Home Blog Page 3182

Israa’iil oo Gaza ka billowday afar saac oo xabbad-joojin maalinle ah

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} —  Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in Israa’iil ay bilaabi doonto dhaqangelinta xabbad-joojin maalinle ah oo afar saacadood ah hawlgalkeeda milatari ee ka dhanka ah Xamaas ee waqooyiga Gaza, laga bilaabo Khamiistii shalay.

 

Ku dhawaaqidda afhayeenka golaha amaanka qaranka John Kirby ayaa kusoo beegmeysa xilli ciidamada difaaca Israel ay magaalada Gaza kula dagaalameen xoogaga Xamaas, waxaana magaalada isaga cararay dad badan oo Falastiiniyiin ah.

 

Kirby waxa uu sheegay in xabbad-joojintu ay siineyso Falastiiniyiinta wakhti ay ku baxsadaan, iyaga oo isticmaalaya laba waddo oo bini’aadantinimo, ayna ka dhigan tahay horumar la taaban karo oo lagu dhimayo khasaaraha dagaalka.

 

Kirby waxa uu sheegay mar uu la hadlay warfidiyeenada: “Israa’iiliyiintu waxa ay nagu wargeliyeen in aanay jirin wax hawl-gal ah oo milatari oo ka dhici doona aagaggaas inta lagu guda jiro muddada xabbad-joojinta, hawlgalkani waxa uu bilaabmayaa maanta,” isaga oo intaa ku daray in fikradda joojinta ay timid intii lagu guda jiray wadahadal u dhaxeeyay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

 

Israa’iil ayaa weerarkeeda qaadday iyada oo jawaab u ah weerarkii Xamaas ee ka dhacay koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar oo ay ku dhinteen in ka badan 1,400 oo qof oo u badnaa rayid. Xamaas ayaa sidoo kale qafaalatay ilaa 240 qof.

Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo wadamo kale oo reer galbeed ah ayaa ururka Xamaas u aqoonsaday urur argagixiso.

Israel oo Weli sii Wada Duqeeymaha Isbitaalo ku yaalla Marinka Gaza

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Saraakiisha Gaza ayaa sheegay in Israa’iil ay duqaymo cirka ah ku qaadday xalay saddex Isbitaal, taasoo sii adkeynaysa nidaamka caafimaad ee khatarta ah ee deegaanka Falastiiniyiinta oo la halgamaya kumanaan qof oo ku dhaawacmay ama ku barakacay dagaalka Israa’iil ay kula jirto dagaalyahannada Xamaas.

 

“Gumaystaha Israa’iil waxay weerarro isku mar ah ku qaadeen tiro isbitaallo ah saacadihii lasoo dhaafay,” afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Gaza Ashraf Al-Qidra ayaa u sheegay telefishinka Aljazeera.

 

Goobaha caafimaadka waxaa ka mid ahaa Isbitaalka ugu weyn Gaza, Al Shifa, halkaasoo Israel ay sheegtay in Xamaas ay ku leedahay xarumo talis oo qarsoon iyo godad, eedeymahaas Xamaas ayaa beenisay. Qidra waxa uu sheegay in Israa’iil ay bartilmaansatay barxadda dhismaha caafimaadka ee magaalada Gaza, isla markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse ma uusan bixin faahfaahin.

Milateriga Israa’iil ayaan isla markiiba ka hadlin hadalka Qidra.

Isbitaalada Gaza ayaa ku dhiban inay daryeelaan dhaawacyada ololaha militari ee Israel ka wado halkaas kaasoo looga dan leeyahay in lagu baabi’iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, iyadoo sahayda caafimaadka, biyaha nadiifka ah iyo shidaalka korontadu ay ka dhamaadeen.

 

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 18 ka mid ah 35 Isbitaal ee Gaza iyo 40 kale oo xarumo caafimaad ah ay xirmeen sababo la xiriira burbur ka soo gaaray duqeyn ama shidaal la’aan.

 

Warbaahinta Falastiin ayaa daabacday muuqaal laga soo duubay Al Shifa, kaasoo ay ku sheegtay inay muujinayso natiijadii ka dhalatay weerar ay Israa’iil ku qaadday goob baabuurta la dhigto oo ay ku hoydaan falastiiniyiin barakacayaal ah.

 

Barkad dhiig ah ayaa laga arki karay iyo meydka nin la saaray bareelo. “Weerarrada socda iyo dagaallada ka socda agagaarka (Al Shifa), waxaan aad uga walaacsanahay fayo-qabka kumannaan rayid ah oo halkaas ku sugan iyo carruur badan oo daryeel caafimaad iyo hoy u raadsada goobaahas,” ayaa lagu war ay soo saartay Human Rights Watch.

 

Qidra ayaa sheegtay in Isbitaalka Al-Rantisi iyo Isbitaalka Carruurta ee Al-Nasr ay xalay la kulmeen weeraro xiriir ah oo toos ah iyo duqeyn”. Waxa uu sheegay in duqeymo ka dhacay barxadda cisbitaalka ee Al-Rantisi ay ku gubeen gawaari balse qeyb ahaan la damiyay.

Maamulka Saciid Deni oo Mucaaridka ah ku eedeeyay dhacdadii maalmo ka hor ka dhacday magaalada Garoowe

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} —  Taliska Booliska maamulka Puntland ee madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe ayaa siyaasiyiinta mucaaridka ah ku eedeeyay dhacdadii maalmo ka hor ka dhacday magaalada Garoowe.

 

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf, oo ugu horrayn ka hadlay dhacdadii khasaaraha sababtay ee ka dhacday Garoowe ayaa siyaasiyiinta, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole iyo Asad Cismaan Diyaano ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin dhibaatadaasi.

 

Taliye Maxamed Cali Marduuf ayaa sheegay in rag hubaysan oo ay soo abaabuleen labadaas siyaasi ay weerar ku qaadeen soo dhaweyn barxadda Garoowe loogu samayn lahaa Youtuber-ka lagu magacaabo Kabtan Ayuub, taasina sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

 

G/sare Marduuf ayaa sidoo kale siyaasi Asad Diyaano ku eedeeyay in gurigiisa magaalada Garoowe laga tuuray hoobiye ku dhacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada Garoowe, islamarkaana la tuuray markii uu weerarkii barxadda dhacayay.

 

Dhinaca kale, taliyaha Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa isna siyaasiyiinta mucaaridka ah ku eedeeyay in ciidamadoodu dhac u geysteen gaadiid dowladdu leedahay sidoo kale ay jiraan shakhsiyaad danbiyo kala duwan ku eedaysan oo u galay dhanka mucaaridka.

 

Maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe oo sidoo kale halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaridka ah ay qayb ka yihiin falalka amni-darrada ah ee ka dhacaya gudaha Puntland gaar ahaanna caasimadda Garoowe.

Dowladaha Mareykanka iyo UK oo ka horyimid qorshe ay Israel ka damacsan tahay Gaza

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} —  Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ka horyimid qorshaha socda ee ay ku Israel ku dooneyso in dhowr iyo toban sano kadib ay dib ugu la wareegto amniga guud ee Marinka Gaza.

 

Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku goodiyay in Israel ay damaanad ahaan ula wareegi doonto amniga guud ee Marinka Gaza, kolka uu dhammaado dagaalka ay kula jiraan Ururka Xamaas.

 

Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in Tel Aviv ay amniga Gaza gacanta ku hayn doonto sida uu yiri illaa waqti aan la cayimin, iyagoo markaasi ka hortaggaya weerarkii 7-dii October oo kale.

 

“Israel waxa ay yeelan doontaa masuuliyadda guud ee amniga Gaza, muddo aan la cayimin, marka uu dagaalku dhammaado, sababtoo ah waxa aynu aragnay waxa dhacaya,” ayuu yiri Netanyahu.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo ka falcelinayay warka ka soo yeeray Netanyahu ayaa uga digay in Israel ay dib u soo cusbooneysiiso qabsashadeedii Marinka Gaza.

 

Wasiirka oo Arbacadii Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Tokyo ayaa sheegay in Mareykanku uu Israel ku taageerayo inay meesha ka saarto Xamaas, balse aanu ku taageeri doonin in ay dib ula wareegto Gaza.

 

“Israel ma qabsan karto Marinka Gaza, way iska caddahay inaysan qabsan karin. Hadda xaqiiqdu waxay tahay in ay jiri karto baahi loo qabo muddo kala guur ah, dhammaadka iska horimaadka,” ayuu yiri Wasiirka.

 

Blinken ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Marka Xamaas laga adkaado, dadka Falastiiniyiinta waa inay iyagu la wareegaan Maamulka Gaza iyo xitaa Daanta Galbeed.”

 

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain, James Cleverly ayaa sheegay in loo baahan yahay in Israel ay awoodda ku wareejiso Hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ee nabadda jecel, sida uu yiri.

 

Washington iyo London ayaa Tel Aviv ka dalbanaya in ay wareejiso maamulidda Gaza, marka ay gaarto hadafkeeda ah in la ciribtiro Xamaas.

 

Hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe ayaa si adag u cambaareeyay barakacinta khasabka ah ee ay Israel ka waddo Gaza, taas oo ay u arkaan qorshe ay ka leedahay dhul ballaarsi.

 

Ciidamada Israel ayaa bishii September ee sanadkii 2005 isaga wada baxay Marinka Gaza, ka dib ku dhawaad 40 sano oo ay xoog ku haysteen. Xilligaasi waxay magaalada ku wareejiyeen Maamulka Falastiiniyiinta, inkastoo ay Xamaas kala wareegtay bishii June ee sanadkii 2007.

 

Israel ayaa tan iyo xilligaa ahayd cidda go’aanka ka gaareysa cidda imaaneysa iyo cidda kale ee ka baxeysa Gaza, iyadoona weli ay Israel gacanta ku hayso maamulka hawada iyo badda Gaza

 

Xasan Sheekh oo Sacuudiga kusoo bandhigaya mowqifka dowladda Somaaliya ee arrinta Falastiin

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono saddex shir oo ‘intooda badan looga hadlayo xaaladda shacabka Falastiin.’

 

Shirarkan ayaa kala ah; shirka Jaamacadda Carabta, shirka Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo Shirka Sacuudiga iyo Afrika.

 

Sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta Villa Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ku galay qalliin dhanka garabka ah.

 

Cabdulqaadir Dige, ma sheegin dhibaatada garabka ka gaartay madaxweynaha, iyada oo la arkayay madaxweyne Xasan Sheekh oo gacantu u shakaalan tahay oo kasoo degaya diyaaraddii uu ku tegay boqortooyda Sacuudiga.

 

“Madaxweynaha ayaa shirarkan kusoo bandhigi doonaa mowqifka shacanka iyo dowladda Soomaaliya ee xaaladda ay dadka Falastiiniyiintu ku sugan yihiin iyo dhibaatooyinka loo geysanayo” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdulqaadir Dige.

Maamulka SSC-Khaatumo oo war ka soo saartay dagaalo ka soo cusboonaaday gobolka Sool

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} —  Maamulka SSC-Khaatumo ayaa war ka soo saaray dagaal aad u xooggan oo illaa shalay ka socday nawaaxiga Buq-dharkayn oo ka tirsan degaanka Yeyle kaasoo u dhexeeya ciidamo qaab beeleed u abaabulan oo ka socda SSC iyo Somaliland.

War-saxaafadeedkaan ka soo Baxay Maamulka SSC-Khaatumo Ayaa Uqornaa Sidaan

Maxeey Tahay billada lagudoonsiiyey Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi

Jimco Nofembar  10, 2023 {HMC} —  Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbadelka Cimilada XFS Khadiija Al-Makhzoumi ayaa ku guuleysatay Abaal-marinta Africa Sustainability Outliers Award oo ay kula tartantay 3 rag ah.

 

Tartanka ayaa ka dhacay Magaalada Adis-Ababa ee dalka Ethiopia,Ugu dambeynna Wasiir Khadiija ayaa lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay, isla markaana la guddoonsiiyey Abaalmarinta.

 

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee XFS Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ka mid noqotay musharixiin loo xushay ka qeybgalka tartanka billadda ee “Africa Sustainability Outliers Award, ee loosoo gaabiyo (ASO Awards 2023).

 

Wasiir Khadiija ayaa loogu xushay u tartamidda Billaddan shaqooyinka baaxadda leh ee ay ka qabatay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada oo ay ka midyihiin:- U heelanaanta gaarka ah iyo ka go’naanshaha in la abuuro mustaqbal Waara ee Afrika.

 

Hirgelinta hindiseyaal badan oo dhiirigelinaaya horumarinta adkeysiga deegaanka iyo horumarinta bulshada.

 

Sidoo kale Wasiir Khadiija ayaa tartankan loogu xushay Ka-qaybgalkeeda sare iyo doorka hoggaamineed ee ay Soomaaliya ka qaadatay shirkii cimilada ee lagu qabtay Sharm El Sheikh, Masar, 2022.

 

Daah-furka Hindisaha Darbiga Weyn ee Cagaaran, kaas oo qeyb ka ah Hindisaha Soomaali Cagaaran.

 

Wasiirka ayaa door weyn ka qaadatay Abaabulka howlgelinta howlaha wadatashiga ee daneeyayaasha iyo dedejinta hirgelinta howlahaas si Afrika loo gaarsiiyo horumar waara.

 

Dajinta hindisaha iyo aragtida weyn ee lagu beeraayo malaayiin geed, si kor loogu qaado xalalka tamarta la cusboonaysiin karo, awood siinta haweenka iyo dhalinyarada, abuuritaanka jawi nabadeed oo suurtagelinaaya horumarka iyo in dadku ay la qabsadaan isbedelka.

 

Maaddaama ay si dhab ah dalkeeda iyo dadkeeda ugusoo meteshay dalal badan oo ay aheyd Danjire, waxay u ololeysay wacyi-gelinta guud ee arrimaha deegaanka, si dadku ay si firfircoon ula falgalaan arrimaha deegaankooda, dalkooda, gobolkooda iyo caalamka oo dhan, si xal loogu helo arrimaha taagan ee saameynaaya horumarka waara.

 

Dadaalkeeda ayaa saameyn weyn ku yeeshay bulshooyinka, horumarinta kobaca dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyo horumarinta hab-nololeedyo, sidaas darteed u qaabaynaya mustaqbal waara ee Afrika.

Faahfaahino kala Duwan oo ka soo baxaya Dila Xalay Ka Dhacay Degmada Guriceel

Jimco Nofembar  10, 2023 {HMC} —  Cabdullaahi Cali Hudey oo ay walaalo ahaayeen Taliyaha booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudey ayaa caawa la dilay.

 

Allaha u naxariistee Cabdullahi waxaa lagu dhex dilay goob ganacsi oo Guriceel uu ku lahaa, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

 

Koox hubeysan ayaa dishay Marxuumka, kuwaas oo dilka kadib goobta ka baxsaday, waxaana Xalay magaalada ka socda howlgallo lagu baacsanayo raggii dilka geystay.

Marxuumka ayaa ka tirsanaa ciidamada dib u xoreynta deegaanka, wuxuuna maalmihii lasoo dhaafay ka soo muuqday furinta Burujeed.

 

Dilka Cabdullahi Cali Hudey waxaa la sheegay inuu dabajoogo dil kale oo habeeno ka hor ka dhacay gudaha degmada Guriceel ee ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

 

Ciidamada amniga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, gaar ahaan booliska degmada iyo NISA oo habeeno ka hor ku jiray howlgal ayaa waxay dagaal la galeen koox hubeysan oo markii dambe la sheegay inay ka ganacsanayeen maandooriyaha.

 

Iska hor imaadkii habeenkaas waxaa ku dhibtay labo qof oo mid shacab yahay midna askari ka tirsanaa ciidamada amniga, halka afar qof oo kalena Dhaawacyo Soo gaareen.

 

Dilka Xalay dhacay ee loo geystay Taliyaha booliska Guriceel walaalkiis, waxaa la aamisan yahay inuu salka ku hayo dhacdadii habeenkaas, inkastoo aan weli si dhab ah loo ogaan kooxda dishay marxuumka.

{DAAWO MUUQAALKA} Buundadii degmada Baardheere oo maanta go’day iyo xaalada magaalada oo cakiran

Khamiis Nofembar 09, 2023 {HMC}  Buundadii degmada Baardheere oo maanta go’day iyo xaalada magaalada oo cakiran

 

{DHAGEYSO} Warka habeenimo ee warbahinta Hiiraanweyn 09/11/2023

Khamiis Nofembar 09, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Abdimajiid aweys isaaq

Farsamadii : Abdi Rahman Muse Osman

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABENIMO