Home Blog Page 3149

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamo Badan oo lagu soo Bandhigay Deegaanka Bacaadweyn

0
Sabti November 18, 2023 {HMC} Ciidamo Badan oo lagu soo Bandhigay Deegaanka Bacaadweyn

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka geystay Baladweyne ayaa saameysay isbitaalka ugu weyn ee magaalada

0
Sabti November 18, 2023 {HMC} Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka geystay Baladweyne ayaa saameysay isbitaalka ugu weyn ee magaalada

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dad ku Go’doonsan Xafadaha Baladweyne oo si Diran ay u Saameysay Fataahada Wabiga shabeelle

0
Sabti November 18, 2023 {HMC} Dad ku Go’doonsan Xafadaha Baladweyne oo si Diran ay u Saameysay Fataahada Wabiga shabeelle

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Kulan looga hadlayey adkaynta Amniga deegaanada Hirshabeelle oo lagu qabtay Deegaanka Buurka dirimed

0
Sabti November 18, 2023 {HMC} Kulan looga hadlayey adkaynta Amniga deegaanada Hirshabeelle oo lagu qabtay Deegaanka Buurka dirimed

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} 10 Ruux oo ku edeysanaa kamid noqoshada AS oo la maxkamadeyay

0
Sabti November 18, 2023 {HMC} 10 Ruux oo ku edeysanaa kamid noqoshada AS oo la maxkamadeyay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dal ku yaala Afrika oo joojinaya xiriirka Israaiil si uu ugu ololeyso Dowlad ay Falastiin yeelato.

0
Sabti November 18, 2023 {HMC} Dal ku yaala Afrika oo joojinaya xiriirka Israaiil si uu ugu ololeyso Dowlad ay Falastiin yeelato.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGAYSO} Warka Duhurnimo ee Warbahinta Hiiraanweyn

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaso :Cabdi maajid Cabdiraxmaan Iyo Mustaf Cali Cadow

Farsamadii :Muuse Ali Herrow

                   HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Madaxweyne Guudlaawe oo Xil ka qaadis ku sameyay masuul ka tirsana gola wasiirada Hirshabelle

0

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC} Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilka Wasiiru-dowlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Hirshabeelle ka qaaday masuulkii ugu magacawdanaa.

Wareegto cusub uu saakay aroortii soo saaray madaxweyne Guudlaawe ayuu ugu Magacaabay Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Axmed.

DENI oo shaaciyay inuu diyaar u yahay Wada Hadal cafiyna u fidiyay saraakiisha ciidanka mucaaradka

0

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC} Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay inuu cafis u fidiyay dhamaan saraakiishii hoggaamineysa ciidankii Mucaaridka ee qeybta ka ahaa dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay in uu diyaar u yahay inuu wada-hadal la galo cidkasta oo qabta aragti ka gedisan dimuqraadiyadda, si buu yiri loogu qanciyo in awoodda dib loogu celiyo shacabka.

“Wixii ciidan ahaa waxaan halkaan ka cadeynayaa in dowladdu cafis u fidisay, oo General Jimacaale u wayn yahay,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan kale oo baaq u dirayaa nimanka siyaasiyiinta ah ee dowladda haatan ka aragti duwan inay miiska nala soo fariistaan oo wixii sharci ah iyo caqli diyaar ayaan u nahay in aan kala hadalno.”

Deni ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu maanta booqasho ku tegay deegaanka Caano-yaskax oo ka tirsan degmada Garoowe, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada deegaanka Caano-yaskax oo uu ka dhegaystay baahiyaha ka jira deegaanka, waxaana kulamadaasi looga hadlay horumarka, nabad-gelyada iyo dhameystirka hannaanka dimuqraadiyadda Puntland oo dadka deegaanku ay taageereen.

Sidoo kale wuxuu la wadaagay bulshada in shacabka oo madaxdooda doorta ay tahay xuquuq ay muwadiiniintu leeyihiin oo dastuuri ah in la gaarsiiyo, sidaasi darteed doorashooyinka goleyaasha ee saddexda degmo ee harsan la qaban doono dhowaan.

Si kastaba, hadalka Saciid Deni ayaa imanaya xilli mucaaradka uu dhawaan soo saaray jadwal doorasho, oo ku dhisan hanaankii hore ee doorashooyinka maamulka, kaasi oo kasoo horjeeda midkii uu hore u soo saaray guddiga doorashooyinka, oo dhigaya in 25-ka bisha Febraayo ee 2024-ka ay qabsoomto doorasho qof iyo cod ah.

Maxaa ku qornaa warqadda uu 20 sano kahor qoray Osama ee laga mamnuucay TikTok?

0

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC} Shabakadda muuqaallada gaagaaban ee TikTok ayaa ku dhawaaqday mamnuucida waxyaabaha xayaysiinaya warqad uu Osama bin Laden qoray sannadkii sanadkii 2002.

Warqaddaasi ayuu xilligaasi si faah-faahsan uga hadlay sababihii uu hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida u soo qaaday weerarrada ka dhanka ah dadka Maraykanka ah.

Dood ku saabsan farriinta Osama bin Laden ee lagu faafiyay TikTok toddobaadkan ayaa ku saabsan muranka ka dhashay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas, iyada oo qaar ka mid ah isticmaaleyaasha reer galbeedka ay ammaaneen waxa ku jira.

Warqadan oo la qoray kadib weerarkii Al-Qaacida ay ku qaadday Mareykanka oo lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo qof, ayaa lagu dhaleeceeyay taageerada Mareykanka uu siiyo Israa’iil.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay dadka Mareykanka ah inay maal-geliyaan “dulmiga” lagu hayo Falastiiniyiinta, waxaana ka mid ahaa hadallo ka dhan ah Yuhuudda.

Bin Laden ayaa sanadkii 2011-kii lagu dilay Pakistan, waxaana dilay cutub ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.

“Waxyaabaha xayaysiinaya warqadan waxay si cad u jebinayaan xeerarkeena ku aaddan taageeridda nooc kasta oo argagixisanimo,” ayay TikTok ku tiri hadal ay soo saartay.

Waxay intaas ku dartay in aan si joogto ah loogu faafin masraxeeda warqaddan.

Qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Mareykanka ayaa ku baaqay in la mamnuuco app-ka laga leeyahay Shiinaha, waxayna soo cusbooneysiiyeen dhaleeceyntooda kahor inta aan la shaacin mamnuucistan Khamiistii.

Afhayeenka Aqalka Cad Andrew Bates ayaa bayaan uu soo saaray Khamiistii ku sheegay in aysan jirin sabab xilligaan loo faafiyo wax uu ku sheegay “beenta iyo naceybka Bin Laden.”

“Marna ma jirto sabab loo faafiyo beenta, xumaanta, iyo nacaybka uu hoggaamiyaha Al-Qaacida soo saaray wax yar uun kadib markii uu geystay weerarkii argagixiso ee ugu xumaa taariikhda Mareykanka.”