Home Blog Page 3161

{DAAWO MUQAALKA} Widodo oo baaqa Muslimiinta ee xabbad jooginta Gaza soo gaarsiiyay madaxweyne Biden

0
Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} Widodo oo baaqa Muslimiinta ee xabbad jooginta Gaza soo gaarsiiyay madaxweyne Biden

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Fatahaada Baladweyne

0

Arbaco November 15, 2023 {HMC}  Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Fatahaada fatahaada wabiga shabelle ee magalada Baladweyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Kooxaha Gurmadka Deg deg ah Oo Wabiga Shabeelle ka Baadi goobayo Meeydad.

0

Arbaco November 15, 2023 {HMC} Kooxaha Gurmadka Deg deg ah Oo Wabiga Shabeelle ka Baadi goobayo Meeydad.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay Tahay Sababta Dowladan Dhalinyaradeeda ugu Cadaadineeyso in ay Guursadaan?

0

Arbaco November 15, 2023 {HMC} Chen waa gabadh da’yar oo u dhalatay dalka Shiinaha, waxaa ay haasaawe guur la sameeysa in ka badan 20 nin oo ay hooyadeed soo diyaarisay.

Waxay sheegtay in ragga haasaawaha ay la sameeyso qaarkooda ay aad u xun yihiin, sababtoo ah intooda badan ma aysan ka helin rajadii ay ka qabtay, waxaan ay tilmaantay in aysan rabin in carruur ay dhasho taas oo ragu ay ka biyo diideen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Widodo oo baaqa Muslimiinta ee xabbad jooginta Gaza gaarsiiyay madaxweyne Biden

0

Arbaco November 15, 2023 {HMC}  Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo, ahna madaxweynaha waddanka ugu Muslimiinta badan dunida ayaa Isniintii shalay Aqalka Cad kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, waxaana uu soo gaarsiiyay farriin uu ka siday 57 dowladood oo dunida Muslimka ah, taasoo ay kaga dalbanayeen inuu ku cadaadiyo Israa’iil xabad joojin laga hirgeliyo Gaza.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 15/11/2023

0

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Yasiin Cali Axmed 

Farsamadii :Abdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si aan la fileyn uga hadlay xiisadda Israel iyo Falastiin

0

Arbaco November 15, 2023 {HMC}  Madaxweynaha Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo la hadlay wargeyska Arab News inta uu joogay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas lagu dhameyn karo heshiis siyaasadeed oo ah qaabka xalka laba waddan.

“Dadka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku jirneen colaad, weynu ognahay halka ay ku danbeyso shaqaaqada iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta iyo natiijada soo baxda marka ay dhamaato colaada,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaa ayaa xusay in qofna aysan gaari karin dhamaadka siyaasadeed iyadoo aan laga hadlin sababaha keenay khilaafka iyo in la adeegsado rabshado ay maalin kasta ku bixi karaan dad rayid .

“Waxaa jira xal caalami ah oo la aqbali karo waana laba dawladood oo ah Falastiin iyo Israa’iil , islamarkaana ku wada nool si nabad ah wayna dhici kartaa,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dhici karto taasi. Wuxuuse su’aal galiyay sababta adduunku uga shaqayn waayay, si xalkaas loo hirgaliyo.

“Aasaaska dowlad Falastiiniyiintu leeyahiin oo xuduudaheeda yahiin kuwii Juun 1967, caasimadeeduna tahay Qudus, waa dammaanada kaliya ee gobolka uu uga baxayo dadagaalka,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee dhawaan ku dhamaaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray “Waxa ka socda Gasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka.”

In ka badan hal bil, Marinka Gaza waxaa ku socday duqeymo xooggan oo Israel ay kaga aargoosaneysay weerarkii aan hore loo arag ee 7-dii Octobar ee Xamaas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil, kaasoo lagu dilay 1,400 oo qof, oo u badnaa rayid, 240 kalena lagu qafaashay.

Duqeymaha Israa’iil, iyo howlgalkii dhulka ee xigay, ayaa sababay in ka badan 11,000 oo dhimasho ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, iyo barokaca in ka badan kala bar dadka reer Gaza.

{DAAWO MUQAALKA} Xaalad Quus ah oo ka jirto Baardheere oo ay dhawaan ku dhufatay Fatahaad uu sameeyay Wabiga Jubba

Arbaco November 15, 2023 {HMC}  Xaalad Quus ah oo ka jirto Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay dhawaan ku dhufatay Fatahaad uu sameeyay Wabiga Jubba ee kala qeybiya magaaladaas.

 

Waxaa barakacay intabada dadkii ku noolaa waxaa dumay buundadii kala qeybin jirtay Magaalada Baardheere.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Askar ku dhax dagaalamay Gudaha Dagmada Guriceel oo Maxkamad La so taagay.

0

Arbaco November 15, 2023 {HMC} waxaa maanta maxkamad la so taagay Askar ka wada tirsan ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo ku dhax dagaalamay Gudaha Dagmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

WAR DEG DEG AH: SSC-Khaatumo oo war ka soo saartay ka reebista Koobka Dawlad Goboleedyada Soomaaliya.

WAR-SAXAAFADEED:

Talaado November 14, 2023 {HMC} Xoghayaha Arrimaha Bulshada SSC-Khaatumo Dr. Yusuf Saleeban Sancad waxa u caddaynayaa qodobada soo socda:-

1. Ugu horreyn, Waxaan ogaysiinaynaa Bulshada Soomaliyeed iyo Shacabka SSC-Khaatumo in Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha JFS iyo Xidhiidhkuba ay dedaal weyn ku bixiyeen sidii SSC-Khaatumo uga qaybgeli lahayd Tartanka Kubadda Cagta ee ka furmi doona Caasimadda Muqdisho.

2. Marka xigta, ma jirto war Rasmi ah oo naga soo gaadhay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JFS, islamarkaana waxaanu ku guda jirnaa diyaar garowgii aanu kaga qaybgeli geli lahayn tartanka, anagoona rajaynayna inaanu guul ka keeni doonno.

3. Ugu danbayn, Waxaan ku boorrinayaa Xulka Kubadda Cagta SSC-Khaatumo in ay sii labanlaabaan dedaalka iyo diyaargarowga jidheed iyo maskaxeed ee ay ugu jiraan ka qaybgalka tartanka iyo hanashada Koobkaba. Islamarkaana aysan ku mashquulin wararka iyo dacaayadaha aysan waxba ka jirin, kuna kalsoonaadaan Maamulkooda.

Xogahayaha Arrimaha Bulshada
Dr. Yusuf Saleban Sancad

DHAMMAAD