Home Blog Page 3114

Saciid DENI ‘oo meesha ka saaray’ arrin faaftay oo la xiriirta khilaafka DF Soomaaliya

0

Talaado November 28 2023 {HMC}  Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi cusub bixiyay ayaa ka hadlay khilaafka maamulkiisa kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Saciid Deni oo wareeysi Bixiyay  ayaa waxa uu marka hore meesha ka saaray in gebi ahaanba meesha ka baxday wada-shaqeyntii Puntland iyo dowladda dhexe, taasi oo si weyn u faaftay kadib markii Puntland ay kal hore sheegtay inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan oo kale.

Waxa uu xaqiijiyay in wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo maamulka aysan si toos ah u kala go’in, hase yeeshe ay dowladda Muqdisho isku hayaan arrimo masiiri ah oo ay tahay in loo maro waddo saxan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedka Puntland wada-shaqeyn kala la’aan ah kala go’ ah majirto, waa la wada shaqeeya, laakiin qawaaniinta iyo arrimaha qaarkood waa isku diidan yihiin. Hal ku dal gal ayuu leeyahay, hawada dowladda dhexe ayaa maamusha, oo immigration-ka halkan ku yaalla dowladda dhexe ayuu hoostaga, diyaaradaha imanaya iyaga ayaa soo siiya ogolaanshaha,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirarkii Golaha Wadatashiga Qarank uu uga baaqday kadib markii ay u cuntami weysay sida uu madaxweyne Xasan wax u wado, oo uu tilmaamay in uu deg deg badan ka muuqdo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la yimid mission aad u weyn oo ah in dhowr billood lagu xaliyo wixii taagna oo dhan, annagana runtii waxay nagu noqotay arrin qariib ah, waxaan maleynaynay in dowladda marka ugu horeyso in ka horreeyaan arrimaha amniga iyo arrimaha isfahmka dowladnimada iyo waxyaabo badan,” ayuu yiri.

Tartanka eeyaha oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 250 eey oo ka furmay dalka Sacuudiga

0

Talaado November 28 2023 {HMC} Dadka isticmaal baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyay tartanka Eeyaha oo la filayo in lagu qabto dalka Sacuudiga dhamaadka bishan.

Shabakadda Riyaad oo soo qabanqaabisay taratanka ayaa shaacisay in uu socon doon muddo labo maalmood ah, iyadoo ku micneysay in loo arko inay tahay dabbaaldeggii ugu horreeyay ee adduunka oo la isugu keeno afar horyaal oo Ey ah .

Waxaa laga fiirin doon, tartanka Eyga ugu firfircoon ,kana ugu qurxoon,iyo kan ugu shaqada badan inta tartanka uu socado.

Tartanka ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 250 eey oo laga kala keenay daahfah aduunka.

Tartanka eeyaha oo qeyb ka ah bandhiga Riyaad ee 2023 ayaa dhaliyay muran baahsan oo u dhexeeya bulshada Sacuudiga.

ISHA BBC

Burcad badeed Soomaali ah oo weerartay markab laga leeyahay Israa’iil

Talaado November 28 2023 {HMC} Isku-dayga afduubka markab ganacsi ee marayay gacanka cadmeed maalintii Axada ayaa u muuqda mid ay ka danbeeyeen burcad badeed Soomaali ah oo hubaysan, balse ma ahayn in Xuutiyiinta Yemen, inkasta oo ay gantaalo kasoo rideen dhulka ay Xuutiyiinta ka taliyaan ee Yemen, sidda uu sheegay Pentagon-ka Isniintii.

“Waan sii wadeynaa qiimeynta, laakiin calaamadaha ugu horreeya ayaa ah in shantan qof ay ahaayeen Soomaali, waxaana uu intaas sii raaciyay Sida cad waa dhacdo la xiriirta burcad-badeednimada” ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka Brigadier General Patrick Ryder.

Dhanka kale, dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaddiyadan. Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Mareykanka ayaa ka jawaabay qaylo-dhaan murugo leh oo Axadii ka soo yeeray markabka kiimikada qaada ee Central Park.

Weerarka Kooxda geysatay ayaa lagu hor-istaagay markabka dagaalka ee uu leeyahay Maraykanka kaas oo lagu magacaabo Mason, sida ay sheegeen militariga Dalka Maraykanka, waxaana badqaba hormuudka Markabka Central Park iyo shaqaalihii la socday.

Marka laga tago isku daygan fashilmay ee ay wadeen bur-cad Badeeda Soomaaliya ayaa Waxaa jiray weeraro xiriir ah oo ka dhacayay biyaha bariga dhexe tan iyo markii uu Bilaawday dagaalka u dhexeeyo Israa’iil iyo kooxda Xamaas ee reer Falastiiniyiinta 7-dii October ee sanadkan.

Talaabadan Isku dayga afduubka markabka ayaa daba socday afduub ay Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ku qabsadeen markab xamuul oo xiriir la leh Israel, kaasoo marayay koonfurta badda cas todobaadkii hore. Central Park waa doon qaada shidaalka kaas oo ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime Ltd, oo xarunteedu tahay London hoostagana shirkad maaraynta maraakiibta caalamiga ah oo ay leeyihiin qoyska Israel Ofer.

Markabkan ay weerareen Burcad badeedka Soomaalida oo sitay calanka Dalka Liberia ayaa la dhisay Sanadkii 2015, waxaana iska leh shirkadda Clumvez Shipping Inc, sida ku cad xogta LSEG.

Maxaa dhaxmaray Hogaamiyaha Ururka Xamaas iyo maxaabiis Israa’iilyiin ah?

0

Talaado November 28 2023 {HMC} Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in hoggaamiyaha Xamaas ee Falastiin Yahya Sinwar uu horay ula kulmay tiro maxaabiis ah oo ay ururka ku haysteen mid ka mid ah godadka dhulka hoostiisa mara ee Marinka Qasa.

 

Wargeyska “Yedioth Ahronoth” ee ka soo baxa Israa’iil ayaa xogtan ka soo xigtay maxbuus dhawaan la sii daayay iyo kuwoo kale oo xaqiijiyay in ay sidoo kale la kulmeen Sinwar.

 

Haweenay ka mid ah maxaabiista ay Xamaas sii daysay ayaa tiri in markii ay gacanta u galeen ururka ay socdeen muddo saacad ku dhow kadibna gudaha u galeen god dheer ilaa ay ka gaareen hool weyn oo ku dhex yaala.

 

Waxay sharaxday in maxaabiista ay la socdeen koox ka mid ah dagaalyahannada Xamaas, kadibna waxaa hoolka soo galay Sinwar. “Wuxuu noo xaqiijiyay in aan la kulmi doonin dhibaato haba yaraatee, oo aan ku badbaadayno halkan.” ayay tiri.

 

Ciidamada Israa’iil ayaa goor hore ku dhawaaqay in 11 maxbuus oo laga soo daayey Qasa ay soo gaareen Israa’iil.

{DAAWO MUQAALKA} Xulka Qaranka Soomaaliya oo guul weyn ka gaaray dhigooda Wadanka Suudaan

Talaado November 28 2023 {HMC} Waxaa goordhaw soo idlaatay ciyaar u dhaxeysay xulalka qaranka wadamada Suudaan iyo Soomaaliya ee 18 jirada ah, taasoo ka mid aheyd kulan ka tirsan koobka Bariga iyo bartamaha Afrika.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa dhiggooda xulka dalka Suudaan ugu awood sheegtay 3-0 gool 90kii Daqiiqo ay socotay Cayaarta .

Ciyaaryahanada xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan oo aanan horay looga baran oo rajo weyn galisay dadka Soomaaliyeed in markale Soomaaliya koobkaan ku guuleysan karto.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga Hambalyeysay guusha xulka qaranka 18 jirada dalkeena ay maanta ka gaareen dhigooda dalka Suudaan.

“Soomaali baad u tahay Guul. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud wuxuu Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa xulka qarankeenna oo sadex Gool iyo Ebar (3-0) kaga adkaaday xulka qaranka Sudan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya.

Kulankan ayaa Soomaaliya u noqonaya kulankii labaad, waxaana kulankaan kii ka horeeyay ay lasoo Ciyaareen xulka dalka Rwanda oo guul dirqi aheyd ka gaaray xulka Soomaaliya oo kulankaas ku ciyaareyay 10 ciyaartooy kadib markii uu kaarka casaanka ah uu qaatay ciyaaryahan ka mid ahaa xulka qaranka Soomaaliya.

Wax ka qabashada fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya oo Loogu Deeqay $5 milyan oo Dollar.

0

Talado November 28 2023 {HMC} Qaramada Midoobay (QM) ayaa ku deeqday lacag dhan 5 milyan oo dollarka Maraykanka ah si wax looga qabto roobabka daadad xooggan wata oo ka da’ay guud ahaan Soomaaliya.

Kaalmada cusub ayaa ku soo beegantay lacag dhan 25 milyan oo doollar oo ka timid Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo Sanduuqa Dhexe ee wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA).

“Shaqaalaha bini’aadantinimada ayaa shaqeeya habeen iyo maalin si ay uga jawaabaan baahiyaha isa soo taraya, iyagoo qaadaya tillaabooyin, si ay u yareeyaan saameynta degdega ah ee El Nino iyo dhisidda adkeysiga bulshooyinka.” ayaa lagu yiri qoraalka UN-ka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa dhawaan ku booriyay Hay’adaha Samafalka in ay si deg deg ah wax uga qabtaan Gurmadka Fatahaadaha ee saameeyay dalka, gaar ahaan deegaanada Maamulka Jubbaland.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SODMA, daadadka ilaa hadda waxa ku dhintay in ka badan 90 qof iyo in ka badan 900,000 oo qof oo ku barakacay guud ahaan dalka.

“96 ka mid ah dhimashada, 28 ka mid ah waxay ku dhinteen dooni la dagtay iyagoo al-Shabaab ka cararayay,” ayuu yiri Guddoomiyaha SODMA.

Waxa uu ku baaqay in la is garabsado dadaallada lagu yareynayo fatahaadda, waxaana uu ku booriyay muwaadiniinta in ay feejignaadaan maadaama roobab kale ay weli filayaan maalmaha soo socda.

Saadaasha hadda waxay muujinaysaa in ka badan 90% suurtagalnimada El Niño iyadoo roobab caadi ah oo ka sarreeya la filayo meelo kala duwan maalmaha soo socda.

 

UN bolsters funding as Somalia grapples with severe flooding crisis

0


Tuesday November 28, 2023

The United Nations humanitarian agency said Monday it has provided 5 million U.S. dollars in additional funding to help address the ongoing heavy rains and devastating flash floods in Somalia.

The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said the latest funding is in conjunction with the earlier 25 million dollars allocation from the Somalia Humanitarian Fund and UN Central Emergency Response Fund.

Somalia is facing a flood emergency that has killed at least 96 people and affected more than 2.3 million others, according to the Somali government.

The impact of El Nino coupled with a positive Indian Ocean Dipole is expected to affect more people living in riverine areas and destroy 1.5 million hectares of farmland, according to the UN.

This is not the first time that Somalia has faced the deadly cycle of droughts and floods, as three consecutive years of flooding since 2018 displaced hundreds of thousands of people, the UN said.

Humanitarian workers are working around the clock to respond to the mounting needs, taking early action to mitigate the immediate impacts of El Nino and building communities’ resilience to future shocks. Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre has urged humanitarian agencies to act swiftly in response to the flood emergency affecting the country, especially in Jubaland.

El Nino-induced flash floods have caused significant devastation in riverine and low-lying districts across Gedo, Lower Jubba, and Middle Jubba regions. Jubaland is currently grappling with this humanitarian catastrophe and is in urgent need of support.

Abdi, who is on a tour of Jubaland, called for immediate assistance for hundreds of thousands of vulnerable communities in a dire humanitarian situation after being impacted by El Nino floods.

The prime minister on Sunday visited a temporary internal displaced persons’ camp in Luglow, located near Kismayo and home to thousands of families seeking shelter from the flooding along the Jubba River. “Jubaland is facing a flooding emergency. We must act swiftly. With countless vulnerable communities severely affected by El Nino floods, it is imperative that relief agencies step up and provide immediate aid. Time is of the essence,” he said.

Amir receives credentials of ambassadors of Oman, Brazil and Somalia

0


Tuesday November 28, 2023

Doha, Qatar: The Amir HH Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani received the credentials of three new ambassadors to the country in his office at the Amiri Diwan on Tuesday, November 28, 2023.

His Highness received the credentials of HE Ammar bin Abdullah bin Sultan Al Busaidi, Ambassador of the sisterly Sultanate of Oman, HE Marcelo Otavio Dantas Loures da Costa, Ambassador of the Federal Republic of Brazil, and HE Mohameed Ahmed Sheikh Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia.

His Highness the Amir welcomed the new ambassadors, wishing them success in their missions, and further progress and prosperity for relations between the State of Qatar and their countries.

For their part, Their Excellencies the ambassadors conveyed to His Highness the greetings of the leaders of their countries and their wishes for continued development and growth to the Qatari people.

An official reception ceremony was held for Their Excellencies the Ambassadors upon their arrival at the Amiri Diwan.

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo faahfaahiyay mashruuca Nagaad ee dhismaha wadooyinka

Talaado Nofembar 28, 2023 {HMC} Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo faahfaahiyay mashruuca Nagaad ee dhismaha wadooyinka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

US says Somali pirates likely behind attempted tanker seizure near Yemen

0


Tuesday November 28, 2023

The Pentagon has said that the attempted hijacking was likely the work of Somali pirates rather than Houthi fighters.

An undated photo released by Zodiac Maritime shows the tanker Central Park, which a group of armed attackers attempted to hijack in a raid on November 26 [Zodiac Maritime via AP]
The United States has said that a group of attackers who tried to seize an Israel-linked cargo ship over the weekend were probably Somali pirates rather than Houthi fighters from nearby Yemen.

Speaking on Monday, Pentagon spokesman Brigadier General Patrick Ryder noted that the US has not ruled out a Houthi connection to the attempted hijacking by five armed men over the weekend.

“We’re continuing to assess, but initial indications that these five individuals are Somali,” said Ryder.

“Clearly a piracy-related incident,” he added.

US Navy forces thwarted the capture of the tanker Central Park over the weekend after it was boarded by armed men, who were captured after the US warship Mason arrived on the scene.

The attempted hijacking comes at a time when Yemen’s Iran-backed Houthi rebels have carried out a series of raids on ships in the region, and the US said ballistic missiles were fired from Houthi-controlled territory in the direction of US ships shortly after the attack.

The Houthis have consolidated control over large swathes of northern Yemen and emerged as a growing force in the region after a yearslong war with the country’s government and a coalition of forces from Saudi Arabia and the United Arab Emirates.

While fighting in Yemen has become more subdued over the last year, the Houthis have launched several attacks on Israel amid ongoing fighting between Israel and the Palestinian armed group Hamas in the Gaza Strip.

Missile and drone attacks launched towards Israel have largely failed, but the group has seized commercial ships in the Red Sea that they say have connections to Israel.

Following one such seizure earlier this month, the US said that it was considering redesignating the Houthis as a “terrorist” organisation.

The Pentagon has said that the ballistic missiles fired over the weekend were launched in the general direction of the US ships, but that they fell into the ocean about 19km (10 nautical miles) away from the vessels and did not result in any injuries.

Yemen’s government in Aden placed blame on the Houthis for the attack, but the group did not acknowledge either the missile launch or the attempted vessel seizure.

The Central Park is managed by Zodiac Maritime Ltd, a London-headquartered international ship management firm, owned by Israel’s Ofer family.

SOURCE: AL JAZEERA AND NEWS AGENCIES