Home Blog Page 3179

Turkiga oo taageerada Xamaas ku waayi kara qorshe uu doonayey muddo nus qarni ka badan

0

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Guddiga Yurub oo ah hay’adda fulinta ee Midowga Yurub (EU) ayaa maanta ku dhawaaqday wrbixinnada ballaarinta ee 10 waddan, oo ay ku jiraan Galbeedka Balkans, Ukraine iyo Turkiga.

Warbixinta ayaa xustay in guddiga uu bilaabayp wada xaajoodyada dalalka doonaya inay ku biiraan ururka sida Ukraine, Moldova iyo Bosnia iyo Herzegovina, waxaase la xusay in Turkigu uusan qaadin wax tallaabo ah oo uu kaga laabanayo rabitaankiisa Miwoga Yurub, balse ficillada qaar ay ka fogayn karan xubinnimada u udoonayo.

Warbixinta oo ka kooban 141 bog, ayaa lagu xusay in Turkiga sanadihii ugu dambeeyay uu hoos u dhac weyn ku yimid dhinacyada ay ka mid yihiin xuquuqul insaanka, xorriyaadka aasaasiga ah, bulshada rayidka ah iyo sarreynta sharciga.

Babacsanaan ba’an oo dhanka shaqada ah ee hay’adaha dimuquraadiga ah iyo in xadhiga Osman Kavala iyo Selahattin Demirtaş ee ka dhanka ah go’aannada Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha (ECHR) ay sababtay in garsoorka Turkiga uu ka guuro halbeegyada caalamiga ah sida warbixintu tilmaamtay.

Turkiga ayaa warbixinta lagu sheegay in siyaasaddiisa arrimaha dibaddu aysan la jaan qaadi karin Midowga Yurub hoosna ay u dhacday 10%.

Xamaas oo uusan cambaarayn ayaa warbixintu xustay inay muujinayso in kala fogaansho ka muuqada dhinacyda ka dib weerarkii ay Xamaas ku qaadday Israa’iil muddo laga joogo soddon iyo shan maalmood.

awaabta Turkiga ee warbixinta
Wasaradda arimaha dibadda ee Turkiga oo ka jawaabtay earbixinta Midowga Yurub waxay sheegtay in ururku wali ku adkaysanayo hab dhaqankiisa caddaalad darrada ah iyo eex ku wajahan Turkiga taasoo walaac galinaysa sida mustaqbalka qaaraddu u ekaan doonto, ayaa lagu yiri bayaanka Turkiga.

“Xidhiidhka caalamiga ah ee hadda jira, waxaa lagama maarmaan ah in Midowga Yurub uu si caddaalad ah oo loo dhan yahay u fuliyo siyaasaddiisa ballaarinta, waa xaqiiqo uu Midowga Yurub laftiisa aqbalay in baahida loo qabo xoojinta xiriirka Turkiga iyo Midowga Yurub ee dhinacyada oo dhan ay ka midaysan yihiin.” Ayaa la sii raaciyey bayaanka wasaarada arimaha dibadda Turkiga.

Turkigu wuxuu ugu baaqay Midowga Yurub in dhismaha xirirka ka dhaxeeya uu waafaqsanaado danaha guud ee labada dhinac ay doonayaan in ficillada iyo khudbada madaxda la jaan qaadaan is ogolaanshooda

Warbixinta ayaa sharraxday in hawshani socotay ilaa doorashooyinkii madaxtooyada iyo baarlamaanka ee qabsoomay bishii May.

Qodobbada ugu weyn ee lagu eedeeyey Turkiga

1.Hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa la kulmay cadaadis

2. Xaquuqda aadanaha

Turkiga oo ku guuldareystay inuu u hoggaansamo go’aamada ECHR wuxuu sababay inuu ka guuro xuquuqda aadanaha iyo halbeegyada xoriyada aasaasiga ah ee ay dejiyeen Golaha Yurub taas uu xubin ka yahay.

3. Xoriyatul qawlka

Warbixintu waxay dul istaagtay in dibu dhac halis leh ka jiro dhinacyada Turkeya ee Saxafiyiinta, qorayaasha, qareennada, aqoonyahannada, difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo codadka muhiimka ah.

Waxaa la arkay in xoriyatul-qawlka la xaddiday doorashadii May 2023-ka, awooddii cod-bixiyayaashuna ay ku gaari lahaayeen go’aamo xog-ogaal ah ay saameyn xun ku yeelatay.

4. 59 wariye oo la xiray

Sida laga soo xigtay suxufiyiinta aan xuduuda lahayn, Turkigu wuxuu hoos uga dhacay liiska xorriyadda saxaafadda adduunka ee 2022 wuxuuna galay kaalinta 165aad ee 180 waddan.

Sida ku cad xogta June 2023, 59 suxufi iyo shaqaale warbaahin ah ayaa xukunkooda ku qaadanaya xabsiga ama sugaya maxkamad.

Warbixinta Midowga Yurub ayaa mar kale humaag galisay doonistii waqti dheerayd ee Turkeygu dalbanayey inuu helo xubinimada ururkaas

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka Hadlay Go’aannadii kasoo baxay Shirkii Amniga Qaranka

0

Sabti  Nofembar 11, 2023 {HMC} —  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa ka qayb galay munaasabad casho ah oo Taliyaha Ciidanka Boolisku u sameeyey ka qayb galayaashii shirka Amniga Qaranka gaar ahaan Booliska, ayuu ka sheegay in Xukuumadda ka go’antahay tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyey go’aanadii ka soo baxay shirka, isagoo tilmaamay in Xukuumadda #DanQaran ay dadaal dheeraad ah galinayso tayada, Tirada, Cududda iyo qalabaynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si loo xoojiyo amniga guud ee dalka kala danbaynta, gaar ahaan deegganada laga xoreeyey Khawaariijta.

Mudane Xamsa ayaa ku bogaadiyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sugidda amniga gaar ahaan caasimadda oo uu sheegay in isbeddel badan oo amni ka muuqdo hadda, ciidankuna si gaara uga feejigan yihiin dhagaraha Khawaariijtu la maagan yihiin shacabka, sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in hadda shacabka Soomaaliyeed si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka amniga taasina ay qayb muhiim ah ka qaadatay ka hor taga dhagaraha Khawaariijta.

Gabogabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray ciidamada qalabka sida ee ku sugan deegaannada ay saameeyeen roobabka iyo daadadka El-nino, inay qayb ka qaataan samatabixinta dadka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in kaalin wayn ka qaataan gurmadka dowladdu wado ee dadkaasi lagu gargaarayo.

Waa maxay rajada Soomaaliya ee inay bishan ku biirto Ururka Bariga Afrika?

0

Sabti  Nofembar 11, 2023 {HMC} — Xoghayaha Guud ee Bulshada Bariga Afrika Peter Mathuki ayaa sheegay in laga yaabo in Soomaaliya loo oggolaado ku biirista ururka bishan dhexdeeda.

Shirka madaxda dalalka ururkan ayaa la filayaa in November 23-24 uu ku qabsoomo magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, iyadoo madaxda gobolka la filayo inay soo jeediyaan in Soomaaliya ay ku biirto ururkan.

Dr Mathuki ayaa kasoo qeyb galayaashii Shirka Maalgashiga Afrika ee 9-kii bishan ka dhacay magaalada Marrakech, ee dalka Marooko, ka sheegay in ururku uu qorsheynayo inuu isku ballaariyo Geeska Afrika, iyadoo Itoobiyana ay sidoo kale daneyneyso inay kusoo biirto.

“Ururka Bariga Afrika waa mid ka mid ah udub-dhexaadyada Midowga Afrika aad ayuuna u kobcayaa. DR Congo ayaa ah xubintii ugu dambeysay, marka lagu daro Kenya, Uganda, Tanzania, Suudaanta Koofureed, Burundi, iyo Rwanda. Kaasina waa suuq 300 oo milyan oo qof ah. November-tanna, waxay u muuqataa inaan Soomaaliya kusoo dari doonno ururka,” ayuu yiri.

Muxuu yahay ururka EAC?

Waa urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, kaas oo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah todobada dal ee uu hadda ka kooban yahay. Suudaanta Koofureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ururkan ku biirtay bishii April ee sanadkii hore.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 laga diiday codsigeeda xubinnimada EAC waxaana ay markale codsi dirsatay sanadkii 2018, taas oo hakad gashay illaa doorashadii Soomaaliya ka dhacday taas oo uu kusoo baxay madaxweynaha hadda haya talada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxmuud.

Intaas ka dib madaxweynaha Soomaaliya ayaa bartamihii bishii June ee sannadkii tagay shir madaxeedka Ururkan kaga qayb galay magaalada Arusha ee xarunta u ah dalka Tanzania sidoo kalena ah xarunta hadda ee dalladdan.

Kenya ayaa kamid ah waddamada ugu awoodda badan ururka dhanka dhaqaalaha iyo saameynta siyaasadeedba, waxaana taageeradeeda ay muhiim u tahay damaca Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC.

Maxay ka faa’iidaysaa Soomaaliya ?

Saddex ka mid ah waddamada dalladdan ku bahoobay ayaa Soomaaliya u diray Kenyana waxaa daga dad Soomaali ah oo ay dhiig iyo dhaqan wadaagaan Soomaalida kasoo jheedda Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan madaxweynaha Soomaaliya arrimaha ururka Bulshada Bariga Africa Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa BBC-da uga jawaabay su’aashan, waxa uuna sheegay, in Soomaaliya ay faa’iidooyin badan ku qabi doonto ka mid noqoshada ururkan isagoo sheegay in ay Soomaaliya heli doonto suuq ganacsi uu baaxad weyn.

“Waxaa loo baahanyahay in qofka Soomaaliga ah uu is weydiiyo maxaad ka gadi kartaa suuq saddex boqol oo milyan oo dad ah ama aad ka baran karta” ayuu yiri cabdisalan mar uu ka jawaabayey waxa ay ka helayso Soomaaliya, isagoo hadalka sii watana wuxuu yiri, “ saddex waxba waan samaysan karna, waxa ugu muhiimsan hadda eel aga hadlo waa helista cuntada, saddexda wax ee baahida cuntada tiri karana waan haysannaa.”

Waxaa uu ergaygu ku tilmamay saddexda wax ee baahida cuntada looga boxo kuwaas oo uu sheegay in Soomaaliya ay dhammaan haysto, dhul-beereed, bad iyo xoolo. “Waxaan haysannaa sided milyan oo hectar oo dhul beereed ah kaas oo u baahan waraab, waxaan xoolaha oo ama adduunka ugu badan ama Afrika ugu badan, waxaa kale oo aan haysanna badda ugu dheer uguna kalluunka badan Africa” ayuu yiri Cabdisalan oo qaba in dhamaan waxyaabahaas uu soo sheegay loo suuq geyn karo suuqa Bulshada Bariga Afrika.

Dhanka kale dadka Soomaalida ayaa dhammaan waddamadan ku leh ganacsiyo taasi oo sida uu ergaygu sheegay hadii ay Soomaaliya ku biirtu ururkan ay dadku heli karaan nidaam socdaal oo fudud.

Mar uu ka hadlayay ergaygu waxa ay Soomaaliya u faa’iidayn karto bulshada ururka wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay shaqaale xirfadaysan sida kuwa caafimaadka iyo wax barashada, oo uu ku sheegay inay shaqaale badan ka faa’iidi karaan bulshada dalladdu kasokow in suuqa ay Soomaaliya keeni karto badeecada kor ku xusan.

ISHA BBC

{DAAWO MUIQAALKA} Khudbada Madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeediyay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika.

0

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} —  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUIQAALKA} Siyaasiyiin ayaa ka shaqeynaya inay iska horkeenaan Madaxda Qaranka si loo cuuryaamiyo dagaalka AS”.

0

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} —  Siyaasiyiin ayaa ka shaqeynaya inay iska horkeenaan Madaxda Qaranka si loo cuuryaamiyo dagaalka AS”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUIQAALKA} shirkii Buurka darimeed ka socday habac ayaa ku yimid”Wasiirka Hubka dhigista maleeshiyaadka H/elle

0

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — shirkii Buurka darimeed ka socday habac ayaa ku yimid”Wasiirka Hubka dhigista maleeshiyaadka H/elle

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbahinta Hiiraanweyn 11/10/2023

0

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Cabdirxmaan macalin muuse

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO 

{DAAWO MUIQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay ee soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 10-08-2023

0

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} —Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararkii ugu dambeeyay ee soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Mustaf Cali Cadoow

Farsamadii :Maxamed Baryare Xaamud 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

 

{DAAWO MUIQAALKA} Nin shalay dil geystay oo isagana maanta toogasho lagu fuliyay.

0

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Nin shalay dil geystay oo isagana maanta toogasho lagu fuliyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUIQAALKA} Taliyaha Booliska Guriceel oo ka hadlay dilkii xalay loo geystay walaalkiis.

0

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Taliyaha Booliska Guriceel oo ka hadlay dilkii xalay loo geystay walaalkiis.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA