Home Blog Page 3128

Madxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka 11aad ee soomaliya

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si ramsi ah u daah-furay kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka 11aad ee JFS waxaana uu ka jeediyay khudbad uu uga hadlay dhinacyo kala duwan oo guud ahaan Dalka taabanaya
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka wadajir ugu faah-faahiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka, Heshiiska siyaasadeed ee Golaha Wadatashiga Qaranka, Xaaladaha bani aadamnimo, dhammeystirka Dastuurka KMG ah, Puntland, Somaliland & qodobo kale
Mid mid ayuu u dul istaagay dhammaan qodobada uu soo hadal qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida arrimaha Dastuurka oo uu sheegay in muddo dheer uu u baahan yahay in laga saaro Kumeel-gaarka lana qabyo tiro
Baarlamaankii 9aad & kii 10aad ayuu tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in duruufo jira awgeed ay dhammeystiri waayeen balse maanta la sugayo Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka oo heysta fursad ku filan
Dhinaca Amniga waxa uu sheegay in Ciidamada Federaalka & Kuwa Dowlad-Goboleedyada oo kaashanaya Dadka Deegaanka in ay gacanta ku dhigeen dhul baaxad weyn oo muddo dheer qaarkood ay maamulayeen ‘AS’
Dayn cafinta & in ay Soomaaliya ka baxdo cutubka 7aad ee Qaramada Midoobay oo aanay u wanaagsaneen in uu Dalka kusii jiro ayuu sheegay in ka shaqeyntiisa in ay u baahan tahay wadajir iyo iskaashiga Buuxa
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayuu Madaxweynaha shaaciyay in ay gacanta ku heyso shuruucda ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah oo muddo 7 jeer ah ay kulmeen
Arrimaha Somaliland ee la xiriira Xaaladaha kala guurka ee Doorashooyinka ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya shaaciyay in ay marar badan ku baaqeen in la dadejiyo lana fuliyo waqtiga lagu ballamay
Xaaladaha siyaasadeed ee Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland ka taagan ayuu soo jeediyay in lagu dhammeeyo hadallada wanaagsan iyo in la raaco dhabbaha wadahadalka si looga baaqdo in la raaco dhabba weliba oo aan raad-raaciisu fiicneen.

{DAAWO MUUQAALKA} Shaqaaqo dad lagu dilay kuwa kalana lagu dhaawacay oo ka dhacday Goordhow Baladweyne.

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Shaqaalo dad lagu dilay kuwa kalana lagu dhaawacay oo ka dhacday Goordhow Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{ DAAWO MUUQAALKA} Khudbada Madaxweyne xasan sheekh oo uu kaga hadlay Arimo badan oo taabanaya Xaalada Dalka.

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Khudbada Madaxweyne xasan sheekh oo uu kaga hadlay Arimo badan oo taabanaya Xaalada Dalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Banaanbax Looga soo hor jeedo ka Xiisada Siyaasadeed ee puntland oo dhacay Magaalada Garowe

Banaan bax looga soo horjeedo Xiisada Siyaasadeed ee dhexeysa Madaxda Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ku muransan arrimaha doorashada ayaa ka dhacay magaalada Garoowe Caasimada Puntland
Dibad baxaan oo ay dhigayaan Qaar ka mid ah Haweenka ayay ku dalbanayaan in si nabdoon lagu dhammeeyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan khilaafaadka doorashada Puntland ee sannadka 2024
Haweenka ayaa ku baaqaya in aysan shacabka colaad u horseedin Madaxda Puntland iyo siyaasiyiinta hubaysan islamarkaana khilaafkooda arrimaha doorashada ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka si looga baaqsado dagaal iyo qalalaase
Sidoo kale, Odayaasha dhaqanka SSC Khaatuma ayaa magaalada Garoowe weli  ka wada dadaalo nabadeed oo lagu xallinayo xiisadda ka taagan doorashada waxaana ay shirar kala duwan la yeesheen madaxda Maamulka Puntland iyo mucaaridka ee isku khilaafsan qabsoomida doorashada 2024 puntland ka dhici doonto.

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Shaaciyay tirada Xildhibaannada ku dhaawacmay dagaalka A,S

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo maanta ka hadlay furitaanka kalfadhigga afaraad ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaannada qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah A,S
Aadan Madoobe ayaa ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh doorkii uu ka qaatay hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah AS,waxa uuna sheegay dagaalka socda in ay qeyb ka yihiin xildhibaannada labada aqal ayna tageen furimaha hore ee dagaalka
Guddoomiyaha ayaa sheegay in labo xildhibaan oo ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ku dhaawacmeen dagaalka dalka looga xureynayo kooxda A.S
“Waxaad ogtihiin inay ku dhaawacmeen xildhibaano iyo senataro ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay xildhibaanka Golaha Shacabka ugu da’da weyn Cabdisalaan Dhabancad, sidoo kale waxaa dhaawacmay Senataro Cabdi Qaybdiid oo runtii dalkan xilal badan kasoo qabtay” ayuu yiro guddoomiye Aadan
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya markan ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro kooxda A.S,waxa uuna cadeeyay in xildhibaannada baarlamaanka ay naftooda u hurayaan sidii cadawga looga adkaan lahaa.

{DHAGAYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 25 11 2023}

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Mustaf Ali adoow iyo abdi maajid abdirxman aadan

Farsamadii :Muuse ali xeroow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xogta biyaha Fatahaada iyo xaalada Magaalada Baladweyne ee Maanta 25-11-2023.

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Xogta biyaha Fatahaada iyo xaalada Magaalada Baladweyne ee Maanta 25-11-2023.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Puntland oo cadeysay in aanay marna aqbali doonij wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka DFS.

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Puntland oo cadeysay in aanay marna aqbali doonij wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka DFS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Bulshadda Gobalka mudug maxay ka dhaheen ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bushada bariga Africa

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Bulshadda Gobalka mudug maxay ka dhaheen ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bushada bariga Africa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Sadaali oo ku guuleyso $30.liverpool vs man city

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Sadaali oo ku guuleyso $30.liverpool vs man city

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA