Home Blog Page 3147

{DAAWO SAWIRADA} Golaha Wasiirada Soomaaliya oo kulan Deg deg ah yeeshay

0

Muqdisho, Nofeembar 18, 2023; Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa lagu meelmariyey hindise sharciyeedka Dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah.

 

Hindisaha-sharci ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ayaa muhiimad weyn u leh dib-u-dhiska iyo nidaaminta adeegyada dad-dhigista ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay halka uu marayo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah iyo howlgallada lagu xasillinayo dalka.

 

Sidoo kale, shirka golaha wasiirrada ayaa looga hadlay tallaabooyinka illaa iyo hadda la qaaday ee la xiriira gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka wata daadadka ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka.


—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —

{DAAWO MUQAALKA} Qoyskii uu ka geeriyooday Wariye Qeys oo maanta Bahda Warbaahinta ay gaarsiyeen deeq lacageed.

0
Sabti November 18, 2023 {HMC} Qoyskii uu ka geeriyooday Wariye Qeys oo maanta Bahda Warbaahinta ay gaarsiyeen deeq lacageed.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} YHD oo ammartay in muddo hal saac ah dadka ku jira looga saaro Isbitaalka Al Shifa.

0
Sabti November 18, 2023 {HMC} YHD oo ammartay in muddo hal saac ah dadka ku jira looga saaro Isbitaalka Al Shifa.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Haweenka degmada Guriceel oo dhiira galin ugu tagey ciidamada Qaranka ee Jiidda hore ku sugan,

0
Sabti November 18, 2023 {HMC} Haweenka degmada Guriceel oo dhiira galin ugu tagey ciidamada Qaranka ee Jiidda hore ku sugan,

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay ee soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 18 11 2023

0
Sabti November 18, 2023 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay ee soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 18 11 2023

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Siddee lagu soo badbaadiyay dadkii saarna doontii maanta ku degtay Fatahaada Baladweyne.

0
Sabti November 18, 2023 {HMC} Siddee lagu soo badbaadiyay dadkii saarna doontii maanta ku degtay Fatahaada Baladweyne.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Tirada dadka ku dhintay Fatahaada Baladweyne oo korarta

0

Sabti November 18, 2023 {HMC}  Tirada dadka ku dhintay Fatahaada Baladweyne oo korarta

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn 18 11 2023

0

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaso :Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Abdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Madaxweyne Erdogan oo ballan qaad u sameeyay reer Qaza

0

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC} Turkiga ayaa dadaal ku bixin doona dib u dhiska kaabayaasha burburay, isbitaallada iyo iskuullada Qaza haddii xabbad joojin laga gaaro halkaas, warbaahinta Turkiga ayaa Sabtidii sidan ka sheegtay madaxweyne Racep Tayyip Erdogan.

“Haddii xabbad joojin la gaaro, waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah si aan kabasho uga samayno burburka ay geysatay Israa’iil,” ayuu Erdogan u sheegay suxufiyiinta isagoo ku jira diyaaradii uu kaga soo laabtay safar uu ku tagay Jarmalka, halkaasoo uu wadahadallo kula yeeshay madaxda Jarmalka.

“Waxaan ku dadaali doonnaa dib-u-dhiska kaabayaasha burburay ee Qaza iyo dib-u-dhiska dugsiyadii burburay, isbitaallada, biyaha iyo tamarta,” ayaa lagu yiri war ay boggeeda ku baahisay baahisay A Haber.

Horraantii todobaadkan Erdogan waxa uu ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu in uu ku dhawaaqo in Israa’iil ay haysato hubka Nukliyeerka ah iyo in kale, wuxuuna arrintan ku soo noqday hadal uu u jeediyay suxufiyiinta, isaga oo ku baaqay in la baaro hubka Nukliyeerka ah ee halkaasi ka jira.

Qisada haweeneyda killideeda ugu ‘deeqday’ ninkeeda iyo abaal gudka mucjisada ah ee uu siiyay

0

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC} Soomali badan ayaa baraha bulshada ku hadalheysa haweeneey ka sheekeysay qiso murugo leh oo ku dhacday nolosheeda.

Dhacdadaan oo ka dhacday dalka Aljeeriya ayaa warbaahinta Carabtu waxa ay hal kudhig uga dhigeen ‘sadaqadii khiyaanada lagu beddeshay’.

Haweeney u dhalatay dalka Aljeeriya ayaa ka sheekeysay qisadeeda oo markii dambe qabsatay baraha bulshada ee caalamka. Waxaa siyaabo badan uga hadlay Carabta iyo dadyowga kaleba oo ay Soomaalidu ku jirto.

Muuqaal ku baahay baraha bulshada, sidoo kalana ay baahiyeen warbaahinno kala duwan ayaa muujinaya iyada oo ka sheekeyneysa qiso dad badan ay ku tilmaameen in ay tahay mid xanuun badan, iyada oo indhaheeda ay ka qubaneysay illin kana cabaneysa ninkeeda oo aan uga mahad celinin abaalkii naf hurnimada ahaa ee ay u gashay.

Waxay sheegeysaa inay ugu deeqday kellideeda balse uu noqday qof aan ilaalinin abaalkii ay u gashay, taa beddelkeedana uu kaga naxsaday furriin iyo in madexeeda uu siiyo.

Waxa taa kasii daran in ay sheeegeyso in markiiba uu guursaday isaga oo si toos ah u baabi’iyay rejadii ay isaga ka lahayd.

Waxa ay tiri, “waxa aan waqti badan ku bixiyay xannaanadiisa, waxa aan ku duceysan jiray badbaadadiisa, balse waxa uu iigu mahad celiyay furriin”.

Sida lagu daabacay qaar kamid ah warbaahinta, haweenaydan oo ku nool gobolka Batna ee dalka Aljeeriya ayaa dhakhaatiirtu waxa ay u sheegeen in mustaqbalka ninkeeda uu ku jiro halis kadib muddo 12 sano ah oo uu deris la’ahaa xanunno ka haleelay kelliyaha.

Waxa ay u sheegeen in kelliyihiisu ay shaqadii gabeen isla markaana uu qarka u saaranyahay geeri.

Haweeneydan ayaa sheegtay in la waayay cid ay qaraabo yihiin oo killi u saarta ninkeeda, intaa kadib ayey go’aansatay in ay mid kamida kelliyeheeda u saarto si loogu badbaadiyo nolosha ninkeeda, maadaama uu xaalad halis ah kujiray.

Waxa ay sheegtay marka uu soo caafimaday kadib in uu is beddelay isla markaana uu bilaabay in u uku jees jeeso iyada.

“Markii uu isbitaalka kasoo baxay waxa aan ka dareemay is beddel iyo in uu six xun iila dhaqmayo, ma ahayn qof wanaagsan, markii la sheegay in uu adduunka ka tegi rabo ayaan ayaan garab istaagay laakiin isagu ma ahan insaan wanaagsan, waxaana uu bilaabay in uu la haasaawo dumar kale oo ii I dayaco” ayey sii raacisay.

Arrinta haweeneydan ayaa hadal heyn weyn kadhex dhalisay baraha bulshada. Inkasta oo ay sheegeyso in xubnaheeda mid kamid ah ay bixisay, hadana waxay murugo ku tilmaantay inay weysay ninkeedii.

Dhacdooyinka kuwan lamidka ah ee horay u dhacay

Haweeney u dhalatay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Maviş Erdoğan ayaa iyaduna aad u qabsatay baraha bulshada bishii Febraayo ee sanadkii 2020-kii, kadib markii seygeeda ay ka dalbatay in uu usoo celiyo kelli ay hadda kahor ugu deeqday isagoo xanuunsan.

Haweeneydan iyo seygeeda oo lagu magacaabo Axmet Erdoğan ayaa aqal galay sanadkii 2006-ka, waxaana dhowr sano kadib xanuunsaday seygeeda oo laga qabtay kelliyaha.

Sanadkii 2009-kii ayaa isbitaal ku yaala dalka Turkiga waxaa la seexiyay Axmet Erdogan, waxaana dhakhaatiirta ay ka deyriyeen xaaladdiisa caafimaad, waxayna ku taliyeen in uu u baahan yahay qof kale oo kelli u bixiya si noolashiisa loo badbaadiyo. Waxaa markiiba usoo istaagtay xaaskiisa oo ugu deeqday mid kamid ah kelliyaheeda.

Haweeneydan ayaa badbaadisay seygeeda, waxaana taasi ay keentay in uu caafimaado Axmet.

Hase yeeshee horraantii bishii April ee sanadkii 2019-ka, Axmet Erdoğan waxay xaaskiisa sheegtay in uu guur qarsoodi ah la galay gabar ay ehel yihiin oo uu ka tegay iyada oo u heysa wiil 11 sano jir ah.

Balse Maviş Erdoğan ayaa ka carootay “sida ninkeeda uu ula dhaqmay”, waxayna kasoo muuqatay barnaamij ka baxa telefishenka Ahaber ee dalka Turkiga, iyadoona dalbatay in ninkeeda uu usoo celiyo kellidii ay ugu deeqday dhowr sano kahor.

Sidaas si lamid ah haweeney kale oo carabiyad ah una dhalatay dalka Masar ayaa waxa kelli ugu deeqay ninkii qabay kadib markii ay xanuunsatay isla markaana ay gashay xaalad halis ah, markii ay soo caafimaadday ayey ka dalbatay furriin iyadoo dad badan arrintaasi ay layaab ku noqotay.

Dhinaca kale ninka ay haweeneydan sheegtay in uu sida xun ugu abaal guday iyo qoyskiisa oo laftoodu ay sheegtay in ay garab istaagi waayeen xilligii uu xanuunsanaa ayaan labadaba wax hadal ah kasoo bixin.

ISHA BBC SOMALIA