Jimco, November-3- 2023-{HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya:Abdi Rahman Muse Osman
Farsamadii : Mustaf Ali Addow
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Jimco, November-3- 2023-{HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya:Abdi Rahman Muse Osman
Farsamadii : Mustaf Ali Addow
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Jimco, November-3- 2023-{HMC} Burcad hubeeysan oo muwaadin soomaali ah ku dilay xaafad Hoostagta Degmada Gugulethu ee magaalada Cape Town
Allh ha u naxariisto Ibrahim afurow nur Hussein ayaa sida la sheegay ka shaqeeynayay dukaan waxaana markii hore dhaawac kasoo gaaray rasaas ay burcada la beegsadeen kaasi oo markii dambe u geeriyooday
Burcada hubeeysan ee falka geeystay ayaa isaga baxsaday goobta
Ciidamo Boolis oo gaaray dukaanka lagu weeraray Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baarayan falka burcadnimo ee lagu dilay Muwaadinka Soomaaliyeed
Jimco, November-3- 2023-{HMC} Dagaalka ka socada Marinka Qaza iyo dhibaatooyinka ay wajahayaan shacabka reer Falasatiin ayaa dib noo xasuusinaya tariikho hore iyo shaqsiyaad dunida muslimka muhiim u ahaa oo ku dhashaya marinka Qaza , waxaan ka mid ah Imaamka weyn ee mad’hab ahaan ay Soomalida raacsan yihiin ee Imaamu Shaafici.
Hadaba waa kuma Imaam shaafici ?
Magaciisu waa Abuu Cabdullahi Maxamed bin Idiris al-Shaaficiya, waa Caalim Islaami ah waxaa uu dhashay sanakii 150 kii taariikhda Hijriyada oo ku beegan 767 milaadiga, sida ay wariyaan taariikhyahanadu.
Inkasta oo khilaaf ka dhashay halkii uu ku dhashay, culimada badan ayaa aamisnsan in imaamku ku dhashay gobolka Gaza ee dhulka Falastiin, kadibna waxaa loo qaaday Casqalaan oo isla Falastiin ah, halkaasi oo kolkuu laba jirsaday looga sii gudbiyey Magaalada Makka oo uu ku barbaaray.
Imaamu Shaafici waxaa uu ka dhashaya qoys faqiir ah oo reer Falastiin ah, aabihiis wuxuu dhintay isagoo yar, markaas ayay hooyadii ula guurtay Makka si uu u dhex dego eheladiisa, dhaqankoodana u barto, ugu dhex noolaado.
Waxa uu xifdiyay quraanka kariimka ah isaga oo todoba jir ah, kadibna waxaa uu bilaabay in uu barto qeybaha kala duwan ee cilmiga, waxaana uu waxa ka bartay culimada waaweyn ee muslimka ee xiligaasi ku sugnaa magalooyinka Makka iyo Madiino ilaa loo fasaxay in uu fatwoodo isaga oo 20 sano jir ah.
Shaqadii garsoore ee Yamen uu ka bilaabay
Waxbarashadiisi Makka iyo Madiino kadib waxaa uu u safray dalka Yaman, markuu Yaman tegeyna horey loogama dhiibin jago weyn, balse waxaa uu shaqaale ka noqday Maxkamadda halkaasi ka jirtay, waxaana uu kasbaday kalsoonidii dadka reer Yamen, isaga oo ku soo caan baxay amaano, aqoon iyo shaqo jacayl.
Intaa kadibna waxaa Garsoore looga dhigay Magallada Najraan, waxana sida tariikhada lagu sheego halkaasi degganaa qolada la yiraahdo banuu Xaaris oo caan ku ahaa in garsoorihii loo diro ay laaluushaan. Hasayeeshee taa kama yeelin Imaamu Shaafici, waxaana ugu dambeyn loo dhiibay Maxkamaddii ugu sareeysay dalka Yaman.
Shaqadiisa Yamen kaddibna wuxuu safaro kala duwan oo waxbarasho ku tagay magaalada Baqdaad, iyo dalka Masar halkaas oo Culimada waaweyn ee islaamka uu aqoon diin ah kaga soo korarsaday .
In ka badan 20 sano ayuu ku noola baadiyaha si uu xeeldheere ugu noqdo luuqada Carabiga. Waxa uu qoray kitaabo badan oo ku sabsan cilmiga fiqiga, isaga oo noqday qofkii ugu horeeyay ee alifa cilmiga Usuulu fiqiga (Asalka Fiqhiga). Sidoo kale wuxuu door ku lahaa cilmiga Axadiista .
Imaam Shaafici wuxuu dhintay sanadkii 204 hijiriyada isga oo 54 jir ah. Waxaa la sheegay inuu dunida uu ugu tagay cilmi iyo dhaxal weyn.
Xariirka Soomalida, Imaam Shaafic iyo Marinka Qaza
Inta badan dadka soomaaliyeed waxaa ay aaminsanyihiin mad’habka Shaafiga, waxaana taas loo sababeyay in culimadii dalka Yamen oo ayguna Mabd’a ahaan haysta shaafiyada ay Soomaliya yimaadeen, kadibna ay sidaasi ugu faafiyeen dalka.
Sida uu maqaal uu qoray 2017 kii ku sheegay Dr Maxamed Xuseen Macalin oo Shahadaada PhD ka haysta taariikhada Islaamka – culimada soomaliyeed ayaa door weyn ka qaatay faafitaanka madhabka Shaafiga ee bariga Afrika.
Ugu dambeyna markii uu biloowday dagaalka Xamas iyo Israa’iil waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo ‘dhibaatada Israa’iil ay ku hayso dadka reer Falastiin’.
Khamiis, November-2- 2023-{HMC} Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay todoba iyo toban basaasiin ajinabi ah.
Warkan oo lagu baahiyay barta X ee hore loogu yaqaanay Twitterka, ayaa lagu sheegay in hawlgalo laga fuliyay xaafadaha Hargaysa oo ay ka qaybqaateen ey loo yaqaan K9 Unit, oo dhawaan ay hay’addu soo iibsatay.
“Hay’adda Sirdoonka Somaliland oo adeegsanaysa K9 Unit ayaa hawlgalo qorsheysan ka fulisay xaafadaha magaalada Hargaysa, kuwaas oo lagu beegsaday shabakado basaasiin ajaanib ah” ayaa lagu yidhi warbixinta sirdoonka.
“Hawlgalkan ayaa lagu soo qabtey todoba iyo toban qof, waana hawlgalkii koowaad oo ay ka qeyb qaadanayaan K9 Unit” ayay warbixintu ku dartay.
Hawlgalo lagu ugaadhsaday kooxo kala duwan oo lagu eedeeyay in ay yihiin basaasiin iyo argagixiso oo ajaaniib ah, ayay hay’addu fulisay kadib markii dhawaan loo magacaabay taliye cusub.
31 October ayaa hawlgal ay hay’adda Sirdoonku fulisay lagu soo qabqabtay koox ka kooban toban nin oo ajaaniib ah oo looga shakiyay argagixiso.

Khamiis, November-2- 2023-{HMC} Bolivia ayaa si rasmi ah u sheegtay inay u jartay xiriirkii diplomaasiga ahaa ee ay la lahayd Israa’iil ka dib dagaalka Qasa.
Wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee Bolivia Freddy Mamani ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay habeenimadii talaadada ku xaqijiyey inay jareen xiriirkaasi, sababtuna tahay weerarrada ay Israa’iil ka gaysanayaan Qasa, kuwaas oo waxyeelo ba’an ka soo gaarayso dadka rayidka.
Sidoo kale wasiirka madaxtooyada ee Bolivia Maria Nela Prada ayaa ku dhawaaqday in waddanku gargaar bini’aadantinimo u diri doono Qasa.
“Waxaan dalbaneynaa in la joojiyo weerarrada Marinka Qaza, kuwaasi oo ilaa hadda sababay kumanaan dhimasho oo rayid ah iyo barakaca qasabka ah ee Falastiin,” ayay ku tiri shirka jaraa’id.
Israa’iil ayaa Bolivia ku eedeysay inay argagaxiso taageero u muujiyeen iyo inay xiriir la leeyihiin Iran.
Wasaarada arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa sheegtay inay hoos u dhigtay go’aankaas balse uusan awalba xiriir wanaagsani oo muuqda kala dhaxayn dalkaasi tan iyo markii uu xukunka dalkaasi qabtay Madaxweyne Luis Arce.
Dalalka dariska la ah Bolivia ee ku yaal latin America sida Colombia iyo Chile ayaa iyaguna u yeeray safiiradooda ka jooga Tel Aviv si ay wada tashi ula yeshaan.
Dhanka kale labadan dal ayaa cambaareeyaan dhimashada dadka rayidka ah ee Qasa, waxayna ku baaqeen xabad joojin.
Dalalka Carabta iyo Dagaalka Qasa
Waddamada carabta ayaa bilowgii colaadda si u muuqatay heer dabacsan kaga hadlay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.
Dalalka Urdun, Masar iyo Sacuudiga ayaa ku baaqay in dhinacyadu xabbad joojin sameeyaan si loo ilaaliyo dadka rayidka ee aan waxba galabsan labada dhinacba.
Boqorka Urdun ayaa booqashooyin ku tagay dalalka Yurub isagoo dalbaday in la joojiyo dagaalka si uusan ugu fidin gobolka.
Laakin Sacuudiga ayaa sheegay in duqaymaha Israa’iil ay dhibaato weyn u gaysanayaan rayidka ee Qasa, loona baahan yahay in la loojiyo ka dib socdaal uu ku tagay Riyaad Xogahayaha arimaha dibada Maraykanka Anthony Blinken.
Masar ayaa ku tilmaaantay go’aan khalad ah markii milatariga Israa’iil uu ugu baaqay shacabka Qasa inay halkaa ka guuraan muddo kooban gudaheed.
Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi ayaa sheegay in taasi ay ka hor imaanayso xeerka caalamiga, dalkiisuna uusan soo dhaweynayn dalabkaasi.
Talaabadan ay qaadday Bolivia ayeysan ku dhiirran dalalka carbeed iyo jaamacadda carabta.
Israa’iil oo shacabkeeda hubaynaysa
Dagaalka Qasa ee socda iyo weerarki Xamaas ay ugu magac dareen duufaantii Qasa ka dib, Israa’iil ayaa shacabkeeda hubaynaysa tiro aan hore loo arag.
Iyadoo la eegayo amni la’aanta iyo badbaadada, ciidamada ammaanka Israa’iil waxay dhiirigaliyeen in magaalooyinka Israa’iil laga dhiso 600 oo koox oo ilaalada madaniga ah oo ka fog goobaha ay colaaduhu ka socdaan, taas oo ku kalliftay Israa’iiliyiinta inay is hubeeyaan oo ay dalbadaan ruqsad ay ku qaataan hubka.
Guddiga amniga ee baarlamaanka ayaa ansixiyay toddobaadkii ugu horreeyay ee dagaalka Gaza xeerarka ballaarinaya shuruudaha helitaanka shatiga lagu qaato hubka, iyo sidoo kale dadweynaha xaqa u leh shatiyada.
Marka loo eego qiyaasaha ay maqleen Guddiga Ammaanka, xeerarka cusub waxay ka dhigan yihiin in ku dhawaad 400,000 oo Israa’iiliyiin ah oo dheeraad ah ay awoodi doonaan inay codsadaan shatiga hubka.
Xeerarka cusub ayaa sidoo kale siinaya gabadh kasta oo Israa’iiliyad ah inay gasho adeega qaranka muddo sannad ah, ayna hesho fursad ay ku codsato ruqsad ay ku qaadato hubka.
Si gaara dadka ku nool deegaan beereedka kibbutzim iyo deeganada ku dhow ayaa dalban kara hubka.
Tan iyo markii ay bilowdeen dagaalka dhanka koonfureed ilaa bilowgii todobaadkii afraad ee dagaalka Qasa, 174,453 codsi ayaa soo gaaray si ay u helaan shati ay ku qaataan hubka, sida uu sheegay wargeyska Yedioth Ahronoth Talaadadii.
Wasaaradda Difaaca ee Israa’iil ayaa xarumaheeda ka furtay guud ahaan dalka iyadoo lagu jiro xaaladda degdegga ah, waxayna xogteeda muujisay in xarumuhu helaan celcelis ahaan 10,000 codsiyo cusub ah maalin kasta dadka doonaya inay hubka qaataan, halka qiyaastii 850 codsi la heli jiray toddobaad kasta ka hor inta uusan bolaaban dagaalka hadda socda.
Khamiis, November-2- 2023-{HMC} Laba askari oo ka tirsan ciidamada dhulka ee gudaha u galay Magaalada Qaza ee dhulka reer Falastiin ayaa la dilay kadib dagaal qaraar oo ka dhacay halkaas.
Dhimashada labada Askari ayaa kor u qaadaysa tirada askarta loga Dilay Ciidamada Israaiil ee Dagaalka kula jira Ururka Xamaas tan markii u bilaawday Dagaalka iyo 7-dii October ilaa 20.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, dagaalku wuxuu kusoo wajahan yahay xarunta ugu weyn ee dadka ku nool Marinka Gaza ee waqooyiga, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxda Xamaas.
Xukuumada Yahuuda ayaa dadka ka codsanaysa inay ka baxaan aagga Gaza, iyada oo wacad ku maraysa inay gebi ahaanba ay baabi’in doonto ururka Xamaas. “Waxaan joognaa irdaha magaalada Gaza,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Israa’iil Itzik Cohen.
Ururka Xamaas iyo xulafadooda Islamic Jihad ayaa kasoo baxayay godad dhulka hoostiisa ah, oo rasaas ku ridayay taangiyada Israa’iil, iyada oo muuqaallo laga soo duubay labada kooxoodba ay muujiyeen hawlgallo qaab jabhadeed oo ka dhan ah ciidan aad uga awood badan.
“Habeenkii oo dhan ma aysan joojin duqeynta magaalada Gaza,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka halkaas ku nool, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin. “Laakin subaxnimadii waxaan ogaanay in ciidamada Israel ay weli ku sugan yihiin bannaanka magaalada,, taasina waxay la macno tahay in iska caabbintu ay ka culus tahay sidii ay filayeen.” ayuu raaciyay.
Taliyayaasha Ciidamada Israa’iil carrabka ku adkeeyay dhibaatooyinka ay leedahay dagaalka magaalada dhexdiisa ah, waxayna istaraatiijiyadoodu hadda u muuqataa inay xooggoda iskugu geynayaann waqooyiga Marinka Gaza halkii ay weerar dhulka ah ku qaadi lahaayeen dhammaan dhulkaas.

Warbixinadooda ayay qaar kamid ah warbaahintu raaciyeen hadalka Adna oo xogtaan aqrineysa.
“Dalkaan aan jaarka nahay ee Soomaaliya. ee isku keen dhereriy…waxaa ka dhacay dalkaa 375 qarax iyo dagaal,” ayay tiri Adna oo munaasabad khudbad ka jeedineysay.
Khudbadaan Adna ayaa hadal hayn ka abuurtay baraha bulshada, iyada oo dad badan is weydiinayaan sida ay suuragal ku tahay in mudadaas kooban ay waxaa oo dhibaato ah ka dhici karto gudaha Soomaaliya.
Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta ayaan ahayn mid nabad badan lagu yaqaano, balse waxay shacab badan oo Soomaaliyeed wax iska waydiinayaan tirada qaraxyada iyo dagaalada la xusay.
Xagee Adna ka keentay Xogtaan?

Waxay u egtahay in Adna soo xiganeyso warbixin ay baahisay hay’adda (ACLED) oo ay kaydisa dhamaan xogaha la xiriira qalalaasaha siyaasadda iyo dhacdooyinka banaanbaxyada ee ka dhaca dunida oo dhan.
Hay’adaan oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa 15 kii September ee sanadkaan baahisay xog tibaaxeysa dhacdooyinka la xiriira amni daradda siyaasadeed ee ka dhacay gudaha Soomaliya laga soo bilaabo dhamaadkii bishii todobaad ee sanadkaan.
Hay’adda ayaa warbixinteed ku tiri: “Laga soo bilaabo 22 kii July ilaa 8 dii September, ACLED waxay diiwaan galisay ku dhawaad 375 amni darro siyaasadeed ah iyo in ka badan 1,500 oo dhimasho ah oo ka dhacday Soomaaliya,”
“Amni darrada siyaasadeed ayaa kor u kacday 70% maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug bishii la soo dhaafay, marka la barbar dhigo bilihii ka horeeyay, kadib markii dawladdu si rasi ah u bilowday wajiga labaad ee dagaalka al Shabaab,”.
Amni darrada siyaasadeed ee kordheysa ayay warbixinta hay’adaan inteeda badan ku saleysay dagaalada ka dhanka ah ururka al Shabaab ee ka socda labada maamul goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug.
“Ciidamada amniga ayay u suuragashay inay dhimasho xoog leh gaarsiiyeen ururka al Shabaab,” ayay warbixintaan leedahay.
Qaraxyada ka dhacay gudaha Soomaaliya ayay warbixintaan sheegeysaa inay ku jiraan kuwa ay sameeyeen dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah. Tusaale ahaan 22 dhacdo oo qaraxyadaas ah ayay ku macneysay duqaymo ay gudaha Soomaaliya ka fuliyeen Maraykanka, Kenya iyo ATMIS.
Balse waxaa lagu daray warbixintaan in ugu yaraan lix duqaymo ah ay haleeleen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
BBC da ayaa mar sii horeysay baahisay mid ka mid ah duqaymahaas oo ay ku dhintaan ku dhawaad todoba qof oo shacab ah oo mid kamid ah ay ahayd haweneey 61 jir ahayd oo buush kula jirtay shan caruur ah oo ay ayeeyo u ahayd.
Dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay xilligaas inaan wax ka waydiino masuuliyadda duqaynta ayaa sheegtay inaysan jirin wax shacab ah oo ku dhintay duqayntooda.
Warbixintaan ayaa xustay in dhacdooyinka ugu badan ee keenay dhimashada kor u dhaafeysa 1000 ruux ay ahaayeen dagaalo fool ka fool ah oo lala galay al Shabaab.
Hay’adda ayaa sheegtay inay diiwaan galisay 230 dagaal oo dhacay.
Dawladda Soomaaliya ayaa iyana dhankeeda baahisay dhawaan inay in ka badan 3000 oo xubnood oo katirsan urur al Shabaab ay ku dileen dagaalada bilihii la soo dhaafay.
Meesha ugu badan ee dhimashada ay sababeen dagaaladu ay ka dhacday ayay warbixintaan sheegeysaa inay tahay gobolka Galgaduud, waxaana ku xiga dawlad goboleedka Hirshabelle.
Dawlad goboleedka Galmudug ayaa haatan xuddun u ah dagaalka lagula jiro al Shabaab, halkaas oo uu saldhig ka dhigtay bilihii ugu dambeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud.
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa dadka deegaanka ayaa saldhigyo ku leh deegaano kala duwan oo kamid ah gobolada Galgaduud iyo Mudug ee uu ka arrimiyo dawlad goboleedka Galmudug.
Xigasho BBC