Dowlada Qatar oo shaacisay xiliga cusub ee ay bilabaneyso xabad joojinta Xamaas iyo Israel
Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Xabbad-joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas ayaa bilaabmi doonta 7-da subaxnimo {05:00 GMT} ee wakhtiga maxaliga ah Jimcaha beri ah, waxaana la sii dayn doonaa la haystayaasha rayidka ah ee ugu horeeya 4-ta galabnimo {14:00 GMT} sida ay ku dhawaaqday dowlada Qatar
13 haween iyo carruur ah ayaa la sii dayn doonaa, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, Majed Al-Ansari
Tiro aan la shaacin oo maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale lagu wadaa in la siidaayo 4-ta galabnimo ee waqtiga maxaliga ah kadib markii la heystayaasha laga soo daayo Gaza, sida uu shir jaraa’id ku sheegay afhayeenka Qatar
“Waddada ay maraan la haystayaasha la sii daayay lama shaacin karo sababo ammaan dartood, Qatar waxay si dhow ula shaqeyn doontaa Laanqeyrta Cas” ayuu yiri al Al-Ansari
Liiska la haystayaasha la filayo in la sii daayo ayaa lagu wareejiyay sirdoonka Israa’iil ee Mossad, wada-hadallada u dhaxeeya dhammaan dhinacyada dhexdhexaadinta ayaa socday ilaa saaka, ayuu yiri Al-Ansari
Israa’iil waxay “baaraysaa faahfaahinta liiska waxayna la xiriirtaa dhammaan qoysaska la afduubay,” ayuu yiri Ofir Gendelman oo ah afhayeenka ra’iisul wasaaraha Israa’iil
Xabbad-joojintan ayaa loo qorsheeyay inay bilaabato Khamiista maanta ah laakiin dib baa loo dhigay sababo farsamo awgood. Sida uu dhigayo heshiiska Israel iyo Xamaas
Ugu yaraan 50 la haystayaal ah oo lagu haysto Gaza ayaa la sii dayn doonaa sidoo kale 150 falastiiniyiin ah ayaa laga soo deynayaa xabsiyada Yuhuuda waxaa sidoo kale gargaar iskugu jira cuno iyo shidaal la geyn doonaa Gaza afarta maalmood ee uu socdo heshiiska xabad joojinta
“Qatar waxa ay heli doontaa liis ay ku qoran yihiin magacyada la haystayaasha oo la filayo in Xamaas ay ku sii daayaan “hannaan maalinle ah,” Majed Al-Ansari
“Qatar ayaa magacyada ku wareejin doonta hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, taasoo iyana ku wareejin doonta liiska maxaabiista Falastiiniyiinta ee la filayo in loo sii daayo” ayuu raaciyay
Dowlada Qatar ayaa door weyn ka ciyaartay qaban-qaabada heshiiskan xabad joojinta ioyo maxaabiis is dhaafsiga ah, waxaana ku wehliyey Mareykanka iyo Masar.
Faah faahino Laga helayo Ciidamada KENYA oo weerar culus ku qaaday goob ay ku sugnaayeen A.S
Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay shalay ciidamada Kenya ku qaadeen goob ay A.S kaga sugnaayeen deegaanka Dabalwein oo ku dhaw Ijara ee ismaamulka magaalada Garissa
Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dileen ugu yaraan hal dagaalyahan, ayna ku dhaawaceen tiro kale
Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay cagta mariyeen goobta ay ku sugnaayeen xubnaha, ayna ka heleen sadex qori oo AK47 ah, 90 xabo oo rasaas ah, dawooyin iyo waxyaabo kale
Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen inay heleen sahay caafimaad iyo agabka laga sameeyo walxaha qarxa, sida ay hadalka u dhigeen
Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ka dhacda deegaankaas oo maalmihii u dambeeyay laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda A,S oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Kenya
Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Booliska Kenay ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah A,S ee ay ka wadaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya, ayada oo ujeedka uu yahay in la xaqiijiyo amniga, lagana hortago weerarada hubeysan ee kooxda
Si kastaba, waxaa ka horreeyay weerar kale oo dhowaan lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana ahaan jiray dhaqaatiir, kadib weerar ay booliisku ku qaadeen xeruntooda oo ku taalla deegaanka Fafi oo isna hootsga ismaamulka Garissa.
Ciidanka Mucaaradka Puntland oo laga saaray Magalada Garowe ka dib Wadahadalo Socday
Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Isimada Dhaqanka SSC Khaatumo oo Magaalada Garoowe ka waday dadaalo ay ku dhex-dhexaadinayaan Madaxweynaha Puntland iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku guuleystay iney xaalada cagaha u dhigaan
Maamulka Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa isku khilaafsan arrimaha doorashooyinka
Isimada Dhaqanka ayaa ku guuleystay inay mucaaradka ku qanciyaan gudaha caasimadda Garoowe in laga saaro ciidankooda, iyagoo sidoo kalena kuwa maamulka Madaxweyne Deni lagu adkeeyey inaysan sameyn wax dhaqdhaqaaq ah oo xiisad abuuri kara
Qaar kamid ah Isimada Dhaqanka SSC ayaa sheegay inay ku rejo weyn yihiin in ay wada-hadal isugu keenaan labada dhinac, si xal loogu helo ismarin-waaga doorashada madaxtinimo ee ka taagan Magaalada Garoowe oo qarka u saaran inuu isku bedelo dagaal iyo gacan ka hadal
Isimada Dhaqanka ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ka ogolaaday in uu wada-hadal la galo Siyaasiyiinta mucaaradka
Dadaalada kala duwan oo ay wadaan Isimada Dhaqanka SSC ayaa weli socda si xal waara looga gaaro muranka doorashada ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaadka yahay iyo Siyaasiyiinta mucaaradka, kaasoo sababay in cabsi aawgeed ay magaalada Garowe ka barakacaan.
{DAAWO SAWIRADA} Wafdi uu Hogaminayo madxaweyne Xassan Shiikh ioo gaaray Magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya
KHamiis Nofembar 22, 2023 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweyeyey magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa ka qeyb-galaya Shirka Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo laga sugayo in ay go’aan ka soo saaraan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku biirista dalladan
Madaxweynaha oo xoogga saaraya sidii uu ugu qancin lahaa hoggaamiyeyaasha Dallada Bulshada Bariga Afrika in ay aqbalaan codsiga Jamhuriyadda Soomaaliya ayaa uga warbixinaya hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, fursadaha dhaqaale iyo khayraadka ceegaaga dalkeenna oo haddii la maal-geliyo ay ka faaiideyaan dadkeenna iyo dalkeenuba
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo horey socdaal ugu maray qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika {EAC} ayaa xasuusiyey wakhtiga dheer ee uu horyaallo codsiga shacabka iyo dowladda Soomaaliya oo la gudbiyey sannadkii 2016-kii, isaga oo u arka in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid isku sidkan, ayna muhiim tahay in dalkeennu uu doorkiisa ka qaato
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ku bixinaya in dalkeennu uu ka qayb-qaato iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta isu-socodka dalalka Gobolka oo saldhig u ah kobcinta dhaqalaaha, shaqo-abuurka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha




{DHAGEYSO}Warka habeenimo ee Radio Hiiraanweyn{ 23 11 2023}
KHamiis Nofembar 22, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo : Abdi majiid aweys
Farsamadii :Cabdimajiid abdiraxamaan aadan
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
DF Soomaaliya oo shaacisay in laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka El-nino
KHamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin cusub kasoo saartay xaaladda dalka, gaar ahaan dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo maanta warbixin u gudbisay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay sii kordheyso dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, taas oo si weyn looga dareemay inta badan gobollada dalka.
SoDMA ayaa warbixinteeda ku sheegay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka haata ka da’aya dalka.
Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin Soomaaliyeed ee gaaraya illaa 96 qof.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday gurmadka iyo dadaallada soconayo oo ay hurmuudka u tahay dowladda federaalka Soomaaliya.
“Xukuumadda JFS ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku” ayaa lagu yir warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha.
Dhankiisa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa isna golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka.
Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo bani’aadanimo, taas oo ka dhalatay fatahaadaha iyo roobabka daadadka wata ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.
PUNTLAND oo War Cusub Kaso Saartay wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya
KHamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaciyay moqifkiisa ku aadan wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya oo ay ku howlan tahay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Arrintan ayaa maanta lagu soo qaaday shirka golaha wasiirada ee Puntland, kaas oo uu guddoomiyay madaxweyne Sacaiid Cabdullahi Deni oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Shirka oo todobaadle ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha Amniga, Doorashada Puntland, Go’aanka Puntland ee ku aadan qorshaha wax-ka-bedelka Dastuurka Soomaaliya ,kala Xadaynta Waajibaadka Wasaaraddaha iyo Siyaasadda iyo xeerka tirakoobka Puntland.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay hannaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod oo weli lagu mursanyahay, maadaama mucaaradka ay diideen.
Golaha ayaa isku raacay sidii loo dhamaystiri lahaa dhammaan agab yada farsamo iyo amni ee ay u baahan tahay qabashada doorashadaas, taas oo ah Waddada keliya ee looga bixi karo khatar kasta oo Puntland ka jirta.
Haddaba muxuu yahay go’aanka Puntland ee wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya?
Puntland oo caddeysay mowqifkeeda ayaa ka horyimid qorshaha dowladda federaalka ee wax ka beddalka dastuurka, ayada oo sheegtay in laga leeyahay dano siyaasadeed.
“Dowladda Puntland waxay si cad uga soo horjeedaa wax ka badelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyada oo dano siyaasadeed laga leeyahay” ayaa lagu yiri go’aanka Puntland.
Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in dastuurka kumeel gaarka ah ee federaalka uu yahay heshiis bulsho, kuna dhisan is faham siyaasadeed iyo dib u heshiineed Qaran kadib burburkii dowladdii dhexe ee Dalka.
Warsaxaafadeedka ayaa waxaa kale oo lagu yiri “Sida ku cad Dastuurka KMG ah Cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad, farqaddiisa 3aad “Mabaadiida Aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan yihiin Mabaadiida Aasaasiga ah ee Awood qaybsiga nadaamka Federaalka ah”, Sidaa darteed, Madaxda iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ah awood uma laha in ay badalaan hannaanka dowladda dhexe u dhisan tahay ee ah Madaxweyne iyo Raisul Wasaare iyo tubta dowlad dhiska ee ku dhisan Dastuurka KMG ka ah”.
Puntland ayaa sidoo kale soo saartay baaq culus, waxayna ka dalbatay baarlamaanka Soomaaliya in uusan qayb ka noqon qorshaha wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah.
“Haddaba, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in aysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah” ayaa lasii raaicyay bayaanka.
Ugu dambeyn waxa ay Puntland caddeysay in aysan raalli ka noqon doonin wax ka beddalka dastuurka, maadaama aan lagala sameyn wax wada tashi ah.
“Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta wax-ka-badel kasta ee Dastuurka lagu sameeyo iyada oo aysan Puntland qayb ka ahayn” ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aan maanta kasoo baxay dowlad goboleedka Puntland.
In ka badan 50 qof oo gaajo ugu dhintay Itoobiya oo ay abaar ka jirto
KHamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} In ka badan 50 qof ayaa lagu soo warramayaa inay gaajo ugu geeriyoodeen gobollada Amxaarada iyo Tigray ee Waqooyiga Itoobiya sababo la xirriira abaar ka jirta halkaas, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen mas’uuliyiin.
Sida laga soo xigtay xafiiska ka hortagga gobolka Tigray, 46 qof oo barakacayaal ah ayaa geeriyooday kadib markii ay gurhooda uga soo qaxeen abaarta.
Dhimashada ayaa ka dhacday magaalo la yiraahdo Yechila, sida uu sheegay madaxa xafiiskaas, Gebrehiwot Gebregziabher.
Gobolka ay deriska yihiin ee Amxaarada gaar ahaan deegaanka Wag Hemra, ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyooday iyo sidoo kale 4,000 oo lo’a ah sababo la xirriira cunto yari jirta, sida uu sheegay sarkaal maxali ah.
Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa muddo laga joogo ilaa shan bilood ka hor joojiyay gargaarkii la geyn jiray Itoobiya sababo la xirriira eedeymo xatooyo ah.
ISHA BBC
Wararkii Ugu Dambeyay Waxii Maanta Ka Dhacay Kulanka xildhibaanada Puntland
KHamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in dood xoogan ay haraysay kulan xasaasi ah oo ay maanta magaaladaas ku lahaayeen xildhibaanada Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Kulankan oo loo ballansanaa in looga hadlo xeerka doorashooyinka ee weli lagu murusan yanay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo gacaan qaad, ka dib markii xildhibaanadu ay si adag isugu khilaafeen meel-marinta xeerka wax ka beddelka doorashooyinka maamulkaas.
Hoolka baarlamaanka ayaa waxaa hal mar qabsaday sawaxan xoogan, waxaana la arkayay xildhibaano careysan oo isku fara baxsanaya, sida ay muujinayaan muuqaallo la helay.
Arrinta ay isku qabteen xildhibaanada ayaa timid ka dib markii xubnaha guddiga loo xil-saaray xeerka doorashooyinka ay soo jeediyeen in dib loo dhigo meel marintiisa, sababo la xiriira ammaanka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Garoowe.
Intaas kadib waxaa doodda soo farageliyay guddoomiyaha Golaha Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo shaaciyay in meel-marinta xeerkan dib loo dhigo illaa Axadda, waxaana kadib uu sidaas kusoo xiray kulankii ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland.
Dhinaca kale qaar kamid ah xildhibaanada oo kulanka kadib la hadlay Wariyeyaasha ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha inuu afduubtay baarlamaanka, sida ay hadalka u dhigay.
Xaaladdan ayaa uga sii dareysa muranka haatan ka taagan doorashooyinka Puntland oo xiisad xoogan ka dhex dhaliyay xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale madaxweyne Deni.
Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana sii dhammaanaya waqtiga muddo xileedka hay’adaha dowladda, ayada oo lagu heshiin hannaanka doorashada.



