Home Blog Page 3209

{DAAWO MUUQAALKA} Daadad Kusoo Rogmaday degmada Dhoobley iyo Masuuliyiin Booqday.

0
Arbaco, November -1- 2023-{HMC} Daadad Kusoo Rogmaday degmada Dhoobley iyo Masuuliyiin Booqday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ganacsiga dhuusamareeb oo manta xiran iyo Banaabax Xoogan oo halkaasi ka socda

0

Arbaco, November -1- 2023-{HMC} Ganacsiga dhuusamareeb oo manta xiran iyo Banaabax Xoogan oo halkaasi ka socda

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka Kumaandooska Danab oo burburiyey xarumo AS ay ku lahaayeen Gobolka Jubbada Hoose

0

Arbaco, November -1- 2023-{HMC} Ciidanka Kumaandooska Danab oo burburiyey xarumo AS ay ku lahaayeen Gobolka Jubbada Hoose

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Macaawiislayda Furumaha Dagaalka Afarta Tuulo oo lagu wareejiyay Raashin iyo agab kale..

0

Arbaco, November -1- 2023-{HMC} Macaawiislayda Furumaha Dagaalka Afarta Tuulo oo lagu wareejiyay Raashin iyo agab kale..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Hormuud telecom convenes Somalia’s private sector in talks to unlock self-sufficient food production

0

Africa.com
Wednesday November 1, 2023

Today, Hormuud Telecom, Somalia’s largest private sector employer opens its second Somali Success Stories Conference in Mogadishu. Uniting over fifty businesses in the country’s agricultural, fisheries and livestock sectors, the high-level forum is set to answer the question: why is Somalia a net importer of food, despite its abundant resources?

Attended by the Prime Minister, the Minister for Commerce, the country’s leading trade associations and businesses, it is the first Somali private sector-led event of its kind. It will include a series of exhibitions, speeches, panel events and awards, all focussed on celebrating the resilience and future of Somalia’s food production sectors. Businesses include:

Hersio Abdulle Siad, Somfresh founder, a female business owner, and supplier of fresh fruit and vegetables to local supermarkets and hotels.

Dr Hussein Haji, Filsan founder, a Canada-educated scientist developing drought-resistant maize seeds that have X5 larger yields than traditional maize.

Somali Seafood Export Association, the first Somali body to develop the nascent fisheries sector SOMEAT, a privately owned group of meat exporters.

Somalia is reliant on food imports. The country now produces less than half as much food as it did before the country fell into three decades of conflict.

Insecurity and the climate crisis have left the country dangerously reliant on imported food, with over 90 per cent of wheat supplies coming from Russia and Ukraine.

Record-high increases in the prices of staple crops on the global market have made it even harder for Somalis to afford enough food for their families.

Despite this, Somalia’s GDP is forecast to rebound to 3.7% growth in 2024. With agriculture accounting for 75% of GDP, and telecommunications 11%, its vibrant private sector has been a key force behind this growth.

Somalia’s resources, including 9.8 million hectares of arable land, Africa’s longest coastline along the Red Sea and Indian Ocean, and substantial livestock herds, offer the means for self-sufficiency.

Livestock alone contributes to over 50% of export revenue and nearly 40% of GDP. Somalia’s coastline no longer a high risk zone, opening up some of the richest fishing waters in the world for the picking — the potential for agriculture and fisheries in Somalia remains immense.

As Somalia is set to join the East African Community in December, its resources present a yet untapped export.

Speaking on the potential of Somali’s fishing and agricultural industries, the Somali Minister for Commerce, H.E. Hon. Jibril Abdirashid Haji Abdi said:

“Farmers and fishermen have been the foundation of Somalia’s economy for decades, and I’m grateful to be here, celebrating them today. I’m also thankful to Hormuud Telecom for organising such a vital event.

“As we get closer to the milestone of debt relief, I’m committed to making sure our next chapter is one where Somalia stands with independence, fuelled by its own resources and potential. Today is a step in that journey.”

Hormuud Telecom, through the Somali Success Stories Conference, will lead discussions on how to develop better ways of conducting business within these sectors, identifying barriers to exporting and production, and offering private sector-led solutions.

Sizeable investments in infrastructure, including subsea fibre optic cables have led to rapid digitalisation within the Somali population. With the cheapest data in Africa and over two-thirds of Somalis using mobile money every day, the event will also consider the role of digital technologies in boosting agricultural production.

Ahmed Yusuf, CEO of Hormuud Telecom said:

“Through innovation, entrepreneurialism and determination, Somalia’s private sector has helped rebuild Somalia, one business at a time. At Hormuud Telecom, we’ve been busy cementing the foundation of connectivity to take Somalia to the next level.

“We believe journey to a self-reliant Somalia will be paved with digital technologies. By harnessing mobile data to monitor crop production, connecting farmers and fishermen with digital financial services, or by improving links between regional and international markets through mobile platforms, we are on the cusp of technology that will revolutionise our agribusinesses.”

Mahamud Abdi Ali Gabeire, President of the Somali Chamber of Commerce & Industry said:

“The backbone of any nation’s sustainable growth is its private sector. In Somalia, this resilience could not be greater. Hormuud’s forum is a testament to the fact that Somalia’s businesses, big and small, are ready to play a pivotal role in crafting a sustainable future, bringing development and growth beloved nation.”

 

 

Golaha Ammaanka oo ansixiyey qaraar lagu cusbooneysiinayo muddo xileedka howlgalka UNSOM ee Somalia

0

Arbaco, November -1- 2023-{HMC} Golaha Ammaanka ee QM ayaa Talaadadii ansixiyey qaraar lagu cusbooneysiinayo muddo xileedka howlgalka QM ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOM, illaa 31-ka October 2024.

Qaraarka 2705, oo ay si aqlabiyad ah isugu raaceen 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, ayaa ka codsanaya UNSOM inay sii waddo joogteynta iyo xoojinta joogitaankeeda Soomaaliya, ayada oo la tashaneysa dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada, iyo Midowga Afrika.

Wuxuu ku dhiirigelinayaa UNSOM inay sii waddo isku-duwidda dadaallada Qaramada Midoobay, oo ay kordhiso hababka wadajirka ah iyo barnaamijyada wadajirka ah ee meelaha ay khusayso, si loo taageero dowlad-dhisidda iyo nabad-dhisidda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay in joogitaanka UNSOM uu muhiim u yahay la-dagaalanka AS balse waxay xustay in AS aan looga guuleysan karin oo kaliya hab militari, balse sidoo kale ay tahay wax laga qabto arrimaha dhiiri-geliya sida fursad la’aanta dhaqaale.

UNSOM ayaa waxaa aas-aasay Golaha Ammaanka ee QM June, 2013, si loo taageero dowlad dhiska iyo nabad-dhiska Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay in joogitaanka UNSOM uu muhiim u yahay la-dagaalanka argagixisada balse waxay xustay in argagixisada aan looga guuleysan karin oo kaliya hab militari, balse sidoo kale ay tahay wax laga qabto arrimaha dhiiri-geliya sida fursad la’aanta dhaqaale.

UNSOM ayaa waxaa aas-aasay Golaha Ammaanka ee QM June, 2013, si loo taageero dowlad dhiska iyo nabad-dhiska Soomaaliya.

Xuutiyiinta oo ku biiray dagaalka GAZA, weerar gantaallo-na ku qaaday Israel

0

Arbaco, November -1- 2023-{HMC} Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto ayaa Talaadadii wacad ku maray weeraro dheeri ah oo ka dhan ah Israel, haddii ay sii waddo dagaalka ka dhan aha Xamas ee Gaza, ayaga oo sheegay inay mar horeba ay diyaarado drone ah iyo gantaallada basllitic-ga ah ku weerareen Israel.

“Ciidanka Qalabka Sida ee Yemen… waxa ay xaqiijinayaan in ay sii wadi doonaan duqaymaha tayada leh ee gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, illaa ay ka joogsanayaan gardarrooyinka Israel,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xuutiyiinta oo laga sii daayay TV-gooda Al-Masirah.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Xuutiyiinta ay “tiro gantaallo ballistic ah oo baaxad leh… iyo tiro badan oo diyaarado hubaysan ah ay u direen” dhanka Israel Talaadadii.

Waxay sheegaan inuu ahaa hawlgalkii saddexaad ee noocan oo kale ah oo ay la beegsadaan Israel tan iyo markii weerarka Gaza uu billowday 7-dii October kadib markii dagaalyahannada Xamas ay qaadeen weerarkii ugu xumaa ee lala beegsado Israel.

Goor sii horreysay militariga Israel ayaa sheegay in “diyaarad cadow ay soo gashay” hawada magaalada Eilat, ee ku teedsan badda cas, ayaga oo goor dambena sheegay in dhexda laga qabtay gantaallo lagu soo weeraray Israel.

“Dhammaan halisaha hawada waxaa lagu qabtay meel ka baxsan dhulka Israel,” ayaa lagu yiri bayaanka militariga Israel.

Abdelaziz bin Habtour, oo ah Ra’iisul Wasaaraha dowladda Xuutiyiinta, ayaa Talaadadii sheegay inay “qayb ka yihiin tiirka iska caabinta” ee ka dhanka ah Israel, oo ay ku jiraan kooxaha Tehran ay taageerto ee Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq, ayna ku dagaalamayaan “hadallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.”

“Waa hal tiir, waxaana socda isku xirnaan, qol hawlgal oo wadajir ah, iyo talis wadajir ah oo ka dhaxeeya dhammaan hawlgalladan,” ayuu yiri.

“Ma ogolaan karno in cadawgan Sahyuuniyadda ah ee kibirka badan uu dadkeena laayo.”

Xuutiyiinta ayaa caasimadda Yemen ee Sanca iyo qeybo badan oo dalka ka mid ah qabsaday 2014-kii

Dowladda Mareykanka ayaa jawaab taxaddar leh ka bixisay hadalka Xuutiyiinta. “Cid kasta oo ku fakareysa inay ku biirto dagaalkan, ma ahan inay sidaas sameyso,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Matthew Miller oo ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Afhayeenka Pentagon-ka Sarreeye Guuto Pat Ryder ayaa xaqiijiyay in Israel ay soo ridday gantaal riddada dhexe ah oo ay soo rideen Xuutiyiinta.

“Sida aan horay u sheegnay, waxaan rabnaa inaan ka hortagno dagaal ballaaran oo goboleed,” ayuu yiri Ryder.

Israel ayaa Xuutiyiinta ku eedaysay weerar ay fuliyeen diyaarado Drone ah Jimcihii, iyadoo sheegtay in diyaaradaheedu ay dhexda ka qabteen “bartilmaameedyo cadow” oo ku sii jeeday koonfurta Israel.

Isla waqtigaas, lix qof ayaa dhaawacyo fududi ay ka soo gaareen burburka dhismo ku yaalla xuduudda Eilat oo u dhow magaalada dalxiiska ee Taba ee dalka Masar, sida ay sheegeen ciidammada Masar xilligaas.

19-kii October, ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegay in ay soo rideen saddex gantaal oo ah nooca dhulka lagu rido iyo “dhowr” diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo Xuutiyiintu ay soo tuureen, lagana yaabo in ay ku socdeen Israel.

Dal Israa’iil xiriirka diblumaasiyadeed u jaray iyo kuwa kale oo safiiradooda u yeertay

0

Arbaco, November -1- 2023-{HMC} Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay xiriirka diblumaasiyadeed ay u jartay Israa’iil, iyadoo sababtana ku sheegtay “weerarada gardarrada ah ee aan loo meel dayin ee ay Qasa ku hayso.

Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda dalka Bolivia Freddy Mamani ayaa wariyaasha u sheegay in go’aankoodu yahay in ay ku cambaareeyeen Israa’iil weerarada gardarrada ah ee milatarigeedu ku hayo Marinka Qasa.

Hoggaamiyaasha Colombia iyo Chile ayaa iyaguna safiiradoodii u fadhiyay Israa’iil u yeertay sababo la xiriira duqeymaha iyo weerarada Israa’iil ay ka gaysanayso Qasa.

Madaxweynaha dalka Chili Gabriel Boric Fonts ayaa bartiisa X, ku sheegay in dalkiisu uu si xooggan u cambaareynayo isla markaana aan wax la aqbali karin ay tahay xadgudubyada bini aadanimo ee halkaa ka dhacaya?

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa isna bartiisa X, ku baahiyay “haddii Israa’iil aaney joojineynin xasuuqa Falastiiniyiinta halkaa ma sii joogi karno,”.

Wararkii ugu dambeeyay Dibadbaxyo ka billowday Magalada Dhuusamareeb

0

Arbaco, November -1- 2023-{HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dibadbaxyo ballaaran ay ka billowdeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa degmadaasi.

Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada, ayaga oo kasoo horjeedo dilkii xalay halkaas oo loogu gaystay Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ahaa ganacsato, kuwaas oo dilay aano qabiil darteed.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in cadaaladda la horkeeno raggii ka dambeeyay dilka loo gaystay labadaas marxuun oo caan ka ahaa deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay waddo baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi , si gacanta loogu soo dhigo eedeysanayaasha.

Axmed Shire Falagle oo ah lataliyaha arrimaha bulshada ee madaxweynaha Galmudug oo dhankiisa ka hadlay dhacdadaan ayaa shaaca ka qaaday inay u arkaan mid lagu xagal daacinayo dagaalka ay dowladda federaalka iyo Galmudug ay kula jiraan AS.

“Galmudug waxay haatan ku jirtaa dagaal ahli ah, waxay kula jirtaa Khawarijta, cid kasta oo xagal daacineysaa waxay noo tahay bartilmaameed” ayuu yiri Falagle

Dilka loo gaystay labada ganacsi ayaa cabsi ku abuuray dadka deegaanka, taas oo si weyn looga dareemayo magaalada Dhuusamareeb ee xunta maamulka Galmudug.

Si kastaba, Galmudug ayaa waxaa haatan kasoo cusboonaaday dagaal beeleed horleh oo u dhexeeyo labada maleeshiyo beeleed, kuwaas oo ku dagaalamay deegaanka Xananbuure oo dhanka waqooyi qiyaastii u jirta illaa 45 kiilo mitir gudaha magaalada Dhuusamareeb.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn {01-11-2023}

0

Arbaco, November -1- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdimaajid Cabdiraxmaan

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO