Home Blog Page 3112

{DHAGAYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanwayn

Arbaco Nofembar 29, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Yaasin ali ahmed iyo Mustaf ali adoow

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

{DAAWO MUQAALKA} Ciyaartoydda Mataleysa Hirshabelle lama sameyn habkey ku guuleysan lahaayeen.

0

Arbaco November 29 2023 {HMC} Ciyaartoydda Mataleysa Hirshabelle lama sameyn habkey ku guuleysan lahaayeen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Mucaaradka Maamulka Puntland oo soo saaray war uga dari kara xaalada Garoowe.

0

Arbaco November 29 2023 {HMC}  Mucaaradka Maamulka Puntland oo soo saaray war uga dari kara xaalada Garoowe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ingiriiska oo Turkiga u haysta gabar sinaha inay weynaysato u aaday Turkiga oo geeriyootay

0

Arbaco November 29 2023 {HMC} Ka dib markii ay kordheen kiisaska dhimashada ah ee muwaadiniinta dalka Ingiriiska u dhashay ee dalxiiska isqurxinta u aada Turkiga, ayaa dowladda Ingiriisku waxay ku dhawaaqday in mas’uuliyiinta Turkiga ay kala hadli doonaan xeerarka la xiriira caafimaadka iyo qalliinada is qurxinta.

Meliss Kerr, oo 31 jir ahayd, ayaa u dhimatay qaliinka misigta(sinta) ee Brazilia oo lagu sameeyay Isbitaalka Medicana Haznedar ee Istanbul sanadkii 2019-kii.

Baaritaan lagu sameeyay arrintaan ayaa muujinaya in dadka Turkiga u aada is qurxinta aan la siinin macluumaad ku filan oo ay ku ogaan karaan khatarta uga imaan karta qalliinadan.

Ku-xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Caafimaadka UK Maria Caulfiled ayaa sheegtay in dawladdu “ay arrintan u qaadan doonto si dhab ah”.

Iyada oo ka jawaabeysa warbixintii ay diyaarisay Norfolk Coroner Jacqueline Lake si looga hortago dhimasho la mid ah tan hadda dhacday, waxay ku dhawaaqday in mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada ay dhowaan tagi doonaan Turkiga oo ay la kulmi doonaan dhiggooda.

Qaliinnada la isku qurxiyo waa ka mamnuuc gudaha UK, iyadoo loo sababay halista ka imaan karta.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Turkiga oo aan xiriir la sameynay kama aysan jawaab su’aalihii aan weydiinay tan iyo markii warkaan la baahiyay.

Madaale oo soo arkay bur burka Laami muhiim u ah isku socodka reer Muqdisho

0

Arbaco November 29 2023 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo masuuliyiin kale ayaa xalay kormeer ku tagay wadada dheer ee isku xerta isgoosyada Dabka iyo Bakaaraha oo waxyeelo xoogan ay kasoo gaartay Roobabkii El-Nino ee ka da’ay Muqdisho.

Guddoomiyeyaasha Hodan iyo Howlwadaag ayaa halkaasi warbixin ku siiyay guddoomiye Madaale, xilli ay ku guda jireen dadaalo lagu hagaajinayo wadadaasi, si xal loogu helo bur-burka soo gaaray, iyagoona sheegay in dhawwaan lasoo gaba-gabeyn doonno qorshaha dib-u-dhis ee wadadaasi.

Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay maamulada degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag in ay juhdi fara badan geliyaan dadaalada socda ee xalka loogu raadinaayo sidii dib loogu dhisi lahaa wadadaasi, isla markaana isku socodka gaadiidka iyo bulshada uu si caadi ah ugu soo noqon lahaa.

Roobabka El-Nino ee ka da’ay guud ahaan dalka ayaa sababay qasaaro isugu jira barakac, bur-bur iyo aafooyin kale oo saameyn ku yeeshay nolosha iyo kaabayaasha isku-socodka dalka, iyadoona guud ahaan DFS, maamul goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ay dadaal ugu jiraan sidii loo maareyn lahaa saameynta ka dhalatay roobabka El-Nino.

Mareykanka oo doonaya in uu waji ka sameysto Shacabka dulman ee Falastiin

0

Arbaco November 29 2023 {HMC} Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu Talaadadii uu Gargaar bani aadamnimo u diray Jamhuuriyadda Carabta Masar si looga gudbiyo Marinka Rafax iyada oo loosii gudbinaayo dhinaca Magaalada Gaza.

 

Washington ayaa damacsan in ay iska jeediso indhaha caalamka ee kusii jeeda maadaama ay Israaiil ay siisay Hubka culus ee lagu gumaaday Shacabka Magaalada Gaza, sidaas oo kale Mareykanka ayaa doonaya in uu waji ka sameysto Shacabkaas dulman.

 

Gargaarka Mareykanka ayaa isugu jiray Cunno, Sahay Caafimaad & dharka qaboobaha la xirto waxaana lagu wareejinayaa Mas’uuliyiinta qaabilsan dhinaca gudbinta gargaarkaas loogu talagalay in loo gacangeliyo Shacabka Magaaladaas.

 

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaaladaha adag ee bani aadamnimo darteed Washington ay doorkeeda ka qaadatay u gurmashada Shacabka Gaza sida uu hadalka u dhigay.

 

“Baahiyaha bini’aadantinimo ee Gaza waxay dalbanayaan in beesha caalamku ay wax badan ka qabato. Maraykanka waxaa ka go’an dadaalkan” Sidaasi waxaa yiri Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Ninka lagu magacaabo Jake Sullivan.

 

Arrintaan ayay Dad badan ku sifeeyeen in Mareykanka uu damacsan yahay in uu dhinac kale u jiheeyo xaaladaha dagaal ee dhinaca Magaalada Gaza inkasta oo ay xabbad-joojin ay ku jiraan Xamaas iyo Israaiil oo ku howlan is dhaafsiga Maxaabiista.

Wararkii Ugu Dambeyay AS oo qarxisay xarun ganacsi oo ku taalla Muqdisho

0

Arbaco November 29 2023 {HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Howlwadaag, kaas oo ay jugtiisu si xoogan u maqleen dadka deegaanka.

 

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe uu ka dhacay dukaan lagu iibiyo qalabka Spare Parts-ka baabuurta oo ku yaalla isgoyska Black Sea degmadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

 

Miinada ayaa la sheegay in lagu xiray, kadibna sidaas lagu qarxiyay, ayada oo falkaas lagu eedeeyay kooxda AS oo inta badan weeraro ka fuliso gudaha caasimada.

 

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxan, balse waxaa lasoo wariyay in burbur uu soo gaaray dhismaha dukaanka iyo alaabtii tiilay.

 

Sababta loo beegsaday goobtan ganacsi ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii lagu xiray kaamirada qarsoon ee CCTV oo ay amartay dowladda Soomaaliya, balse waxaa dhanka kale ka horyimid kooxda AS  oo haatan bilowday beegsiga ganacsatada.

 

Waxaa qaraxan ka horreeyay mid kale oo dhawaan ka dhacay degmada Yaaqshiid, kaas oo lala beegsaday Farmashiye isna lagu xiray Kaamirada, waxaana kasii horreeyay miinooyin kale oo lagu xiray xarumo ay shirkadda Hormuud ku lahayd Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

 

Arrimahaan ayaa waxaa walaac ka muujinaya ganacsatada, maadaama ay dhexda u galeen laba dhinac oo kala ah dowladda oo ku amartay inay goobahooda ganacsi ku xiraan CCTV, halka kooxda AS  iyana dul-dhigtay amar kale oo ah in aysan ku xiri karin kaamiro.

 

“Aad ayaan uga xunahay labada dhinac waxay na leeyihiin kan fur, kana xir marka dhibaato weyn ayaan ku qabnaa labada dhinac” ayuu yiri mid kamid ah ganacstad degmada Dharkenley oo uu saameyn ku yeeshay go’aankan kadibna xiran ganacsigiisa.

 

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay ammaankeeda waxa uu ahaa mid deggan, waxaana howlgallo ka wadan ciidamada dowladda Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Xogta Fatahaadda iyo xaalada Magaalada Baladweyne ee Manta 29-11-2023

0

Arbaco November 29 2023 {HMC} Xogta Fatahaadda iyo xaalada Magaalada Baladweyne ee Manta 29-11-2023

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} iskusoo bax looga soo horjeedo in la fuliyo xukunka dhul lagu muransanaa oo ka dhacay Xamar.

0

Arbaco November 29 2023 {HMC} iskusoo bax looga soo horjeedo in la fuliyo xukunka dhul lagu muransanaa oo ka dhacay Xamar.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xubnaha Mucaaradka Puntland oo soo jeediyay in fursad la siiyo dadaalada Isimmada SSC-Khaatuma.

0

Arbaco November 29 2023 {HMC} Dallada ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa ka horyimid guddi qaabilsan wada-hadalka arrimaha doorashooyinka oo uu xalay magacaabay madaxweyne Deni.

War-saxaafadeed ka soo baxay dallada Mucaaridka ayaa lagu caddeeyay in ay diyaar u yihiin wada-hadal dhab ah oo ku saabsan hirgelinta doorasho hufan oo nabdoon kuna dhacda wakhtigeeda 8 Jan 2024.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA