Home Blog Page 3130

Maxaa ka jira in ninkaan macallinka ahaa uu isku dilay magaalada Galkacyo?

0

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC}  Warka la xariira inuu is dilay nin dhallinyaro ah oo ku noolaa magaalada Galkacyo ayay qaar kamid ah warfidiyeenku Galkacyo tabiyeen, iyaga oo soo xiganayay dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa halka uu ku soo dhacay wiilkaan oo ka soo dhacay dabaq dhawr biyoono ah.

Waxa lagu magacaabay Cabdirisaaq cabdulqaadir Khaliif, waxa uu ahaa macallin dhiga maaddooyinka Af-soomaaliga iyo xisaabta, waxana uu waqtiga ugu badan noloshiisa ku qaatay magaalada Galkacyo.

Sidoo kale baaritaanada horu dhaca ah ee ay sameeyeen booliska Galkacyo ayaa sheegaya in wiilkaan uu kaligiis ahaa markii uu ka soo dhacayay dhismahan dheer, sida uu BBC da u xaqiijiay mid kamid ah saraakiisha Booliska ee kiiskaan gacanta ku haya.

Xilli subaxnimo ah ayaa laga helay dabaqa hoostiisa, iyadoo durbadiiba loola cararay isbitaal, hase yeeshee dhakhaatiirta ayaa sheegay in markii isbitaalka la geeyayba aysan naftu ku jirin, sida aan ka soo xiganay qoyskiisa.

Balse qoyskiisu waxay sheegeen war ka duwan waxa ay tabiyeen warbaahintu, iyo waxii ay u sheegeen goobjoogayaashu intaba.

Maxamed Khaliif Diiriye, waa adeerka Cabdirisaaq, waxa ay meel kuwada noolaayeen in muddo ah, waxa uu sheegay in saaka ay ku kala ordeen warka kasoo yeeray dhinaca Cabdirisaaq.

“Waxaan ahay xog ogaal, isku guri ayan seexan jirnay wiilka, saaka ayaan ku baraarugnay warka dilkiisa ee nasoo gaaray, xanuun aan ku ogeyn majirin asaga oo caafimaad qaba ayaa noogu dambeysay” sidaasi waxaa yiri Maxamed Khaliif oo ah adeerka Cabdirisaaq.

Adeerka wiilka ayaa ka hadlay wixii ay arkeen markii ay tageen meesha ay wax ka dheceen.

“Waxa aan tagnay dhismaha ay wax ka dheceen, waxa aan u tagnay marxuumka oo burbursan lafihiisi ay jajabeen, dhaawacyo badan ay ka muuqdaan isla markaana dhiig baxaya isla markiina isbitaal ayaan ula cararnay”.

Qoyska Cabdirisaaq ayaa sheegay in aaneyn ogeyn sababta ka dambeysa dilkiisa xilli goor sii horreysay la baahiyay in isagu uu dabaqa iskasoo tuuray.

“Ma dhahayno Cabdirisaaq isaga ayaa is dilay, mana ogin mana hubno, ma jirin sabab aan ogeyn oo uu isku dili karo, haddana waxaa baaraya booliska oo kiiska gacanta ku haya”ayuu sii raaciyay adeerkiis.

Maxamed Khaliif, adeerka marxuumka ayaa sheegay in Cabdirisaaq uusan horay isugu deyin dil isla markaana aysan qofku ogeyn wax isku dil ah oo qoysku ay ogyihiin.

Dadka qaar ee ku sugnaa goobta oo la wadaagay wariyaasha inuu wiilku marar hore doonayay inuu is dilo ayuu ku tilmamaay borobogaando ay faafinayaan. Wuxuu ku adkeystay in marxuumku uu ahaa qof xaaladdiisu ay caadi hayd oo aysan jirin dhibaato la’ogyahay oo heysatay.

Dhanka kale wuxuu sheegay inaysan jirin wax duruufo nololeed ah oo uu la daala dhacayay Cabdirisaaq, ama xaalad cusub oo lasoo deristay maalmihiisii ugu dambeeyay, taas oo sababi kartay in uu nafta is dhaafiyo, maadaama ay ahaayeen dad isku hoy ku wada nool.

Cabdirisaaq waxa uu ku dhashay magaalada Gallaadi, da’diisa ayey qoysku ku sheegeen 30-meeyada, ifka waxa uu kaga tagay gabar, hase yeeshee hooyadeed waxa ay kala tageen inta uusan geeriyoon.

Boosliska magaalada Gaalkacyo ayaa haatan gacanta ku haya kiiska marxuum Cabdirisaaq, iyada oo ay soo baxayaan warar kala duwan oo la xiriira sida uu dilkiisu u dhacayo.

BBC-da ayaa xiriir la sameysay maamulka dhismaha uu dilku ka dhacay, hase yeeshee ma aysan suura gelin in aa helno.

Dhacdooyinka ku saabsan in shaqsiyaad is dilaan ayaan aad looga soo tabin gobolada Soomaaliya. Arrintaas ayaa wax ugub ah ka dhigay kiiska Cabdirisaaq oo ilaa iyo haatan baaritaankiisu socdo.

XIGASHO BBC SOMALIA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay ahaayeen Diyaaradihii maanta lagu arkay hawada sare ee Muqdisho iyo Ujeedka laga lahaa.

0

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Maxay ahaayeen Diyaaradihii maanta lagu arkay hawada sare ee Muqdisho iyo Ujeedka laga lahaa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Magaalooyin ayaa ka hoos maray Biyaha oo suuqyadoodii doomuhu kormarayaan”Sh/Cabdirsaaq”

0

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Magaalooyin ayaa ka hoos maray Biyaha oo suuqyadoodii doomuhu kormarayaan”Sh/Cabdirsaaq”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

8 faa’iido oo Soomaaliya ay helayso kadib ku biiristii EAC

0

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Soomaaliya ayaa maanta si buuxda uga mid noqotay Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika, kadib codeyn loo qaaday.

Soomaaliya ayaa noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, kadib muddo ay dowladda dadaal xooggan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon laheyd EAC.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda ururkaan.

Haddaba, Maxay yihiin faa’iidooyinka Soomaaliya ugu jira ka qeyb noqoshada ururkaan?

Ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa ah mid ay faa’iido weyn ka heli doonaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay kamid yihiin;

1. Fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed.

2. Isu socodka bulshada ku mideysan EAC, iyagoo aan u baahneyn dal ku gal. Sidoo kale helitaanka Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika.

3. Ganacsatada Soomaaliyeed oo sharci buuxa u helaya ganacsiga iyo hantida ka jirta dalalkaasi, dadkeenuna ugu ganacsadaan walwal la’aan.

4. Soomaaliya waxa ay heli doontaa fursado ay badeecadda ugu iib-geeyaan dalalkaas, oo aan canshuur kale laga rabin.

5. Xaquuq ganacsi iyo mid bulsho oo heer gobol ah.

6. Ganacsatada Soomaaliyeed oo iyagu isaga kala gooshi doona dalalka qeybta ka ah Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

7. Kobaca dhaqaalaha oo ay Soomaaliya ka helayso suuqa weyn ee EAC.

8. Iskaashiga khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga.

Maxay Soomaaliya ka Faa’iideysaa kamid noqoshada urur gobaleedka Bulshada Bariga Afrika.

0

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Soomaaliya waxaa si buuxda uga kamid noqotay xubinimada urur gobaleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika,kadib codeyn loo qaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa daddaal xoogan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon lahayd EAC isla markaana ay uga faa’iideysato xoojinta baayac-mushtarka dalka, si ganacsatada Soomaaliyeed ay uga shaqeystaan dalalka xubnaha ka ah daladdan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi culus oo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Caruusha ee caasimada dalka Tansaaniya halkaasi oo lagu go’aamiyay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Ururkaan.

Hadaba Maxay Soomaaliya ka Faa’iideysaa kamid noqoshada urur gobaleedka Bulshada Bariga Afrika?

Dad badan ayaa aaminsan in ku biirista Soomaaliya ee Daladda Bulshada Bariga Afrika, aysan wax badan ka faa’iideyn balse xaqiiqada ayaa ah in ay faa’iido weyn ku qabaan dadka gaar ahaan Ganacsatada Soomaaliyeed ka mid noqoshada EAC.

1- FURSAD GANACSI IYO SUUQ WEYN OO AY KA FAA’IIDESTAAN DADKA SOOMAALIYEED.

2- ISU SOCODKA BULSHADA KU MIDEYSAN EAC, IYAGOO AAN U BAAHNEYN DAL KU GAL. IYO HELITAANKA BAASSABOORKA BULSHADA BARIGA AFRIKA.

3- GANACSATADA SOOMAALIYEED OO SHARCI BUUXA U HELAYA GANACSIGA IYO HANTIDA KA JIRTA DALALKAASI, DADKEENUNA UGU GANACSADAAN WALWAL LA’AAN.

4- SOOMAALIYA WAXA AY HELI DOONTAA FURSADO AY BADEECADDA UGU IIB-GEEYAAN DALALKAAS, OO AAN CANSHUUR KALE LAGA RABIN.

5- XAQUUQ GANACSI IYO MID BULSHO OO HEER GOBOL AH.

6- GANACSATADA SOOMAALIYEED, OO IYAGU ISAGA KALA GOOSHI DOONA DALALKA EE QEYBTA KA AH URURKA WADAMADA BARIGA AFRICA, BILAA SHARUUD.

7- KOBACA DHAQAALAHA OO AY SOOMAALIYA KA HELEYSO SUUQA WEYN EE EAC.

8- ISKAASHIGA KHUSEEYA SIYAASADDA, AMMAANKA, DIFAACA, DHAQAALAHA, DHAQANKA, TIKNOOLAJIYADDA IYO SHARCIGA.

Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu yimi Xafiiska waxa uu dadaal xoogan galiyay sidii ay Soomaaliya wax ula qeybsna la heyd Dalalka Darsika la ah Soomaaliya iyo kuwa ay kuwada midaysan yihiin Uururda kala Ah IGD,Midawga Afrika,Jaamacada Carabta iyo kuwa kale.

{SAWIRO} DF Soomaaliya oo si rasmi ah uga mid noqotay Ururka Bulshada Bariga Africa. EAC.

0

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dallada.

Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda.

DAAWO MUUQAALKA} Mamulka gobalka Hiiraan ee Hirshabelle oo maanta Hay’adda SODMA kala wareegay Deeq gar-gaar ah.

0

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Mamulka gobalka Hiiraan ee Hirshabelle oo maanta Hay’adda SODMA kala wareegay Deeq gar-gaar ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ma garan kartaa Magaca Ciyaar dhaqameedkan oo lagu soo bandhigo Aroosyadda miyiga.

0

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Ma garan kartaa Magaca Ciyaar dhaqameedkan oo lagu soo bandhigo Aroosyadda miyiga.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 24-11-2023

0

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} CXD iyo kuwa Jubbaland oo soo badbaadiyay Caruur & Haween labo Maalmood halis ugu jiray inay daadadku qaadaan.

0

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} CXD iyo kuwa Jubbaland oo soo badbaadiyay Caruur & Haween labo Maalmood halis ugu jiray inay daadadku qaadaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA