Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Awooda biyaha soo jabsaday biyo xireenka qooqane oo sii kordheysa.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Awooda biyaha soo jabsaday biyo xireenka qooqane oo sii kordheysa.
Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad toddobo boqol oo qof lagu dilay gobolka Galbeedka Darfur ee dalka Suudaan ka dib isku dhacyo dhawaan dhexmaray ciidamada iyo xoogaga taageerada degdega ah ee RSF.
Laakiin urur maxalli ah oo bulshada rayidka ah ayaa sheegay in ilaa 1300 oo qof lagu dilay tan iyo Jimcihii la soo dhaafay agagaarka magaalada El Geneina, waxayna ku eedeeyeen RSF-ta gabood-falladaas.
Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo RSF ay u muuqato in ay ku sii xoogaysanayso Darfur.
Goob joogayaal ayaa RSF ku eedeeyay in ay duulaan ku qaadeen xerooyinka barakaca ayna bilaabeen weeraro ka dhan ah dadka aan Carabta ahayn.
Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Ururka Xisbullah ayaa sheegay in todobo ka mid ah dagaalyahanadooda ay ku dhinteen rasaas ay ridayeen ciidamada Israel rabshadihii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay maleeshiyaadka awooda badan ee fadhigeedu yahay Lubnaan iyo ciidamada Israel. Hezbollah ma aysan sheegin halka lagu dilay xubnahooda – waxay ka howlgalaan Lubnaan iyo Israa’iil.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ay talaabo qaadeen ka dib markii gantaalka lidka taangiga ah laga soo riday Lubnaan oo lala beegsaday mid ka mid ah fariisimaha ciidamada Israa’iil, balse ma cadda in dhacdadani ay xiriir la leedahay dhimashada askrataas.
Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcaha maanta ah magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga uga qeybgalay Madasha Iskaashiga Sacuudiga iyo Afrika, waxaana uu khudbaddiisa ku sheega in Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-shabaab ay haysato mustaqbal fiican.
“Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ula fal-galayaan gobolka iyo qaaradda iyadoo ay barbar socdaan dib u dhiska dalka, xoreynta deegaannada iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay haysato mustaqbal fiican.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey garab-istaagga iyo iskaashiga ka dhaxeeya Boqortooyada Sucuudiga iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi, uuna rajeynayo in mira-dhalka shirkan uu noqdo kobcinta xiriirka labada dhinac.” ayuu raaciyay warmurtiyeedka madaxtooyadu.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale yiri “Laga billaabo hadda, waxaan rumeysannahay in aan hormuud u noqon karno caalamka dhanka beeraha, kheyraadka xoolaha, tan kheyraadka cagaaran, isgaarsiinta, fududeynta ganacsiga, kheyraadka badda iyo hal abuurka tignoolajiyadda.”
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laba shir oo kale qeybgali doona inta uu joogo Boqortooyda Sacuudiga, kuwaas oo kala ah shirka Jaamacadda Carabta iyo kan Ururka Iskaashiga Islaamka, kuwaas oo looga hadli doono qaddiyadda Falastiin.
Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa maanta oo Jimco ah kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Abiy Axmed Cali.
Kulanka dhax maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Abiy ayey uga wada hadleen arrimo dhowr ah ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dowlado iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa labada dowladood.
Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo dalka Sacuudiga kulamo kala duwan la qaadan doono qaar kamid ah madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirka ka furmaya dalkaasi, waxa uuna kala hadli doonaa madaxdaasi arrimo khuseeya dalkeena.
Madaxweynaha Sacuudiga kaga qayb gali doona Saddex shir oo kala ah 1- Shirka Jaamacada Carabta 2- Shirka Ururka iskaashiga Islaamka 3- Shirka Sacuudiga iyo Afrika. Shirarkaas ayaa intooda badan looga hadli doonaa xaaladda shacabka Falaatiin.
Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} GAZA/DUBAI — Iran ayaa ka digtay in baaxadda dhibaatada dadka rayidka ah ee ka dhalatay dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamaas ay si lama filaan ah u horseedi doonto ballaarinta colaadda, xilli saraakiisha Gaza ay sheegayaan in Israa’iil ay duqeysay ama ku dhowdahay dhowr isbitaal oo ku yaalla dhulka Falastiin.
Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Iran Hossein Amir-Abdollahian ayaa dhalin kara walaac ku saabsan in dadaalka diblomaasiyadeed ee Washington iyo in ciidamada badda ee Mareykanka la geeyo bariga Mediterranean-ka ay awood u yeelan doonaan inay ka hortagaan colaadda inay sii carqaladeyso xasilloonida Bariga Dhexe.
Amir Abdullahian ayaa u sheegay dhiggiisa Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, fiidnimadii Khamiista: “Ballaarinta baaxadda dagaalka ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Gaza, waxay lama huraan u noqon kartaa ballaarinta baaxadda dagaalka.”
Telefiishanka dawladda Iiraan ee Press TV ayaa soo tebiyay faallooyinka, oo la sameeyay intii lagu jiray wada hadal taleefoon, Jimcihii.
Duqeymaha iyo go’doominta Israa’iil ee Gaza bishii la soo dhaafay ayaa abuuray masiibo bini’aadantinimo, iyadoo kumannaan kun ay u raadsadeen daweyn iyo gabaad isbitaallada yar ee weli furan, halka kuwa aagga dagaalku ka socdo ay ku sugan yihiin khatar aad u daran.
“Gumaystaha Israa’iil waxay weerarro isku mar ah ku qaadeen tiro isbitaallo ah saacadihii la soo dhaafay,” ayuu afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Gaza Ashraf Al-Qidra u sheegay telefishinka Aljazeera.
Qidra waxa uu sheegay in duqayn ay Israa’iil ka geysatay barxadda cisbitaalka Al Shifa oo ah kan ugu weyn magaalada Qaza uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse ma uusan bixin faahfaahin.
Israa’iil ayaa sheegtay in Xamaas ay ku leedahay xarumo talis iyo godad dhulka hoostootiisa mara Al Shifa, iyo isbitaallo kale sida Isbitaalka Indonesia, iyada oo eedeymahaas ay beenisay Xamaas.
Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Duqa Magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin iyo Masuuliyiin Kale ayaa Gaaray Deegaanka Hoodleey oo ah Meesha ugu qatarta badan oo.xiligan laga Cabsi qabo in uu ka fataho Wabiga Shabeelle. goobtan waxaa ka Socda Dadaalo Kala duwan Oo wax Looga qabanayo Fatahaada Wabiga shabeelle
Duqa Magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa sheegtay In ay socdaan dadaalo xoogan oo wax loga qabanayo fatahaada wabiga Shabeelle kuwaas oo ay ka socdaan sadax meel oo ah kuwa ugu daran ee xiligan laga Cabsi qabo.
Sidoo kale Duqa Magaalada Baladweyne ayaa Dadka ugu baaqday in ay Muujiyaan Taxadir Dheerad ah inta ay Jiraan qataraha Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Maxaabiis badan oo soomaaliland looga qabtay dagaalkii oog lagu soo bandhigay Magalada Laas-caanood.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Maamulka SSC oo war kasoo saaray Dagaalada kasoo cusboonaaday Gobalka Sool.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Puntland oo War Culus Kasoo saartay Cida Masuul ka aheed Dagaalkii ka dhacay Garoowe.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA