Jimco November 17, 2023 {HMC} Golaha amaanka ee QM oo mudo kordhin u sameeyay ciidanka ATMIS ee jooga soomaalia.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco November 17, 2023 {HMC} Golaha amaanka ee QM oo mudo kordhin u sameeyay ciidanka ATMIS ee jooga soomaalia.
Jimco November 17, 2023 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay ee soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 16.11.2023
Jimco November 17, 2023 {HMC} 250-Kun oo qoys ayaa ku barakacday fatahaada ku dhuftay Baladweyne”Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan”
Jimco November 17, 2023 {HMC} Askari balwad leh ciidanka Asluubta kama sii mid ahaan doono”Jen- Mahad Cabdiraxmaan shubka”
Jimco November 17, 2023 {HMC} Maxkamadeynta Askari horay u dilay Saaxiibkii oo Boolis ay wada ahaayeen oo ka dhacay Kismayo
Jimco November 17, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya :Yasiin Cali Axmed
Farsamadii :Muuse ali xeeroow
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Jimco November 17, 2023 {HMC} Subuulka Galleyda waa cunno siyaabo kala duwan loo isticmaalo, waxayna xambaarsan tahay faa’idooyin caafimaad oo tiro badan, waan mid ka mid ah cuntooyinka caafimaadka leh ee asalka ah, dunida oo dhanna laga cuno.
Waxaa uu kulansaday nafaqooyin kala duwan, waxaa laga helaa borotiin, faybar, fitamiin C, fitamiin B1, folate, magnesium, potassium, zinc, xadiid, iyo maaddooyin kala nooc ah oo dhamaan waxtar u leh caafimaadka aadanaha.
Marka laga yimaado faa,iidooyinka caafimaad ee galleyda ,waa in aan sidoo kale qorshaha ku darnaa in habka isticmaalka wanaagsan uu qeyb ka noqon karo caafimaadka aadanaha
galleydu waa badarka ugu badan ee laga beero aduunka waxaan laga helaa faa’iidooyin far badan ,sabuulka waa il qani ku ah maadada fiber oo u fiican dheefshiidka,Waxay la dagaallantaa calool istaagga, iyo baabasiirka,
Marka la fiirsho maadooyinka kala duwan ee ka buuxa, waxaa muuqata sida galleyda hodanka uga tahay nafaqooyinka muhiimka ah caafimaadka.
Galleydu waxay ka kooban tahay saddex qaybood, kuwaas oo dhamaan leh faa’iidooyin caafimaad, waxaa ku badan macdanaha magnesium, iron, copper iyo phosphorus kuwaas oo u wanaagsan caafimaadka lafaha. Macdanahaani waxay lafaha ka ilaaliyaan burburka iyo inay duqoobaan.
Dr Kilimou Pyalo Magnoudewa, oo ah khabiir ku takhusayay nafaqada iyo caafimaadka ayaa sheegay in Galleydu qani ku tahay maadooyinka sun-saarista kuwaas oo ilaaliya muuqaalka dhalinyaranimo ee maqaarka.
Magnoudewa oo hadalkiisa sii wata wuxuu kaloo yiri ” tusaale ahaan marka aad cunto sabuulka galleyda waxay leedahay fiitamiin A aad u sarreeya oo carotenoid ah”.
Cunista galleyda mar walba waxaa laga yaabaa in kuu keento cayil ,waana cunto fudud oo mar walba la cuni karo.
Galleyda waxaa laga helaa maadooyinka fitamiin C, “carotenoids” iyo “bioflavonoids” kuwaas oo u roon caafimaadka wadnaha, iyagoo xakameeya heerka kolestaroolka xun, isla markaanaa kordhiya qulqulka dhiigga ee jirka.
Galleydu waxay muhiim u tahay hooyada uurka leh, maxaa yeelay waxay ka helaysaa maadada “Folic acid” oo hooyooyinka lagula dardaarmo inay cunaan markay uurka leeyihiin, waxayna muhiim u tahay korriimada ilmaha uurka ku jira, waxay ka ilaalisaa inuu ku dhasho miisaan yari iyo cillado kale. Si fiican u mayr galleyda, sidoo kale la tasho dhakhtarkaaga haddii aad isku aragto gacmaha iyo cagaha oo ku barara.
Dadka waaweyn ee da’da ah ee ka cawda xanuunka kala-goysyada waxaa lagula taliyaa in si joogto loo siiyo galleyda maadaama ay xambaarsan tahay magnesium, iron, fitamiin B iyo barootiin.
Jimco November 17, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyay shirka guddiga heer Qaran ee gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta ee ka da’aya dalka.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dedaallada socda ee gurmadka ah, isagoo sheegay in Xukuumadda ay dedaal ballaaran ugu jirto sidii gargaar loola gaari lahaa dadka roobabku ay saameeyeen.
Guddigan oo ay qeyb ka yihiin, Golaha Wasiirrada, Hay’adda SoDMA, bulshada rayidka ah iyo culimada, ayaa waxaa la isku raacay in la qabto shir-weyne bulshada Soomaaliyeed lagula wadaagayo baaxadda dhibaatada ay roobabku geysteen.
Raysal wasaare ku xigeenka, ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee deggan meelaha togagga ah ee webiyada u dhaw in ay taxadaraan, maadaama ay saadaashu tilmaamayso in roobab kale la filayo.
Dhinaca kale, wasiir u dowlaha caafimaadka ee dowladda Soomaaliya, Maryan Maxamed Duuliye oo katirsan guddigan ayaa sheegtay, dhibaatada ugu badan inay ka taagan yihiin degaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Waxay sheegtay in Doon mooyee aan gaadiid kale gudaha u gali karin degaanada ay ka dhaceen daadadka fatahaada.
Wasiir udowluhu waxay sheegtay, dowladda kaliya in aanay ku filnayn wax ka qabashada musiibada ka dhalatay daadad roobabka dalka, waxayna shacabka ugu baaqday inay qaataan kaalintooda gurmadka.
Jimco November 17, 2023 {HMC} Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda sare ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ka wadahadlay sidii si wada jira Somaliland loogu difaaci lahaa, iyo in la dardar galiyo geedi socodka doorashooyinka.
Kulanka oo madaxtooyada ku dhexmaray madaxweynaha iyo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ugu horayn layskula soo qaaday u midoobida difaaca Somaliland.
“Waxaa kulanka la iskaga xog waraystay guud ahaan xaaladda dalka, waxaana la isla qaaday in loo midoobo difaaca qaranka, mudnaantana la siiyo midnimada iyo danaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kasoo baxday madaxtooyada.
Waxa sidoo kale laga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh Somaliland, waxaana la isla qaatay in Komishanka Doorashooyinka looga dambeeyo arrimaha khuseeya doorashooyinka.
Musharax Cirro oo isna kulanka ka warbixiyay ayaa yidhi “Kulan aan maanta wada yeelannay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa aannu iska wareysannay xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada nabadgelyada, xasilloonida, midnimada shacabka, taaba-gelinta hannaankii doorashooyinka isku sidkanaa ee lagu heshiiyey iyo dhammaystirka xeerarka barlamaanku gacanta ku hayo”.
Kulanka ayaa waxa kale oo ka qaybgalay madaxda sare ee xisbiga Kulmiye, wasiiro iyo sarkaal kale oo ka socday xisbiga Waddani.

Thursday November 17, 2023
The UN World Food Program (WFP) on Tuesday warned that climate extremes will drive the hunger crisis in Somalia to record highs.
The WFP said the deadly floods, the worst in decades, have driven more than half 1 million people from their homes and crippled families’ attempts to rebuild their drought-ravaged livelihoods.
Laura Turner, WFP Somalia Deputy Country director, said the most vulnerable people in Somalia have been hit once again by climate change.
“With these floods following right after the drought, it feels like a relentless bombardment of climate shocks for struggling families,” Turner said in a statement issued in Mogadishu, the capital of Somalia.
The WFP said the floods are devastating deeply food-insecure communities who are still battling to recover from the country’s longest recorded drought.
According to the UN food agency, the end of more than two years of drought that pushed the country to the brink of famine has brought little relief for families.
Turner said humanitarian aid brought people back from the brink of starvation in 2022, but Somalia is still facing the highest levels of hunger it has suffered in over a decade.
“We need to provide communities with the tools and knowledge to weather these extremes to break the crisis-driven cycle of hunger that has afflicted Somalia for too long,” she added.
The WFP said it activated a flood anticipatory action program, its first in Africa, in coordination with the Somali government in October after weather forecasts predicted heavy rain and floods exacerbated by the El Nino weather pattern. It delivered pre-emptive cash transfers and warning messages in districts projected to suffer heavy flooding, reaching more than 200,000 people so far.
The floods hit along the Juba River in early November, in areas such as Luuq and Bardhere, where a key bridge was swept away.
Areas along the Shabelle River, including Beledweyne, were inundated over the weekend leaving communities battling to save their homes, livestock, and crops, it said.
The WFP said the anticipatory action programs in these areas meant that families had the information and means to protect their homes or move before the floods hit, leaving fewer people now in need of emergency assistance.
About 4.3 million people are forecast to face crisis-level hunger or worse (IPC3+) by the end of the year and the WFP said the support of the humanitarian community remains a lifeline.
The floods have exacerbated Somalia’s hunger crisis, at a time when significant funding shortfalls mean that the WFP is only able to provide food assistance to less than half of the people most in need.
The WFP warned its funding gap in Somalia is 378 million U.S. dollars from November 2023 to April 2024.