Home Blog Page 3145

Israel oo ka hadashay Markab xamuul ah oo aay afduubatay Xuutiyiinta Yemen

0

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC}  Israa’iil ayaa sheegtay in markabka xamuul ah oo ay saarnaayeen 25 shaqaale ah lagu afduubay badda cas maanta.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay qabsadeen markabka. Markabkan ayaa waxaa iska leh shirkad laga leeyahay dalka Britain, waxaana gacanta ku haysa shirkad laga leeyahay dalka Japan, sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo aan faahfaahin ka bixin shirkadahaas.

Markabkan ayaa ka ambabaxay dalka Turkiga, isagoo ku sii jeeday dalka Hindiya, waxaana ka shaqaynayay dad rayid ah oo dalal kala duwan ka soo jeeda oo aanay ku jirin Israa’iiliyiintu. Ma aha markab ay leedahay Israa’iil,” ayay Israel ku tiri hadal ay soo saartay.

Kooxda Xuutiyiin Yemen kama hadlin arrintan oo ku soo aaday xili kooxdan ay ku hanjabtay iney ugaarsan doonaan maraakiibta laga leeyahay Israel ee maraya badda cas iyo gacanka Babal Mandab.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta Israel ay uha hadashay afduubka Markabkan markii aysan laheyn, Shaqaalaha saarana aysan ku jirin Israa’iliyiin.

Xuuthiyiinta ayaa ah urur siyaasadeed iyo mid militari oo ah Shiicada ka dagaalanta dalka Yemen oo dagaal kula jiray xulafada uu Sacuudiga taageero.

Waxay taageero u muujiyeen Falastiiniyiinta, waxayna abaabuleen mudaaharaadyo ka dhacay Yemen, oo looga soo horjeedo weerarka Israel ku hayso Gaza.

DF oo qaaday tallaabo cusub oo daba socoto heshiiskii G/Wadatashiga

0

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC}  Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo xasaasi oo daba soco heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-kii May 2023.

Dowladda ayaa magaalada Muqdisho ka furtay kulan looga tashanayo geedi socodka iyo hanaanka doorayooyinka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, kaasi oo daba socda heshiiskaasi.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog u ahaa heerarka kala duwan ee dowladda, ururrada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah, kuwaasi oo dhammaantood laga doonayo inay aragti ku biiriyaan arimaha la xariira doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi oo kulankaan ka hadlay ayaa ka qeyb-galayaasha ku booriyay inay wax ku biiriyaan wada-tashiga ku aadan qaabka doorasho ee dalka la doonayo in la gaar siiyo.

Hanaankan doorasho ayaa ah midka, qof iyo cod, si bulshada u dareemaan in awoodoodii loo soo celiyey, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay madaxda iyo umadda Soomaaliyeed in laga fogaado isku dhacyada la xiriira doorashooyinka, lana ilaaliyo xilliyada dastuuriga ah ee lagu heshiiyo.

Heshiiskan Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa qeyb ka ah in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku adkeysanaya dhaqan-gelinta heshiiskaas, oo dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Siyaasiyiin iyo madaxdii hore ee dalka ayaa sidoo kale mucaaradsan qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo, kaasi oo wada-tashigiisa maanta laga furay Muqdisho.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga naxay duqeymaha dugsiyada waxbarashad QM

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu aad uga naxay in laba iskuul oo Qaramada Midoobay leedahay lagu weeraray in ka yar 24 saac gudahood magaalada Qaza.

“Tobaneeyo qof – dumar iyo carruur badan – ayaa la dilay oo la dhaawacay iyagoo ammaan u raadsanaya xarumaha Qaramada Midoobay,” Guterres ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

“Boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa gabaad ka raadsanaya xarumaha Qaramada Midoobay ee Qaza oo dhan sababtoo ah dagaalka sii xoogeysanaya. Waxaan mar kale xaqiijinayaa in dhismahayaga uu yahay lama taabtaan.”

Wuxuu intaas ku daray in dagaalku uu leeyahay “tiro la yaab leh oo aan la aqbali karin” oo dad rayid ah ku waxyeeloobay, wuxuuna ku celiyay baaqiisa ku aaddan xabbad-joojin bini’aadannimo oo degdeg ah.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo wasiir Jaamac oo gaaray DIINSOOR

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

Socdaalkan ayaa sidoo kale waxaa Lafta-gareen iyo Wasiir Jaamac ku wehliyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed iyo masuuliyiin kale, ayada oo halkaasi maanta si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeedka ay madaxdu halkaas u gaarayn ayaa lagu sheegay in ay tahay soo xirista shir dib-u-heshiisiin ah oo muddooyinkii dambe ka socday magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

Sidoo kale, waxaa qorshaha socdaalka madaxdaan qeyb ka ah sidii bulshada Diinsoor degta ay ugu sheegi lahaayeen inay u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada howl-galka dalka looga xoraynayo kooxda AS, gaar ahaan deegaannada Koofur Galbeed.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhawaan si rasmi uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka kooxda AS ka dhanka ah, sida uu kal hore ku dhowaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Sidoo kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa.

Ciidamada Mucaaradka Puntland oo dhoolatus Ciidan ka sameeyay Magaalada Garowe.

0

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Ciidamo taabacsan mucaaradka Puntland ayaa saakay waaberigii, waxay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen qeybo kamid ah magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

 

Ilo xog ogaal ayaa u sheegay warbaahinta HOL, in ciidamadan ay dhaqdhaaqyadooda uga jawaabayaan, ka dib markii ay ku eedeeyeen madaxweyne Deni, inuu magaalada Garowe soo galiyay ciidamo iyo gaadiid dagaal.

 

Ciidamadan oo kasoo baxay fariisimahooda ayaa difaac ka xirtay aagga hotel Cadduun. Hase ahaatee goor dambe ayay dib uga durkeen, ka dib markii waan waan loogu tagay.

 

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa sabab u noqday in qoysas badan ay guryahooda uga qaxeen cabsi ay ka qabaan in dagaal dhaco.

 

Dadku waxay aad uga walaacsan yihiin waxa dhici kara berito oo uu baarlamaanka ka doodi doono ansixinta wax ka bedelka doorashooyinka.

 

Dhinaca kale, odayaasha dhaqanka iyo Isimada ayaa wada dadaalo lagu doonayo in looga hortago colaadda. Waxaan xogta ku helnay in odayaashu ay la kulmeen labada dhinac ayna kala hadleen in ciidamada la xakameeyo.

 

20-kii bishii June ee sanadkan, dagaal Garowe ku dhexmaray Siciid Deni iyo mucaaradka waxaa ku geeriyooday in ka badan 30 qof oo u badnaa dad shacab ah. Weli cidna isma weydiin khasaaraha shacabka soo gaaray.

{DAAWO MUQAALKA} Xiisado Colaadeed Oo Ka Taagan Magaalada Garowe Iyo Dadka Oo Barakac Bilaabay.

0

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC}  Warrarka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo ah kuwa dawladda oo ka yimid Boosaaso ay soo gaareen halkaas, xili ay sii kordhayso baqdinta la xiriirta in rabshado ka dhashaaan muranka doorashada ee ka taagan Puntland.

 

Sawirro lasoo bandhiggay ayaa muujinaya dad ka qaxaya xaafaddaha qaar, iyadoo badi iskuullada la xiray.

 

Garoowe waxa horey ugu sugnaa ciidamada Danab oo ka soo horjeeda qorshaha dawladda ee ah in doorashada loo qabto hannaanka ay u soo jeediyeen guddiga doorashooyinka Puntland iyo ciidamo beeleedyo kale oo dhammaantood ku eedeynaya Madaxweyne Dani in uu doonayo in uu waqtiga kororsado.

 

Qaabka loo qabanayo iyo waqtiga Doorashada Puntland ayay ku kala aragti duwan yihiin madaxda dawladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuna midba mid kale ku eedeynayaa in uu dastuurka ku xadgudbay.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda Garoowe iyo dagaal laga cabsi qabo in uu dhaco.

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda Garoowe iyo dagaal laga cabsi qabo in uu dhaco.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} midowga Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliya oo deeq gargar ah gaarsiyay xarunta dr xabeeb ee Muqdisho.

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} midowga Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliya oo deeq gargar ah gaarsiyay xarunta dr xabeeb ee Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} 9 mawaadinin soomaali ah ayaa sagaal iyo toban maalmood gudohood lagu dilay dalka koonfur Africa

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} 9 mawaadinin soomaali ah ayaa sagaal iyo toban maalmood gudohood lagu dilay dalka koonfur Africa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Golaha wasiirada oo go’aanno ku gaaray shir deg-deg ah oo ay yeesheen

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Golaha wasiirada oo go’aanno ku gaaray shir deg-deg ah oo ay yeesheen

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA