Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay Afduub la sheegay in loo geystay Youtuber lagu magacaabo Liibaan Aadan Cali oo loo yaqaan Lii caato.
Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya oo ka tashanaya la dagaalanka Argagixisada
Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Wareegii 10-aad ee Guddiga Farsamada Wadajirka ah ee Wasaaradaha Gaashaandhigga Itoobiya iyo jabuuti ayaa maanta ka furmay magaalada Jabuuti.
Wafdiga Itoobiya waxaa hogaaminayey Jeneraal Teshome Anagau.
dhanka jabuuti waxa ka qeyb galay General Tahir Ali Mohammed, waxayna ka wada tashadeen laabada dhinac arrimaha ammaanka, la dagaalanka argagixisada oo ay barbar socdeen arrimo kale oo si guud ku saabsan iskaashiga dhanka amniga.
Shirka guddiga farsamada ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo maalinta berri ah oo taariikhdu ku began tahay 20-ka Nofembar.
Halkee ayuu marayaa wadahadalka Maxaabiista ay isku dhaafsanayaan Israa’iil iyo Xamaas?
Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Jon Finer ayaa u sheegay ABC News in wada-xaajoodyada lagu soo daynayo la-haystayaasha lagu haysto Qaza ay marayaan “marxalad aad xasaasi u ah”.
“Waxaa jira horumar la taaban karo, oo la sameeyay maalmihii ugu dambeeyay iyo saacadihii la soo dhaafay,” ayuu yiri Finer.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: “Arrimihii qaar haday is-maan-dhaaf ahaayeen, hadda waa la soo koobay ama is-faham baa la gaadhay, laakiin ma dhammaystirna”.
Finer waxa uu intaa ku daray in ay noqon doonto “mid dhicis ah” in la yiraahdo heshiisku waa lama huraan, “iyadoo la eegayo sida aan ugasoo dhwaanay halkii hore.”
Xuutiyiintu Dalka Yemen oo qabsaday Markabka ay leedahay Israa’iil
Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Labo sarkaal oo ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in fallaagada Xuutiyiintu ay galabnimadiiqatiga maxaliga ah badda cas ka qabsadeen markabka Galaxy Leader.
Fallaagada ayaa ku soo degtay markabka xamuulka ah iyagoo ka soo degay diyaarad helikobter ah, ayey mas’uuliyiintu yiraahdeen, iyagoo xaqiijinaya faahfaahinta markii ugu horreysay ay soo warisay NBC News.
Xogta lahaanshaha ee maraakiibta ayaa la xidhiidha mulkiilayaasha markabka iyo Qaadayaasha Ray Car, kaas oo uu aasaasay Abraham “Rami” Ungar, oo loo yaqaan mid ka mid ah ragga ugu qanisan Israa’iil.
Ungar ayaa u sheegay AP inuu ka warhayo dhacdada balse ma uusan bixin karin wax faallo ah maadaama uu sugayay faahfaahinta. Markab isaga lala xiriiriyay ayaa sanadkii 2021 la kulmay qarax ka dhacay gacanka Cumaan.
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay la wareegeen markab ay Israa’iil leedahay oo ku sugan koonfurta badda cas, iyadoo Israa’iil ay dhacdadan ku tilmaantay “fal argagixisanimo oo Iran geysatay” oo cawaaqib ku yeelanaysa ammaanka baddaha caalamiga ah.
Afhayeen u hadlay ciidamada Xuutiyiinta ayaa Aljazeera u sheegay in dagaalyahanadoodu ay afduubteen markabka xamuulka ah ee laga leeyahay Ingiriiska iyo Japan.
Maxkamada Gobolka Banaadir oo sheegtay in laga laabtay dacwadii musuqa ee loo heystay..
Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay Qaraar ay ku sheegeyso in laga laabtay dacwaddii loo heestay eedeysane AbdiHakiim Abdulaahi abdi (Jiile) oo ah Lataliyaha Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jisniyadda.
AbdiHakiim Abdulaahi abdi (Jiile) ayaa ka mid ahaa masuuliyiin ka tirsan heyada socdaalka iyo Jinsiyada oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta musuqmaasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne, kuwaasoo haatan dacwadoodu ka socoto maxkamada gobolka Banaadir.
Qoraal ka soo baxay Maxkamada oo lagu daabacay warbaahinta DF ayaa lagu sheegay in Xeer ilaalinta Qaranka oo markii hore soo eedeysay ay haatan la laabatay dacwada masuulkan oo maqane ah, lamana cadeynin sababta keentay in laga laabto dacwadan.

{DAAWO MUQAALKA} Nuuc-yadda Xayawaanada ee ku Go’doomay fatahaada Baladweyne oo xaaladooda ay liidato.
Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Nuuc-yadda Xayawaanada ee ku Go’doomay fatahaada Baladweyne oo xaaladooda ay liidato.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Askarigii dhaqan xumo lagu arko waa laga saarayaa liiska ciidamada” Gaashanle Aadan jeelle”
Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Taliyaha guutada 23-aad ee Gungaar Gaashanle Aadan jeelle “Askarigii dhaqan xumo lagu arko waa laga saarayaa liiska ciidamada,
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Gaarigii ku qarxaa Xamar waxaa loo maxkamadeynaa Askarigii soo daayay”M/ ciidamada qalabka sida
Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Gaarigii ku qarxaa Xamar waxaa loo maxkamadeynaa Askarigii soo daaya”Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay ee soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 19 11 2023
Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararkii ugu dambeeyay ee soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :Yasiin Cali Axmed
Farsamadii :Maxamed Bar-yare Xaamud
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARARKII UGU DAMBEYAY
{DHAGAYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 19/11/2023
Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :Abdimaajid Abdiraxmaan Aadan
Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq



