Home Blog Page 3150

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay Jen Jimcaale Takar wadahadalna ugu baaqay Mucaaradka Puntland

0

Jimco November 17, 2023 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay deegaanka Caano-yaskax oo ka tirsan Degmada Garoowe, Iyadoo soo dhoweynta ay ka qeybgaleen Maamulka Degmada Garoowe, Maamulka Gobolka Nugaal iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Caano-yaskax.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada deegaanka Caano-yaskax oo uu ka dhegaystay baahiyaha ka jira deegaanka, waxaana kulamadaasi looga hadlay horumarka , nabadgelyada iyo dhameystirka hannaanka dimuqraadiyadda Puntland oo dadka deegaanku ay taageereen.

 

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Bulshada in Shacabka oo Madaxdooda doorta ay tahay xuquuq ay muwadiiniintu leeyihiin oo dastuuri ah in la gaarsiiyo, Sidaasi darteed doorashooyinka goleyaasha ee saddexda degmo ee harsan la qaban doono dhowaan .

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku baaqay wadahadal cidkasta oo qabta aragti ka duwan dimuqraadiyadda si loo qanciyo, wuxuuna cafis Madaxweyne u fidiyey dhammaan Saraakiisha Ciidanka oo uu ku jiro Gen. Jimcaale Takar iyo dhammaan Ciidanka ka qeyb qaatay qalalaasihii ka dhacay Garoowe.

 

Isagoo muujiyey in Dowladdu dhinaceeda diyaar u tahay nabad in ay ku dhacaan Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada ee loo madlanyahay.

 

Waxaa Safarka Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Saraakiil Ciidan iyo marti sharaf kale.

DHAMMAAD-

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn 17 11 2023

0

Jimco  Nofembar 16, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaso :Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Abdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

 

{DAAWO MUUQALKA} Taliska Booliska maamulka Jubbaland oo gacanta ku dhigay waxyaabaha maanka Dooriya iyo dadkii watay

0

Jimco November 17, 2023 {HMC}  Taliska Booliska maamulka Jubbaland oo gacanta ku dhigay waxyaabaha maanka Dooriya iyo dadkii watay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQALKA} Dab xoogan oo waqtigaan ka socda suuqa weyn ee Degmada xamar weyne.

0

Jimco November 17, 2023 {HMC} Dab xoogan oo waqtigaan ka socda suuqa weyn ee Degmada xamar weyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Dab xooggan oo ka kacay suuqa degmada Xamarweyne

0

Jimco November 17, 2023 {HMC}  Dab xooggan ayaa goordhaw ka kacay suuqa weyn ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, waxaana socda dedaalo la doonayo in debka ka kacay suuqa lagu damiyo.

 

Gaadiidka dab-damiska iyo ciidamada ammaanka ayaa gaaray suuqa dabka ka kacay , waxaana sidoo kale daminta dabka gacan weyn ka geesanaya dadka deegaanka iyo ganacsatada.

 

Dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday meelo ka mid ah Suuqa sida Dahablaha iyo kawaanka Hilibka lagu iibiyo.

 

Goobta uu Dabka ka kacay Ciidamada ammaanka ayaa xaqiijinaya ammaanka suuqa Xamarweyne, si aysan kooxo burcad ah boob iyo dhac uga geysan.

{DAAWO MUUQALKA} RW xamsa oo xertay tuutaha ciidanka qaranka kuna dhawaaqay dagaal ka dhan ah AS.

0

Jimco November 17, 2023 {HMC} RW xamsa oo xertay tuutaha ciidanka qaranka kuna dhawaaqay dagaal ka dhan ah AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQALKA} Qaraabo naftiina ayaad naar iyo cadaab daran ka badbadiseen hadaad nabad qaadateen”Sheekh Soomoow”

0

Jimco November 17, 2023 {HMC} Qaraabo naftiina ayaad naar iyo cadaab daran ka badbadiseen hadaad nabad qaadateen”Sheekh Soomoow”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dowladda Kenya oo dadka uga digtay hilib soo galay Nairobi

0

Jimco November 17, 2023 {HMC} Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Muranga ee dalkan Kenya ayaa sheegay in gaari xamuul ah oo sida ilaa 2000 oo kiilo oo hilibka dameerka ah u soo baxsaday dhanka magaalada Nairobi ee caasimadda. Kenya.

Waxay ka digeen in hilibkaas laga cabsi qabo in la geeyo ama lagu iibiyo kawaanada qaar ee ku yaala caasimadda, sida lagu daabacay mid kamid ah wargeysyada ugu waaweyn ee dalka Kenya.

Ku xiigeenka guddoomiyaha amaanka ee ismaamulka Muranga, Gitonga Murungi, ayaa waxaa uu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ilaa 3,000 oo kilo oo hilibkaas ah oo lagu qabtay beer ku taala deegaanka Makuyu.

Waxaa uu intaa ku daray in 10 qof oo kale oo laga shakisanyahay ay baxsadeen. Mr Murungi ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen kadib ay ku ogaadeen in in kabadan 70 dameer la qalay mudo sadex maalmood gudahood.

Ninka Soomaaliga ah ee u eg Abiy Axmed ayaa leh ‘Xitaa aabihiis iyo aabaheey ayaan kala garan waayay’.

0

Jimco November 17, 2023 {HMC} Isxaaq Axmed Xasan waa guddoomiyaha degmada Waaciye oo ka tirsan gobolka Bari ee Soomaaliya, balse muuqaalka oo ay isaga egyihiin hugaamiye Afrikaan ah oo si wayn loo yaqaano ayaa noloshiisa maalin laha ah saameyn ku yeeshay.

Isxaaq waxa uu si uun u shabahaa ay muuqaal raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Arrinta isu ekaanshaha labada nin ayaa marar kala duwan hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada, gaar ahaa deegaanada Puntland.

Dhanka kale waxaa jira dhacdooyin qosol leh oo uu sheegay inay marar kala duwan dhaceen. Waxaa kamid mid uu sheegay inay ka dhacday degmada uu gudoomiyaha ka yahay oo ay wufuud ka socotay dawladda Soomaaliya iyo Puntland ay soo booqdeeen.

“Wufuud heer fadaraal ah ayaa mar timid degmada Waaciye, kadibna wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdiqaadir Caashe, ayaa tusay madaxweyne Gaas [sawirkeyga] oo yiri ‘Abiy ayaa manta tagay Waaciye’, markaas ayuu yaabay madaxweyne Gaas.

Mar dambe ayuu sheegay in lagu baraarugay in qofka sawirka ka muuqda uu yahay guduumiyihii Waaciya.

Saameynta ay noloshiisa ku yeelatay in ay Abiy isku egyihiin
Isxaaq ayaa sheegay in muddo badan loogu wici waayay magiciisa oo dadku marka ay arkaan ay ugu yeeraan ‘Abiy’ taas oo uu sheegay in ay saameyn nololeed ku yeelatay.

“Saameyn weyn ayey igu yeelatay, saacad kasta dadka aan xitaa I garaneyn waxa ay iigu yeeraan Abiy. Inkasta oo hadda aysan ahayn sidii hore, aniguna maba jecleyn magacayga magac aan ahayn in la’iigu yeero”, ayuu yiri guddoomiye Isxaaq.

Waxa uu sheegay in xittaa marka laga eego dhinaca amniga aysan isaga farxad gelineyn in loogu yeero magaca reysal wasaaraha Itoobiya, waliba marka ay dadku ugu yeeraan xilliyada u uku suganyahay meelaha ay bulshadu isugu timaaddo ama ay ku kulmaan.

Labada aabe oo isku eg
Arrinta kale ee layaabka noqotay ayaa ah in ay aad isugu egyihiin aabbaha dhalay reysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo sido kale aabbaha dhalay guddoomiye Isxaaq Axmed, iyadoo weliba ay isku magac yihiin.

“maalin maalmaha kamid ayaa nin aan saaxiib nahay oo aan wada shaqeyno isla markaana aan qaraabo nahay ayaa sawir iiso diray, waxa uu igu yiri qofkaan ma garaneysaa, anigu wan yaabay oo sawirkii ayaan aad u eegay, waan shakiyay oo waa qof aan aabbahay u maleyn lahaa sida uu ugu egyahay awgeed, laakiin waxa kaliya ee ay ku kala duwanaayeen ayaa ahayd bar ama honqor wejiga kaga taalla Abiy aabbihiis” ayuu yiri guddoomiye Isxaaq Axmed.

Waxa uu sheeegay in ay layaab ku noqotay arrintan, dadku waxa ay aad u hadal hayaan isu ekaanshaha reysal wasaaraha iyo guddoomiyaha, hase yeeshee waxaa muuqatay in aad isaga sii ekaayeen labada aabbe.

‘Hadii aan damco inaan Itoobiya aado timaha ayaan xiiran doonaa’
Maadaama Soomaalidu inteeda badan isku raaceen isku ekaanshaha labada nin, in sidoo kale shacabka Itoobiyaanka sidaas oo kale ay maleeyaan ayuu Isxaaq qabaa inay suuragal tahay.

Sidaas daraadeed arrintaas ayaa walwal ku haysa ISxaaq marka ay noqoto in Itoobiya ay dani ka gasho.

“Haddiiba ay dhacdo in aan safar u baxo ama Itoobiya tago, kolley timaha iyo garka ayaan xiiran doonaa si aanan khatar u gelin, waa run dadku wey dhihi karaan waaba reysal wasaarihii oo magaaladiisa iska maraya, marka si aan la’iigu maleyn wan is yar beddeli lahaa”.

Waxa uu sheegay in reysal wasaaraha Itoobiya uu yahay nin Itoobiyaan ah, oo Oromo ah, balse isagu uu joogo Soomaaliya gaar ahaan Puntland isla markaana ay u fududaan lahayd in uu dadka ka dhaadhiciyo in uusan ahayn reysal wasaarihii Itoobiya.\

ISHA BBC

DF oo Baydhaba u dirtay markii saddexaad diyaarad sidda shixnad mucaawino ah

0

Jimco November 17, 2023 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii saddexaad waxay diyaarad wada shixnad mucaawino ah u dirtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Baydhabo ayaa waxay kamid tahay magaalooyinka ay sameeynta weyn ka gaysteen daadadka El-Niño, iyada oo halkaas ay ka gaysatay qasaaro iskugu jira dhimasho iyo burbur hantiyadeed.

Gargaarkaan oo ay maanta Muqdisho ka dirtay hay’adda SODMA ayaa waxa uu garayaa ilaa 10-tan oo ka kooban raashinka fudud.

Hay’adda ayaa sheegtay inay ka go’an tahay caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed ee iskugu darsoomeen daadadka iyo fatahaadaha Wabbiyada.

SODMA ayaa sidoo kale waxay maalmo ka hor sidan oo kale diyaaraddo sida shixnad mucaawino ah uga dejisay magaalooyin ay kamid yihiin Doolow iyo Baardheere, oo ay saameyn adag kasoo gaartay fatahaada wabbiga Jubba, taasi oo keentay in ay go’do buundii Baardheere.

Waxay hore sidaan oo kale hay’adda Maareynta musiiboyinka magaalaaas ugu dirtay Doonyo nuuca dheereeya ah, si loo badbaadiyo shacab ay go’doomiyeen biyaha.

Gargaarkaan ayaa waxaa loogu tala-galay in la gaarsiyo shacabka ku barakacay dadaadka iyo fatahaadaha.