuxuu ku celiyay hadaladii hore ay dowladiisa u sheegtay ee ahaa in arrinta dekadaha ay u tahay “Itoobiya nolol iyo geeri” iyadoo 130ka milyan ee reer Itoobiya ay u baahan yihiin dekad laysku haleyn karo oo ammaan ah.

Dr. Gedeon wuxuu sheegay in dakadda Cassab ay dowladda Itoobiya ugu jirto “mudnaanta koowaad”.

Dr. Gedeon wuxuu kaloo ka hadlay “maalgalinta weyn ay Itoobiya ku sameysay dakadda ka hor iyo kaddib markii Eritrea go’day” in ay tahay tan ay mudnaanta koowaad ku siinayaan. Dalabka dowladda ayuu sheegay ee dakadda in tahay mid cadaalad ah oo macquul ah marka la eego xaalada dhaqaale ee Itoobiya.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in xiisada ka dhextaagan labada dal lagu xalin karo oo kaliya “isdhexgal dhaqaale oo gobolka ah” oo u dhexeeya laba dal. Wuxuu kaloo sheegay Dr. Gedeon in doonista Itoobiya ee dakad lagu xalin karo habkan.

Wasiirka waxaa la weydiiyay waxa ay noqonayaan tallaabooyinka xiga hadii ay guuldarestaan tallaabooyinka diblomaasi ee socda. Isagoo taas ka jawaabayay wasiirka waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka “go’an tahay in ay ka fogaato wax kasta oo keenaya dagaal”.

“Marka la eego xaalada jilicsan ee ka jirta dhammaan gobolka geeska Afrika, dagaal kale waa musiibo”, ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in dowladda Itoobiya ay “iska dhaaftay” in arrintan ay kaga aargudato Eritrea.

Dr. Gideon oo sheegay in dowladda Itoobiya ay “diyaar u tahay wadahadal” si loo baddelo mustaqbalka labada dal ayaa ugu baaqay bulshada caalamka in ay cadaadis saaraan Eritrea.

Xigasho BBC

Loolanka ka Socda Geeska Africa.

0

Axad, 16, Nov 2025 {HMC}  Gobolka geeska Afrika ayaa wajahaya waqti colaaddu sare martay , hal khalad oo dhacana gobolka wuxuu geli karaa dagaal dhammeystirin, sabab la xiriirta hadallada adag iyo dhaqdhaqaaqyada isbahaysi ee ka socda gobolka, xaaladan oo xataa soo jiidatay dalal ka fog gobolka oo sirdoonkoodu maalinle u bixinayo warbixinno ay digniin ka buuxdo.

In ka badan 25 sanno kadib, hawada gobolka waxaa buuxiyay duulimaadyada ay la socdaan diblomaasiyiin iyo saraakiil sirdoon, taa oo ay barbar socdaan diyaaradaha xamuulka ah iyo maraakiibta lagu daabulayo hubka.

Arrinta oo dhana waxay salka ku haysa damaca Itoobiya ee inay gaarto badda cas iyo hadallada diblomaasiyadda ka maran ee ay is dhaafsanayaan Itoobiya iyo Ereteriya oo midba midka kale ku eedeynayo inuu wado isku diyaarin dagaal.

Xilli Itoobiya ay isku arkaysay inay xakameynayso xiisadan, waxaa soo baxday Masar oo hadda isku muujinaysa awoodda ka hortagaysa iskuday kasta oo itoobiya ay ku gaarayso badda cas.

Masar si lama filaan ah waxay heshiisyo la gashay Jabuuti, waxayna isku diyaarinaysaa inay ciidankeeda badda geyso xeebaha Jabuuti, waxaana la adeegsanayaa sharciyad ah horumarinta dekedaha iyo iskaashiga difaac, waxaa ka horreyay Ereteriya, oo ay isku furanyihiin Masar, halkaana waxaa si deg deg ah leh uga furmay isbahaysi saddex-geesood ah oo ka dhan ah Itoobiya.

Xaaladan waxay gelisay Itoobiya walaac siyaasadeed,kadib markii ay Masar bilowday dhaqdhaqaaqyo diblomaasi iyo ciidan oo ay la sameyneyso Jabuuti iyo Ereteriya, si loo sugo loona maamulo dekedaha ku yaalla labadaas dal, loona joojiyo in Itoobiya hesho marin cusub oo ay ku gaarto badda cas, ama ay ka samaysato deked iyada u gaar ah.

Walaacani wuxuu sare u kacay kadib hadallo uu jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badr Abdel-Aaty oo si cad u sheegay in maamulka iyo ammaanka badda cas ay tahay arrin gaar u ah dalalka xeebaha leh,isla markaana iyaga kaliya ay khusayso ilaalinteeda, xasilinteeda iyo ka shaqaynta in khayraadkeedu sii jiro.

Arrintan waxay ku soo beegantay iyadoo ay jiraan khilaafaad xooggan oo u dhexeeya Qaahira iyo Addis Ababa, gaar ahaan; muranka ka taagan biyo-xireenka GERD,xaaladda Soomaaliya,iyo amniga guud ee geeska Afrika.

Waxaas oo dhan ayaa ku riixay Masar inay ka baxdo xudduudeeda, una dhaqaaqdo waxa loo arko marxalad qoto-dheer oo istaraatiiji ah oo ka baxsan dhulka Masar.

Walaaca Itoobiya wuxuu soo bilowday bilo kahor, markii madaxweynaha Masar, Cabdifatax al-Sisi uu xaqiijiyay in Masar ay si buuxda uga go’an tahay taageerida madax-bannaanida Ereteriya, intii uu socday kulan uu la yeeshay madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki, markaa oo Sisi uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay kordhiyaan iskaashiga iyo isu-duwidda si loo ilaaliyo ammaanka badda Cas.

Dhinaca kale, Jabuuti ayaa iyaduna noqotay goob dhaqdhaqaaq cusub oo Masar ay ka fulineyso mashaariic istaraatiiji ah.

Labada dal waxay isku raaceen in Jabuuti laga hirgeliyo mashaariic badan oo tamar ah, iyo in la ballaariyo aagga konteenarrada ee dekedda Doraleh. Waxay Jabuuti martigelisaa 95% ganacsiga dhoofka iyo soo dejinta Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa dhankiisa sheegay in dhibaatada dalkiisa ka heysata inuu marin badeed helo ay tahay arrin aad u adag oo taabanaysa sharci, taariikh, juqraafi iyo dhaqaale.

Wuxuu ku daray in Itoobiya ay si cad u aragto in Ereteriya ay si aan sharci ahayn gacanta ugu hayso dekedda Casab, oo ahayd deked ay Itoobiya lahayd ka hor intii aan Ereteriya ka go’in.

Abiy wuxuu tilmaamay in xalka mushkiladdan uu ka mid yahay danaha qaranka ee ugu sarreeya, gaar ahaan maadaama Itoobiya ay markii hore maamuli jirtay ku dhowaad 2,000 km oo ka mid ah xeebaha badda cas ,kahor kala go’a Ereteriya.
Xiisadan waxay soo jiidatay dhinacyo kale;

Itoobiya ayaa bixinaysa dadaal diblomaasiyadeed oo muuqda,waxaana gudaha Addis Ababa lagu daabulayaa tiknoolajiyada dagaal ee casriga ah, bilowgii hore way fududeed in loogu yeero waxa ay Itoobiya wado arrimo siyaasadeed oo maamulka Abiy ay isaga dejinayaan arrimaha ka jira gudaha Itoobiya, balse warbixinnada iyo walaaca uu la wadaagay xulafadiisa, sida Imaaraadka,Turkiga iyo xataa Israa’iil oo mar horaba billaabay dhaqaale iyo hub inay ku wareejiyaan Itoobiya, waxay wax walba gacantiisa ka saaraysa Abiy oo qorshaha sida fudud uu bannaanka ugu soo saaray ee gaarista badda ay hadda tahay mid leh xisaab istaraatiji ah oo dalal ka fog gobolka ay u arkaan inay dani ugu jirto.

Isku xirnaanta aan ka jirin gudaha Itoobiya, khilaafka maamullada gudaha, kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda maamulka Abiy ,intaba waxay dheereynayaan inuu Abiy bixiyo amarro degdeg ah oo dagaal oo filashada guusha ay sarreyso, balse dhinacyada hadda xiisadan ku lugta leh ee ka fog gobolka wax dan ah taa kama leh.

Ereteriya, ma aha dhankeeda mid fadhisa oo waxay hadda u dhaqmaysa si ka duwan xaalad kasta oo hore, saraakiisha Ereteriya waxay si maalin le ah u tagayaan Qaahira, halkaa oo Al-sisi uu sidoo kale isku dayayo inuu raadiyo xulafo cusub oo uu ku qanciyo in la difaaco Ereteriya haddii ay la kulanto duullaan uga yimaada Itoobiya.

Jabuuti oo si lama filaan ah xiisad ugu soo biirtay, waxay ka hortagaysa inay la kulanto xaalad aan laga falcelin karin, xilli aan si cad loo xaqiijin karin halka uu yahay bartilmaameedka Itoobiya iyo xulafada gadaal ka taagan oo doonaya Addis Ababa inay gaarto badda, waxayna Jabuuti dabool difaac ka raadisay Masar oo maalgashi ku sameynaysa dekedaha Jabuuti, si sharciyad loogu helo inay Qaahira joogitaan milatari ku yeelato xeebaha dalkaa oo lagu joojiyo iskuday kasta oo la xiriira damaca Itoobiya.

Xaggee ku maqantahay Soomaaliya?

Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer ee gobolka, waxay dhexda uga jirtaa khilaafka gudaha ee aan wax faa’iido ah u lahayn qaranimada, marka la tixraaco in Abiy dul taaganyahay khariirad ay ka muuqdaan dalalka ku teedsan badda ee gobolka, mana ku guuleysan wali inay Soomaaliya la timaado qorshayaal wax ka tari kara difaaca xeebaha iyo ka hortagga xaalad kasta oo gobolka uu geli doono, taa oo ka dhigaysa dalka ugu jilicsan ee colaadan, laga billaabo in Itoobiya ay u arki karto xeebaha Soomaaliya kuwa fudud illaa haddii dagaal uu gobolka galo inay Soomaaliya ka wajahayso saameyn dhaqaale iyo nololeed.

Sharciyada ah iyo xeerar caalamiga ah oo ah waxay ay isku haleeyaan dalalka jilicsan sida Soomaaliya, hadda waa kuwa lala tagay meel ka sarreysa dhulka oo la jeexjeexeyna, mana jurto dammaanad sharci oo waqtigan dunidda ay isku haleyso, awoodda iyo danaha markaa ayaa kala ka xeeyay dallara iskuna keena.

Dagaalladii u dambeeyay ee dunidda iyo dhaqaaqyadii isbeddelka lahaa, tusaale ahaan Suuriya, waxay muujiyeen isbeddel jiho-siyaasadeed, iyadoo aan kor loo sheegin quwadaha Mareykanka ,Ruushka iyo Turkiga ayaa ku heshiiyay isbeddel xukun oo dalkaa ka dhaca,muddo ay ku kala duwanaayeen arrimaha Suuriya, dhinacyadana mid kasta wuxuu qaatay danihiisa, tana waa xaalad meel kasta oo dunidda ah ka dhici karto, gaar ahaan inay Soomaaliya iskaashiyo kula jirto Turkiga iyo Imaaraadka Carabta oo labadaba dano badan ka hel Itoobiya, waxay dhexda u gelin kartaa inay danaha laga leeyahay Itoobiya ay meel cidlo ah soo dhigaan Soomaaliya, haddii uusan dalku la imaan qorshayaal la isugu diyaarinayo xiisadan oo loo baahanyahay in looga hortaggo feejignaan qoto-dheer.

W/Q Iman Jamac

Khilaaf Soo kala dhaxgalay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

0

Axad, 16, Nov 2025 {HMC} Waxaa dhowaan la filayaa in Kismaayo uu ka qabsoomo shir ay ka soo qayb-galayaan siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay maamullada Jubaland iyo Puntland horseed ka yihiin.

Si kastaba, caqabad aan la filayn ayaa soo food saartay qaban-qaabiyayaasha shirka, oo markii hore aan loo sheegin in ka-qaybgalka Xildhibaannada iyo Senatarrada Somaliland ee doorasho dadban lagaga hadli doono.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo ku doodaya in dhammaan xildhibaannada iyo Senatarrada uu maamulkiisu soo xulay ay daacad u yihiin siyaasaddiisa ku aaddan DF, ayaa taageeray mowqif uu Madaxweynaha Puntland soo qaatay 2023-kii markii uu joojiyay wada-shaqeynta uu la leeyahay hay’adaha federaalka.

Dhammaan xildhibaannada iyo Senatarrada uu Madaxweyne Deni soo xulay ayaa taageeray siyaasadda Dowladda Federaalka, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka ku-meel-gaar ka ah.

Maamulka Jubaland wuxuu ku doodayaa in xildhibaannada iyo Senatarrada Somaliland noqdaan xubno sharafeed inta Somaliland sheeganayso inay dal gaar ah tahay kana soo jeeddo qarannimada Soomaaliya. Ma cadda sida uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed u arko mowqifka ay Puntland iyo Jubaland ku mideysan yihiin hadda.

Xubno ka tirsanaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku biiray xisbi lagaga dhawaaqay Turkiga. Waxaa xubnahaas ka mid ah Cabdi Faarax Shirdoon, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya. Xisbigan ayaa sidoo kale uu ku jira Fahad Yaasiin.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo iyada oo weli is mariwaa uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka, gaar ahaan in la aado qof iyo cod, si ay shacabka usoo doortaan hoggaankooda.

Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo tababar dib-u-habayn ah Loo furay.

0

Axad, 16, Nov 2025 {HMC} Taliyaha Guutada 77-aad ee Ilaalada Madaxtooyada Qaranka Col. Maslax Maxamuud Maxamed ayaa tababar dib-u-habayn ah u furay askarta iyo Saraakiisha guutada, kaas oo lagu xoojinayo tayada ciiddanka iyo anshaxooda shaqo.

Taliye Maslax ayaa ku boorriyey Saraakiisha iyo Askarta Guutada 77-aad in ay mudnaanta koowaad siiyaan anshaxa iyo ilaalinta mas’uuliyadda qaran ee ay u xilsaan yihiin, isagoo muujiyey muhiimadda ay leedahay in askartu ay sida ugu habboon ula macaamilaan shacabka xilliyada ay ku jiraan sugidda amniga Madaxda Qaranka.

Sidoo kale, Saraakiil daaci ah oo ka socota Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa askarta kula dardaarmay in ay ka foggaadaan isticmaalka maandooriyaha, isla markaana ay adkeeyaan dhaqanka suubban ee Islaamka, akhlaaqda wanaagsan iyo ilaalinta sharafta ciiddanka.

DFS oo ku dhawaaqday in ay tallaabo kaqaadeyso dadka Macdan-qodista ka sameeyo Soomaaliya.

0

Axad, 16, Nov 2025 {HMC} Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday tallaabo ka dhan ah Macdan-qodista laga sameeyo gobollada qaar, iyada oo sheegtey in cid aan iyada ‘oggolaansho’ ka haysan aysan samayn karin macdan-qodis.

DFS waxa ay ku gooddisey in ay shuruucda caalamiga ah u adeegsanayso shaqsiyaad & shirkado ay sheegtey in ay isugu jiraan Soomaali iyo ajaaniib oo ku howllan macdan-qodis sharci-darro ah, sida sheegtet Wasaaradda Macdanta & Baatroolka.

DFS oo markii ugu horraysay qirtay in la jabsaday xogtii E-visaha Soomaaliya.

0

Axad, 16, Nov 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horraysay qirtay in la jabsaday xogtii E-visaha Soomaaliya.

Maxaa ka jiro in Madaxweynaha Venezuela uu heshiis qarsoodi ah ugu soo bandhigay Trump.?

0

Axad, 16, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Venezuela , Nicolás Maduro ayaa lagu warramaya inuu si qarsoodi ah ugu soo bandhigay Trump, inuu siin doono qeyb weyn oo ka mid ah kaydka shidaalka Venezuela oo gaaraya 300 bilyan oo foosto , si looga fogaado duullaan uu Mareykanka ku qaado Venezuela, balse Trump ayaa diiday qorshahan, taa beddelkeeda maraakiib dagaal ayuu u diray biyaha ku dhow Venezuela, iyadoo ujeeddadu tahay in heshiis midkan ka sarreeya laga helo Venezuela, sida uu sheegay wargeyska New York Times.

Ma jiro wax falcelin ah oo warbixinta wargeyskan Mareykanka ka soo baxa oo ka timid Maduro, lama beenin mana jirto xaqiijin ka timid dhinaca Venezuela, balse marka warbixintan ay soo baxday waxaa muuqaal ku baahisay baraheeda bulshada haweenayda hoggaamisa mucaaradka Venezuela, María Corina ee u janjeerta dhinaca galbeedka oo sheegtay inay diyaar u tahay kaydka shidaalka, macdanta iyo khayraadka Venezuela inay ku wareejiso Mareykanka , haddii laga caawiyo inay xukunka la wareegto.

{DAAWO MUQAALKA} Mareeykanka oo faah faahiyey Khasaaraha AS ay ku gaasiiyeen Duqeeymihii ay fuliyeen.

0

Axad 16,Nov 2025 {HMC} Mareeykanka oo faah faahiyey Khasaaraha AS ay ku gaasiiyeen Duqeeymihii ay fuliyeen.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA