Axad Nofembar 26, 2023 {HMC} 15-Maalin wax raashiin masoo galin Baladweyne intii horay u taalay ayaa gabo gabo ah.
{DAAWO MUUQAALKA} Gaxajis Waxaan uga baahanahay Nabad inay nala doonan” Boqor Buur-madaw
Axad Nofembar 26, 2023 {HMC} Gaxajis Waxaan uga baahanahay Nabad inay nala doonan” Boqor Buur-madaw
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan”Waxaan ka shaqeyneynaa in maxaabiista SSC iyo SNM lakala wareejiyo”
Axad Nofembar 26, 2023 {HMC} Madaxweyne Xasan”Waxaan ka shaqeyneynaa in maxaabiista SSC iyo SNM lakala wareejiyo
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Qaramada Midoobay oo faah-faahin ka bixisay Gargaarka bani aadamnimo ee maalintii 3aad u gudbaya Magaalada Gaza.
Axad Nofembar 26, 2023 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay Gargaarkii bani aadamnimo ee shalay u gudbay dhinaca Waqooyi ee Magaalada Gaza oo iska caabbintii ugu adkeyd ay kula kulmeen ciidanka Yuhuudda kahor xabbad-joojinta jimcihii dhaqangashay.
Sarkaal katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 61 Gaari oo ah nooca xamuulka qaada lagu raray shixnad isugu jirtay Agab Caafimaad, Shidaal, Biyo & waxyaabo kale oo ay u baahan yihiin Shacabka Waqooyiga Magaalada Gaza ku nool.
Warka ayaa intaas lagu daray in maanta oo Axad ah ay Gudbayaan ku dhowaad 200 oo Gawaarida gurmadka xambaarsan kuwaas oo haatan taagan dhinaca Rafax si ay ugu gudbaan Waqooyiga Magaalada Gaza.
Ciidanka Yuhuudda ayaa isku dayay in ay xadidaan isu gudubka Dadka labada daan (Labada dhinac) ka kala jooga Magaalada Gaza waa Koofurta iyo Waqooyiga halka ay sidaas oo kale damacday in ay xadidaad ku sameyso gargaarka u gudbaya Magaaladaas.
Isbitaalka Al-Shifa oo Bukaannada lagu daweynayo ay dhibanayaan u noqdeen ciidanka Israaiil ayaa lagu wareejiyay 11 Gaari oo ah nooca Gurmadka Degdega ah (Ambalaas) & 3 Bas oo loogu talagalay in lagu qaado dhaawacyada halista ah.
Xabbad-joojinta Xamaas & Israaiil ay ku gaareen Magaalada Gaza ayaa ah mid loo calaamadeeyay in 4 cisho ay socoto taasi oo waqti ahaan ku siman maalinta berri oo Isniin ah 27ka Nofeembar 2023 balse waxaa jira dooq ah in la kordhin karo xili kasta.
7 dal oo aad fiiso la’aan ku tagi karto marka ay Soomaaliya dhameystirto shuruudaha ku biirista EAC.
Axad Nofembar 26, 2023 {HMC} Soomaliya ayaa la aqbalay inay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika ka dib shir madaxeedki 23-aad ee Madaxda dalalkaasi ku yeesheen Magaalad Carusha ee dalka Tansaaniya.
Dawladda Soomaaliy ayaa sheegtay in dhamaan xuquuqaha iyo faa;iidooyinka ay leedahay dalladaan ay Soomaaliya heli doonto si lamid ah dhamaan wadamada kale ee xubnaha ka ah. Waxaa kamid ah faa’iidooyinkaas baasaboorka ka wada dhaxeeya wadamada ee dhamaan muwaadiniintu aysan dalku-gal u baahanayn.
Geediga ku biirista dalladan EAC ayey Soomaaliya soo bilowday sanado ka hor, markii saddexaad ee ay codsatay ku biirista ururkaan ayaa la aqbalay ugu dambayn.
Sida ku cad qodobka 104 ee heshiiska, Dawladaha wadaaga ahi waxay ku heshiiyeen inay qaataan tillaabooyin lagu gaadhayo dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka, shaqada iyo adeegyada kale.
Dawladaha ku bahoobay ururkaan ayaa leh sharci dhigaya in la fadudeeyo socdaalka muwaadniintooda, kadib heshiis ay gaareen oo dhaqan galay 2010 kii.
Mabaadii’dda ururkaan ayaa waxaa qayb ka ah isu furka xuduudaha, dhaqaaqa adeegyada shaqo iyo sidoo kale ganacsiga.
Wadamadaan ayaa leh hal baasaboor oo ay wadaagaan kaas oo u fududeeya muwaadiniintooda inaysan ka walwalin dalku gal.
Haddii Soomaaliya dhamaystirto shuruudaha
Sida ay sheegtay dawladda Soomaalia guud ahaan xuquuqaha uu leeyahay muwaadinkasta oo dalkiisu ka mid yahay ururkaan ayuu yeelan doonaa kan Soomaaliga ah.
Wasiiru dawlaha arimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Balcad ayaa BBC da u sheegay in Soomaaliya haatan la sugayo in baarlamaanku ansixiyaan heshiiska ku biirista ururkaan, taas oo la filayo inay dhameytiranto bilaha soo aadan, sida uu sheegay.
Hadaba muwaadinka Soomaaliga ah, hadii sida ay sheegtay dawladda Soomaaliya uuna qabo sharciga EAC uu helo xaquuqahaas wuxuu xaq u yeelan doonaa inuu dal-kugal la’aan booqan karo wadamadaan; Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, Koonfurta Sudan iyo DR Congo.
Todobadaan wadan ayey muwaadiniinta Soomaalidu ku yeelanayaan xaquuq safar oo uu siinayo axdiga socdaalka ee Bulshada Bariga Afrika marka la dhamaystrido shuruudaha Soomaaliya ugu dhiman Ururkan.
Balse sida ay qabaan dadka ka faalooda xiriirada caalamiga ah, waxaa laga yaabaa xaaladaha ka jira wadamada qaar inay saameyn ku yeeshaan sida loogu fududeyn doono xuduudaha.
Muwaadiniinta dalalkoodu ku jiraan Ururkan ayaa leh xaquuq socdaal oo u sahlaysa inay isaga kala gooshaan dalalkan si fudud oo sahlan.
Hadii qof ka mida bulshada dalalkan uu u baahdo inuu safro si deg dega isagoon haysan basaaboor wadamada EAC ah wuxuu haystaa fursad kale oo socdaal ku tagi karo midkasta oo ka mida dalalka ururkan sida ku cad bogga bulshada bariga afrika isaga oo isticmaalaya aqoonsiga gudaha dalkiisa, sida uu qabo sharciga socdaalka ee ku daabacan bogga EAC.
Balse waddanka DR Congo ayuu sheegay ururku inuusan sidaas sameyn karin maadaama uusan wali buuxin shuruudahii kamid noqonoqshada ururka, laakiin filayo mustaqbalka inuu buuxiyo shuruudahaas.
Soomaaliya oo shalay heshay aqbalaada ku biirta ayaa sidoo kale heli karta xuuqahaas sida ay qabto dawladda Soomaaliya marka ay dhameystiraan shuruudaha harsan.
Muxuu yahay ururka EAC?
Bulshada Bariga Afrika (EAC) waa urur dawladeed oo ka kooban siddeed waddan oo ku yaalla harooyinka waaweyn, Geeska iyo Bariga Afrika:
Dalalka , Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania, Uganda iyo Jamhuuriyada dimuqradigaa ee Congo ayaa xubno ka ah ururkan halka xaruntiisuna tahay magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya.
Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka soo muuqato liiskaan, kadib markii shalay la aqablaay inay noqoto waddanka sideedaad ee xubin ka noqonaya ururkaan.
Ururkan ayaa la balaariyey, waxaan toddobadii sano ee la soo dhaafay ku biiray oo loo ogoladay South Sudan, DR Congo iyo Soomaaliya oo ugu danbaysay.
Waxaa ururkan la asaasay sanadkii 1967-dii halka 1997 uu burburay balse waxaa dib loo soo nooleeye bishii Luulyo sanadkii 2000.
hadda, hogaanka wareega ee ururka waxaa haya Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan Salva Kiir.
BBC SOMALIA
Ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhimatay Soomaaliya 25 Malmood ee lasoo dhaafay
Axad Nofembar 26, 2023 {HMC} Tirada dadka ku dhintay fatahaaddaha ku dhuftay wadanka Soomaaliya ayaa gaartay 96 qof, sida uu sheegay gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macalin oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.
Sida gobolka intiisa kale, daadad ka dhashay roobbab mahiigaana oo ka da’ayay todobaadyadii ugu dambeeyay iyo webiyada oo inta ay buux dhaafeen ku fatahay magaalooyin badan oo Soomaaliya kamid ah ayaa keentay in 900,000 oo qof ay guryahooda ka barakacaan.
Dadka ay saameysay fatahaadda ku dhufatay Soomaaliya ayay Hay’addu ku sheegtay in ay gaarayaan 2.3 milyan oo qof.
Xoolaha nool ee lagu waayay fatahaadda ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan 4,000 oo neef.
Hantida ku burburtay fatahaadda ayay Hay’dda Maaraynta Musiibooyinku sheegtay in ay gaarayaan 136,045 oo isugu jira guryo, gawaari iyo alaabo kalaba.
Maka 1979: Qabsashadii Kacbada ee beddeshay taariikhdii Sacuudiga
Axad Nofembar 26, 2023 {HMC} Afartan sano ayaa laga joogaa markii wadaad iyo dadkii taabacsanaa ay la wareegeen Masjidka barakeysan ee ku yaalla magaalada Maka oo ah halka ugu barakeysan dunida sida uu Islaamku qabo. Weriyaha BBC-da Eli Melki ayaa sheegtay in qabsashada masjidka ay ruxday dunida Islaamka isla markaana ay beddeshay taariikhda Sacuudiga.
Subaxnimadii hore 20-kii November 1979, ilaa 50,000 oo qof oo dunida daafaheeda ka kala timid ayaa isugu yimid Kacbada si ay ugu tukadaan salaadda subax. Dadkaas waxaa ku jiray 200 oo rag ah oo uu hoggaaminayay wadaad 40 sano jir ahaa oo lagu magacaabo Juhayman al-Utaybi.
Markii uu imaamkii dhammeeyay tujinta salaadda, Juhayman iyo dadkii taabacsanaa ayaa dhinac u riixay waxayna la wareegeen makarafoonkii.
Waxay bartamaha masaajidka dhigeen naxashyo, marka salaadda ay dhammaato waxaa caado ah in masaajidka la keeno meydadka si loogu tukado salaadda janaasada. Hase yeeshee, markii la furay naxashyadii waxaa ka soo muuqday qoryaha gacanta, si degdeg ah ayaana loogu qeybiyay raggii.
Mid ka mid ah raggii makarafoonka la wareegay ayaa meesha ka akhriyay khudbad diyaarsaneyd: “Muslimiinta halka joogtaay, waxaanu ku dhawaaqeynaa maanta imaanshaha Mahdi… oo la imaan doona caddaalad iyo sinnaan dhulka ka hirgasha kaddib markii caddaalad-darro ay dhulka harqisay.
Xujeydii meesha ku sugneyd, waxay tani u ahayd wax la yaab leh. Xadiisyada waxaa lagu weriyay in Rasuulka NNKH uu sii sheegay imaashaha Mahdi. Waxaa lagu sheegay inuu yahay nin awood dheeraad ah uu Alles iiyay, Muslimiinta qaar ayaana aaminsan inuu horseedi dooni caddaalad.
Wadaadka, Khaled al-Yami, oo taabacsanaa Juhayman, ayaa sheegay “aragtiyo badan ayaa muujiyay imaashaha Mahdi”. Boqollaal Muslimiin ah ayaa riyada ku arkay, sida uu sheegay Yami. Magaca Mahdi wuxuu ahaa Mohammed bin Abdullah al-Qahtani.
Cod laga soo duubay khudbada, waxaa la maqlayay Juhayman oo ninkii hadlayay ka dhexgalaya hadalka isla markaana raggiisa ku amraya inay xiraan albaabbada Kacbada.
”I maqla walaalayaal! Ahmad al-Lehebi, aad sagxadda kore. Haddii aad aragto qof amarka ka hor imaanaya, toogo!”
Sida laga soo xigtay goobjooge magaciisa qariyay, Juhayman wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Mahdi u duceeya, isla markiina dadkii kale ayaa bilaabay inay ka daba dhahaan “Ilaah baa weyn!”.
Balse sidoo kale waxaa jiray jahwareer. Abdel Moneim Sultan, oo ahaa arday Masar u dhashay oo diinta baranayay isla markaana yaqaannay qaar ka mid ah dadkii la socday Juhayman, ayaa dib u xusuustay in masaajidku ay ka buuxeen ajaanib aan si fiican u garaneyn luqadda carabiga, mana aysan fahmi karinw axa meesha ka dhacay.
In la arko rag hubeysan oo ku sugan meel ay diintu ka mamnuucdo inay rabshado ka dhacaan, iyo rasaas la maqlayay ayaa ka yaabisay dad badan oo Kacbada ku cibaadeysanayay, waxaana dadkaasi ku adkaatay inay helaan meel ay ka baxaan.
Balse saacad gudaheed ayaa lagu soo afjaray howgalka. Kooxaha hubeysan ayaa la wareegay Masjidka, taas oo caqabad ku noqotay qoyska boqortooyada Sacuudiga.
Short presentational grey line
Ragga la wareegay Masjidka barakeysan ayaa ka tirsanaa ururka al-Jamaa al-Salafiya al-Muhtasiba (JSM) oo cambaareeyay waxa uu ugu yeeray isbeddelka qayimka bulshada iyo diinta ee Sacuudiga.
Dalkan oo saliidda qaniga ku ah, ayaa kobcayay. Gawaarida iyo qalabka korontada ayuu sidoo kale caan ku ahaa, gobollada qaarna ragga iyo haweenka ayaa bilaabay inay isdhex galaan.
Juhayman, oo ka mid ah aasaasayaasha JSM – oo ka soo jeeda Sajir, oo ku taalla Bedouin bartamaha dalkaas – ayaa dadkiisa ka hor qirtay in noloshiisii hore aysan hagaagsaneyn. Waxay isugu yimaadeen guriga mid ka mid ah dadkii taabacsanaa, isagoo uga sheekeeyay taariikhdiisa.
Usama al-Qusi, oo ahaa arday diinta barta oo ka qeyb galay kulamada kooxda, ayaa maqlay Juhayman oo sheegaya inuu ku lug lahaa “ganacsi sharci darro ah, ayna ku jirto daroogada”.
Si kastaba, wuu ka towbad keenay, wuxuuna noqday hoggaamiye dhanka diinta oo ay ku daydaan xubnaha JSM, gaar ahaanna da`yarta.
Inta badan dadka yaqaannay sida ardaygii diinta baranayay Mutwali Saleh, way ka dambeeyeen: “Ma jiro qof arkay ninkan oo aan jecleysan. Wuxuu ahaa qof la yaab leh. Noloshiisa oo dhanna wuxuu siiyay Allah, maalin iyo habeen.”
Si kastaba, hoggaamiye dhanka diinta ah ayaa sheegay in ninkani uusan aqoon badan lahayn.
“Juhayman wuxuu jeclaa inuu aado meelaha miyiga ah ee ay ku nool yihiin dadka Bedouin,” Nasser al-Hozeimi, oo ay isku dhow yihiin, ayaa sheegay. “Sababo la xiriira luqaddiisa carabiga oo daciif ahayd iyo isagoo lahaa lahjadda Bedouin, wuxuu ka fogaan jiray inuu u khudbeeyo dadka wax bartay isagoo ka baqayay in la ogaado.”
Dhanka kale, Juhayman wuxuu ka tirsanaan jiray Ilaalada Qaranka Sacuudiga, tababarka milatari ee uu haysto ayaana door weyn ka cayaartay la wareegidda masaajidka.
JSM ayaa waxay markii dambe isku dhaceen culimadii Sacuudiga waxana ku bilowday ugaarsi.
Juhayman ayaa duurka u qaxay, halkaasoo uu ka soo cambaareyn jiray boqortooyada Sacuudiga. Wuxuu isku qanciyay in Sacuudigu uu noqday dal musuqmaasuqu la degay isla markaana in samada looga yimaado mooyaane aysan waxba is beddeleynin.
Hoggaanka Sacuudiga ayaa ka falceliyay la wareegidda Kacbada.
Dhaxalsugihii xilligaas Fahd bin Abdulaziz al-Saud wuxuu ku sugnaa Tunisia oo uu ka socday shirkii Arab League halka amiir Abdullah, oo ahaa madaxii Ilaalada Qaranka – uu ku sugnaa Morocco. Waxaa arrintii looga tegay Boqor Khaled oo xanuunsanaa iyo wasiirkii difaaca amiir Sultan.
Booliiska Sacuudiga ayaa markii hore ku guul darreystay inay fahmaan baaxadda dhibaatada, balse markii dambe ayay ku guuleysteen inay dib ula wareegaan Kacbada.
Halkee ayuu ku dambeeyay Juhayman?
“Juhayman waxaa ka dhammaaday rasaasta iyo cuntada,” ayuu yiri Nasser al-Hozeimi, oo asxaabtiisa ka mid ahaa. “Waxay isugu tageen qol yar, ciidammada ayaana bambaanooyin qiiq sii deynaya ku soo tuurayay… Sababtaas darteed ayayna isku soo dhiibeen. Juhayman wuu tegay asxaabtiisiina way ka daba baxeen.”
Maj Nufai oo goobjoog ka ahaa kulankii markaas kaddib dhacan, ee u dhaxeeyay amiirrada Sacuudiga iyo Juhayman oo aan is beddelin ayaa sheegay inay sidan wax u dhaceen: “Amiir Saud al-Faisal ayaa weydiiyay: ‘Sabab, Juhayman?’ Wuxuu ku jawaabay: ‘Waa qaddar.’ ‘Wax aad u baahan tahay miyaa jira?’ Wuxuu yiri: ‘Waxaan rabaa biyo.'”
Juhayman ayaa warbaahinta loo soo bandhigay, bil kaddibna 63 mucaarad ah ayaa dadka hortooda lagu dilay, kuwaasoo ku kala sugnaa siddeed magaalo oo Sacuudiga ku yaalla. Juhayman wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee dhinta.
Sacuudiga ayaa wixii intaa ka dambeeyay sii ahaa dal asal-raac ah, balse dhowaan ayaa waxaa soo muuqday isbeddello.
Wareysi lala yeeshay bishii March 2018, Dahaxlsuge Mohammed Bin Salman, ayaa sheegay in kahor 1979, “Waxaan ku nooleyn nolol caadi ah sida dalalka kale ee Gacanka, haweenka ayaa kaxayn jiray gawaarida, waxaa Sacuudiga ku yaalla tiyaatarro aflaanta laga daawado.”
ISHA BBC SOMALIA
Maxaabiis kale oo ay saaka is weydaarteen Israa’iil iyo Xamaas
Axad Nofembar 26, 2023 {HMC} 13 Isra’iiliyiin ah iyo afar muwaadin oo u dhashay Thailand ayaa aroonimadi hore ee Axadda maanta ah gaaray Israel, kaddib marki ay xalay sii daayeen Xamaas oo afduub ugu heystay Gaza.
Israel ayaa dhankeeda sii deysay 39 Falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyadeeda, kuwaas oo iyaguna saakay aroortii hore gaaray Daanta Galbeed. Sii deynta tobnaanka qof ee labada dhinac ayaa qeyb ka ah heshiis xabad-joohin afar maalin ah oo ay gaareen Israel iyo Xamas, heshiiskaasi oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Qatar iyo Masar.
Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen millatariga iyo waaxda amniga gudaha Israel ayaa lagu sheegay, in Isra’iiliyiinta lasoo daayay loo qaaday isbitaallada si loogu sameeyo baaritaan caafimaad, kaddibna ay la midoobi doonaan qoysaskooda.
Dhanka Ramallah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP, boqollaal qof ayaa soo dhaweeyay bas weyn oo uu leeyahay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas oo waday Falastiiniyiinta laga soo daayay xabsiyada Israel xalay. Wakaaladda wararka Reueters ayaa iyaduna sheegtay in 33 ka mid ah 39-ka lasoo daayay ay carruur yihiin.
Maanta oo Axad ah iyo berri oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in la dhameystiro sii deynta dadka ay kala heystaan labada dhinac. Heshiiska xabbad joojinta ayaa ku eg Talaadada.
{DHAGAYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 26/11/2023
Axad Nofembar 26, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; Cabdimajiid Aweeys isaaq
Farsamadii :Yasiin Cali Axmed
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
{DAAWO MUUQAALKA} Kuuriyada woqooyi oo shaacisay bartilmaameedyada dayax-gacmeedkeeda wax basaasa ee ay tijaabisay.
Axad Nofembar 26, 2023 {HMC} Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa kormeeray sawirro uu qaaday dayax gacmeedka cusub ee basaaska ee dalkaasi. “Bartilmaameedyada ugu waaweyn” waxaa ka mid ah caasimadda Kuuriyada Koonfureed ee Seoul iyo magaalooyinka martigeliyay saldhigyada ciidamada Mareykanka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.



