Home Blog Page 3131

Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanwayn

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Yaasiin Ali Ahmed iyo Mustaf Ali Cadoow

Farsamadii :mohamed baryare haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa ka cusub Rajada soomaaliya ee ku biiridda Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

0

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Maxaa ka cusub Rajada soomaaliya ee ku biiridda Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQALKA} SSC oo digniin Adag u dirtay Ciidanka Soomaaliland ee ku sugan Buqdharkayn.

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} SSC oo digniin Adag u dirtay Ciidanka Soomaaliland ee ku sugan Buqdharkayn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Israaiil iyo Xamaas oo Heshiiska Maxaabiis is dhaafsiga oo maanta laga sugayo inuu dhaqangalo

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Waxaa maanta oo Jimco ah lagu wadaa in uu si dhab ah u dhaqangalo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ah ee Xamaas iyo Israaiil ay todobaadkaan ku gaareen Magaalada Dooxa Caasimadda Dalka Carbeed ee Qatar si loo helo xabbad-joojin waqti kooban ah
Xamaas waxa ay maanta sii deyneysaa Maxaabiis ay kasoo qafaalatay Yuhuudda oo gaaraya 13 ruux oo dhammaantood ah Haween & Carruur waxaana dhankooda loosii daynayaa Dad kale oo Ciidanka Israaiil ay ka afduubteen Magaalada Gaza
Israaiil ayaa ku qasban fulinta heshiiskaan iyada oo ugu horreyn xabbad-joojinta dhaqangelisay aroornimadii hore ee Jimcaha Maanta si loo helo marin nabadgalyo ah oo suuragelin kara in la adkeeyo wada-xaajoodka labada dhinac
Qaabka Maxaabiista loo kala wareejinayo ayaa lagu sheegay in Xamaas ay keeneyso kaddib Israaiil ay sii deyneyso iyada oo ay soo gudbineyso liiska Dadka ay hayaan sida lagu sheegay war uu daabacay Teleefishinka Aljazeera
Xamaas ayaa Maxaabiista Yuhuudda ah waxa ay geyneysaa Marinka Rafax ee ah Xuduudda Magaalada Gaza ay la wadaagto Jamhuuriyadda Carabta Masar maadaama Israaiil ay ku kalsoon tahay dhinaca Xukuumadda Qaahira
Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Yuhuudda ayaa dalbaday in Xamaas ay soo hormariso Liiska Magacyada Dadka ay sii deyneyso si ay waalidiintooda iyo ehelkooda ay ugu wargeliyaan si ay u tagaan goobaha caafimaad ee lagu hubinayo
Mareykanka ayaa sheegay in keliya Xamaas aanay gacanta ku heyn Maxaabiista Yuhuudda balse loo baahan yahay in wadahadalka uu qayb ka noqdo Ururka Islaamik Jihaad si loo dhammeystiro heshiiska Maxaabiistaas lagu sii deynayo.

{DAAWO MUUQAALKA} Guddiga Gurmadka Fatahaadaha koonfur Galbeed oo warbixin soo saaray

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Guddiga Gurmadka Fatahaadaha koonfur Galbeed oo warbixin soo saaray

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Buundada dhimashada Ee Baladweyene Kutaala

0

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Buundada dhimashada Ee Baladweyene Kutaala

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dad ka badan 50 qof oo gaajo ugu dhintay Itoobiya oo ay abaar ka jirto.

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Dad ka badan 50 qof oo gaajo ugu dhintay Itoobiya oo ay abaar ka jirto.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 24 11 2023}

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Yaasin ali ahmed

Farsamadii :Abdimajiid abdirhaman aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

{DAAWO MUUQALKA} Maxaa ka cusub xulka qaranka 18-Sano jirada soomaaliya oo diyaargaroow ku jira.

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Maxaa ka cusub xulka qaranka 18-Sano jirada soomaaliya oo diyaargaroow ku jira.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Maamulka SOMALILAND oo jawaab ka bixisay sheegashadii dowlada Itoobiya ee dekada Berbera

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay warka kasoo baxay dowladda Itoobiya ee ay ku sheegtay inay kula jirto wada-hadallo ku saabsan dekedda magaalada Berbera
Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA ayaa wasiirka gaadiidka iyo saadka Dr. Alemu Sime kasoo xigatay in wada-hadalladaas ay marayaan meel wanaagsan
Isaga oo xusaya in Itoobiya ay 95% badeecadaha ay lasoo degto iyo kuwa ay dhoofiso u isticmaasho dekedda Jabuuti, wasiirka ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu raadinayo dekedo kale, islamarkaana ay meel wanaagsan marayaan wada-hadallada ku aaddan isticmaalka dekedda Berbera, sida ay sheegtay EPA
Isaga oo ka jawaabaya ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Somaliland Dr. Ciise Kayd wuxuu ku adkeystay in aysan waxaba ka jirin sheegashada Itoobiya
“Arrintaan waxay ku saabsan tahay sheekadii hore ee 19%,” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in arrintani mar hore ahayd, warkeediina hadda dhamaaday
Heshiiskaas ayuu sheegay in Itoobiya ay ka soo bixi waysay shardigii laga rabay ee ay qaybta uga noqon laheed dekadda Berbera ee ay haatan gacanta ku hayso DP World
“Itoobiya waa ay bixin waysay lacagtii laga rabay, sidaas ayayna ku waysay qaybtii ay rabtay,” ayuu wasiir kayd sii raaciyay hadalkiisa
Dad badan oo ku nool Geeska Afrika oo Soomaalidu ugu horeyso ayaa walwal ka muujiyay in Itoobiya ay si walba ku qaadan doonto badaha ku teedsan wadamada ay dariska yihiin
Abiy ayaa horey uga digay in deked la’aanta dalkiisa ay mustaqbalka noqon karto il colaadeed, wuxuuna ku baaqay dadaallo wax looga qabanayo arrintaas si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka
Itoobiya ayaa albaabkii badda uu kasoo xirmay 1993-kii markii Eritrea ay heshay madax-banaani, kadib 30 sano oo dagaal ah
Somaliland ayaa sheegatay inay ka go’day Soomaaliya 30 sano kahor, balse ma haysato aqoonsi caalami ah, taasi oo adkeyneysa heshiis kasta oo Itoobiya ay ku dooneyso inay dekad uga hesho Soomaaliya, ayada oo aan soo marin dowladda federaalka
Dowladda federaalka ayaa horey u sheegtay inay diiday codsi uga yimid itoobiya oo ku saabsan inay la gasho wada-xaajood ku saabsan sidii ay uga heli laheyd deked ku taalla Badda Cas
Inkasta oo Soomaaliya ay “si aad uga go’an tahay” horumarinta nabadda, amniga, ganacsiga iyo is-dhex-galka, haddana ma xiiseynayso bixinta helitaanka hanti istaraatiiji ah sida deked, waxaa sidaas warbaahinta Bloomberg u sheegay wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar {Cali Balcad}

“Madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya – berriga, badda iyo hawada – sida uu dhigayo dastuurkeena, waa muqaddas mana furan in laga doodo,” ayuu yiri.