Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Macquul maahan in la dhaho shacabku manoolan karaan dhinacyada isku haaya Puntalnd.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Macquul maahan in la dhaho shacabku manoolan karaan dhinacyada isku haaya Puntalnd.
Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Shaqaaqadii ka jirtay Degmada Jalalaqsi xal ayaan u helnay”Wasiirka Arimaha gudaha Hirshabelle”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} WHO oo booqatay Isbitaalka Al Shifa iyo Xaalad argagax leh oo ay ku soo arkeen.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Askarigii Guriceel ku dilay Cabdullaahi Cali Hudey oo isna la toogtay”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Iyadoo ay kordhayaan hadallada looga soo horjeedo Israa’iil ee la dhigayo barta X oo horey loo oran jiray Twitter ayaa shirkaddaha waaweyn ee Maraykanka ee kala ah IBM, Apple, iyo Disney waxay joojiyeen xaysiiska ay ku daabici jireen bartan oo uu leeyahay Alon Musk.
Go’aan kan ayaa yimid kaddib markii Elon Musk oo ah milkiilaha X iyo ninka dunida ugu qanisan uu ogolaaday qoraal ka hadlaya mu’aamarooyinka yuhuuda, isagoo sahlay in la daawado lagana jawaabb celiyo.
Elon Musk ayaa diiday in qoraalkan uu muujinayo yuhuud naceyb, wuxuna ku goodiyay in uu dacwad ka furi doono arintan.
Wuxu soo hadal qaaday cilmi baaris ay sameysay koox Maraykan ah oo garabka bidix ah oo la yiraahdo “Media Matters for America” kuwaas oo sheegay in ay caddeeyeen in iidhehyada shirkaddaha caanka ah lagu soo bandhigo qoraallo lagu amaanayo naasiyiintii, iyagoo xiganaya haddallo uu horey u yiri Adolf Hitler hoggaamiyihii Naasiga Jarmalka.
Afhayeen u hadlay X (oo horey loo oran jiray Twitter) ayaa BBC-da u sheegay in shirkaddu si ula kac ah u maamulin xayeysiisyada caanka ah ee ay wehliso waxyaabahan oo kale, iyo in shabakadda ka go’an tahay la dagaalanka yuhuud nacaybka.
Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dil toogasho ah lagu fuliyay, Cabdisalaan Cali Axmed oo dhawaan ay xukun dil ah ku ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Cabdisalaan Cali ayaa lagu helay inuu magaalada Guriceel ku dilay allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Cali Hudey oo si weyn looga yaqaanay magaaladaasi.
Marxuumka ayaa sidoo kale la dhashay taliyaha Booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudey, waxaana inta aan la dilin uu Marxuumka qayb ka ahaa ciidanka deegaanka ee dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda As ka wada aagga degmada Guriceel.
Ninka la toogtay ayaa isna aha askari kale oo ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugidda, isaga oo ugu dambeyn gacanta lagu soo dhigay kadib markii uu baxsaday dilka uu gaystay kadib.
Fagaaraha lagu toogtay Cabdisalaan waxaa goobjoog ahaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, maamulka degmada, ehellada iyo dadweyne kale.
Xukunka dilka ah ee lagu fuliyay ninkan ayaa la dadajiyay, waxaana u dhexeeyay maalmo kooban markii lagu riday iyo saaka oo lagu fuliyay , taas oo ay soo dhaweeyeen ehellada.
Dilka Marxuum Cabdullaahi Cali Hudey ayaa sidoo kale dhalisay caro xoogan, maadaama dadka deegaanka iyo ehelladuba ay ka xumaadeen falkaasi.
Si kastaba, fulinta xukunka ayaa ugu dambeyn noqday xalka kaliya ee ay wada gaareen ehellada iyo mas’uuliyiinta degmada oo kaashanaya Maxkamadda Ciidamada.
Maalmo kahor ayay aheyd markii sidaan oo kale askari kale oo isna dil ka gaystay magaalada Baydhabo ay si deg-deg ah u toogatay Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay kulan deg-deg ah oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo kala duwan oo xasaasi ah.
Ugu horreyn golaha ayaa shirkooda ku go’aamiyay inay ku ansixiyaan hindise sharciyeedka Dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah.
Sharcigan ayaa muhiimad weyn u leh dib-u-dhiska iyo nidaaminta adeegyada dad-dhigista ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Intaasi kadib ayaa waxaa shirka warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay halka uu marayo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo howlgallada lagu xasillinayo dalka.
Shirka deg-degga ah ee golaha wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay tallaabooyinka illaa iyo hadda la qaaday ee la xiriira gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka wata daadadka ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka.
Golaha ayaa go’aamiyay in si wadajir ah loogu gurmado dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay dalka, kuwaas oo wajahaya xaalad adag.
Kulankan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu horay u baaqday shirkii todobaadlaha ahaa oo ay Khamiis walba yeelan jireen golaha, kaas oo looga hadlo shaqooyinka xukuumadda.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan jira xaalado is biirsaday, sida dagaalka AS iyo xaalado bani’aadanimo oo ka dhashay fatahaadaha ka jira gudaha dalka
Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Wakaaladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa ku warrantay in 15 Falastiiniyiinh ah lagu dilay, waaberigii Axadda, duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Bartamaha iyo Koonfurta Marinka Gaza.
Hay’addu waxay sheegtay in 13 qof lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday guri ku yaalla xerada Nuseyraat, oo ku taalla badhtamaha marinka Qaza, halka haweeney iyo ilmo ay dhashay lagu dilay weerar kale oo ka dhacay magaalada Khan Yunis ee koonfurta Gaza.
Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa safiirkii ugu horreysay ee ebid u dirtay waddanka Eritrea, waxaana loo magacabay Cumar Idiris, oo horey u ahaa Safiirka Qatar, waxaana waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Jimcihii madaxeynaha dalkaas Isaias Afwerki.
“Sharaf ayay ii ahayd in aan noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea taariikhda labada dal ee walaalaha ah.” ayuu danjire Cumar Idiris ku yiri qoraal kooban oo u soo dhigay bartiisa X ee hore loo dhihi jiray Twitter.
Wasiirka warfaafinta Eritreal ayaa sheegay in Cumar Idris uu ka mid ahaa 17 danjire oo uu madaxweyne Afwerki ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Jimcihii.
Eritrea ayaa ciidamo kumannaan ah u tababarta Soomaaliya kuwaasi oo iskugu jira cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo kuwa gaarka ah ee dhulka, badda iyo cirka.
Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaso : Abdimajiid Aweeys isaaq
Farsamadii :Yasiin Cali Axmed