Home Blog Page 3160

Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo Booqasho ku tabay Dalka Burundi

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Safar shaqo oo Maalin ah ku tagay dalka Burundi, halkaas oo uu kulammo kula qaadanayo Madaxweynaha dalkaas Évariste Ndayishimiye.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada dalkaas ayaa safarkiisu waxa uu ku qotomaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo abaabulka dagaalka ka dhanka AS, maadaama dalka Burundi uu safka hore kaga jiro dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Xasan Sheekh ayaa kala hadlaya dhiggiisa dalka Burundi Évariste Ndayishimiye oo ah guddoomiyaha dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sidii loo dadajin lahaa dhameystirka galka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ku biirista dalladdan oo fursad u noqonaysa ganacsiga iyo isu-socodka dadka Soomaaliyeed.

Wafdiga Madaxweynaha ku weheliya booqashadan ayaa kulammo kala duwan la qaadan doona dhiggooda dalka Burundi, waxa uuna Madaxweynuhu uga mahadceliyey dhiggiisa dalkaas, shacabka iyo dowladda Burundi soo dhaweynta walaalnimada ah ee ay u muujiyeen iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dagaalka ka dhanka AS.

{DAAWO MUUQAALKA} Digniin cusub oo kasoo baxday hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka. MAXAY TAHAY?

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} Digniin cusub oo kasoo baxday hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka. MAXAY TAHAY?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQALKA} Wabiga shabelle oo ku fatahay xaafadaha Degmada Buulo-burte.

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} Wabiga shabelle oo ku fatahay xaafadaha Degmada Buulo-burte.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxkamadeynta 24 eedeysane, oo ka tirsan cidamada Dowldda oo ka bilaabatay Degmada Guriceel.

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} Maxkamadeynta 24 eedeysane, oo ka tirsan cidamada Dowldda oo ka bilaabatay Degmada Guriceel.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 15 11 2023}

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Mustaf ali addow Iyo Shugri baryare maxamuud

Farsamadii :Abdi maajid abdirxmaan aaadan

    HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

 

{DAAWO MUQAALKA} ”Doorashada Mucaradka qabanayo waxay ka dhalatay sida ay u dhaqantay xukumada Deni’ Madaxwayne hore

0
Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} ”Doorashada Mucaradka qabanayo waxay ka dhalatay sida ay u dhaqantay xukumada Deni’ Madaxwayne hore

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Odayaasha iyo Waxgaradka Ceerigaabo oo ka hadlay dhulboob lagu hayo fariina udiray maamulka.

0
Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} Odayaasha iyo Waxgaradka Ceerigaabo oo ka hadlay dhulboob lagu hayo fariina udiray maamulka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Xamaas oo war kaso saartay beegsiga Israaiil Isbitaalka Al-Shifa.

0

Arbaco November 15, 2023 {HMC} Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden iyo Waaxda Difaaca dalkaas ku eedeysay in ay ka dambeeyeen go’aanka Israaiil ay ku beegsatay goobaha Caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Gaza.

Sida ay daabacday Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganeysa Mas’uuliyiin katirsan Xamaas waxa ay tallaabadaas ku tilmaameen mid ay Yuhuuddu ku dooneyso in ay ku cunaqabateyso adeegyada muhiimka ah uu Isbitaalkaan u hayo Bulshada.

Sababta keentay in Mareykanka uu ku dhiirrageliyo weerarka Israaiil ay ku qaadday Isbitaalka Al-Shifa waa in Washington ay dhiggeeda Tel Aviv usoo jeedisay in ay tuhmayaan in xubnaha Xamaas ay ku sugan yihiin Dhismaha Isbitaalka hoostiisa ku yaalla.

Inkasta oo hadalkaas uu beeniyay Maamulka Isbitaalka Al-Shifa balse hadalkaas kama baajin in ay Israaiil ay gudaha u gasho Isbitaalkaan inkasta oo askar badan laga dilay oo lagu gubay Gaadiid ciidan haddana ugu dambeyn dhismaha Al-Shifa ayay gashay.

Xamaas ayaa Mareykanka iyo Dalalka kale ee Reer Galbeedka ku eedeysay in ay ka dambeeyaan xasuuqa Israaiil ay ka geysatay Magaalada Gaza, waxaana indhaha ka daawanaya Waddamo badan oo xitaa awoodi waayay in ay farageliyaan xaaladdaan ka taagan Gaza.

Wararkii Ugu Dambeeyay guri ku yaalla magalada Muqdisho oo la qarxiyay

0

Arbaco November 15, 2023 {HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xoogan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo si weyn jugtiisa looga maqlay xaafado ka tirsan caasimada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino lagu xiray ilinka hore guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kadibna la qarxiyay.

Guriga la qarxiyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu degan yahay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, wuxuuna ku yaalla agagaarka xerada gaadiidka Booliiska.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga uu dhacayay qaraxa uu sarkaalka ka maqnaa guriga, mana jiro khasaare lasoo wariyay, marka laga reebo burbur soo gaaray albaabka hore ee guriga lala bartilmaadeedsaday qaraxa miino.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah, balse xaaladda ayaa haatan deggan.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay sidoo kale howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan ciidamada dowladda.

Weerarkan waxaa ka horreeyay qaraxyo todobaadkii hore lagu xiray xarumo ay Hormuud ku kala lahayd degmada Dayniile iyo deegaanka Ceelasha Biayaha ee duleedka Muqdisho.

Si kastaba, weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada weli dowladda Soomaaliya ay dalka ka waddo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyay.