Home Blog Page 3148

Guddiga doorashada Puntland oo go’aan cusub kasoo saaray doorashada PUNTLAND

0

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC} Guddiga doorashada Puntland ee (PEC) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa go’aan cusub kasoo saaray doorashada maamulkaasi oo ay weli ku muransan yihiin xubnaha mucaaradka ah iyo sidoo kale madaxweyne Deni.

Guddiga PEC ayaa shaaca ka qaaday in mabda’ ahaan ay isla qaateen in maanta ay qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah waxa isku hayaan labada dhinac.

Guddoomiyaha guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay inay ka go’an tahay in lasii wado hannaanka doorashada, si looga gudbo xaaladda kala guurka ah.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqada ugu horreyso oo ay qaban doonaan ay tahay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, ayna bilaabayaan 16-ka December.

“Waxaan isla garanay 16-ka December inay noqoto maalinta aynu daah-fureyno ama ay innoo bilaabaneyso dib u furista waxa la yiraahdo diiwaangelinta” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay sameyn doonaan barnaamijyo wacyigelin ah oo ay la kaashan doonaan hay’adaha kale e Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray xisbiyada maqan, isaga oo ugu baaqay inay doorashada kusoo biiraan, isla-markaana doorkooda ka qaataan dadaallada haatan soconaya.

“Waxaan kusoo qatamiyaa inaan halkan baaq uga diro xisbiyada siyaasadda ee weli aan halkan ka muuqan inay kusoo biiraan, waana rajaynayaa” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Go’aankan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay Madaxweyne Deni uu mucaaradka u diray farriin ku aadan doorashada, isaga oo xusay inuu diyaar u yahay inuu wahadal la galo.

Dhakhtar Irish-Falastiini ah oo sheegay in aanu ka baxaynin Isbitaalka Al-shifa walow laga daad gurayanayo bukaanada

0

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC} Dr Ahmed El Mokhallalati, oo ah dhakhtar Irish-Falastiiniyiini ah oo ka shaqeeya isbitaalka weyn ee Al-Shifa, ayaa sheegay in isaga iyo shan dhakhtar oo kale ay ku sugan yihiin isbitaalka oo ay la joogayaan 120 bukaan oo halkaas ku haray.

“Bukaanno badan kama bixi karaan cisbitaalka maadaama ay ku jiraan sariiraha ICU ama kuwa caruurta,” ayuu soo dhigay barta X (Twitter).

El Mokhallalati ayaa sheegay in militariga Israa’iil ay ku amreen qof walba inuu ka baxo isbitaalka. IDF waa ay beenisay arrintaas, iyadoo sheegtay inay ogolaatay codsi daadgureyn ah oo uga yimid agaasimaha isbitaalka.

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza oo ay maamusho Xamaas ayaa goor sii horeysay sheegtay sheegtay in boqolaal qof ay saaka lug uga carareen isbitaalka Al-Shifa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxa ay sheegtay in 120 bukaan oo dhaawac ah ay ku harsan yihiin isbitaalka, oo ay la socdaan tiro aan la cayimin oo dhallaan dhicisoobey ah.

Mar sii horreysay, saraakiisha caafimaadka ayaa AFP u sheegay in “450 dhaawac ah iyo bukaanno qaba xanuunno daba-dheeraaday” aan la bixin karin, tiro shaqaale caafimaad ahna ay joogi doonaan isbitaalka si ay u daryeelaan.

Ninka ugu taajirsan dunida oo markii labaad kor u diray dayaxgacmeedkii ugu weynaa abid oo hore u fashilmay

0

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC} Gantaalka ugu awooda badan ee abid la sameeyay ayaa markii labaad ka tagay xarunta laga ganao gantaalada sida dayax gacmeedyada ee Texas, iyadoo 33 matoor ay ku xiran yihiin si awoodiisa ay u xoojiyaan.

Marxaladda kala soocidda ayaa hadda dhacday, iyada oo qaybta dayax gacmeedku ay wali ku jirto duulimaad iyada oo dhammaan lixdeeda matoorba ay shaqaynayaan.

Laakiin xoojiyaha Super Heavy ayaa qarxay, taas oo aanka mid ahayn qorshaha injineerada SpaceX.

Intaas kadib waxay joojiyeen tebintii tooska ahayd kadib markii uu go’ay xiriirka gantaalka oo ay u suurta gali weyday inay xogta si toos ah usoo tabiyaan.

Kornayl Jimcaale: Deni isagaa dambiile ah oo dad rayid ah ku laayay Garowe iyo Bosaso

0

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC}  Taliyaha ciidanka Danab ee Puntland, Kornayl Jimcaale Jaamac Takar ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu shalay saxaafadda kasii daayay madaxweyne Deni, kaasoo ahaa inuu cafis fidiyay sarkalkan iyo ciidankiisa.

Kornayl Jimcaale oo soo saaray war-saxaafadeed, ayaa sheegay, madaxweyne Deni inuu isagu yahay dambiile ka dambeeyay dagaalo ay dad rayid ah ku geeriyoodeen, kuwaas oo ka kala dhacay Garowe iyo Bosaso.

Kornaylka wuxuu sheegay madaxweyne Deni inuu isagu u baahan yahay inuu cafis weydiisto ciidanka kumaandooska Danab iyo shacabka Puntland.

Ugu dambayn wuxuu sheegay inuu hoggaansan yahay go’aankii isimadu ay soo saareen, ee ahaa in doorashada lagu qabto waqtigeeda, oo aysan aqbali doonin dib u dhac.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shir Gudoomiyay Shirka Amniga qaranka

0

Muqdisho, Nofeembar 18, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaran ayaa looga hadalay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda, dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo qorshaha Soomaaliya ee shir looga hadlayo amniga dalka oo ay wadajir u qabanayaan DFS, QM iyo Midowga Afrika.

Guddiga Amniga Qaranka oo warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeynayaan laamaha amniga, iyadoo sidoo kale lagu dhiirri geliyey Ciidanka Booliska ee u tababaran sida Milatariga dadaalka habeen iyo maalinta ah ee ay u bixinayaan amniga caasimadda.

Guddigu Amniga Qaranka ayaa bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan xoreynta deegaanno badan oo ka tirsan Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale, waxay adkeeyeen abaabulka iyo dhammeystirka wajiga 1-aad ee howlgalka oo horseedaya in laga sifeeyo Khawaarijta deegaannada ay kaga harsan yihiin Hirshabeelle iyo Galmudug.

DHAMMAAD

Shabeellada Dhexe: Heshiis lagu gaaray qofkii qof aano qabiil u dila in shareecada lagu xukumo

0

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC}  Kulan looga hadlayay ammaanka deegaanada hoos yimaada degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxaa heshiis lagu gaaray in hay’adaha amnigu soo qabtaan qofkii qof dila, laguna fuliyo xukunka shareecada.

Heshiiskaan ayaa lagu sheegay inuu ahmiyad ballaaran u leeyahay sidii loosoo afjari falalka aargoosiga aanooyinka qabiilka, kuwaas oo caqabad ku noqday nabad galyada gobolka.

Wasiirro ka tirsan Hirshabelle, Hay’adaha Garsoorka, Hay’adaha Amniga, Maamulada Cadale iyo Raage-ceele ayaa ka qeyb galay kulankan, iyagoo soo dhoweeyay heshiiskan. Waxayna sheegeen inay taageerayaan sidii heshiiskaas uu ku dhaqan gali lahaa.

Maamulada Cadale iyo Raage-Ceele ayaa waxay ballan qaadeen in laamaha amaanka ay u gudbin doonaan cid kasta oo ku lug yeelata falalka lidiga ku ah ammaanka iyo xasiloonida deegaanada u dhaxeeya labadaasi degmo.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa gacanta ku haya ammaanka goobihii ay ku dagaalameen Maleeshiyo beeleed hubeysan, waxaana dagaaladaasi ay sababeen in dad rayid ah lagu laayo, laguna gubay guryo rayid ah.

The first two ships with Russian wheat went to Somalia and Burkina Faso

0

Oreanda-News
Saturday November 18, 2023

The first two wheat ships for Somalia and Burkina Faso have left Russia, Agriculture Minister Dmitry Patrushev said during a visit to the department’s stand at the Russia Exhibition and Forum.

“The first two ships, 25 thousand tons each, in the direction of Somalia and Burkina Faso have already left Russian ports, we expect them to arrive at their destinations in late November – early December of this year,” he said.

Ships with wheat for the CAR, Zimbabwe, Mali and Eritrea will be sent before the end of the year.

Patrushev recalled that in total, up to 200 thousand tons of Russian wheat will be sent to Africa free of charge by the end of the year.

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamadaynta koox dhac ugaysan jirtay dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

0
Sabti November 18, 2023 {HMC} Maxkamadaynta koox dhac ugaysan jirtay dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 18/11/2023

0
Sabti November 18, 2023 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 18/11/2023

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Senator “Waxaan ku Baaqaa in Gargaar lala gaaro Dadka ku nool Koofur Galbed”

0
Sabti November 18, 2023 {HMC} Senator “Waxaan ku Baaqaa in Gargaar lala gaaro Dadka ku nool Koofur Galbed”

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA