Home Blog Page 3181

{DAAWO MUIQAALKA} Guddoomiyaha gobolka Saaxil ayaa kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah deegaanada hoosyimaada Gobolk

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} —  Guddoomiyaha gobolka Saaxil ayaa kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah deegaanada hoosyimaada Gobolk

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUIQAALKA} Xildhibaan Katirsan Barlaamka Uk Oo Kahadlay Ictiraafka Soomaalinad

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Xildhibaan Katirsan Barlaamka Uk Oo Kahadlay Ictiraafka Soomaalinad

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {10/11/2023}

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Yasin Ali 

Farsamadii :Cabdirxmaan Muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Waa sidee xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xassan oo qalliin galay?

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} —  Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa qalliin garabka ah ku maray dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay xafiiska madaxweynaha.

 

Xafiiska ayaa sheegay, in madaxweynaha uu haatan ka soo bogsanayo qalliinka ‘yar’ ee uu maray. Wax faahfaahin kama uusan bixin xannuunkiisa garabka.

 

Madaxweynaha ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Abu Dhabi, halkaas oo uu sidoo kale kula kulmay mas’uuliyiinta sar sare ee dowladaha Carabta, sida uu qoray wargeyska Sonna.

 

Waxaa uu intaa kadib u safray magaalada Riyadh ee Sacuudiga, si uu ugu qeyb galo shirweynaha waddamada Afrika iyo Sacuudiga.

 

Tan iyo markii xilka loo doortay, madaxweyne Xassan Sheekh ayaa u safray dhowr waddan oo ay ku jiraan kuwa Khaliijka, si uu taageero ugu raadiyo dagaalka ay dowladdiisa kula jirto ururka AS.

Sudan: 700 oo qof oo lagu dilay dagaal socday laba maalmood

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} —  Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah ee IOM ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ilaa 700 oo qof lagu dilay Galbeedka gobolka Darfur, kadib uu iska horimaad magaalada El Geneina ku dhexmaray ciidamada Sudan iyo xoogaga dagaalka kula jira ee RSF.

 

Dagaalkan ayaa dhacay afartii iyo shantii bishan November, sida ay sheegtay IOM.

 

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa intaas ku daray Khamiistii in 100 qof oo kale ku dhaawacmeen dagaalkan, halka 300 oo kalena lagu la’yahay.

XIGASHO AFP, Reuters, AP, AND VOA SOMALI.

Maxaad Kala Socotaa Xaalada Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif?

0

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Mudo labo todobaad ah kadib waxaa manta furmay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne kaasi oo saameyn ay ku yeesheyn roobkii xooganaa ee ka da’ay Magaalada.

Garoonka Diyaaradaha waxaa kusoo rogmaday Daadad xoogan oo ka dhashay roobabkii ka da’ay Magaalada oo sababay in biyo badan ay dhax Fadhiistaan Garoonka Sida ay sheegeyn Maamulka Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo joojiyay dhamaan Duulimaadkii Garoonka Ugaas Khaliif.

Dadka Safarka usoo ah Baladweyne iyo kuwa ka baxayo Magaalada ayaa ka duuli jiray Labadii todobaad ee ugu dambeeyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kaasi oo Magaalada u jirto 120kmt .

Dadka safarka ah ayaa dhibaato weyn ku qabay mudooyinkii dambo, madaama wadada laamiga ah ay aad u burbursan tahay. Manta ayuu mar kale garoonka dib u furmay kadib markii Biyaha ay ka baxeeyn Sida ay sheekeyn Maamulka Garoonka Diyaaradaha Baladweyne.

Maamulka Hirshabeelle ayaa dhaqaalo badan oo Canshuur ah ka qaato Maalin walba Diyaaradaha yimaado Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif , mana jirto wax hormarin ah oo dhaqaalahaas loogu sameeyo Howlaha Garoonka. Maalintii markii ugu yaraato ilaa 5 Diyaaradood ayaa ka tagto Garoonka waxaana dhamaan Lacag qaado Canshuur.

Sanad walba xile roobaadka waxaa istaagay dhamaan howlaha Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif madaama roobka uu saameyn ku yeesho. Dadka reer Hiiraan ayaa sheegay in nasiib daro weyn ay tahay in sanad walba labada xile roobaad uu xirmo garoonka, taasi oo dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabelle aysan waxba ka qaban.

Dadka ayaa sheegay in Caqabad gaar ah ay haysto Garoonka diyaaradaha ugaas Khaliif. Dhaqaalaha Canshuur ahaan ugu soo xaroodo ayey sheegeyn hadii lagu celiyo in uu wax badan ka qaban lahaa Saameeynta roobka.

Sidoo kale Dowlada Soomaaliya ayaa indhaha ka qarsatay xaalada Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne, iyaga oo Garoono Cusub ka hergalisay Qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya sanadkan.

{DAAWO SAWIRADA} Xagee ayey Marayaan Biyaha Guurtida ah ee Baladweyne in ay Barakiciyaan looga Baqayo?

0

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Wararka saakay ka imaanayo Deegaanka Qooqane oo dhinaca Waqooyi Baladweyne kaga began 28kmt ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay kasoo gudbeeyn xiyo xireeyn ku yaalay biyahii guurtida ahaa ee looga Cabsi qabo in ay ku fatahaan Magaalada Baladweyne.

Biyahan guurtida ah oo ka yimid dhulka Sare ee Itoobiya ayaa sanad walba xile roobaadka barakaciyo dadka ku nool Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan. Lakiin dadka Magaalada ayaa sanadkan laga Barakacay intooda badan biyaha oo aysan Magaalada soo galin. Waxaana arintan sabab u ahaa digniino badan oo biyaha laga bixiyay.

Sidoo kale Biyaha ayaa sameeyn waxaa ay ku yeesheyn, Boqolaal Beeraleey ah oo dhinaca waqooyi ka xigo Magaalada Baladweyne waxaa Dalagyadii u beernaa 48 saac ee ugu dambeeyay ka jaray biyo badan oo guurti ah kuwaas oo barbar socda Wabiga Shabeelle.
Beeraleeydii ku nooleeyd , Deegaanada Bacaad, Qooqane, Garaash iyo hoodley ayaa sheegay in Biyaha ay galeeyn dhamaan beerahii halkaasi ku yaalay. Waxaana beeraha xiligan ugu yaalay qudaar iyo dalagyo kala duwan.

Cabsida ugu weyn xiligan dadka Magaalada ku haray waa Biyaha guurtida ah ee Baladweyne kuso wajahan,

{DAAWO MUUQAALKA} Xagee ayay kasoo jeedaa Naadiya Maxamed oo dad badan ay dood ka keeneen gobalka ay u dhalatay.

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} —  Xagee ayay kasoo jeedaa Naadiya Maxamed oo dad badan ay dood ka keeneen gobalka ay u dhalatay.

{DAAWO MUUQAALKA} Biyo xireenkii deegaanka qooqane ee Gobalka Hiiraan oo goordhoow biyaha ay soo dhaafeen.

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} —  Biyo xireenkii deegaanka qooqane ee Gobalka Hiiraan oo goordhoow biyaha ay soo dhaafeen.