Talado , October -31- 2023-{HMC} Shacabka Qardho oo Soo dhaweeyay Wadooyin Sanado Badan Xirnaa oo Maamulka ay Awood ku Fureeyn.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Talado , October -31- 2023-{HMC} Shacabka Qardho oo Soo dhaweeyay Wadooyin Sanado Badan Xirnaa oo Maamulka ay Awood ku Fureeyn.
Talado , October -31- 2023-{HMC} Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaaladda Rome ee dalka Talyaaniga kaga qeyb-galey munaasabad ay heshiis iskaashi iyo wada-shaqeyn ku kala saxiixdeen Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.
Heshiiskan iskaashi ayaa labada dhinac waxay wadaagi doonaan helista iyo gudbinta wararka muhiimka ah, dhinaca khibradda, tababarka iyo agabka la iska kaashado.
“Heshiiskani wuxuu Soomaaliya u leeyahay muhiimad weyn, xilli qarankeena uu hiigsanayo horumar dhinac kasta ah iyo xaqiijinta helida xog sugan oo wakhtigeeda ku haboon waa muhiim oo loo gudbiyo shacabka iyo caalamka,” ayuu yiri wasiir Daa’uud.
“SONNA waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa soo gudbinta wararka ku saabsan gudaha dalka iyo guud ahaan caalamka. Wadashaqeynta ANSA waxay shaki la’aan sii xoojin doontaa awoodda SONNA, taas oou sahlaysa inay kor u qaaddo tabinta wararka, ballaarinteeda iyo gaarsiinta xogta saxda ah ee bulshada Soomaaliyeed.”
Wasiirka ayaa intaas ku darey in heshiiskan uu sidoo kale ka tarjumayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Ismaaciil Mukhtaar Cumar, halka dhanka Talyaaniga uu u saxiixay Stefano De Alessandri oo ah Agaasimaha Wakaaladda Wararka ANSA.
Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa madaxda safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday ANSA.
Wakaaladda Wararka SONNA ayaa 12-kii bilood ee la soo dhaafey sameynaysey horumar dhanka tebinta wararka iyo xoojinta xiriirka dibedda, islamarkaana ay noqotey isha ugu muhiimsan ee wakaaladaha caalamka ay ka qaataan wararka Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda.
Ilaa iyo 60 warbaahin caalami ah ayaa toddobaad kasta soo xigta wararka SONNA 12 biloodkii ugu dambeeyay. ANSA ayaa ka mid ah wakaaladaha wararka Somalia inta badan ka soo xigta SONNA.
SONNA ayaa waxaa la aas aasay 1964-kii waxayna udub dhexaad u ahayd intii ay shaqeyneysay tebinta wararka gudaha iyo dibedda, isla markaana bulshada ka haqabtirto helista xogta saxda ah.
Talado , October -31- 2023-{HMC} Dad aad u tiro badan oo intooda badan ay caruur yihiin ayaa ka mid ahaa dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ka dib markii habeen kale ay duqeymo cirka ah oo aan kala joogsi lahayn ay ciidamada Israel ka fuliyeen Gaza.
Dhanka koonfurta magaalada Rafah, ugu yaraan 18 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday guriga qoyska Abu Shamala, sida ay sheegtay wakaalada wararka Falastiin ee WAFA.
Weerar lagu qaaday dhismo labaad oo ay degan yihiin qoyska Xijaasi ee Rafah ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay sagaal qof tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Ugu yaraan 18 qof oo u badan haween iyo carruur ayaa sidoo kale lagu dilay duqeynta ay Israa’iil ka geysatay deegaanka al-Zawaida ee bartamaha marinka Gaza.
Dhanka kale, ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeynta lagu weeraray guri ku yaalla xaafadda Al-Zaytuun.
Sidoo kale, Waqooyiga Marinka Qaza, ayaa waxaa lala beegsaday duqeyn dhismo ay daganaayeen, waxaana ku dhintay saddex qof oo uu ku jiro ilmo lix jir ah, sagaal kalena waa lagu dhaawacay.
Sida laga soo xigtay WAFA, tirada dadka la dilay waxay u badan tahay inay korodho iyadoo dhowr qof ay weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha la duqeeyay.
Ciidamada Yuhuuda ayaa weli iska sii wada duqeymaha aan loo aabo yeeleynin ee ay la beegsanayaan dhismayaasha Gaza ka dib markii askarta Yuhuuda oo taangiyo watay lagu qasbay iney ka baxaan qeybo ka mid ah Gaza oo ay soo galeen markii ay iska caabin adag kala kulmeen dagaalyahanada Xamaas.
Talado , October -31- 2023-{HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Dalka Mareykanka ku eedeeyay in uu ka dambeeyo xiisadda adag ee ka taagan Bariga dhexe oo gaartay heer halis ah isla markaana ay ku naf waayeen kumanaan ruux kala da’ duwan.
Vladimir Putin ayaa sheegay in Mareykanka uu qaadanayo Mas’uuliyadda rabshadaha aan dhammaadka lahayn ee dhiigga badan ku daadanaya kana dhacaya Bariga Dhexe waxaana uu ku baaqay in dabaqabad la sameeyo si Dadka loo badbaadiyo.
Waxa uu dhinac istaagay Shacabka Dulman ee Falastiin isaga oo sheegay in Israaiil ay adeegsaneyso hub culus oo mamnuuc ah oo ugu deeqay Mareykanka taasina ay muujineyso sida aan kala sooca lahayn ee Dadka loo baabi’inayo.
Mareykanka waxaa kale uu dusha ka saaray isku dhacyada ka dhacay waddamo dhowr ah sida Afgaanistaan, Ciraaq, Suuriya iyo xitaa Ukraine-ta uu Ruushka weeraray in Washington ay ku daabushay hub iyo ciidan aad u badan.
Ruushka ayaa dhowaan maritqaaday wafdi ka socday Xamaas waxaana war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Moscow lagu sheegay in Falastiiniyiinta xaq u dirirka ah la dulmiyay isla markaana aanay Xamaas u aqoonsadeen ‘Argagixiso’.
Talado , October -31- 2023-{HMC} Maxay ku kala duwan yihiin bidaarta gasha ragga iyo tan dumarka?
Talado , October -31- 2023-{HMC} Wasiir Daa’uud Aweys “Waxaan Hishiis kala Saxiixanay Wakaaladda Talyaaniga”
Talado , October -31- 2023-{HMC} Xamas ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay gantaallada lidka taankiyada ku weerareen ciidamada duulaanka ah ee Israel, xilli ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu uu ku gacan sayray baaqyo ku aadan in la hakiyo dagaalka Marinka Gaza.
Israel ayaa ballaarisay duullaanka dhulka ah ee ay ku qaaday Marinka Gaza, si ay uga aargudato weerarkii ay Xamas ku qaaday 7-dii October oo lagu dilay in ka badan 1400 oo israa’iiliyiin ah.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada Israel ay beegsadeen dhinaca koonfur waqooyi ee Gaza, balse ay iska cabin xooggan kala kulmeen dagaal-yahannada Xamas.
Guutada Al-Qassam, oo ah gabarbka militari ee Xamas ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay isku dhaceen ciidamada duullaanka ah, aagga koonfureed ee Gaza, ayna la beegsadeen in ka badan 105 gantaallada lidka taankiyada ah.
Dagaal-yahanada ayaa sidoo kale laba taanki oo ciidamada Israel ay leeyihiin ku beegsaday waqooyiga Gaza, sida lagu sheegay bayaanka Al-Qassam.
Dhinaca kale, mas’uuliyiinta caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in tirada dhimashada shacabka ay duqeymaha ku dileen ciidamada Israel ay gaartay 8,306, oo ay ku jiraan 3,457 caruur ah.
Saraakiisha QM ayaa sidoo kale sheegay in in ka badan 1.4 milyan oo qof oo ka mid ah shacabka gaaraya 2.3 ee Gaza ay hadda yihiin hoy la’aan.
Khasaaraha dhimasho ee sii kordhaya ayaa qasbay in Mareykanka, oo ah xulufada koowaad ee Israel, iyo dalal kale ay ku baaqaan in la hakiyo duullaanka, si loo ogolaado in gargaarka uu gaaro Gaza.
Si kastaba, Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in Israel aysan ogolaan doonin xabad-joojin ay la gasho Xamas, ayna sii wadi doonto duullaanka.
“Baaqyada ku saabsan xabad-joojinta waa baaqyo ah in Israel ay isku dhiibto Xamas. Taasi ma dhici doonto,” ayuu yiri Netanyahu.
Si kastaba, xeel-dheerayaasha militari ayaa sheegaya in ciidamada Israel ay si tartiib ah ku wadaan duullaanka dhulka ee ay ku qaadeen Gaza, taasi oo qeyb ka ah ayada oo Israel ay eegeyso suurta-galnimada wada-xaajood lala galo Xamas oo gacanta ku haysa 239 oo Israa’iiliyiin ah.
Talado , October -31- 2023-{HMC} Qaar kamid ah Warbaahinta Mareykanka ayaa warbixinno kala duwan ka diyaariyay weerarrada lagu beegsaday Saldhigyada Ciidanka Ameerikaanka ah ay ku leeyihiin Waddamada Ciraaq iyo Suuriya wixii ka dambeeyay 17kii Oktoobar 2023 oo ku beegan waqtigii uu xooggeystay dagaalka u dhaxeeya Falastiin & Israaiil ee Washington garab istaagga u muujisay Tel Aviv.
14 weerar oo aan kala fogeyn loona adeegsaday gantaallada culus ee duqeynta loogu talagalay ayaa lagu garaacay saldhigyada Mareykanka ee Dalka Ciraaq halka 9 kale lagu beegsaday xarumaha Mareykanka ee Suuriya ka jooga taasi oo wadarta ka dhigeysa in isu geyn 23 weerar oo duqeyn ah lagu weeraray.
Weerarrada qaar waxaa lasoo calaamadeeyay in ay geysteen diyaaradaha duulliye la’aanta ah oo lagu soo xiray walxaha qarxa oo waxyeello xooggan gaarsiisay ciidamada Ameerikaanka iyo kooxaha hubeysan ee Askarta Washington u tababartay sidii ay ugu adeegsan lahaayeen meelaha halistoodu badan tahay.
15ka Cisho ee laga joojo markii uu weerarkan billowday waxa ay fajac iyo layaab ku noqotay saraakiil & khubaro ciidan oo xitaa xilal kala duwan kasoo qabtay Dalka Mareykanka kuwaas oo muujiyay halista kusoo wajahan Dalkooda marka laga tusaale qaato waxyaabaha dhacay ee diiwaanka galay maalmihii u dambeeyay.
Washington ayaa dhammaadka todobaadkii tegay kordhisay ciidamada ka jooga bariga dhexe kaddib markii weerarro xooggan oo duqeymo toos ah iyo kuwo kale oo loo adeegsaday diyaaradaha Duulliye la’aanta Drone-ka ah lagu beegsaday saldhigyo ay ku leeyihiin Dalalka Ciraaq iyo Suuriya inkasta oo la dahaaray khasaaraha ka dhashay.
Talado , October -31- 2023-{HMC} Dallada Mucaaradka oo Shir Garowe ku yeeshay ayaa ka digay waxa ay ugu yeereen Colaad uu hurinayo madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga uu sii dhamaanayo.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ugu yeereen Ciidamada Puntland in aysan ku milmin Siyaasada isla markaana sidii lagu yaqaanay ay dhexdhexaad ahaadaan.
“Madaxweynaha Wakhtigiisu sii dhamaanayo waxa uu Colaado ka riday
Boosaaso, Galkacyo iyo Garowe isaga oo ku faanay kuna tilmaamay kuwa uu
Dowladnimada ku xoojinayay” ayaa lagu yiri War-Murtiyeedka Dallada.
Shacabka Puntland ayaa ku tilmaamay Khudbadii shalay ee Madaxweynaha
mid xambaarsanayd Colaad, kicin iyo iska horkeenka dadka reer Puntland.
Cabdinuur Gees oo ah Cilmi baare iyo macalin jaamacadaha gudaha
Puntland isla markaana kamid ah Ardayda Puntland ee deeqda waxbarasho
shahaadada heerka koowaad kaga qaatay dalka Itoobiya ayaa ku sifeeyay
hadalka Deni” Hadalkii goodigga ahaa ee madaxweynuhu shalay jeediyay,
waa mid argagax ku abuuraya dadkii rajada ka qabay Xasiloonida iyo Dimuqraadiyada Puntland”.
Talado, October -31- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya:Mustaf Cali Caddow
Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq