Home Blog Page 3133

Sir ay Israa’iil 50 sano qarinaysay oo uu hadda banaanka u soo saaray dagaalka Qasa ka socda

0

KHamiis Nofembar 23, 2023 {HMC}  Ma ku saxsan yihiin Masaaridu inay u baqaan Siinaay, marka la eego mushkiladda haysata Falastiiniyiinta ee la xiriirta weerarrada ay Israa’il ka waddo marinkak Qasa ee ay deriska yihiin? Dukumntiga Ingiriiska ayaa jawaabta haya.

Dukumentiga, oo uu arkay wariye BBC ka tiran wuxuu daaha ka rogayaa in Israa’iil ay samaysay qorshe ay Falastiiniyiinta Qasa ugu dhoofinayso waqooyiga Siinaay 52 sano ka hor.

Ka dib markii askarta Israa’iil ay galeen Qasa, daanta galbeed, bariga Quddus, iyo buuraleyda Suuriya ee Golan Heights dagaalkii Juun 1967kii, marinku wuxuu israa’iil ku noqday meesha ay kala kulanto dhibaatada ugu weyn ee dhinaca amniga.

ISHA BBC

ITOOBIYA oo u weecatay Somaliland kadib hanjabaaddii Abiy Ahmed ku dalbaday BAD

0

KHamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa wada-hadallo la furtay maamulka Somaliland, ayada oo kala hadleysa isticmaalka dekedda Berbera, toddobaadyo kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ku hanjabay inay qasab tahay inay helaan dekad.

Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA ayaa wasiirka gaadiidka iyo saadka Dr. Alemu Sime kasoo xigatay in wada-hadalladaas ay marayaan meel wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bishii October sheegay in qeyb ka helitaanka Badda Cas “ay tahay arrin ku xiran jiritaanka Itoobiya”, hadalkaasi oo walaac ka abuuray dalalka deriska ah ee Eritrea, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee ENA, wasiir Alemu Sime ayaa golaha wasiirada warbixin ka siiyey halka ay marayaan wada-hadallada Somaliland.

Isaga oo xusaya in Itoobiya ay 95% badeecadaha ay lasoo degto iyo kuwa ay dhoofiso u isticmaasho dekedda Jabuuti, wasiirka ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu raadinayo dekedo kale, islamarkaana ay meel wanaagsan marayaan wada-hadallada ku aaddan isticmaalka dekedda Berbera, sida ay sheegtay EPA.

Waxa uu sidoo kale sheegay in wada-hadallo ay kula jiraan dowladda Kenya oo ku aaddan isticmaalka dekedda Lamu ay meel wanaagsan marayaan.

Abiy ayaa horey uga digay in deked la’aanta dalkiisa ay mustaqbalka noqon karto il colaadeed, wuxuuna ku baaqay dadaallo wax looga qabanayo arrintaas si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka.

Itoobiya ayaa albaabkii badda uu kasoo xirmay 1993-kii markii Eritrea ay heshay madax-banaani, kadib 30 sano oo dagaal ah.

Somaliland ayaa sheegatay inay ka go’day Soomaaliya 30 sano kahor, balse ma haysato aqoonsi caalami ah, taasi oo adkeyneysa heshiis kasta oo Itoobiya ay ku dooneyso inay dekad uga hesho Soomaaliya, ayada oo aan soo marin dowladda federaalka.

Dowladda federaalka ayaa horey u sheegtay inay diiday codsi uga yimid itoobiya oo ku saabsan inay la gasho wada-xaajood ku saabsan sidii ay uga heli laheyd deked ku taalla Badda Cas.

Inkasta oo Soomaaliya ay “si aad uga go’an tahay” horumarinta nabadda, amniga, ganacsiga iyo is-dhex-galka, haddana ma xiiseynayso bixinta helitaanka hanti istaraatiiji ah sida deked, waxaa sidaas warbaahinta Bloomberg u sheegay wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar (Cali Balcad).

“Madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya – berriga, badda iyo hawada – sida uu dhigayo dastuurkeena, waa muqaddas mana furan in laga doodo,” ayuu yiri.

{DAAWO MUUQAALKA} Qof Dumar ah oo xaamilo ah in neef diid la galiyo waa wax xaaraan ah”Gaashaanle Cismaan Cali Hudey’

0

KHamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} Qof Dumar ah oo xaamilo ah in neef diid la galiyo waa wax xaaraan ah”Gaashaanle Cismaan Cali Hudey’

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo gargaar ah ka guddoomay Hay’adda IHH

0

KHamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo gargaar ah ka guddoomay Hay’adda IHH

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAAL} Barlamaanka Puntland oo gacanta iskula Tagay Xili ay ka doodayeen Xeerka Doorashooyinka Puntland.

0

KHamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} Barlamaanka Puntland oo gacanta iskula Tagay Xili ay ka doodayeen Xeerka Doorashooyinka Puntland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} SSC oo soo bandhigtay Maxaabiis dhaawac ah oo soomaaliland looga qabtay dagaal.

0

KHamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} SSC oo bandhigtay Maxaabiis dhaawac ah oo soomaaliland looga qabtay dagaal.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xisbullah oo diiday heshiiska Xabad joojinta, ee Xamaas iyo Israel saakayna sameysay duqeymo cusub.

0

KHamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} Xisbullah oo diiday heshiiska Xabad joojinta, ee Xamaas iyo Israel saakayna sameysay duqeymo cusub.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliland oo SSC, AS iyo garabyo kale sheegtay in ay ka qeyb galeen dagaalkii shalay.

0

KHamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} Soomaaliland oo SSC, AS iyo garabyo kale sheegtay in ay ka qeyb galeen dagaalkii shalay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

DAAWO SAWIRADA} Somalia iyo QM oo ka wada hadlay horumarinta Sanduuqa wadajirka ah ee Somalia

Khamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} Wasiirka wasaaradda qrsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqalaaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax {Beenebeene} iyo ku-simaha ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya George Conway ayaa si wadajir ah u guddoominay kulankii ugu horeeyay ee kooxda maareynta Sanduuqa Wadajirka ah ee Soomaaliya.
Shirka ayaa looga hadlay sida ugu habboon ee loo kala horreysiin karo, lana iskugu-dubbaridi lahaa dhaqalaaha Sanduuqa Wadajirka ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo in ay saameyn wanaagsan ku yeeshaan shacabka Soomaaliyeed.
Ku-simaha ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya George Conway ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taageeri doonaan dhaqalaaha Sanduuqa Wadajirka ee Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiiru Dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya XFS Xirsi Gaani, Agaasmiga guud ee Wasaaradda maaliyadda Suleymaan Cumar iyo wakiillo ka kala socday Saaxiibada Soomaaliya sida Switzerland iyo Norway

{DAAWO MUUQAALKA} Madixii AS ee Degmooyin ka tirsan Shabelada dhaxe oo u gacan galay ciidanka Dowladda.

0

Khamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} Madixii AS ee Degmooyin ka tirsan Shabelada dhaxe oo u gacan galay ciidanka Dowladda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA