Home Blog Page 3214

{DAAWO MUUQAALKA} Shacabka Baladwyne oo si kulul kaga Fal Celiyey Xernaashiyaha Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif

0

Isniin , October -30- 2023-{HMC} Shacabka Baladwyne oo si kulul kaga Fal Celiyey Xernaashiyaha Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dagaalka Marinka Gaza oo caqabad lama filaan ah ku Noqday Israel

0

Isniin , October -30- 2023-{HMC}  Maamulka Israel ayaa caqabad aan la iska indha-tiri karin waxa uu u arkaa bannaanbaxyada ay dhigayaan qoysaska iyo ehellada in ka badan 200 oo Israa’iliyiin ah oo lagu haysto Marinka Gaza, kuwaa oo Xoogagga Xamaas ay ku qafaasheen weerarkii 7-dii October.

Qoysaska iyo ehellada la haysteyaasha ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay dib u billaabay in ay ku hor bannaanbaxaan xafiisyada iyo xarumaha maamulka, iyagoona dalbanaya in si nabdoon guryahooda loogu soo celiyo la haysteyaasha.

Dadka bannaanbaxa dhigaya ayaa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Golihiisa Wasiirada ku eedeeyay in markii hore ay dayaceen amniga la haysteyaasha, xilligii la qafaalanayay, haddana aysan wax gorgortan ah ka galeynin, sidii dadkaasi dib loogu soo celin lahaa guryahooda, isla-markaana ay khatar gelinayaan noloshooda, bacdamaa uu maamulku kordhiyay hawlgaladiisa Gaza.

Dadkan ayaa dalbaday in maamulku uu joojiyo duqaymaha baahsan ee Marinka Gaza.

Waxaa dadkan walaaca ku kordhiyay ayaa ah, iyadoo Ururka Xamaas uu sheegay in dad hor leh oo ka tirsan maxaabiista ay ku dhinteen weerarada sii kordhaya ee Israel ka waddo Gaza, tirada dhimashada ee la haysteyaashana ay gaartay 50 qof.

Qoysaska la haysteyaasha ayaa dalbaday in maamulku uu sameeyo maxaabiis is weydaarsi, si Israa’iiliyiinta la haysto oo tiradoodu ay gaareyso 229 qof ay si nabada ugu soo laabtaan guryahooda.

Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa goor dambe oo xalay ahayd la kulmay guddi ay iska soo xuleen qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha, ka dib markii ay ku hanjabeen inay bilaabayaan mudaaharaadyo waaweyn, oo dadkuna ay ugu baaqi doonaan in waddooyinka magaalooyinka isugu soo baxaan, si loo helo cid damaanad qaadda in la haysteyaasha aanay waxyeelo ka soo gaari doonin duqaymaha hawada iyo hawlgalka dhulka ee laga sameynayo Gaza.

Ra’isal Wasaaraha ayaa xubnaha guddiga ugu laab qaboojiyay in ay samayn doonaan wax kasta oo suurtagal ah, si dadkaasi ay guryahooda ugu soo laabtaan.

“Waxaan samayn doonnaa wax kasta oo suurtagal ah, si aan guryahooda ugu soo celino,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu ku sheegay muuqaal uu xafiiskiisu baahiyay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in hawlgalka dhulka ee Gaza uu muhiimaddiisu yahay, sidii loogu soo samatabixin lahaa la haysteyaasha, haddana uu fahmi karo cabashada qoysaska maxaabiista.

Qoysaska la haysteyaasha ayaa waqti siinaya maamulka, iyagoona eegaya tallaabada uu qaadi doono, ka hor inta aanay bilaabin dibadbaxyada ay ku hanjabeen.

Hoggaamiyaha Ururka Xamaas ee Marinka Gaza, Yahya Sinwar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay sii daayaan maxaabiista Israa’iiliyiinta, waa haddii Israel ay oodda ka qaadeyso dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyadeeda.

“Waxaan diyaar u nahay inaan sameyno heshiis is dhaafsi degdeg ah oo ay ku jiraan sii deynta dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ku xiran xabsiyada Israel, si loogu bedelo dhammaan maxaabiista ay hayaan xoogaga wax iska caabinta ee Falastiin,” ayuu yiri Yahya Sinwar.

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa ku xiran 19 xabsi oo ku yaala Israel iyo mid kale oo ku yaala Daanta Galbeed ee la haysto.

Haddii labada dhinac ay haatan sameeyaan heshiis maxaabiis is dhaafsi ah ayaa wuxuu noqon doonnaa heshiiskii ugu weynaa ee maxaabiis is weydaarsi ah ee dhinacyadaasi dhex mara.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn { 30-10-2023}

0

Isniin, October -30- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Mustaf Cali Caddow

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Ra iisulwasaare Xamse Culimada ka Cabsaneyso AS ha wareejiyaan Masaajidada

0

Isniin , October -30- 2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa caawa si qota dheer kaga hadlay qaraxyadii ay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ka geysteen Khawaarijta AS

R/Wasaare Xamza oo hadalkaan ka jeediyey xaflad caawa lagu xusay hal sano huuradii ka soo wareegtay markii uu dhacay qaraxii Soobe 2 ayaa ugu horeyn aad u amaanay guddigii uu xiligaas u xil saaray maareynta musiibadii dhacday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Qaramada Midoobay oo Magaalada Gaza Gaarsiisay gargaarkii Ugu Badnaa

0

Isniin , October -30- 2023-{HMC}  Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ee OCHA, ayaa ku dhawaaqday in 33 baabuur oo sida biyo, cunto iyo dawooyin ay galeen Qaza Axadii iyagoo soo maray xuduudka Rafax ee dalka Masar.

“Tani waa qeybtii ugu ballaarneyd ee gargaarka bini’aadantinimo tan iyo 21kii Oktoobar, markaasoo gudbinta gargaarja xaddidan ay dib u bilaabatay,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay OCHA.

Ma jirto wax shidaal ah oo illaa hadda loo gudbiyey Gaza ka dib markii Israel ay diiday, inkastoo ay jiraan codsiyo ka yimid isbitaallada, kuwaasoo inta badan ku shaqeynaya matoorada korontada ka dib markii korontadii dhulka ay goysay Israel.

Ilaa hadda, 117 baabuur ayaa ka soo galay marinka Qaza tan iyo markii ay dib u soo celinta xaddidan ay dib ugu bilaabatay dhulka ciriiriga ah ee Falastiiniyiinta oo ay ku nool yihiin in ka badan 2.3 milyan oo qof, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Ka hor inta aan la go’doomin, ilaa 500 oo baabuur oo sida gargaar iyo alaabo kale ayaa soo geli jiray Gaza maalin kasta, taasoo ka dhigan in gargaarka la gudbiyey wixii ka dambeeyey 21kii Oktoobar uu yahay mid aad u yar.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn { 29-10-2023}

0

Axad , October -29- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdiqaadir Carab

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya Caalamka ee Hiiraanweyn 29-10-2023

0

Axad , October -29- 2023-{HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya Caalamka ee Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Iqro Abdulhi Cismaan 

Farsamadii :Maxamad Bar-yare Xaamud

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEYAY 

{DAAWO SAWIRADA} Qaar ka mid ah gargaarkii dhowaan la geeyey Gaza oo la boobay

0

Axad , October -29- 2023-{HMC}  Kumanaan reer Gaza ah ayaa jabsaday bakhaarradii iyo xarumaha qaybinta gargaarka ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) waxaana la qaatay bur iyo allaabta badbaadada aasaasiga ah sida ay sheegtay hay’adda.

“Tani waa calaamad walaac leh oo ah in nidaamka madaniga ahi uu bilaabayo inuu burburo ka dib saddex toddobaad oo dagaal ah iyo go’doomin adag oo lagu hayo Gaza,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Hay’adda Gargaarka Qaramada Midoobay ee Qaxootiga Falastiin UNRWA.

Mid ka mid ah bakhaarada, oo ku yaal Deir Al-Balah, waa halka ay UNRWA ku kaydiso sahayda kolonyada bini’aadantinimada ee Gaza uga soo gudbaya Masar.

Sahayda gargaarka ee Gaza ayaa la xanibay tan iyo markii Israa’iil ay bilowday duqeymaha ay ku hayso shacabka reer Falastiin, taasoo jawaab u ah weerar dhimasho badan dhaliyay oo ay ku qaaday kooxda Xamaas 7-dii Octoobar

“Alaabaha suuqa yaallaa way dhamaanayaan iyadoo gargaarka bini’aadaninimo ee imanaya Marinka Gaza aanu ku filnayn shacabka,” ayey tiri UNRWA oo intaa ku dartay in nidaamka hadda jira ee lagu geliyo kolonyada bini’aadaninimo ee Gaza loo qorsheeyay in lagu guuldareysto.

“Baahida bulshooyinku waa kuwo aad u weyn, halka gargaarka aan heleyno uu yahay mid yar oo aan baahida dabooli karin” ayaa lagu yiri qoraalka heyadda.

UNRWA ayaa sheegtay in awooddeeda ay ku caawinayso dadka Gaza oo ay si adag u saameysay duqeymo xagga cirka ah oo lagu dilay 50 ka mid ah shaqaalaheeda, lana xaddiday dhaqdhaqaaqa saadka.

Xataa iska horimaadka ka hor, heyaddu waxay sheegtay in shaqadii loo igmaday dhaqaale la’aan awgeed aysan u socon sidii loo baahnaa.

UNRWA Waxaa la aasaasay 1949 ka dib dagaalkii ugu horreeyay ee Carabta iyo Israa’iil, waxay bixisaa adeegyo dadweyne oo ay ku jiraan dugsiyada, daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo gargaarka bini’aadanimo ee Gaza, Daanta Galbeed, Jordan, Suuriya iyo Lubnaan.

ATMIS Deputy Force Commander commends collaboration between ATMIS and Somali Security Forces in Jubaland

0

Dhobley, 29 October 2023 – The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), Deputy Force Commander in charge of Support and Logistics, Major General Peter Muteti, has ended a two-day official visit to Jubaland State to assess the welfare of troops stationed in Dhobley.

Addressing ATMIS personnel in Dhobley town, Maj. Gen Muteti lauded the Kenyan contingent serving with ATMIS for their immense contribution and sacrifice in reducing the threats posed by Al-Shabaab militants and protecting civilians in the Lower Juba region.

“Your unwavering efforts in the peacekeeping mission are commendable, and we believe that as ATMIS working with Somali Security Forces, we can jointly succeed in de-grading Al-Shabaab and restoring lasting peace in Somalia,” said Maj. Gen Muteti.

Maj. Gen Muteti also toured Forward Operating Bases located in ATMIS Sector Two including Afmadhow, Hosingo, and Tabda.

He lauded the roles played by the ATMIS components, including military, police, and civilian units, urging them not to relent in supporting Somalia to achieving peace and stability. He commended the troops for the healthy collaboration with Somali security forces, the local administration and people in the region.

“ATMIS’ objective is to deliver on its mandate by ensuring that Somalia becomes secure, stable, and capable of contributing to its own economic rebuilding,” added Maj. Gen Muteti.

He added that ATMIS soldiers have a responsibility to protect lives during military operations and abide by international laws, including International Humanitarian Law and other conventions.

The Sector Two Commander, Brigadier William Kamoiro, thanked the Deputy Force Commander for ensuring timely logistical support in addressing myriad security challenges in the sector which were impacting their operations in Jubaland.

“Due to effective logistical support, our troops have intensified patrols across this region, and held numerous capacity-building events to support the local population and Somali Security Forces, favourably boosting the region’s growth,” added Brig. Kamoiro.

Kenya remains a dedicated member of the ATMIS Troop Contributing Countries (TTC’s), alongside Burundi, Djibouti, Ethiopia, and Uganda.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Qoorqoor oo saxiixay Hiishiis Cusub.

Axad , October -29- 2023-{HMC}  Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa saxiixay sharciyo ka soo gudbay Golaha Wakiillada.

Shuruucda uu saxiixay Qoorqoor ayaa waxaa ka mid ah Sharciga Maaryenta Dhulka, Sharciga Xakameynta Hubka, Heshiishkii Doorashooyinka Golaha Wadatashiga Qaran iyo miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2024-ka.

Madaxweynaha ayaa dhammaan Golaha wakiillada Dowladda Galmudug iyo khubarradii kaso shaqeeyay uga mahadceliyay dadaalkii ay galiyeen sharciyadaan dhaxalka u ah bulshada reer Galmudug.

Qoorqoor ayaa sheegay in shuruucda iyo heshiisyada uu saxiixay ay ka qeyb qaadan doonaan horumarka Galmudug iyo Xal u helida qaar ka mid ah dhibaatooyinka ka jira.

“Maamul sidiisaba waxaa uu ku dhisan yahay sharuuc lagu dhaqo xaaladaha iyo dhibaatooyinka jira oo aan la maareyn karin sharci la’aan” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.