Home Blog Page 3157

{DAAWO MUUQAALKA} Dhibaato weyn ayaa ka taagan Degmada Mahadaay”Gudoomiye Axmed faal”

0

Khamiis Nofembar 16, 2023 {HMC} Dhibaato weyn ayaa ka taagan Degmada Mahadaay”Gudoomiye Axmed faal”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAAGEYSO} Warka Sunaxnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 16 11 2023}

0

Khamiis Nofembar 16, 2023 {HMC}Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Yasiin Cali Axmed 

Farsamadii :Muuse ali xeeroow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

 

Xad gudubyo ba’an oo ka dhan ah caruur & haween ayaa ka socda Magaalada Gaza?

0

Khamiis November 16, 2023 {HMC} “Xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah carruurta iyo haweenka ayaa ka dhacaya magaalada Gaza” ayey tiri Agaasimaha Fulinta ee UNICEF Catherine Russell oo bayaan soo saartay, maalin ka dib booqashadii ay ku tagtay Magaaladaas

“Dhinacyada colaaddu u dhaxayso waxay geysanayaan xad-gudubyo waaweyn oo ka dhan ah carruurta; Kuwaas waxaa ka mid ah dil, naafayn, afduub, weerarro lagu qaaday iskuullada iyo isbitaallada, iyo diidmada gargaarka bini’aadantinimo – dhammaan arrimahaas oo UNICEF ay cambaareyneyso,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Russell waxay intaas ku dartay in marka laga soo tago kumannaanka carruurta ah ee la dilay iyo kuwa la dhaawacay , qaar badan ay maqan yihiin oo la rumeysan yahay in ay ku hoos jiraan dhismayaal burburay, taasoo ay ugu yeertay natiijada naxdinta leh ee ka dhalatay adeegsiga hubka qarxa ee meelaha dadku ku badan yihiin.”

Waxay sheegtay in shaqaalaha UNICEF ay sii wadaan shaqadooda iyaga oo ka wakiil ah carruurta Gaza inkastoo ay si toos ah u saameeyeen iska horimaadka laftooda.

“Dad badan, oo ay ku jiraan shaqaalaheenna iyo qoysaskooda, ayaa hadda ku nool hoy ciriiri ah oo biyo yar leh, cunto iyo fayadhowr wanaagsan lahayn. xaalado keeni kara cudurro dillaaca” ayay tiri.

Russell ayaa ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah si loo oggolaado in gargaar bini’aadannimo oo dheeraad ah la gaaro Gaza, gaar ahaan shidaalka

UNICEF waxa ay sheegtay in in ka badan 700,000 oo carruur ah ay barokaceen tan iyo markii ay bilowdeen iska horimaadyada. 11,255 falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarrada Israel ee Gaza, 4,630 ka mid ah waxay ahaayeen carruur, sida laga soo xigtay tirooyinka Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ee Ramallah.

Ra iisulwasaaraha Israail oo jawaab caro leh ka bixiyey hadal ka soo yeeray Dhigiisa Dalka Canada

0

Khamiis November 16, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa baraha bulshada ku canaantay dhiggiisa Canada Justin Trudeau ka dib markii uu ku booriyay Israa’iil inay muujiso “xakamaynta khasaaraha rayidka ee howlgallada militari ee Gaza.

Trudeau wuxuu sheegay in dunidu ay markhaati ka tahay dhacdooyin naxdin leh, oo ay ku jiraan dilka haweenka, iyo carruurta” “Tani waa inay joogsato,” Trudeau ayaa ku daray.

“Masiibada bani’aadamka ee ka socota Gaza waa mid qalbi jab leh, gaar ahaan dhibaatada aan ku aragno gudaha iyo agagaarka Isbitaalka Al-Shifa. Waxaan caddeeyey in qiimaha caddaaladdu aanu noqon karin dhibaatada sii socota ee dhammaan rayidka Falastiiniyiinta,” ayuu yiri Trudeau.

“Xitaa dagaalladu waxay leeyihiin sharciyo, dhammaan nolosha aan waxba galabsan waxay u siman yihiin qiimaha, Israa’iil iyo Falastiin. Waxaan ku boorrinayaa dawladda Israa’iil inay is-xakamayso,” ayuu raaciyay.

Netanyahu ayaa ka carooday hadalka Trudeau, isagoo sheegay in Xamaas ay ku eedaysa tahay dhacdooyinka naxdinta leh ee Trudeau uu sheegay, ee aysan aheyn Israel.

“Ma ahan Israa’iil tan si ula kac ah u beegsaneyso dadka rayidka ah ee waa kooxda Xamaas oo qoorta ka jartay, gubtay oo xasuuqday dadka rayidka ah waxay geysatay xasuuqii ugu xumaa ee Yuhuudda loo geysto tan iyo intii uu dhacay xasuuqii weynaa ee Holocaust,” ayuu yiri Netanyahu.

Hogaamiyaha Israa’iil oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Iyadoo ay Israa’iil samaynayso wax kasta oo ay ku ilaalinayso dadka rayidka ah, haddana Xamaas waxa ay samaynaysaa wax kasta oo ay ku xoojineyso dhibaatada. Xamaas miyaanay ahayn in lagula xisaabtamo dembiyo dagaal oo laba jibaaran”.

Hadalkiisa, ayuu Trudeau ku qiray in Xamaas ay Falastiiniyiinta u adeegsaneyso gaashaan bani’aadannimo, wuxuuna ku celceliyay baaqiisa ah in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan dadka la haysto.

Trudeau ayaa ka qayb gali doona shir-madaxeedka sanadlaha ah ee kooxda iskaashiga dhaqaalaha ee Asia Pacific ama APEC oo ka bilaabmaya Arbacada California halkaas oo isaga, madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo hoggaamiyeyaasha kale ee adduunka lagu wado in ay ka wada hadlaan colaadda Bariga Dhexe.

Shidaalkii Ugu Horeeyay oo la gaarsiiyay Magaalada Qasa tan iyo markii Bilaawday Dagaalka

0

Khamiis November 16, 2023 {HMC} In kabadan 25,000 oo litir oo shidaal ah ayaa saaka ka soo galay marinka Rafax ee dalka Masar, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ka tirsan ilaalada xadka ee dalkaasi.

 

Gaarsiinta ayaa timid kadib markii Qaramada Midoobay iyo hay’adda samafalka ee Médecins Sans Frontières ay ka digeen in kaydka shidaalku ee Gaza uu dhammaan doono Arbacada.

Israa’iil ayaa muddo toddobaadyo ah xannibaysay shidaalka la geyn jiray Gaza, iyadoo ku doodaysa in Xamaas ay xado oo ay uga faa’iidaysato arrimo ciidan.

Mar sii horreysay, millatariga Israa’iil ayaa sheegay in qaar ka mid ah baabuurta xamuulka ah ee Qaramada Midoobay ee gargaarka u daabula Qaza shidaal lagu shubi doono.

 

Qaramada Midoobay Oo Taageeray Joojinta Dagaalka ka socdo Magaalada Qaza

0

Khamiis November 16, 2023 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraarka ay soo hordhigtey Malta kaas oo ku baaqaya in la joojiyo duqeynta iyo dagaalada ka socda magaalada Qaza si degdeg ah oo ay bini’aadantinimo ah lana kordhiyo kaalmada gargaarka ee la gaarsiinayo Qaza.
12 xubnood ayaa u codeeyay qaraarka halka saddex dal oo kala ah Maraykanka, UK iyo Ruushka ay ka aamuseen.

Qaraarka ayaa sidoo kale ku baaqaya in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha u xiran Xamaas iyo kooxaha kale.

Waxay dalbanaysaa in dhammaan dhinacyada ay u hoggaansamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah, waxayna ugu baaqaysaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inuu la socdo oo uu ka warbixiyo dhaqangelinta qaraarkan.

Bishii Oktoobar, Golaha Ammaanku ayaa ku guuldareystay afar jeer inuu soo saaro go’aamo ku baaqaya in xabad-joojin ama joojinta bani’aadamnimada ah.

War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen Soomaaliya iyo Burundi

0

Khamiis November 16, 2023 {HMC}  1. Casuumaad uu fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye, sidoo kalena ah Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku soo gaaray dalkan, 15ka Noofambar 2023.

 

2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaaminaya wafdi ka kooban wasiirro iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

3. Markii uu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Melchior Ndadaye ee magaalada Bujumbura Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Danjire Albert Shinjiro, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirro iyo Madax sare oo ka tirsan Dowladda Burundi.

 

4. Gelinkii dambe, waxa ay si saaxiibtinimo leh labada Madaxweyne u yeesheen kulan fool-ka-fool ah, kaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee adag ee aan ku koobneyn labada dawladood oo keliya, balse sidoo kale ka dhexeeya labada shacab ee Burundi iyo Soomaaliya.

 

5. Labada Madaxweyne waxay dib u eegis ku sameeyeen heerka iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal, waxayna adkeeyeen baahida loo qabo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhow ee ku saleysan kalsoonida iyo danaha guud ee labada dowladood iyo shacab.

 

6. Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhiggiisa Burundi Madaxweyne Evariste Ndayishimiye ku ammaanay dadaalkiisa aan daalka lahayn ee uu gacanta kaga geysanayo dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyadoo loo sii marayo Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS. Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay bogaadiyeen Ciidanka Burundi, kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ee ku sugan furimaha ee la dagaallamaya kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab.

 

7. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kaloo ku ammaanay Madaxweyne Evariste Ndayishimiye doorka uu ka qaatay dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Kongo iyadoo loo sii marayo geeddisocodka Nairobi iyo sidoo kale doorka Burundi ee hawlgalka nabad ilaalinta ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

 

8. Mudane Evariste Ndayishimiye, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi wuxuu uga mahadceliyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya booqashada shaqo ee uu ku yimid Jamhuuriyadda Burundi, wuxuuna ku ammaanay dadaalladiisa aan daalka lahayn ee uu ugu jiro nabadda, amniga, dimuqraaddiyada iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9. Labada Madaxweyne waxay ammaaneen dhisidda Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC) si loo dajiyo qaab dhismeed iskaashi labo geesood ah oo u dhaxeeya labada dal, iskaashi dhinacyo badan taabanaya, sida ganacsiga iyo maalgelinta, dhisidda karaanka, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dalxiiska, gaashaandhigga iyo amniga, wada xaajoodyada siyaasadda, si looga faa’iideeyo labada dal iyo dadka ku nool.

 

10. Si loo sii xoojiyo, loo qoto dheereeyo isla markaasna loo dardargeliyo iskaashiga dhow ee u dhaxeeya labada dal, labada madaxweyne waxay hoosta ka xarriiqeeen baahida degdegga ah ee loo qabo in mustaqbalka dhow la qabto kulan uu yeesho Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC). Sidaas awgeed, waxay labada madaxweyne fareen Wasiirradooda Arrimaha Dibadda inay qabanqaabiyaan kulanka Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga labada dal.

 

11. Arimaha heerka gobol, labada madaxweyne waxay caddeeyeen sida ay uga go’an tahay ajandaha 2030 ee Qaramada Midoobay, ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, kan 2050 ee Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo hirgelinta Heshiiska Ganacsiga ee hal suuq loogu abuurayo ganacsiga iyo adeegyada waddamada qaaradda Afrika AfCFTA)

 

12. Labada Madaxweyne waxay xoojiyeen mudnaanta ay siinayaan arrimaha hortabinta u leh Dallada Bulshada Bariga Afrika EAC ee 2022-2026, kuwaas oo ay ka mid yahiin, hirgelinta Kastamka mideysan (SCT), in waajibaadka heer gobol lagu saleeyo duruufaha maxaliga ah, si waafaqsan hab-raaca suuqa Mideysan ee dallada EAC, xoojinta nabadda, amniga, xasilloonida iyo maamul wanaaga gobolka.

 

13. Labada dhinac waxay sidoo kale dib u eegid ku sameeyeen xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee wadajirka u saameynaya, oo ay ka mid yihiin xaaladaha Koongo DRC iyo Suudaan. Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamku ee dadaallada heer gobol ee hadda socda kuwaas oo ku qotoma in xal siyaasadeed oo dhammaystiran laga gaaro xiisadda Koongo DRC si waafaqsan is afgaradyadii Nairobi iyo Luanda.

 

Arrimaha Suudaan, labada Hogaamiye waxay isla qaateen baahida degdega ah ee loo qabo in xabadda la joojiyo si loo fasaxo gargaarka bini’aadantinimo iyo in xal waara loogu helo colaadda Suudaan iyadoo loo marayo wadahadal iyo iskaashi.

 

14. Arrimaha Caalamiga ah, Labada Madaxweyne waxay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda amni ee adduunka ee ay ku soo badanayaan colaadaha tooska ah ee u dhexeeya Waddamada iyo Dagaallada dadban ee ka socda gobollo dhowr ah, waxayna ugu baaqeen dhammaan dalalka ay khusayso in ay adeegsadaan hannaan Diblomaasiyadeed oo ay ka mid tahay wada-hadal, gorgortan iyo iskaashi si xal nabadeed loogu helo caqabadaha amni ee soo wajaha adduunka xilligaan aadka u adag.

 

15. Labada Madaxweyne waxay kaloo adkeeyeen in la ixtiraamo Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah ee ku aaddan maaraynta colaahada hadda ka socda adduunka, waxayna Labada Madaxweyne baaq u direen dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha soo noqnoqday ee adduunku inay si degdeg ah u joojiyaan xabbadda si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan, loogana gudbo sababaha wiiqaya dadaallada horumarineed ee caalamiga ah.

 

16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagebadii safarkiisa shaqo waxa uu mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste NDAYISHIMIYE, Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi soo dhawaynta iyo maamuuska ay ku qaabileen isaga iyo weftigii uu hoggaaminayey ee soo gaaray Jamhuuriyadda Burundi.

DHAMAAD

Murun Xoogan ayaa ka taagan qaadashada Kaarka Aqoonsiga Dalka Kenya iyo Dowladda oo war ka so saartay

0

Khamiis November 16, 2023 {HMC} Dowladda Wadanka Kenya ayaa hakisay go’aan ay dhawaan ka gaartay qaadashada kaarka aqoonsiga dalka iyo dokumintiyo kale kadib markii arrintan ay muran ka abuurtay gudaha dalkaasi.

Dowladda ayaa hadda dooneysa in arrintaan ay ka talo-geliso dadweynaha ka hor inta aaney dhaqan gelin 1-da bisha January eesanadka 2024-ka.

 

Horey ayay u sheegtay dowladdu in lacago dheeri ah ay ku kordhisay sharciga dalka iyo warqadaha kale.

 

Arrintan ayaa looga falceliyay siyaabo kala duwan, iyadoo shacabka Kenya ay badankood ka soo hor jeesteen.

Qiimaha cusub ayaa la soo rogay iyadoo aan la ogeysiin dadka shacabka ah ee ku nool waddanka, waxayna ku soo aadeysay xili dalku la daala dhacayo sare u kac qiimaha maciishadda.

Muwaadiniinta Kenya ee da’adoodu gaartay 18 sano jir ayaa markii hore si bilaash ah ku qaadan jiray kaarka aqoonsiga dalka, balse dowladda ayaan dhawaan sheegtay in ay bixin doonaan lacag dhan 1,000 shilin oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta ilaa 7 doolar.

 

Waxaa sidoo kale dhawaan la kordhiyay lacagta uu qofku bixinayo marka uu ka dhumo ama uu ka guubto, iyadoo laga dhigay 2,000 oo shilin oo u dhiganta 13 doolar, taas oo markii hore ahayd 100 shilin (66 cent) Qaadashada warqadda dhimashada ayaa horey dowladdu uga dhigtay 200 oo shilin ( 1.5 doolar)

 

Waxaana markaas saddex jibaarmay qiimaha lagu qaadanayo warqadda guurka, waxaana laga dhigay 100,000 oo shilin ( in ka badan 700) oo doolar.Qaadashada baasaboorka marka la cusboonaysiinayo ayaa waxaa lagu kordhayay dhawaan qiimo gaaraya boqolkiiba 50.

 

{DAAWO SAWIRADA} Maxay tahay sababta ay qaraha Astaan uga dhigteen Falastiiniyiinta?

Khamiis November 16, 2023 {HMC}  Gudaha Falastiin, oo in la lulaa calanka Falastiiniyiinta uu dembi ka yahay, qaraha lakala jebiyay ayaa loo taagaa ciidamada Israa’iil, kaasoo midabkiisu isugu jiro guduud, madow, caddaan, iyo cagaar oo uu ka kooban yahay calanka Falastiin.”

Tixahan waxay ka yimaadeen “Tixda qaraha”, oo ah gabay uu tiriyay gabyaaga Ameerikaanka ah ee Aracelis Girmay, waxayna ula jeedaan micnaha astaan ee mirahan ay u yihiin Falastiiniyiinta.

Guduud, madow, caddaan iyo cagaar maaha keliya midabbada qaraha balse sidoo kale waa calanka Falastiin, sidoo kalena astaantan waxaa lagu arki karaa meelaha dunida ee ay ka dhacayaan isu soo baxyada iyo fariimaha baraha bulshada lasoo dhigo ee aan xisaabta lahayn iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda Qasa.

Balse waxaa jirta taariikh ka dambeysa arrinta qaraha.

Kaddib dagaalkii Carabta iyo Israa’iiliyiinta sanadkii 1967, markii Israa’iil ay la wareegtay gacan ku heynta Qasa iyo Daanta Galbeed, waxay mamnuucday muujinta astaamaha qaran sida calanka Falastiin iyo midabbadiisa qabsaday geyiga.

Iyadoo ay dembi noqotay in la qaato calan, Falastiiniyiinta ayaa taas beddelkeed bilaabay isticmaalka jeexyo qare ah.

Kadib markii Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ay saxiixdeen heshiisyo ammaan oo taxane ah oo ku meel gaar ah oo loo yaqaanno Heshiisyadii Oslo sanadkii 1993, calanka ayaa loo aqoonsaday inuu yahay kan Maamulka Falastiiniyiinta, kaasoo loo sameeyay inuu maamulo Qasa iyo qyebo ka mid ah Daanta Galbeed ee la heysto.

“Gacanka Qasa, halkaasoo rag da’yar ah mar la xiray sababo la xiriira inay heysteen qare la jeexay – soona bandhigay guduudka, madowga iyo cagaarka midabbada Falastiin – askar ayaa garab taagneyd,” sida uu ku warramay weriyaha New York Times John Kifner xilliyadoo Heshiiska Oslo.

Dhowr bilood kadib, bishii December sanadkii 1993, warqadda ayaa lagu xusay in sheegashada xiritaanka aana la xaqiijin karin, inkastoo intaa lagu daray in “afhayeen u hadlay Dowladda Israa’iil, markii la weydiiyay, uu sheegay inuusan dafiri karin in laga yaabo in dhacdooyinkan oo kale ay jireen”.

Wixii intaa ka dambeeyay, farshaxannada ayaa sii waday inay qaraha u adeegsadaan taageero u muujinta Falastiiniyiinta.

Mid ka mid ah farshaxannada ugu caansanaa waxaa iska lahaa Khaled Hourani. Sanadkii 2007 wuxuu sawiray jeex qare ah oo uu ugu talogalay buug cinwaankiisu ahaa Subjective Atlas of Palestine.

Waxaa lagu magacaabaa Sheekada Qaraha, waxaana sawirkan uu gaaray daafaha dunida, wuxuuna caan noqday dagaalkii Israa’iil iyo Xamaas ee bishii May 2021.

 

Kacdoonka soo andhigidda qaraha ayaa isagana soo shaac baxay horraantii sanadkan. Bishii January, markii Wasiirka Ammaanka Qaranka Israa’iil Itamar Ben Gvir uu booliiska ku amray in calamada Falastiiniyiinta ay ka saaraan goobaha bulshada iyo in luliddiisa ay tahay fal “lagu taageerayo argagixisida”, sawirrada qaraha ayaa kasoo muuqday markii ay socdeen isu soo baxyadii mucaaradka Israa’iil.

 

Sharciga Israa’iil ma diidayo calanka Falatsiin balse booliiska iyo ciidamada ayaa xaq u leh inay ka saaraan marka loo arko inuu khatar yahay.

 

Iyadoo dibadbaxyo ay ka dhaceen Qudus bishii July, dibadbaxayaasha Israa’iil ayaa lulayay boorar ay ku xardhan yihiin midabbada calanka Falastiin oo qare ah laguna qoray erayga “xorriyad”.

 

Bishii August, koox dibadbaxayaal ah ayaa funaanado ku xardhay qare mar ay isugu soo baxeen Tel Aviv iyagoo diiddanaa qorsheyaashii wax ka beddelka sharciga ee Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Xigasho BBC

 

Shabelle River flooding kills eight people in Beledweyne

0

Wednesday Beledweyne 15 November {HMC} – The death toll from the Shabelle River flooding in Beledweyne, the capital of the Hiiraan region, has risen to eight people, according to local officials on Wednesday.

The administration of Baledweyne town revealed that the floods have resulted in massive property losses and the most significant displacement in the past few years.

Nadar Tabax, the mayor of Baledweyne town, expressed concern that the response of aid organizations was slow, contributing to the prolonged crisis. She called for immediate assistance to the flood-affected people in the town and nearby areas.

Reports indicate that over 40 people, including children and a government soldier, have been killed in the latest floods in south and central Somalia, particularly in Hirshabelle, Jubbaland, and South West states.

According to the World Food Programme (WFP), a quarter of Somalia’s population is projected to face “crisis-level hunger or worse” this year due to drought and floods caused by climate change.

Floods that have uprooted hundreds of thousands of people in Somalia and neighbouring countries in East Africa following a historic drought earlier this year have been described by the United Nations as a once-in-a-century event.

Source Hiiraan Online