Arbaco November 29 2023 {HMC}Dadkii Ka Barakacay Fatahaada Wabiga Shabeelle oo Dalbaday in Caawiyo
{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka cusub Xulka 18-jirada Soomaaliya iyo fursadaha ay guruubka uga soo bixi karaan.
Arbaco November 29 2023 {HMC} Maxaa ka cusub Xulka 18-jirada Soomaaliya iyo fursadaha ay guruubka uga soo bixi karaan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Bulshada Oromadu ma Soomaali baa mise Soomaalida ayaa Oromo ah?
Arbaco November 29 2023 {HMC} Dood iyo hadal-hayn ayaa ka dhalatay kadib markii odeyaasha dhaqanka bulshada Oromo-da ee booqanaya Somaliland ay jeediyeen hadalo muujinaya inay ka tirsan yihiin qabiil Soomaaliyeed.
Ugaas dhaqameedka hogaaminayey wafdiga oo lagu tilmaamay inuu yahay guddoomiyaha guurtida Oromada Itoobiya ayaa sheegay in wada dhalashada iyo diintu ka wada dhexeeyaan walow qaar badan oo ka mid ah qoomiyadda Oramadu aysan muslmiin ahayn.
Mid ka mid ah, wafdiga oo afka Soomaaliga si fiican ugu hadlayay ayaa sheegay in oromo-da iyo beelaha Somaliland ay wada leeyihiin dhulka iyo dekeda, isaga oo si gaar ah u carrabaabay dekeda Saylac, oo la sheegayo in uu Itoobiya ay danaynayso.
Dalalka Geeska Afrika sida Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya waxaa wada dega qowmiyado badan oo ay ka mid yihiin Soomali iyo Oromo. Labadan qowmiyadood waxay kaga duwan yihiin qowmiyadaha kale ee ay dalalkan wada degaan, in ay leeyihiin dhowr waxyaabood oo isu dhaweynaya labadooda.
Wa’ayo qowmiyada Oromo-du?
Oromadu waa qoomiyad degta geeska Afrika tiradooda guudna lagu qiyaaso ilaa 40 milyan oo qiyaastii 25 milyan oo ka mid ah ay ku noolyihiin Itoobiya.
Qoomiyadani waa Kushitik u badan Muslimiin. Ka sokow Itoobiya waxay qaar ka mid ahi degaan Sudan iyo Kenya.
Waxay isugu jiraan beeralay iyo xoola dhaqato reer guuraa ah. Daraasadaha taariikhda afafku waxay tilmaamayaan in ay qoomiyadan kasoo jeeddo harooyinka sida Chew Bahir iyo Chamo oo ku wada yaal dalka Itoobiya.
Waxay taariikhda Afku qiyaasaysaa in halkan ay ku noolaayeen in ka badan 2 kun oo sano.
Qowmiyadaha Soomaalida, Oromada, Rendille, Booran iyo Gabra waxay ka wada tirsan yihiin Kushitic oo ah mid ka mid ah magacyada lagu mideeyo jinsiyadaha iyaga oo la eegayo waxyaabo ay ka mid yihiin hidde sidahooda iyo taariikhdooda.
Afafka Orormada iyo Soomaaliga ayaa ku wada jira afafka la isku yiraahdo Kushitik oo ay ka mid yihiin afafka qoomiyadaha aan kor kusoo xusnay iyo kuwa kale.
Oromadu ma Soomaali baa mise Soomaalida ayaa Oromo ah?
Waxyaabaha ku saabsan Wefdiga Hargeysa jooga iyo haddalladooda ee hadal haynta dhaliyey ka mid ah su’aashan aan kor ku xusnay. Siyaabo kala duwan ayeyna dadku uga falceliyeen. Haddaba taas awgeed waxaan eegaynaa waxa ka jiri kara sheegashooyinka qaar.
Kahor burburkii Soomaaliya, bulshada Oromo-da ee Soomaaliya joogay, oo qaarkood ahaa jahbad hubeysan oo la dagaalama Itoobiya waxaa loogu yeeri jiray Soomaali Aboo.
Labada qoomiyadood ee Soomalida iyo Oromo waxay degaan laba dhul oo aad u ballaaran dhinacana isku haya, iyo meelaha dhulkaasi iska galo oo ay wada degaan.
Intaas waxaa dheer inay jiraan is sheegasho iyada oo marar badan la arko in qabiillo ka mid ah Oromada ama Soomaalida ay sheegtaan midka ay afkooda ku hadlaan mooyee kan kale.
Tani waxay cadayn u tahay suurta galnimada ah in tusaale qoys Soomaali ah uu la dhaqmo Oromo sidaasna oo ku noqdo Oromo inkasta oo ay ogyihiin in ay dhalasho ahaan yihiin Soomaali.
Tusaalaha ugu fiican: Wefdiga hadda Jooga Hargeysa oo sheegay inuu soo maray Kenya, waxay ku doodayaan inay yihiin qabiil Soomaali ah oo sida ay sheegayaan kaliya aan ku jirin Oromada ee sidoo kale ku dhex jira lana dhaqmay booranta iyo kuwa kale.
Tusaale kale beesha sheekhaal waxaa jira qabiil Oromada la dhaqmay kuna hadla afka Oromada balse ku abtirsanaya isla halka ay Sheekhaal ku abtirsato. Sheegashadu iyaga u gaar ma aha ee waxaa ogol oo la qaba isla beesha Sheekhaal ee Soomaalida ah.
Ma beenin karno mana rumayn karno balse waxay cadeyn u tahay sida ay suurta gal u tahay in labadan qowmiyadood (Oromo iyo Soomaali) ay isku dhex milmaan.
Waxaa sidoo kale jira sheegashooyin ah; qabiillo ka dhex abuurmay labada qowmiyadood oo is guursaday.
Laakiin xaqiiqada taariikhda iyo sooyaalka labada bulsho waa in aysan midna ahayn tan kale, se ay yihiin labo qowmiyad oo siman, islamarkaas na hal meel kasoo farcamay.
Diinta
Qowmiyadda Oromadu waxay leedahay Muslimiin iyo masiixiyiin labadaba, hase yeeshee waxaa badan kuwa islaamka ah waxaana lagu qiyaasaa boqolkiiba 55% ilaa 60% inay yihiin Muslimiin sunni ah.
Oromada muslimiinta ah waxay dhul ahaan is xigaan Soomaalida, waana halka uu ka yimaaddo isdhex galka labada qowmiyadood.
Inkasta oo aynaan qodob gaar ah ka dhigayn dhaqanka; Soomaalida iyo Oromadu way isaga dhowyihiin dhaqan ahaan qowmiyadaha kale. Waxay leeyihiin wax la yiraah Cabbaagade oo u dhigma Ugaas ama Suldaan.
Oromadu waa xoola dhaqato sida Soomaalida oo kale wallow dhanka beeraha ay Soomaalida kaga horeeyaan, waana reer guuraa kuwooda xoolaha dhaqda.
Dhulka
Sida aan horeba soo xusnay dhulka ay hadda Soomaalidu degto iyo kan Oromadu dhinaca ayey isku hayaan wallow uusan u dhaxaynin xad cad oo kala qaybiya ayna dhacdo in mararka qaar ay isu gudbaan si nabad ah iyo dagaal ba.
Qodobada ama waxyaabaha mideeya Soomaalida iyo Oromada uguna xasaasisan waa dhulka, balse si aan sawir uga bixinno aan dib ugu laabanno xooga taariikh ah.
Qarnigii 13-aad ilaa 14-aad ee miilaadiga waxaa geeska Afrika ka talin jirtay boqortooyo islaami ahayd oo la yirah Cadel.
Boqortooyadan waxaa xarun u ahayd magaalada Harar oo hadda ku taal gudaha dalka Itoobiya. Maadaama ay ahayd boqortooyo Islaami ah, waxay ka dhaxaysay guud ahaan qoomaiyadihii muslimiinta ahaa ee halkaas ku dhaqnaa iyo kuwa gadaal ka yimidba.
Boqortooyadani waxay la dagaali jirtay mara bandanna dhul kala qabsadeen middii xabashida oo ahayd bqortooyo masiixiyad ah.
Bqortooyadan waxaa hogaamin jiray marka laga tago shakhsiyaad aan asalkooda si fiican loo qeexin, madax Soomaali ah kana dhashay qaar ka mid ah Qabiilada aan maanta Soomaali u naqaan. Magaaladan aan sheegnay waxaa dhinac walba hadda ka jira Oromada ama dhulka Oromada.
Sida ay dawladda itoobiya diiwaan galisay Oromada degta magaalada Harar maanta, waxay ka badan yihiin Soomaalida iyo xitaa qowmiyadda harariga oo la sheego inay asal ahayn degi jireen halkaas xitaa saldanadii Cadel ka hore.
BBC SOOMALIA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 29/11/2023
Arbaco Nofembar 20, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdimaajid Abdiraxman Aadan
Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Tirada dhimashada fatahaadda Kenya oo gaartay 120 qof
Arbaco November 29 2023 {HMC} Dowladda Kenya ayaa Talaadadii sheegtay in daadad xooggan oo ka dhashay cimilada ee El Niño ay ku dhinteen 120 oo qof gudaha Kenya, halka ku dhawaad 90,000 oo qoy ay ka barakaceen guryahoodii.
Qiyaastii ugu dambeysay ee dhimashada Kenya ayaa laba jibaartay, iyadoo roobab mahiigaan ah oo da’ay kadib abaartii ugu darneyd ee soo marta afartankii sano ee lasoo dhaafay ay qarqiyeen magaalooyin iyo tuulooyin badan.
Kumannaan guri ayay waxyeello soo gaartay, dhul-beereedka ayaa biyuhu fariisteen, halka tobanaan kun oo xoolo ah ay qaraqmeen, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka.
Dalka deriska la ah Soomaaliya, fatahaadaha ayaa dilay ugu yaraan 96 qof, waxaana ku barakacay 700,000, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maareynta musiibooyinka.
Afar gobol oo ku yaalla bariga Kenya ee Tana River, Garissa, Wajeer iyo Mandheera ayaa ah kuwa ugu daran ee ay waxyeelladu soo gaartay, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Raymond Omollo.
Waaxda saadaasha hawada ee Kenya ayaa saadaalisay in roobab mahiigaanka ah ay sii socon doonaan ilaa Janaayo 2024.
Reuters+ VOA
Xamza oo golaha wasiirada Jubaland kala hadlay laba arrin oo xasaasi ah
Arbaco November 29 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Jubbaland oo diiradda lagu saaray gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay daadadku saameeyeen.
Sidoo kale, kulanka waxaa xalay aad loogu gorfeeyey wajiga labaad ee dagaalka kooxda As oo lagu wado in dhawaan laga bilaabo deegaanada Jubbaland.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Golaha Wasiirrada Jubaland warbixin qoto-dheer ka siiyay howlaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo.
Qodobada uu Xamza warbixintiisa isku dul-taagay waxaa ka mid ahaa qorsheyaasha ku aaddan wax ka qabashada isbeddelka Cimillada oo sabab u ah in dalkeennu u dhexeeyo abaaro iyo daadad.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay mashaariicda horumarineed ee Dowladda Federaalku u hayso dhammaan Dowlad Goboleedyada dalka, gaar ahaanna Jubbaland oo uu ka daah-furay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha wasiirrada Jubbaland u sharaxay goobaha uu ka dhagax-dhigay tiro mashaariic ah, isagoo sheegay in kuwo kalena ay waddada kusoo jiraan.
Ugu dambeynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiir walba iyo masuul walba in uu kaalin muuqata ka qaato dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.
Xamza Cabdi Barre ayaa Kismaayo ka sheegay in dhawaan uu wajiga labaad ee dagaalka lagu ciribtirayo ka bilaaban doono Jubaland.
Shanta dal ee ugu awoodda ciidan iyo hubka badan dalalka Muslimiinta
Arbaco November 29 2023 {HMC} Dunida Muslimka’ waxay ka bilaabataa galbeedka Afrika ilaa koonfur bari Aasiya. In kasta oo aanay isku mid ahayn, haddana waxa la isu keenay oo ay ku wada jiraan Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay xubno ka yihiin 57 waddan.
Dagaalada ka socda meelo badan oo dunida ah, sida colaada gaamurtay ee Falastiin iyo Israel, ayaa ku qasbay ciidamada dalalka Muslimka in ay si degdeg ah ula qabsadaan oo ciidamadooda u tababaraan dagaalka caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn, xaaladaha qaarkoodna ay dib u bartaan farshaxanka iyo xeelada dagaalka caadiga ah.
Sacuudiga ayaa ah dalka lacagta ugu badan ku bixiya militariga iyo hubkooda marka la barbardhigo dhammaan dalalka kale ee Muslimka ah.
Sanadkan oo keliya sagaal iyo lixdan bilyan oo doolar ayuu Sacuudiga oo ah dalka shanaad ee lacagta ugu badan ku bixiya ciidamada – kadib Mareykanka, Shiinaha, Ruushka, Hindiya – ku bixiyay dhanka ciidamada iyo militariga.
Miisaaniyadda difaaca ayaa kaliya sheegta qayb ka mid ah xaqiiqooyinka ka jira dalalka. Xarunta Global Firepower (GFP), oo loo isticmaalo qiimaynta awoodda ciidamada dalalka waxay eegtaa dhawr arrimood, oo ay ku jiraan tayada hubka, baaxadda gantaalaha, tababarka, xulafada, xoogga shaqaalaha, iyo xoogga warshadaha difaaca deegaanka.
Haddaba, waa kuwan shanta dal ee ugu xoogga badan dunida Muslimiinta.
Pakistan – Dalka keliya ee Muslim ah ee heysta Nukliyeer
Milatariga Pakistan waa mid adag, oo leh dhaqan ciidan oo soo jireen ah. Sanadihii la soo dhaafay, waxa ay ka faa’ideysatay iskaashi xooggan oo ay la yeelato Sucuudiga iyo Shiinaha si ay u casriyeyso ciidamadeeda, iyada oo la adeegsanayo tignoolajiyada milatari ee culus iyo horumarinta hubka.
Hawlgal ahaan, Pakistan waxay ku faantaa mid ka mid ah ciidamada ugu weyn gobolka, oo leh caqiido hub oo isku dhafan oo xoog leh oo ay taageerto adeeg sirdoon oo awood leh iyo dadaal joogto ah oo lagu horumarinayo awooda warshadaha difaaca iyo soo saarista hubka casriga ah iyo rasaasta.
Sidoo kale waa mid ka mid ah wadamada gobolka ee leh awooda nukliyeerka. Ururka Xakamaynta Hubka ayaa dhigaya kaydka nukliyeerka ee Pakistan uu yahay 140 gumacyada nukliyeerka, oo lagu qiimeeyay kaalinta lixaad ee hubka nukliyeerka ee adduunka.
Pakistan waa dalka keliya ee Muslim ah ee ku hubeysan nukliyeer. Waxay kaga jirtaa kaalinta 7aad liiska kala sarreynta awoodda ciidan iyo hub ee dunida.
Waxay heystaa 3,700 oo taangi, 1,400 oo diyaaradaha ciidamada ah, sagaal gujis, iyo tiro ciidamo qalabka sida oo ku dhow toddobo boqol oo kun.
Pakistan waxay ku bixisaa ciidamadeeda dhaqaale dhan kontan iyo kow bilyan oo doolar sanad walba.
Turkiga – Dalka keliya ee Muslim ee xubin ka ah isbaheysiga ciidan ee ugu awoodda badan dunida ee Nato
Turkiga oo saddex jibbaaray dhaqaalaha uga baxa ciidamada iyo qalabka dagaalka sanadkan ayaa kor u qaaday awoodiisa milatari sanadkii la soo dhaafay, isaga oo laba meelood ka soo kicitimay darajada awooda militari ee 2023 ee qiimeynta awoodaha ciidamada.
Turkiga oo hadda ku jira kaalinta 11-aad, waxa uu hadda yahay dalka ugu awoodda badan dalalka Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika, iyo dhammaan dalalka Muslimka.
Marka laga soo tago joogitaanka culus ee uu ku leeyahay Suuriya, Turkigu waxa uu horumariyay warshado difaac oo xooggan, waxa uu soo saaray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallada casriga ah ee casriga ah, taangiyada dagaalka, iyo helikobterrada dagaalka lagu tijaabiyay.
Turkiga ayaa sidoo kale saldhigyo waaweyn oo horudhac ah ka sameystay Qatar iyo Soomaaliya, isagoo ballaariyay awoodiisa juqraafiyeed iyo saadaalinta awoodda.
Turkiga oo horey sanad walba ugu bixin jiray difaaca, ciidamada iyo agabkooda 16 bilyan ayaa hadda kadib howlaha ciidamada iyo difaaca ku bixin doona 40 bilyan sanad walba.
Indonesia – dalka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan
Indonesia waa dalka saddexaad ee ugu awoooda badan dunida Muslimka. Waxay leedahay 112 milyan oo qof oo u diyaar ah inay ciidan noqdaan. Taas waa boqolkiiba afartan tirade bulshada dadkaas.
Waxaa lagu wado in ay noqoto dalka afraad ee ugu dhaqaalaha badan aduunka marka la gaaro 2050, ciidankeedu waxa uu sii wadaa in uu kordho.
Iyadoo ay wadaan dadaallada casriyeynta difaaca ee socda, GlobalData waxay saadaalisay in kharashka difaaca Indonesia uu ka kori doono $8.8bn sanadkan ilaa $9.7bn marka la gaaro 2028.
Indonesia, oo ah tirilyan-dhaqaale oo koray celcelis ahaan wax soo saarka guud ee gudaha qiyaastii 2.9% sanadkiiba inta u dhaxaysa 2019 iyo 2023, waa mid ka mid ah dalalka kharash-gareeya dhaqaalaha ugu badan eek u baxa difaaca ee Koonfurta Aasiya.
Hay’adda GlobalData ayaa tilmaamaya in diyaaradaha millateriga ee garabka go’an ee qaranku ay yihiin qaybta ugu weyn ee uruurisa maalgelinta ugu badan – oo ku kacaysa $22.7bn inta lagu jiro muddada 2023-28.
Masar – dalka ugu awoodda badan dunida Carabta
Masar waxay kaalinta 14aad kaga jirtaa qiimeynta awoodda ciidan iyo agabka ee 145 dal ee dunida.
Masar waxa ay haysataa 1,069 diyaaradood oo garbo go’an ah iyo kuwo heelokobtar. Turkiga ayaa heysta 1,065 diyaaradood oo dagaalka ah, waxaana ku xiga Sucuudiga (897), Israel (601), UAE (565), Algeria (547), Iran (541), Syria (453), Iraq (361) iyo Urdun (256). ).
Marka laga soo tago raxanno kala duwan oo dagaalyahanno ah iyo diyaarado qaada ciidanka iyo xamuulka, Masar waxay leedahay 20 saldhigyo cirka ah iyo awood saadka oo ballaaran.
Masar waxay ku hawlan tahay sidii ay u noqon lahayd xarun goboleed oo lagu soo saaro diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee F16.
Masar waxa kale oo ay haysataa daraasiin diyaarado Helicopter ah oo ah nooca loo yaqan Apache iyo dhawr darsin diyaaradood oo C-130 Hercules ah.
Dadaallada lagu horumarinayo awoodda ciidamada cirka ee Masar waa fidinta falsafadeeda difaaca taas oo hormuud u ah casriyaynta iyo horumarin dhamaystiran oo joogto ah.
Mar haddii Masar aanay saldhigyo ciidan ku lahayn dibadda, isla markaana aanay wax niyad ah u hayn inay samaysato, ciidamada cirku waa cududdooda dheer ee ay isaga difaacayaan khatarta dibeda.
Iran – dalka islaamka ee ugu saamaynta badan bariga dhexe
Iran waxa u suurtagashay in ay gaadho kaalinta 17-aad. Iran ayaa la sheegay in ay ku bixinayso miisaaniyad milatari oo dhan US$ 5.5 bilyan difaaca, ciidamada iyo agabkooda sanadka 2023. Marka laga reebo, dalka uu hogaamiyo Ebrahim Raeisi waxa lagu qiyaasaa in uu ururiyay 19 nooc oo ah gantaalada joogga hoose ku duula ee loo yaqaan cruise iyo gantaalaha ballistic-ga.
Gudaha Iran, kooxo badan oo ka mid ah ciidamada qalabka sida ayaa hub ku haysta. Waxaa ka mid ah Ilaaladeeda Kacaanka Islaamiga ah oo askartoodu ay gaareyso 125,000 oo dheeraad ka ah dhammaan noocyada kale ee ciidamada.
Waxa kale oo ay Iran ku guulaysatay in ay si hufan u maarayso malayshiyaad badan iyada oo la jaan-qaadaysa guud ahaan baahideeda ciidan, maleeshiyaadkaas ayaa ku fidsan dalal kala duwan sida, Lebnan, Ciraaq, Yemen iyo meelo kale.
Iran waxay samaysay uruka Xisbullah ee ka dagaalama Lubnaan kaas oo lagu tilmaamay inuu ka awood badan yahay qaar badan oo ka mid ah milatariga caalamka.
Sanado badan oo cunaqabatayn ah, Iran waxay horumarisay warshad difaac qaran oo muhiim ah waxayna samaysay horumar weyn oo ay ku noqonayso dawlad nukliyeer ah.
Ciidankeeda hubaysan ayaa sidoo kale loo arkaa inay si gaar ah ugu xoogan yihiin dagaalka aan caadiga ahayn. Iran ayaa taageero farsamo iyo mid ciidanba siisay taliska Asad ee Suuriya iyo Xuutiyiinta Yemen.
ISHA BBC
WAR DEG DEG AH Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed oo Caawa So saartay Digniin Cusub
Talaado November 28 2023 {HMC} Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa Caawa soo saartay digniino la xariira Roobab la filayo dhamaadka bishaan iyo bilowga bisha December ee Sanadkaan.
HOOS KA AKHRISO DIGNIINTA CAAWA LA SO SAARAY
Madaxweyne Biixi oo xilkii ka qaaday mas’uulkii horkacayay madax-dhaqameedkii Oromada
Talaado November 28 2023 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xilkii ka qaaday mas’uulkii horkacayay madax-dhaqameedkii Oromada ee dhawaan socdaalka ku yimid Magaalada Hargeyso ee Caasimada Soomaaliland.
Axmed Faarax Cadare, ayaa ahaa guddoomiyihii guddida Tamarta Soomaaliland ayaa maanta xilka laga qaaday,kaas oo goobo badan ku so wareejiyay.
Si rasmi ah looma oga sababta xilika looga qaaday Masuulka so hogaamiyay Wafdiga Oramada ee dhawaan lagu so dhaweeyo.
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka
Talaado November 28 2023 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 28 11 2023.



