Home Blog Page 3202

WAR DEG DEG AH: Israel oo qiratay askar kale oo looga dilay Qaza

0

Khamiis, November-2- 2023-{HMC} Laba askari oo ka tirsan ciidamada dhulka ee gudaha u galay Magaalada Qaza ee dhulka reer Falastiin ayaa la dilay kadib dagaal qaraar oo ka dhacay halkaas.

 

Dhimashada labada Askari ayaa kor u qaadaysa tirada askarta loga Dilay Ciidamada Israaiil ee Dagaalka kula jira Ururka Xamaas tan markii u bilaawday Dagaalka iyo 7-dii October ilaa 20.

 

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Israel oo iska caabin lama filaan ku noqotay kala kulmay Ururka Xamaas

0
Khamiis, November-2- 2023-{HMC}  Taangiyada iyo ciidamada Dowladda Israel ayaa maanta mar kale u dhaqaaqay dhanka magaalada Gaza, balse waxay iska caabbin adag kala kulmeen Xamaas oo isticmaalaya madaafiic iyo weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo laga soo tuurayay godad dhulka hoostiisa mara, iyadoo tirada dhimashada Falastiiniyiinta ay korortay duqeynta oo socda ku dhawaad afar toddobaad.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, dagaalku wuxuu kusoo wajahan yahay xarunta ugu weyn ee dadka ku nool Marinka Gaza ee waqooyiga, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxda Xamaas.

Xukuumada Yahuuda ayaa dadka ka codsanaysa inay ka baxaan aagga Gaza, iyada oo wacad ku maraysa inay gebi ahaanba ay baabi’in doonto ururka Xamaas. “Waxaan joognaa irdaha magaalada Gaza,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Israa’iil Itzik Cohen.

Ururka Xamaas iyo xulafadooda Islamic Jihad ayaa kasoo baxayay godad dhulka hoostiisa ah, oo rasaas ku ridayay taangiyada Israa’iil, iyada oo muuqaallo laga soo duubay labada kooxoodba ay muujiyeen hawlgallo qaab jabhadeed oo ka dhan ah ciidan aad uga awood badan.

“Habeenkii oo dhan ma aysan joojin duqeynta magaalada Gaza,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka halkaas ku nool, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin. “Laakin subaxnimadii waxaan ogaanay in ciidamada Israel ay weli ku sugan yihiin bannaanka magaalada,, taasina waxay la macno tahay in iska caabbintu ay ka culus tahay sidii ay filayeen.” ayuu raaciyay.

Taliyayaasha Ciidamada Israa’iil carrabka ku adkeeyay dhibaatooyinka ay leedahay dagaalka magaalada dhexdiisa ah, waxayna istaraatiijiyadoodu hadda u muuqataa inay xooggoda iskugu geynayaann waqooyiga Marinka Gaza halkii ay weerar dhulka ah ku qaadi lahaayeen dhammaan dhulkaas.

Maxaa ka jira hadalka in ‘375 qarax’ ay ka dhaceen Soomaaliya laba bil gudahood

0
Khamiis, November-2- 2023-{HMC} Warbaahinta gudaha Soomaaliland ayaa baahiyay warbixin ku saabsan dhaqtarad Adna Aadan aoo sheegtay ‘in gudaha Soomaaliya ay ka dhaceen 375 qarax muddo laba bil iyo bar gudahood ah’.

Warbixinadooda ayay qaar kamid ah warbaahintu raaciyeen hadalka Adna oo xogtaan aqrineysa.

“Dalkaan aan jaarka nahay ee Soomaaliya. ee isku keen dhereriy…waxaa ka dhacay dalkaa 375 qarax iyo dagaal,” ayay tiri Adna oo munaasabad khudbad ka jeedineysay.

Khudbadaan Adna ayaa hadal hayn ka abuurtay baraha bulshada, iyada oo dad badan is weydiinayaan sida ay suuragal ku tahay in mudadaas kooban ay waxaa oo dhibaato ah ka dhici karto gudaha Soomaaliya.

Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta ayaan ahayn mid nabad badan lagu yaqaano, balse waxay shacab badan oo Soomaaliyeed wax iska waydiinayaan tirada qaraxyada iyo dagaalada la xusay.

Xagee Adna ka keentay Xogtaan?

 


Waxay u egtahay in Adna soo xiganeyso warbixin ay baahisay hay’adda (ACLED) oo ay kaydisa dhamaan xogaha la xiriira qalalaasaha siyaasadda iyo dhacdooyinka banaanbaxyada ee ka dhaca dunida oo dhan.

Hay’adaan oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa 15 kii September ee sanadkaan baahisay xog tibaaxeysa dhacdooyinka la xiriira amni daradda siyaasadeed ee ka dhacay gudaha Soomaliya laga soo bilaabo dhamaadkii bishii todobaad ee sanadkaan.

Hay’adda ayaa warbixinteed ku tiri: “Laga soo bilaabo 22 kii July ilaa 8 dii September, ACLED waxay diiwaan galisay ku dhawaad 375 amni darro siyaasadeed ah iyo in ka badan 1,500 oo dhimasho ah oo ka dhacday Soomaaliya,”

“Amni darrada siyaasadeed ayaa kor u kacday 70% maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug bishii la soo dhaafay, marka la barbar dhigo bilihii ka horeeyay, kadib markii dawladdu si rasi ah u bilowday wajiga labaad ee dagaalka al Shabaab,”.

Amni darrada siyaasadeed ee kordheysa ayay warbixinta hay’adaan inteeda badan ku saleysay dagaalada ka dhanka ah ururka al Shabaab ee ka socda labada maamul goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug.

“Ciidamada amniga ayay u suuragashay inay dhimasho xoog leh gaarsiiyeen ururka al Shabaab,” ayay warbixintaan leedahay.

Qaraxyada ka dhacay gudaha Soomaaliya ayay warbixintaan sheegeysaa inay ku jiraan kuwa ay sameeyeen dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah. Tusaale ahaan 22 dhacdo oo qaraxyadaas ah ayay ku macneysay duqaymo ay gudaha Soomaaliya ka fuliyeen Maraykanka, Kenya iyo ATMIS.

Balse waxaa lagu daray warbixintaan in ugu yaraan lix duqaymo ah ay haleeleen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

BBC da ayaa mar sii horeysay baahisay mid ka mid ah duqaymahaas oo ay ku dhintaan ku dhawaad todoba qof oo shacab ah oo mid kamid ah ay ahayd haweneey 61 jir ahayd oo buush kula jirtay shan caruur ah oo ay ayeeyo u ahayd.

Dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay xilligaas inaan wax ka waydiino masuuliyadda duqaynta ayaa sheegtay inaysan jirin wax shacab ah oo ku dhintay duqayntooda.

Warbixintaan ayaa xustay in dhacdooyinka ugu badan ee keenay dhimashada kor u dhaafeysa 1000 ruux ay ahaayeen dagaalo fool ka fool ah oo lala galay al Shabaab.

Hay’adda ayaa sheegtay inay diiwaan galisay 230 dagaal oo dhacay.

Dawladda Soomaaliya ayaa iyana dhankeeda baahisay dhawaan inay in ka badan 3000 oo xubnood oo katirsan urur al Shabaab ay ku dileen dagaalada bilihii la soo dhaafay.

Meesha ugu badan ee dhimashada ay sababeen dagaaladu ay ka dhacday ayay warbixintaan sheegeysaa inay tahay gobolka Galgaduud, waxaana ku xiga dawlad goboleedka Hirshabelle.

Dawlad goboleedka Galmudug ayaa haatan xuddun u ah dagaalka lagula jiro al Shabaab, halkaas oo uu saldhig ka dhigtay bilihii ugu dambeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa dadka deegaanka ayaa saldhigyo ku leh deegaano kala duwan oo kamid ah gobolada Galgaduud iyo Mudug ee uu ka arrimiyo dawlad goboleedka Galmudug.

Xigasho BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Wabbiga Jubba oo ku fatahay deegaano hoostaga Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo

Khamiis , November -02- 2023-{HMC} Wabbiga Jubba oo ku fatahay deegaano hoostaga Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya Caalamka 02-11-2023

Khamiis , November -02- 2023-{HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya Caalamka ee Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Shukri Baryare

Farsamadii :Muse Ali Herow

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Dowlada Baxreyn oo u yeeratay safiirkii u fadhiyey Tel aviv

Khamiis, November-2- 2023-{HMC} Dowlada Baxreyn ayaa ku dhawaaqday iney safiirkeeda kala soo baxayso Israa’iil ayna joojinayaan xiriirkii dhaqaale ee Tel Aviv.

Wasaarada arrimaha dibeda ee Baxreyn ayaa sheegtay in xad gudubyada qaawan ee Israel ka wado Gaza ay yihiin kuwo aan ka aqbali karin sidaas awgeedna ay go’aansatay iney hoos u dhigto xiriirkii Israel.

Baxreyn waxay sheegtay in safiirkeeda dib loogu yeeray, isla markaana safiirka Israa’iil uu ka tagay Baxreyn, wixii ka dambeeyay weerarkii Israa’iil ee Gaza.

Isra’iil ayaa oo go’aankan ka hadashay ayaa sheegtay inaan lagu wargelin go’aanka Baxrayn ku doonayso inay safiirkeeda ugala baxdo Tel aviv.

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in aysan waxba kala socon in dib loogu yeeray danjiraheeda u fadhiya Baxreyn, iyadoo intaas ku dartay in xiriirka labada dal uu yahay mid deggan.

Baxrayn waxa ay ka mid ahayd afar waddan oo Jaamacadda Carabta ka mid ah oo heshiis caadi ah la saxiixday Israa’iil sannadka 2020-ka, kaasoo loo arko horumar weyn oo lagu dejinayo colaadda Israa’iil iyo Carabta ee mudada dheer soo jiitameysay.

Maxaa markii 3aad Loo Duqeynayaa Xerada Jabalia?

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} – Ugu yaraan 29 qof ayaa lagu dilay duqeyn Israel ka geysatay mar kale xerada qaxootiga ee Jabalia ee Magaalada Gaza.

Duqeynta Israel ayaa ayaa sidoo kale lagu dhaawacay daraasiin kale, waana weerarkii saddexaad ee lagu qaaday xerada qaxootiga ee Jabalia maalmo isxiga.

Weriye ka tirsan Wakaaladda ayaa sheegay in ciidamada Israel ay gantaal ka rideen iskuul ku yaal xerada, halkaasoo ay ku dhinteen 27 qof oo u badan rayid gabaadsanayey Iskuulka. Wuxuu sheegay in laba qof oo kale lagu dilay gantaal kale oo ku dhacay gaari.

Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in 35-ka ka mid ah 35 isbitaal oo ku yaal Gaza ay fariisteen ka din shidaal la’aan

Isbitaalka saaxiibtinimo ee Turkiga iyo Falastiin, oo ah cusbitaalka kansarka kaliya ee Gaza, waxaa lagu qasbay inuu joojiyo shaqada shidaal la’aan awgeed.

“Nolosha 70 bukaan oo kansar looga daweynayey isbitaalka ayaa haatan wajahaya xaalada adag,” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Falastiin ee MAI Al-Kaila.

Tirada dhimashada ee Gaza ayaa kor u kacay waxayna gaartay 9,061 qof, oo ay ku jiraan 3,760 carruur ah.

Dad gaarayaa 256 qof oo rayid ah ayaa maanta oo kaliya lagu dilay duqeymaha cirka ee Israel sida ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka Gaza

Waxaa sidoo kale jira dad gaaraya 2,600 oo oo nolol iyo geeri lagu heynin, kuwaasoo ku hoos jira burburka goobaha la duqeeyey ka dib markii la awoodi waayey in laga saaro kuwaasoo ay ku jiraan 1,150 carruur ah, waxaana loo badinayaa iney dhinteen.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {11-02-2023}

Khamiis, November-2- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdimajiid Aweeys isaaq

Farsamadii : Cabdiraxmaan Macalin Muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

 

Maxaa ka Jira in odayaal loo xir-xiray colaadda ka taagan Sh/Dhexe?

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada booliska HirShabelle ay qaadeen tallaabooyin ka dhan dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobolka, kuwaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Ciidamada ammaanka ayaa soo xiray ugu yaraan siddeed oday dhaqameed oo loo haysto inay ku lug lahaayeen hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanada kala ah Tugaarey iyo Gaashaale oo maalmo dhaweyd ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

Odayaasha ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo xiray saldhigga booliska magaalada Jowhar, halkaas oo ay su’aallo ku weydiinayaan saraakiisha laamaha ammaanka.

Nabadoon Maxamuud Ibraahin oo kamid ah waxgaradka ku baxay colaaddaas ayaa warbaahinta u sheegay in haatan ay ku guulaysteen kala qaadista labada ciidan.

“Kolley ciidamadii waa kala qaadanay kadibna waxaa la hadlay odayaasha deegaanka, wixii dhimana waa kasii wada-hadleynaa” ayuu yiri Nabadoon Maxamuud Ibraahim.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in haatan xaaladda ay deggan tahay, ayna sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa xallinta xiisaddaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laal laabtay dagaal beeleedyada, waxaana haataan faragelisay dowladda dhexe oo ciidamo boolis ah gaysay gobolkaasi.

Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo beegmay maalmo uun kadib markii deegaanka Burka Dirimeed lagu soo gabagabeeyay gogol dib u heshiisiin ah oo loo dhigay beelaha dagaalamay, inkastoo heshiiska kadib ay halkeeda kasii bilaabatay colaadda labada dhinac.

{DAAWO SAWIRADA} Ugu yaraan 29 qof ayaa lagu dilay duqeyn Israel ka geysatay Magaalada Gaza

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC}  Ugu yaraan 29 qof ayaa lagu dilay duqeyn Israel ka geysatay mar kale xerada qaxootiga ee Jabalia ee Magaalada Gaza.

Duqeynta Israel ayaa ayaa sidoo kale lagu dhaawacay daraasiin kale, waana weerarkii saddexaad ee lagu qaaday xerada qaxootiga ee Jabalia maalmo isxiga.

Weriye ka tirsan Wakaaladda ayaa sheegay in ciidamada Israel ay gantaal ka rideen iskuul ku yaal xerada, halkaasoo ay ku dhinteen 27 qof oo u badan rayid gabaadsanayey Iskuulka. Wuxuu sheegay in laba qof oo kale lagu dilay gantaal kale oo ku dhacay gaari.

Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in 35-ka ka mid ah 35 isbitaal oo ku yaal Gaza ay fariisteen ka din shidaal la’aan

Isbitaalka saaxiibtinimo ee Turkiga iyo Falastiin, oo ah cusbitaalka kansarka kaliya ee Gaza, waxaa lagu qasbay inuu joojiyo shaqada shidaal la’aan awgeed.

Nolosha 70 bukaan oo kansar looga daweynayey isbitaalka ayaa haatan wajahaya xaalada adag,” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Falastiin ee MAI Al-Kaila.

Tirada dhimashada ee Gaza ayaa kor u kacay waxayna gaartay 9,061 qof, oo ay ku jiraan 3,760 carruur ah.

Dad gaarayaa 256 qof oo rayid ah ayaa maanta oo kaliya lagu dilay duqeymaha cirka ee Israel sida ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka Gaza

Waxaa sidoo kale jira dad gaaraya 2,600 oo oo nolol iyo geeri lagu heynin, kuwaasoo ku hoos jira burburka goobaha la duqeeyey ka dib markii la awoodi waayey in laga saaro kuwaasoo ay ku jiraan 1,150 carruur ah, waxaana loo badinayaa iney dhinteen.