Home Blog Page 3155

Madaxweynaha Afrikaanka ah ee isaga iska mamnuucay safarada dalka dibadiisa

0

kHamii s November 16, 2023 {HMC} Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayaa si degdeg ah u joojiyay dhammaan safarradii caalamiga ahaa ee isaga iyo dowladdiisa, si uu lacago u badbaadiyo.

Tallaabadan ayaa daba socota qiimo dhac weyn oo ku yimid lacagta iyadoo Malawi ay deyn ka heshay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) si kor loogu qaado dhaqaalaheeda liita.

Mr Chakwera ayaa sidoo kale ku amray dhamaan wasiirada hadda ku sugan dalka dibadiisa in ay dalkooda ku soo laabtaan.

Gunnada Shidaalka ee madaxda sare ee dawladda ayaa la jaray 50%.

Dhaqaalaha Malawi waxa uu soo maray waqtiyo qallafsan, oo ay ku sifoobeen shidaal yari iyo naafto, iyo sidoo kale sicir barar sare.

Khudbad uu telefishinka ka jeediyay, Mr Chakwera wuxuu ku sheegay in tillaabooyinka ay sii jiri doonaan illaa dhammaadka sanad maaliyadeedka ee Maarso 2024.

Tillaabooyinka kuwan la mid ah ayaa lagu dhawaaqay intii lagu jiray masiibada Covid-19 laakiin waxay lahaayeen saameyn xaddidan maadaama aan si adag loo dhaqangelin.

Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday wasiirka maaliyadda inuu sameeyo qodobbo ku saabsan kordhinta mushaharka macquulka ah ee dhammaan shaqaalaha dawladda xiliga ee dib u eegista miisaaniyada ee soo socota.

Saddex kamid ah xasaaska AS iyo darawalkii waday oo maxkamad lasoo taagay

0

kHamiis November 16, 2023 {HMC}  Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa maanta kasoo muuqday saddex kamid ah xaasaska Al-Shabaab iyo darawalkii gaariga ku waday, kuwaas oo horay loogu soo qabtay howlgal ay NISA ka fulisay degmada Warsheekh ee Shabeelaha Dhexe , iyaga oo ku sii jeeday dhanka AS.

Saddexda haween ee kasoo muuqday Maxkamadda ayaa kala ah Sucdi Cabdi Cilmi, Maryan Cali Isaaq iyo Saynab Axmed Cismaan, halka eedeysanaha afaraad isna lagu magacaabo Muxudiin Salaad Cabdulle.

Gabdhahaan saddexda ayaa kala yimid gobollada Shabeelaha Hoose iyo Baay, waxaana Maxkamaddu ay sheegtay inay kusii jeedeen dhanka deegaanka Jowle oo hoostaga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay joogaan AS.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay inay isugu yimaadeenm Tabeelaha Sheekh Ibraahim kadibna halkaasi gaari looga qaaday, balse ay ogaatay NISA oo gacanta kusoo dhigtay.

Saddexda gabdhood marka laga soo tago inay yihiin xaasaska AS, waxaa ay xeer ilaalintu ku eedeysay inay la shaqeynayeen kooxda, ayna siin jireen macluumaadka.

Mid kamid gabdhahan oo ka hor hadleysay Maxkamadda ayaa ku doodday “Ninkeyga ayaa Shabaab ah aniga Shabaab ma ihi”.

Sidoo kale eedeysane Muxudiin Salaad Cabdulle ayaa lagu eedeeyay inuu kooxda u ahaa safriye, uuna gabadhaha mid kasta ka qaatay lacag 60 dollar ah oo ay usoo direen Shabaab, waxaa sidoo kale loo haystaa inuu hoy iyo gabaad uu siin jiray xubnaha kooxda.

“Mid kasta oo kamid saddexda dumarka ah wuxuu ka qaatay lacag dhan 60 dollar, waxaana usoo diray mid kamid ah gabdhaha saddexda ah ragga qaba oo dhagar qabayaasha kamid ah oo jabhad ah oo duurkana ku jira” ayuu yiri baaraha kiiskan oo Maxkamadda ka hadlay.

“Lama hayo wax tusinayo in dadkaan ay Shabaab yihiin, maadaama qiraal uusan jirin waxaan maxkamadda sharafta leh ka codsanayaa in gabdhahaas ay xornimadooda siiso” ayuu yiri qareenka u doodaya xaasaska AS ee la horgeeyay Maxkamadda Ciidanka.

Ugu dambeyn waxaa fadhiga Maxkamadda soo xiray guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute) oo shaaciyay in Maxkamaddu ay dib ka shaacin doonto go’aanka ku aadan xukunka.

Wakiilka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka oo ka hadlay xaalka Gaza

0

kHamiis November 16, 2023 {HMC}  Wakiilka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa sheegay in mid ka mid ah 57kii qof ee ku nool Marinka Gaza “la dilay ama la dhaawacay shantii toddobaad ee la soo dhaafay”, sida laga soo xigtay tirooyinka wasaaradda caafimaadka ee ay Xamaas ay maamusho.

Volker Türk hadal uu soo saaray ka dib booqashadiisa Masar iyo Urdun ayuu ku muujiyay xanuunka iyo “murugada” dadka rayidka ah ee Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ay wajahayaan inta uu socdo dagaalka Gaza,

Waxa uu intaa ku daray in dadka rayidka ah ee Gaza – “kuwaasi oo sannado badan si weyn ugu saboolsanaa xayndaabyada siliga ah” – ay u adkeysanayaan duqeymo xooggan oo dhif ah oo ay la kulmeen qarnigan.

Baarlamaanka Kenya oo ansixiyay arrin la xiriirta ciidamada oo ay horay maxkamad u joojisay

0

Jimco November 16, 2023 {HMC}  Baarlamaanka Kenya ayaa ansixiyay in ciidamo booliis ah loo diro dalka Haiti, si ay gacan uga geystaan ​​daminta rabshadaha kooxaha burcadda ah ee ka socda dalka Haiti, inkastoo ay maxkamaddu soo saartay amar lagu joojinayo in askartaas loo diro dalka Haiti.

Go’aanka Xildhibaanada ayaa yimid maalintii Khamiista, xilli ay Maxkamaddu dhageysaneysay dacwad la xiriirta sharci ahaanshaha in ciidamada la geeyo halkaa.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shir Gudoomiye kulan looga Hadlaye far qodob oo ka dhacay

0

Khamiis Nofembar 16, 2023 {HMC} Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shir Gudoomiye kulan looga Hadlaye far qodob oo ka dhacay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

0

Khamiis Nofembar 16, 2023 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo Gargar u dirtay Magalada Bardheere

0

Khamiis Nofembar 16, 2023 {HMC} Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo Gargar u dirtay Magalada Bardheere

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamadaynta Xaasas loo haysto qarinta xogta ragii qabay.A.S

0

Khamiis Nofembar 16, 2023 {HMC} Maxkamadaynta Xaasas loo haysto qarinta xogta ragii qabay.A.S

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dowlada mareeykanka oo iska fogeeysay Weerarka lagu qaaday isbitaalka Al-shifaa ee Magaalada Qasa.

0

Khamiis Nofembar 16, 2023 {HMC} Dowlada mareeykanka oo iska fogeeysay Weerarka lagu qaaday isbitaalka Al-shifaa ee Magaalada Qasa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 16 11 2023}

0

Khamiis Nofembar 16, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Mustaf ali addow Iyo aweys

Farsamadii :muuse xeroow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO