Home Blog Page 3200

Sheekh Umul oo si kulul uga jawaabay hadal kasoo yeeray Raysal wasaare Xamse

0

Sheekh Maxamed Cabdi Umul oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo sheegay in loo baahan yahay in culimada Soomaaliyeed dhanka afkaarta ka hogaamiyaan dagaalka dowladdu kula jirto Al-shabaab.

Hadalka Raysal wasaare Xamse waxaa ka mid ahaa ineysan qurux badneen in masaajida ay Khadiib ka noqdaan Culimo aanan waxba ka sheegi karin dhibaatada Al-shabaab.

“Ma ila haboona mana ila qurux badna in masaajid ay ku soo tukanayaan dhowr boqol qof inaan Khadiib ka noqoto adoo sheekh ah oo aan waxba ka sheegin Al-shabaab, aniga waxay ila tahay inaysan haboonayn, cabsi ha u gayso ama dareen la’aan ha u gaysee arintaas muraajico ayey u baahan tahay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Sheekh Umul ayaa hadaladaasi kasoo yeeray Raysal wasaaraha Soomaaliya ku sheegay kuwa siyaasiyiinta marka ay xilalka qabtaan ku xagxagtaan Culimada Soomaaliyeed, isagoona xusay in Culimada aysan narnaba ka aamusin dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

“Waxaan arkayey Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo culimada maagaya oo wax qalada ku maagaya, marka siyaasigu iska yimaado inuu culimada iska maago oo iska xag xagto dhaqan bay u tahay, Madaxda iyaga laftooda saraha ku jira ee ciidamadu waardiyeynayaan ee ku socda gaari aanay xabaddu karin marna garoonka ka baxaya marka ciidan ku wareegsan yihiin iyagay tahay inay hadalkaas is dhahaan, laakiin adigoo halkaa ku jira inaa tiraahdo khatar isku dhig hadaa isku dhigi waydo masaajidka wareeji ood na maagto saxna maaha garna maaha waana mid ay siyaasiyiintu waayadan caadaysteen” ” ayuu yiri Sheekh Umal.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Sheekh Umul in Culimada Soomaaliyeed ay ka hadlayeen dhibaatada kooxda Shabaab waqti aad u dheer, islamarkaana ay jiraan Culimo badan oo loo dilay mowqifkooda ku aadan afkaarta diimeed ee kooxda Shabaab.

“Wadaadkii lafihiisa u baqa masaajidka uu joogo oo wixii kale oo uu sheegi karo sheega, meeshan khatarta ahna is yiri haddaad gasho ama waad carari ama waa lagu diliye intan gacanta ku hay in la yiraahdo intaana faraha ka qaad oo carar sax maha, in la yiraado isu dhigna sax maha” ayuu yiri Sheekh Umul.

Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale tilmaamay in culimada Soomaaliyeed uu cadyahay doorkooda diimeed ee dagaalka Shabaab, isagoona ku dhaliilay madaxda inay iyagu taangiyo gadaal kaga jiraan Culimadana ku eedeynayaan hadalo aan munaasab aheyn.

“wadaadku xaq ayu u leeyahay labo arin oo kala ah inuu go’aan qaato oo naftiisa halis galiyo iyo inuu maslaxo kale arko” ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi Umul.

Wasiir Fiqi oo sheegay in dowladda heshay cadeymaha cida hurineysa dagaal beeleedyada

0

Jimco November 03, 2023 {HMC}  Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay kooxda Al-shabaab iney ka dambeyso dagaal beeleedyada haatan ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in baaris ay sameeyeen hay’adaha amaanka dowladda Soomaaliya in lagu ogaaday in si cad uga dambeeyaan hurinta dagaal beeleedyada dad shaar qabiil xiran, islamarkaana ka tirsan ama la shaqeynaya kooxda Al-shabaab.

“Niman shaati qabiil xiran oo loo maleynayo in qabiilka dantiisa wadaan laakiin la hubo iney shabaab yihiin oo si hoose Hay’adaha amniga usoo baareen ayaa lagu ogaaday iney ka tirsan yihiin Khawaariijta iyaga oo soo siinaya hubka, lacagtana siinayaan, si colaada u sii huriyaan wayna fashilmeen” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wuxuu sidoo kale sheegay wasiir Fiqi in marar kala duwan heshiis la dhex dhigay beelaha qaar, hayeeshe heshiisyada oo aanan waqti yar xata kasoo wareegeen ay dib u bilaawdeen dagaal beeleedyada.

“Dagaal beeleedka ka socday Shabeellaha dhexe waad ogtahiin madaxweynaha dowadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud inuu heshiiskooda galay, markuu kaso tagayna uu dib u qarxay dagaal beeleedka, hadana Madaxweynihii 7-aad ee dowladdii Kumeel gaarka ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa tagay oo heshiis soo kala dhex dhigay, markuu kasoo tagay hadana dagaalka ayaa dib u billowday, marka waxaso dhan waxey cadeynayaan in shabaab ka dambeyso dagaal beeleedyada” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi.

Hadalka Wasiir Fiqi ayaa kusoo beegmaya, iyadoo qeybo ka mid ah gobolada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug ay ka socdaan dagaal beeleedyo geystay khasaarooyin kala duwan.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn { 3-11-2023}

Jimco Nofembar 03, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Yasin ali

Farsamadii :Abdirahman muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Dagaalka Gaza oo Galay Maalintii 27 aad duqeymo iyo dagaalo toos ah oo ka socda

Jimco, November-3- 2023- {HMC}  Ciidamada Yuhuuda ayaa weli sii wada duqeymaha arxan darada ah ee ay ka geysayanaan magaalada Gaza, iyadoo dagaalka dhinaca dhulka ah ee u dhexeeya milateriga Israel iyo Xamaas uu sii socdo.

Diyaaradaha Israel ayaa duqeeyey dhismayaal guryo ah oo ku yaalla xerada Qaxootiga ee Bureij Magaalada Gaza.

Isbitaalka al-Aqsa ee ku yaal bartamaha Gaza ayayu ku adkaatay inay kala soocaan dhaawacyada dadka nool iyo kuwa dhintay.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay duqeyntaas halka tiro kale oo ka badana ay ku dhaawacmeen duqeyntan sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka ee Gaza

In ka badan 3,700 carruurta reer Falastiin ah ayaa lagu dilay muddo bil ah, kuwaasoo qeyb ka ah dad ka badan 9000 kun oo lagu xasuuqay Gaza.

Israa’iil ma cadeynin sababta ay u beegsadeen xerada qaxootiga Bureij oo ku taal bartamaha Gaza.

Dagaalo toos ah ayaa weli gudaha magaalada Gaza ku dhexmaraya ciidamada Yuhuuda iyo kuwa Xamaas.

Afhayeenka Xamaas ayaa sheegay in khasaare xoogan ayu u geysteen ciidamada Israaiil, ayna ka laayeen askar badan sidoo kale ka gubeen gaadiid kala duwan iyo Taangiyo

{DAAWO MUUQAALKA} Hay’adda Sirdoonka Somaliland oo gacanta ku dhigay koox basaasiin ah

Jimco, November-3- 2023-{HMC} –  Hay’adda Sirdoonka Somaliland oo gacanta ku dhigay koox basaasiin ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Masuuliyiin qeyb ka mid ah waqtigooda kubada cagta ku ciyaaraha deegaano laga saaray AS.

Jimco, November-3- 2023-{HMC} – Masuuliyiin qeyb ka mid ah waqtigooda kubada cagta ku ciyaaraha deegaano laga saaray AS.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xaalad cakiran oo ka taagan degmooyinka Luuq iyo Doolow ka dib markii..

Jimco, November-3- 2023-{HMC} – Xaalad cakiran oo ka taagan degmooyinka Luuq iyo Doolow ka dib markii.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Shan Ceel biyood oo Laga Hirgelinaayo Dagmooyinka Maamulka Galmudug.

Jimco, November-3- 2023-{HMC} – Shan Ceel biyood oo Laga Hirgelinaayo Dagmooyinka Maamulka Galmudug.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Aragtida Bulshada ee ku aadan Guulaha laga gaaray A.S ee Gobolada dalka Soomaliya

Jimco, November-3- 2023-{HMC} – Aragtida Bulshada ee ku aadan Guulaha laga gaaray A.S ee Gobolada dalka Soomaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Ahmed Moallim Fiqi oo soo xeray Kulan looga hadalay “Doorka Culimada ee Taabogelinta Nabadda

Jimco, November-3- 2023-{HMC} – Wasiir Ahmed Moallim Fiqi oo soo xeray Kulan looga hadalay “Doorka Culimada ee Taabogelinta Nabadda

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA