Home Blog Page 3129

RW Spain oo sheegay in Dalkiisa uu aqoonsanayo Dowladda Falastiin xitaa haddii ay diidaan Dalalka Midowga Yurub.

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez ayaa si cad u sheegay in Dalkiisa uu noqonayo waddanka ugu horreeya ee Qaaradda Yurub dhaca ee aqoonsada Dowladda Falastiin xitaa haddii ay diidaan Dalalka kale ee xubnaha ka ah EU-da.

Sanchez ayaa Ciidanka Yuhuudda ku eedeeyay in xadgudub wayn ay ka geysteen Magaalada Gaza ee Dhulka Falastiin kaddib markii ay beegsadeen Dad rayid ah oo isugu jiray Haween, Carruur, Goobo Caafimaad, Waxbarasho & xeryo Barakac.

Hadalkaan waxaa aad uga carootay Xukuumadda Israaiil balse Spain dhex jalaq uma siin oo waxa ay u yeertay Danjiraheeda iyada oo ay ku wargelisay xaaladda soo cusboonaatay iyo in ay ka warqabto waxyaabaha kasoo kordhi kara.

Ciidanka Yuhuudda ayaa Magaalada Gaza waxa ay ku dileen in ka badan 13,000 ruux oo rayid ah kaddib markii Israaiil ay sheegtay in ay la dagaalameyso Xamaas oo ay ka libin heli waysay kuna sii kordhay khasaaraha kasoo gaaray dagaalkaas ay gashay.

Mareykanka oo kaashanaya Waddamo kale oo dhaca Qaaradda Yurub ayaa garab istaag xooggan u muujinaya Ciidanka Yuhuudda waxaana Xulufada la safan Washington ka dhex muuqda Ingiriiska, Faransiiska, Ukraine & Dalal kale.

Wararkii ugu dambeeyay furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee BF iyo arrinta Dastuurka

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Waxaa lagu wadaa inuu maanta oo Sabti ah uu si rasmi ah u furmo Kalfdhiga 4-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, maadaama ay muddooyinkii ugu dambeeyay fasax ku maqnaayeen xildhibaanada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in daah-furo kalfadhigan, isaga oo khudbad xasaasi ah u jeedin doono xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah mid aad isha loogu wada hayo, waxaana horyaallo shaqooyin muhiim iyo shuruuc ay soo gudbisay xukuumadda Xamza.

Sidoo kale doodaha adag ee fadhigan waxaa kamid ah wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah oo ay ku howlan tahay Villa Somalia, lana filayo in xildhibaanadu ay go’aan ka gaaraan.

Qodobka ugu weyn ee isha lagu wada hayo ayaa ah nidaamka cusub ee loo guurayo oo ah madaxweyne iyo ku xigeen, sida uu horay u shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Karkarinta iyo diyaarinta qorshahan ayaa hadda si wyen u socda, waxaana dhaq-dhaqaaqiisa durbo bilaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed oo todobaadkii hore kulan u qabtay xildhibaanada maamulkiisa ku metala baarlamaanka labada Gole, isaga oo kala hadlay wax ka beddalka Dastuurka oo uu tilmaamay inay tahay arrimo culus oo muhiim ah.

Dhinaca kale waxaa arrintan kasoo horjeedo xubnaha mucaaradka oo hadda ay indhaha u furan yihiin, iyaguna waxa ay ku ballansan yihiin shir ay ku cadeynayaaan mowqifkooda.

Furitaanka kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kusoo aaday, xilli ay dalka ka jiraan xaalado bani’aadanimo oo ka dhashay fatahaadaha.

Xamaas oo ku baaqday in Israaiil ay joojiso Diyaaradaha Drones-ka ee Gaza dul heehaabaya si Xabbad-joojintu ay usii jirto.

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC}  Saraakiil katirsan Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa Guddiga la soconaya Xabbad-joojinta ay la galeen Israaiil usoo jeediyay in uu Yuhuudda ku amro joojinta Diyaaradaha duulliye la’aanta ee wax basaasa ee Drones-ka loo yaqaan ee dul maraya Magaalada Gaza.

Xamaas ayaa arrintaas ku tilmaamtay daan-daansi lagu doonayo in lagu jebiyo xabbad-joojinta maadaama Israaiil ay sameyneyso tallaabooyin keeni kara in markale dhaqdhaqaaqoodu uu qaado falcelin la xiriirta kahortagga isku dayada Yuhuudda.

Sarkaal sare oo katirsan Xamaas ayaa sheegay in dhankooda ay fulinayaan heshiiska loona baahan yahay in dhinaca kale waa Israaiil in ay fuliyaan xabbad-joojinta labada dhinac ay kuwada gaareen Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar.

Maalintii labaad waxaa dhaqangalay xabbad-joojinta Xamaas iyo Israaiil ay wadagaleen iyada oo Shacabka Magaalada Gaza ay raadsanayaan Gargaarka bani aadamnimo ee loosoo fasaxay si ay ugu faaiideystaan xabbad-joojinta 4ta cisho ah.

Dhinaca kale mas’uuliyiin katirsan Xamaas ayaa soo jeediyay Gaadiidka kasoo gudbaya marinka Rafax ee laga leeyahay Dalka Masar in si toos ah loo gudbiyo lana joojiyo gargaarkaas meel dhexe lagu gedinayo si loogu sii qaado Gaadiid yar oo waqti badan ku qaadaneysa daabulitaankooda.

Faahfaahinta Howgal ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameyen xeebta Liido

0

Sabti  Nofembar 25, 2023 {HMC}  Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in si gaar ah loogu beegsaday maqaayado iyo hoteello ku yaal xeebta, kuwaas oo ay ku caaweynayeen gabdho iyo wiilal dhalinyaro ah.

Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa gudaha u galay xarumo ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdcasiis, waxayna galeen qolal lagu isticmaalayay maan dooriye, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo ku dhow laamaha amniga.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid looga hortagayay isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya oo la sheego in si aad ah loogu isticmaalo xeebta.

Sidoo kale waxaa howlgalkan qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan mamaulka gobolka Banaadir oo sheegay inay la dagaalami doonaan maan dooriyaha iyo dhaqan xumada.

Horay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho,Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa u hoggaaminayay howlgal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, isaga gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi xilli ay ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo rag & dumar leh.

Duqa Muqdisho ayaa xilligaas garaacay wiilal iyo gabdho ku jiray kalaabka, kuwaas oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

Habeenka Jimcaha waa mid kamid ah habeenada ugu mashquulka badan Liido, waxaana inta badan isugu tega dhalinyaro kala duwan oo qaarkood isticmaala maan dooriyaha.

Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday howlgallo lagula dagaalamayo maan dooriyaha, kaas oo uu hormuud u yahay maamulka gobolka Banaadir.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 25/11/2023

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Shiinaha oo Dal ku gal bilaash ah siinaysa muwaadiinta 6 Waddan.

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Dowladda Shiinaha oo Dal ku gal bilaash ah siinaysa muwaadiinta 6 Waddan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada howlgalka ka fulinaya Galgaduud iyo Sh/Dhaxe oo loo sameeyay Garoon diyaaradeed.

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Ciidamada howlgalka ka fulinaya Galgaduud iyo Sh/Dhaxe oo loo sameeyay Garoon diyaaradeed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Kahadle ku Biirsta Dallada Bariga Afrika (EAC),

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Kahadle ku Biirsta Dallada Bariga Afrika (EAC),

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

14 qof oo rayid ah oo lagu dilay waddanka Congo

0

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC}  Maleeshiyo looga shakisan yahay inay yihiin Islaamiyiin ayaa dilay ugu yaraan 14 qof weerar ay ku qaadeen tuulo ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo habeenimadii Khamiista, sida ay jimcihii sheegeen sarkaal maxalli ah, hoggaamiye ka tirsan bulsho rayid ah iyo qof ka badbaaday weerarkan.

Kooxda weerarka geysatay ayaa la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin fallaagada Allied Democratic Forces (ADF), oo ah koox hubeysan oo Ugandan ah oo fadhigeedu yahay bariga Kongo, waxayna ballan-qaadeen inay la midoobayaan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, iyaga oo inta badan weerarro ku qaada tuulooyinka, iyagoo oo mararka qaarkood wata baangado iyo faashash.

Maleeshiyada ayaa xilli habeen ah weerar ku qaaday deegaanka Makodu, xilli dadka deegaanka ay hurdayeen guryahooda.

Qofna ma fileyn weerarkan, sida hogaamiyaha bulshada rayidka Marcel Nzanzu iyo Dieudonné Kakule oo ka badbaaday ay u sheegeen Reuters.

Duqa magaalada Oicha, oo ku taal Waqooyo bariga ee gobolka Kivu,, ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in fallaagada ADF ay dad rayid ah ku dileen mindiyo iyo qoryo ka hor inta aysan baxsan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbahinta Hiiraanweyn 24/11/2023

0

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC}  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo : Cabdimaajid abdiraxamaan aadan

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO