Home Blog Page 3212

Traveling is part of my work – Kenyan president

0


Monday October 30, 2023

Kenyan President William Ruto has defended his numerous visits abroad, saying they have benefited the country economically.

Mr Ruto has been criticised for having made the highest number of foreign trips in a year compared to any of his predecessors. Local media say he has been to 38 countries since coming to power in September 2022.

But in an address on Sunday, Mr Ruto said that through the trips, he had been able to secure jobs for Kenyans and bagged several bilateral deals aimed at opening up markets for local produce.

“There are people on my case as to why I am making foreign trips. That’s my mandate as the president. I am the chief agent of Kenya and ambassador who will plan on how the country will move forward,” Mr Ruto said at a church gathering.

The president said he secured 350,000 jobs and investment opportunities for Kenyans during recent visits to Saudi Arabia and China.

The privately owned Standard newspaper has described Mr Ruto as “the flying president”.

 

Two GSU officers killed, 4 injured in IED attack in Garissa

0


by CYRUS OMBATI
Monday October 30, 2023

At least two General Service Unit officers were killed and four others seriously injured on Monday morning when a remote-controlled bomb hit their vehicle in Dadaab, Garissa County.

Police said the attack took place at Ege Dam along Dadaab-Garissa road when the officers were headed to provide security during the ongoing national exams.

The vehicle was badly damaged in the morning attack. The injured were rushed to hospital and admitted.

A search was conducted in the area in vain. The incident was anticipated as the terrorists had been sighted in the area.

At the weekend multi agency teams destroyed a logistics base used by al Shabaab militants in Dahun in Fafi, Garissa county and recovered assorted foodstuffs.

The operation recovered rice, sugar and water. The officers destroyed the food and continued to pursue the terrorists who were using the base.

Police said by the time the team arrived there the terrorists had escaped.

This is the latest such recovery to be made in the same area in two weeks.

Police said the area is being used as a logistics base for the terrorists who move to attack targets and retreat there.

At least three al Shabaab militants were on October 17 killed in an ambush by police in Fafi, Garissa County and assorted food found on them.

They were transporting the food on donkey carts to a new makeshift when they were ambushed, police said.

The security team killed three militants while others escaped with serious injuries and recovered foodstuffs, water and a collapsible tank, said a police official aware of the operation.

Multi-agency teams have mounted operations in the areas near the Somali-Kenya border.

The incident came barely a week after two al-Shabaab militants were killed when a bomb they were setting up exploded on them in the Amuma area in the county.

Police said the two were placing the Improvised Explosive Device (IED) on the main supply route used by security agencies and other motorists when it exploded.

The area has suffered repeated attacks that have rendered it inhabitable.

This has forced the government to suspend a plan to reopen the border that was closed in 2011. Al Shabaab militants are behind the attacks.

They cross the porous border for attacks. On October 21, bodyguards attached to President William Ruto’s national security adviser Monica Juma shot and killed an al Shabaab terrorist who had attacked them in Nguni, Mwingi.

The slain terrorist is said to have been part of an eight gang that had been sent from Somalia for a mission in the area.

The officers recovered a rifle with 23 bullets, two pairs of shoes, sufuria with foodstuffs, and a knife.

He was using a torch to flag down the cars.

A solar panel, scissors, a pen, and a black bag pack containing 38 rounds of ammunition were also retrieved from the scene.

Other recovered items included seven notes of Somali currency, Sh2,800, two mobile phones, and one extended cartridge.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {30-10-2023}

0

Isniin , October -30- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdisamad cilmi cabdi 

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya Caalamka 30-10-2023

 

Isniin , October -30- 2023-{HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya Caalamka ee Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Shukri Baryare

Farsamadii :Cabdisamad cilmi cabdi

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Cali Jeeyte oo ka hadlay magacaabistii madaxweyne Xasan Sheekh

Isniin , October -30- 2023-{HMC} WAR DEG DEG AH Cali Jeeyte oo ka hadlay magacaabistii madaxweyne Xasan Sheekh

 

{DAAWO SAWIRADA} R W Xamsa oo Muqdisho ku soo xiray shirweynaha dhiirigelinta waxsoosaarka dalka.

Isniin , October -30- 2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo xiray Shirweynaha Dhiirigelinta Wax soo saarka dalka, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dhiirigelinta iyo soo nooleynta kaabayaasha lafdhabarka u ahaa beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabadda ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo loo iib geeyo wax-soo-saarka dalkeenna ay kor u qaadeyso dhaqaalaha iyo horumarka dalka

Waxaa uu xusay in Dhaqaalaha dalka uu ku horumari karo kaliya suuqa oo noqda mid xor ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay oo la tayeeyo.

Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dhammaadka sanadkan marka daynta laga cafiyo Soomaaliya ay imaan doonaan fursado badan oo u baahan in loo sii diyaar garoobo, si loo sameeyo isbeddel dhaqaale oo ballaaran kaasi oo horseedaya horumar taam ah oo waddanku gaaro.

Shirweynaha Dhiirigelinta Wax-soo-saarka dalka oo ay soo qaban qaabisay Shirkadda Hormuud, ayaa waxaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyey xubno bulshada ka mid ah oo sameeyey hal abuurro ganacsi oo guuleystay.

Xamaas oo Video ka soo bandhigtay haween Maxaabiis ah & Israel oo ka jawaabtay

Isniin , October -30- 2023-{HMC} Xamaas ayaa soo saartay muuqaal Video ah oo laga soo duubay qaar ka mid ah maxaabiista lagu hayo Gaza oo ku baaqaya in maxaabiista la is dhaafsado

Muuqaalka oo 76 ilbiriqsi soconaya ayaa mid ka mid ah haweenka waxay ku dhaleeceysay dowladda Israa’iil luqadda Cibraaniga inay ku guul-darraysatay inay ilaaliso dadka intii lagu jiray weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar waxayna ugu baaqday Israa’iil inay samayso isbeddel maxaabiis.

Xafiiska ra’iisal wasaaraha Israa’iil ayaa soo saaray bayaan uu kaga jawaabayo muuqaalka ay hore u soo bandhigtay Xamaas, kaas oo ay ku sheegtay in ay muujisay saddex ka mid ah maxaabiistooda:

Tani waa dacaayad nafsi ah oo naxariis darro ah oo ay sameeyeen Xamaas-ISIS. Waan isku duubanahay qoysaska. Waxaan sameyn doonaa wax walba si aan dhammaan dadka la qafaashay iyo kuwa la la’yahay ugu soo celinno guryahooda.” ayaa lagu yiri bayaanka

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X oo hore loogu yiqiin Twitter ayaa RW Netanyahu wuxuu dumarka ku sheegay magacyadooda Elena Trupanov, Daniel Aloni iyo Ramon Kirsht.

Waan ku salaamay Qalbigayaga ayaa kula jira adiga iyo kuwa kale ee maxaabiista ah, ayuu yiri Netanyahu.

Israa’iil waxay horey u sheegtay in ugu yaraan 239 qof ay ay Xamaas ku heysato Gaza kuwaasoo laga waday degaanada la heysto ee Israel.

Cali Jeyte oo saacado badan kadib cadeeyay mowqifkiisa xilka loo magacaabay

0

Madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa 24 saac kadib cadeeyay mowqifkiisa ku aadan xil cusub uu Shalay u magacaabay madaxweynaha dowladda fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Xilka loo magacaabay Cali Jeyte ayaa ahaa u qeybsaha Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleyda Soomaaliya.

Cali jeyte ayaa goordhaw shaaciyay inuu ku faraxsanahay xilka uu u magacaabay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud.

“Waan soo dhaweynaya xilka uu ii magacaabay madaxweynaha waana uga mahadcelinaya” ayuu yiri Jeyte.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Cali Jeyte Cismaan waxa iska badalay arrinta la xariirta maamulka uu madaxweynaha ka ahaa ee Hiiraan State.

“Qadiyada Hiiraan State waxba iskama badalin aniga shaqsi ahaan mowqifkeyga Hiiraan State waa sidiisii ma ka tanasulin, kamana tanasuli doono, magacaabistaan wax cusub maha waa la sharciyeeyay kaliya ee waa heshiiskii Maxaas ay kusoo wada galeen Xawaadle iyo Madaxweyne Xasan ee ahaa in dagaalka Shabaab inaan aniga hoggaamiyo, loona soo jeesto dagaalka, wixii qadiyadna ahna dib la isaga yimaado, marka qadiyada Hiiraan State waa halkeeda, mana ahan dukaan Cali Jeyte ee qadiyada qof walba ayay masuuliyad ka saaran tahay” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Cali Jeyte ayaa sidoo kale ku baaqay in dagaal beeleedka ka socda Shabeellaha Dhexe loo istaago sidii loo joojin lahaa oo uuna dhiig dambe ugu sii daadan.

“Beelaha walaalaha ee Shabeellaha Dhexe ku dagaalama waa in awood lagu joojiya hadii xal kale la waayo oo ciidanka dowladda ay si awood ah ku joojiyaan” ayuu yiri Jeyte.

Si kastaba ha ahaatee magacaabista Cali Jeyte ayaa waxaa ka dhashay saacadahii lasoo dhaafay hadal heyn xoogan oo la xariirtay xilka loo magacaabay iyo arrinta maamulka Hiiraan State, hayeeshee Jeyte ayaa saacado badan kadib xaqiijiyay in moqifkiisii Hiiraan state wali waxba iska badalin.

Gudiga qaban qaabada Ciyaaraha oo la Magacaabay

Isniin , October -30- 2023-{HMC} Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa magacaabay Guddiga Qaban Qaabada Ciyaaraha Dowlad Gobaleedyada, SSC Khaatumo iyo Gobolka Banaadir 2023-2024.

Guddigaan uu maanta magacaabay Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ka shaqeyn doona qaban qaabada tartankaan oo lagu wado in magaalada Muqdisho lagu qabto bartamaha bisha December ee sanadkaan.

Guddiga ayaa ka kooban todobo xubnood kuwaas oo ay ku jiraan guddoomiyaha guddiga oo loo magacaabay Cabdiraxiin Warsame Diiriye, halka guddoomiye ku xigeenka guddiga laga dhigay Axmed Faarax Taqal.

Waajibaadka Guddiga Qaban qaabada Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada, SSC Khaatumo iyo Gobolka Banaadir ayaa ah:-

Meelmarinta iyo fulinta howlaha loo idmaday.
Diyaarinta miisaaniyadda ku baxaysa Qabashada Tartanka.
Isku duwidda iyo habsami u socodka tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada, SSC-Khaatumo & Gobolka Banaadir..
Kormeerka iyo dabagalka habsami u socodka tartanka.
Usoo gudbinta xafiiska Wasiirka Warbixinada iyo habsami u socodka tartankaCiyaaraha.
Halkaan ka hoose ka akhriso wareegtada ka soo baxay Xafiiska Wasiirka

Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga

Isniin , October -30- 2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo dhawaan xarun cusub ka hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey madaxda bangiga Ziraat Katilim hirgelinta xarunta cusub ee ay ka furteen Soomaaliya, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo adkeynta cilaaqaadka ganacsi ee u dhaxeeya labada bulsho ee walaalaha ah. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ayaa waxaa ku wehelinayey Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli.

Bangiga Ziraat Katilim ayaa xarunta uu ku leeyahay magaalada Muqdisho xarriga laga jaray, iyada oo munaasabadda xarig jarka ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiyaha Bankiga dhexe iyo qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.