Home Blog Page 3126

Sidan ayey Xamaas ku sababaysay dib dhigista sii deynta qaybtii labaad ee dadka ay haysato

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC}  Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa BBC-da u sheegay in dib u dhaca ku yimid soo wareejinta la haystayaasha caawa fiidkii ay sabab u tahay jabinta Israa’iil ee heshiiskii xabbad joojinta ee bini’aadantinimo ka dib markii ay ka hortagtay gawaari gargaar oo lagu heshiiyey inay galaan waqooyiga Qaza.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay ogolaatay kaliya 3 ka mid ah 100 baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah oo lagu heshiiyey inay gaaraan waqooyiga Qaza.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Israa’iil ay jabisay heshiiskii xabad joojinta iyadoo diyaarado aan duuliye lahayn dul marisay koonfurta Qaza.

Mas’uulka Xamaas oo la hadlay BBC-da ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay wax weyn ka bedeshay liiska maxaabiista Falastiiniyiinta ee lagu heshiiyay in la sii daayo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada difaaca Israa’iil ay labo Falastiiniyiin ah ku dileen Beit Xanoun oo ka tirsan Qaza, oo ah aag loo ogol yahay in ay u guuraan Falastiiniyiintu.

Waxa uu BBC-da kala hadlayey go’aanka Xamaas ay dib ugu dhigtay sii deynta la haystayaasha Israa’iil.

ISHA BBC 

{DAAWO MUUQAALKA} Qiimaha la iibiyo khudaarta suuqyadda Baladweyne oo sara ukac xoogan laga dareemayo.

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC}  Qiimaha la iibiyo khudaarta suuqyadda Baladweyne oo sara ukac xoogan laga dareemayo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Dowladda Kenya oo Soomaaliya ugu hambalyeysay ku biirista ururka bulshada bariga Afrika ee EAC

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Dowladda Kenya ayaa soo dhaweysay ku biiritaanka Soomaaliya ee xubinimada bulshada Bariga Afrika (EAC) kadib ol’ole ay Soomaaliya ku doonaysay in ay ku biirto ururkan.

War qoraal ah oo uu soo saaray wasiirka koowaad Kenya, Musalia Mudavadi ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya guusha ay gaartay, isagoo sheegay in xoojinta xiriirka gobolka iyo kobcinta midnimada ay fure u tahay furitaanka awoodda ballaaran ee Bariga Afrika.

“Si wadajir ah, waxaan u dhisi doonaa mustaqbal ifaya dhammaan muwaadiniinteena,” Mudavadi ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Soomaaliya ayaa shalay loo ogolaaday inay noqoto xubinta sideedaad ee ururka EAC, iyadoo doonaysa inay ku balaadhiso ganacsiga xorta ah ee gobolka oo dhan.

Soomaaliya ayaa hadda ku biirtay dalalka Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania iyo Uganda oo ka tirsan urur goboleedka.

“Waxaan go’aansanay in aan aqbalno Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida uu dhigayo heshiiska ka mid noqoshada,” guddoomiyaha EAC ee xilka ka degaya, madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye, ayaa ka sheegay shir-madaxeedka kooxda ee Tanzania.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugnaa madasha shirka.

EAC waxaa la aasaasay 2000 waxayna ka shaqeysaa dhiirigelinta ganacsiga iyada oo meesha ka saaraysa canshuuraha u dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah.

{DHAGAYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 25/11/2023

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark  Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; abdi maajid abdirxman aadan

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaare Xamze Oo Caawa Gudoomiyay Shir Deg Deg Ah

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir ku saabsan diyaargarowga COP28 oo 30-ka November ka furmi doona magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka-ka Carabta.

 

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee ku aaddan shirka isbeddelka cimillada ee COP28 iyo qorshooyinka cadcad ee Soomaaliya shirkaasi la tagaysi, si wax looga qabto dhibaatooyinka isbeddelka cimilada adduunka ku keenay dalkeena.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu saameyn toos ah ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddel ballaaran laga dareemayey 30-kii sano ee la soo dhaafay.

{DAAWO MUUQAALKA} Gargaar loogu Talagalay Dadka ku Godoonsan Gudaha Baladweyne oo Maanta Dooman Lagu so Qaaday

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Gargaar loogu Talagalay Dadka ku Godoonsan Gudaha Baladweyne oo Maanta Dooman Lagu so Qaaday

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Jawaahir Baarqab oo wakiil ka ah Gudoomiyaha Madaale ayaa Maanta Aqalka dowlada Hoose waxa

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC}  Jawaahir Baarqab oo wakiil ka ah Gudoomiyaha Madaale ayaa Maanta Aqalka dowlada Hoose waxa ay lacag gareysa 20 kun oo dolar kuwareejisay abtiga hooyo Xaawa cabdulaahi

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ku biirista Ururka Bulshada Bariga Africa waa guul usoo hoyatay soomaaliya”Xildhibaan Dhabancad”

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC}  Ku biirista Ururka Bulshada Bariga Africa waa guul usoo hoyatay soomaaliya”Xildhibaan Dhabancad”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Somalia joins East Africa trade bloc as it eyes new opportunities

0


Saturday November 25, 2023

MOGADISHU, SOMALIA — The East African Community trade bloc admitted Somalia as its eighth member on Friday, a move Somali authorities and businesses hope will boost the country’s war-ravaged economy.

The EAC common market — which consists of Burundi, Democratic Republic of Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania and Uganda — was set up in 2010 and currently comprises almost 300 million people.

“Somalia officially joins the East African Community, reinforcing ties and opening new doors for progress and partnership,” Daud Aweis, Somalia’s minister for information, culture and tourism, said in a post on X, formerly Twitter.

With the new member the bloc has expanded its market and also gained an additional new coastline stretching over more than 3,000 kilometers (1,800 miles) that holds potential for offshore resources like oil and gas.

In turn the bloc’s large population and existing customs union and common market are a draw for investors that Somalia can now tap into.

Although the EAC has over the decades made progress in economic integration, like many other trade blocs it has struggled to overcome barriers to commerce such as red tape, political instability, poor infrastructure and trade disputes.

Somalia, which has a population of about 17 million, had sought to join the EAC for years, but its chronic instability made some East African countries reluctant to grant it membership, analysts say.

Al Qaida-linked al-Shabab has waged a brutal insurgency against the Mogadishu government since 2006. Some officials have voiced concerns that EAC integration could ease the movement of militants and contraband across the region.

Kenya postponed plans earlier this year to reopen its border with Somalia after more than a decade of closure due to a surge in attacks in northern Kenya by suspected al- Shabab fighters.

Somali businesses said the country’s vibrant private sector, which has overcome long odds to stay afloat, will bring a fresh injection of risk-tolerant entrepreneurs into the trade bloc and boost exchanges across the large Somali diaspora.

“It will be simpler for the large Somali diaspora living across East Africa to access financial services and products,” said Shuayb Haji Nur Mohamed, managing director of Salaam Somali Bank, one of Somalia’s major banks.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Cagaweyne”Baarlamaanka waxaa horyaalla hindise sharciyeedka wax kabadelka dastuurka”

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC}  Xildhibaan Cagaweyne”Baarlamaanka waxaa horyaalla hindise sharciyeedka wax kabadelka dastuurka”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA