Home Blog Page 3158

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Suudaan oo siweyn Loogu so dhaweeyay Magaalada Addis Ababa

0

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC}  Madaxweynaha Golaha kumeel gaar ah ee Dalka Suudaan General Abdelfattah Alburhaan ayaa siweyn Loogu so dhaweeyay Magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka itoobiya.

 

General Abdelfattah Alburhaan oo ah madaxweynaha KMG ah ee Dalka Suudaan waxaa garoonka diyaaraha boole ee Magaalada Addis Ababa ku so dhaweeyay Ra iisulwasaaraha dalka itoobiya Abiy Ahmed Ali.

 

“Waxaan maanta ku soo dhoweeyey dalka Itoobiya General Abdelfattah Alburhan, Madaxweynaha Golaha ku meel gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Suudaan si aan uga wada hadalno arrimaha muhiimka ah ee taagan ayuu yiri” Ra iisulwasaare Abiy Ahmed Ali.

 

si rasmi ah looma oga safarka Madaxweynaha ku meelgaar ah ee Dalka Suudaan uu ku tagay Dalka itoobiya,balse waxa uu ku so aadayaa xili ay Colaado ka socdaan Dalkaasi.

Abiyi Axmed oo Markii Sadaxaad ku Celiyay in Itoobiya ay hesho Dakad

0

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC}  Ra’iisal wasaaraha Wadanka Itoobiya Abiyi Axmed ayaa mar uu la hadlayay baarlamaanka dalkiisa waxa uu ka hadlay arrimaha badda cas iyo sida ay Itoobiya ugu baahan tahay inay hesho bad, waxa uu sheegay Abiyi Axmed in uu dalkiisu marnaba uusan dagaal qaadayn si uu bad u helo, balse qaab sharciga waafaqsan uu ku raadsanayo badda.

 

“Ma garan karno xaaladdu siday noqon karto haddii arrinta badda ee ay Itoobiya u baahan tahay aan wadahadal lagu dhammayn” ayuu yidhi Abiy Axmed, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Itoobiya aysan marna diyaar u ahayn inay xabbad ku rido dalalka Eritariya, Jabuuti, Soomaaliya iyo Kenya si ay u hesho bad, waa siduu hadalka u dhigay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed.

 

Ra’iisal wasaaruhu waxa kale oo uu sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay inay hesho bad si waafaqsan sharciga ganacsiga, isagoo xusay in dalkiisu uu 30 sano kahor uu lahaa labo dekadood oo kuyaal Eritariya oo wakhtigaa kamid ahayd dalka Itoobiya, balse hadda uu dalkiisu isticmaalo dekadda Jabuuti oo ah halka kaliya ee ay maanta Itoobiya u isticmaadho waxa ay dhoofiso iyo waxa ay soo dejiso.

 

RW Abiyi Axmed waxa kale oo uu sheegay in tirada dadka Itoobiya ay marba marka xigta ay sii kordhayso sidaa darteedna loo baahan yahay in dalku helo bad ka hor inta aysan dhibaato kale imaan, waa siduu hadalka u dhigay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed.

 

“Dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, Kuwa ree Yurub, Khaliijka iyo Dowladaha Afrika dhammaantood hadday yiraahdaan wadada ay Itoobiya ku rabto inay bad ku hesho waa wado khaldan, oo aan waafaqsanayn sharciga ganacsiga, nabadgalyada gobolkana waxbay u dhimaysaa, hanoo sheegaan waan qaadanaynaa waanuna iskadaynaynaa arrintaa badda, balse anagu waxaanu leenahay aynu wadahadalno, wada hadal ayaanu wax ku rabnaa”, ayuu yiri Abiyi Axmed.

 

Waxa kale oo uu sheegay Abiyi Axmed in tirada dadka ee Itoobiya ay marba marka xigta sii kordhayso, ” 2030ka tirada dadka ee Itoobiya waxay gaaraysaa ilaa 150 milyan oo qof, dhaqaalihii dalkuna iyo baahidiina dhinac ayay ka kordhayaan, waxaas oo dad ah si aysan dhibaato ugu imaan oo aysan ciyaalku isu cunin aynu xal u raadino umbaanu leenahay ee wax kale ma jiraan”. Ayuu yiri Abiyi Axmed Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

 

Arrinta badda cas oo ay Itoobiya doonayso inay dekad ka hesho badda cas oo dhawaana uu arrintaas soo hadal qaaday Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa waxay hadal hayn badan oo ilaa maanta aan istaagin ka dhex dhalisay dalalka deriska la ah Itoobiya, inkastoo siyaabo kala duwan loo macneeyay qaabka ay Itoobiya ku doonayso badda, hadda Abiyi Axmed waxa uu mar kale ku celiyay in Itoobiya aysan dagaal iyo colaad ku rabin badda ee ay ku raadsanayso qaab sharciga ganacsiga waafaqsan.

Madaxweyne William Ruto oo sagootiyay safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Dalka Kenya

0

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC}  Madaxweynaha Wadanka Kenya, William Ruto ayaa sagootiyay danjirihii dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Nuur Tarsan, wuxuuna uga mahadceliyey howlihii uu u soo qabtay.

 

Willian Ruto Madaxweynaha Kenya ayaa bogaadiyay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Wuxuu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay nabadda iyo horumarka deegaanka iyo faa’iidada ay wadaagaan labada waddan.

 

Madaxweyne Ruto waxa uu sidoo kale xaqiijiyay sida ay dowladda Kenya uga go’an tahay iskaashiga gobolka iyo barwaaqada Bariga Afrika.

 

“Kenya iyo Soomaaliya waxay wadaagaan wax ka badan deris, muddo tobanaan sano ah, waxaan ka wada shaqaynaynay raadinta nabadda iyo horumarka qarankeenna iyo gobolka. Waxaan wadaagnaa xiriir dhaqameed qoto dheer oo leh xiriir ganacsi oo xooggan.”ayuu yiri Willian Ruto.

 

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa dhawaan soo gabagabeeyay waajibaadkiisii safiirnimo ee Kenya, isagoo dib ugu laabandoona dalka.

 

Ambasaddor Tarsan, ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee Kenya. Wuxuu xafiiska joogaa muddo 4 sano ah.

{DAAWO MUUQALKA} Muxuu Salka ku hayaa Safarka Madaxweyne Guudlaawe ee Mahadaay

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} Muxuu Salka ku hayaa Safarka Madaxweyne Guudlaawe ee Mahadaay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Shaqsi Dilay Nin Dhaqtara oo Maxkamad Lagu Sootaagay Caasimada Galmudug Ee Dhuusamareeb

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} Shaqsi Dilay Nin Dhaqtara oo Maxkamad Lagu Sootaagay Caasimada Galmudug Ee Dhuusamareeb

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} falalkii ay geysteen Ciidamada Isreal oo gudaha u galay Isbitaalka Gaza.

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} falalkii ay geysteen Ciidamada Isreal oo gudaha u galay Isbitaalka Gaza.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay ee soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 15.11.2023

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay ee soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 15.11.2023

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu yahay ujeedka socdaal ee Madaxweyne xasan sheekh uu u tagay dalka Burundi?

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} Muxuu yahay ujeedka socdaal ee Madaxweyne xasan sheekh uu u tagay dalka Burundi?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dhulka miyiga ah iyo dooga ka dhashay roobabkii da’ay. HAKAN WAA HIIRAAN.

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} Dhulka miyiga ah iyo dooga ka dhashay roobabkii da’ay. HAKAN WAA HIIRAAN.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Wasiir Dhagawayne”Waan ku faraxsanahay in xilka layga qaado anigoo danaha gobolka Awdal ka shaqaynaya”

0

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC}  Cabdi Cismaan Dhagawayne oo ahaa Wasiirkii Maalgashiga Soomaaliland ee uu madaxweynuhu xilka ka qaaday ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in xilka laga qaado xili uu ku hawlana wax ka qabashada tabashooyinka reer Awdal.

Waxa uu sheegay in aanu kursiga aad ugu hamuun qabin, isla markaana uu wax kasta ka jecelyahay ka shaqaynta danaha bulshada uu kasoo jeedo, uuna ku faraxsanyahay in xilka laga qaaday isaga oo danaha bulshada ka shaqaynaya.

 

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta anaga oo uu na hoggaaminayay madaxweyne ku xigeenkii Soomaaliland, oo ka shaqaynaynay danihii gobolka Awdal, iyo horumarkiisa, in hadana madaxweynuhu xilka iga qaado, aad baan ugu faraxsanahay waanan ku bogaadinayaa” ayuu yidhi Dhagawayne.

 

Waxa uu u mahadceliyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaga oo sheegay in uu qalinkiisa wasiir ku noqday, isla markaana aanay waxba iska badali doonin, waxa uuna sheegay in sidii hore uun uu bulshada ugu shaqayn doono.

 

“Reer Awdalna waxaan leeyahay ha la is dajiyo waddanka inaga ayaa leh, markii horena horumarkiisa uun baynu ka shaqaynaynay hadana horumarkiisa uun baynu ka shaqaynaynaa” ayuu yidhi Dhagawayne.

 

Waxa uu sheegay in uu lasii shaqayn doono xisbiga Kulmiye iyo xukuumada, isla markaana hadii xukuumad kale timaadana uu markasta u baadi dooni doono waxa ka dhiman bulshada gobolka Awdal.

 

Xilka qaadista Dhagawayne ayaa timid kadib hadal uu dhawaan ku sheegay in dadka reer Awdal ay tabasho qabaan, oo ay wax ka maqanyihiin.