Home Blog Page 3215

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo maanta dib ugu soo laabtay dalka

Axad , October -29- 2023-{HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo uu ku maqnaa dalka Mareykanka.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} ayaa garoonka Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magalada Washington ee Caasimadda dalka Mareykanka waxa ay kulan la qaateen mas’uuliyiinta Golaha Wakiilada dalka Mareykanka, iyaga oo ka wada hadlay sidii bog cusub iyo wada shaqeyn ay u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Mareykanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Aadan Madoobe} ayaa inta uuu halkaas ku sugnaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa la wadaagay xaaladda Dalka.

Aadan Madoobe ayaa waxa uu Jaaliyadda uga xog-warramay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Deegaanno katirsan qaar kamid ah Dowlad-Goboleedyada iyo abaabulka xooggan ee laga billaabay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Khudbaddiisa waxa uu kusoo hadal qaaday in uu furan yahay doorka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee taageerista howlgallada looga soo horjeedo ‘AS’ oo tan iyo markii uu billowday deegaanno & degmooyin muhiim ah looga qabsaday.

{DAAWO MUUQAALKA} War deg deg ah:.Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay madaxweynahii Hiiraan State

Axad , October -29- 2023-{HMC} War deg deg ah:.Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay madaxweynahii Hiiraan State

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

Axad , October -29- 2023-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Sadaali oo ku guuleyso $30.Man United 🆚 Man City

Axad, October -29- 2023-{HMC} Sadaali oo ku guuleyso $30.Man United 🆚 Man City

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn { 29-10-2023}

Axad , October -29- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Mustaf cali iyo iqra Abdullahi

Farsamadii :C/kaafi Cismaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo xil cusub u magacaabay Cali Jeyte Cismaan

0

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cali Jeyte Cismaan u magacaabay inuu noqdo u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleyda Soomaaliya.

Magacaabistaan ayaa lagu shaaciyay qoraal kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowlada, waxaana xusid mudan in magacaabista Cali Jeyte Cismaan ay kusoo beegmeyso, iyadoo uu horay u sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka Hiiraan State.

Lama oga inuu Cali Jeyte Cismaan uu aqbali doono iyo inuu diidi doono xilkaan cusub ee loo magacaabay, kaasoo haduu aqbalo meesha ka saari doono jiritaanka maamulkii uu madaxweynaha ka ahaa ee Hiiraan State.

Magacaabistaan ayaa sidoo kale lagu sheegay jn Cali Jeyte loogu xushay kaalinta uu ku lahaa kacdoonka dadweyne iyo wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee sanadkii hore looga xureeyay kooxda shabaab guud ahaan bariga gobolka Hiiraan.

Bilo ka hor ayay aheyd markii madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudaale Xuseen uu xilkii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ka qaaday Cali Jeyte Cismaan, hayeeshee xilka qaadistiisii kadib wuxuu Baledweyne uga dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha Hiiraan State.

Gabagabadii dadka reer Hiiraan ayaa si aad ah u hadal haya maanta xilkaan loo magacaabay Cali Jeyte Cismaan, kuwaas oo il gaar ah ku haya go’aanka Cali Jeyte Cismaan uu ka qaadan doono magacaabistaan cusub.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay Gargaar iyo Dhaqaatiir u direyso Marinka Gaza

Axad , October -29- 2023-{HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle oo la hadlayay boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay xuska qarixii 29 October 2022-kii ayaa sheegay in Hay’addu iyo shacabka Soomaaliyeed diyaar la yihiin in dhaqaatiir iyo gar-gaar kale la gaarsiiyo magaalada Gaza marka la furo marinka Rafax ee xuduudda Falastiin iyo Masar.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Yahuudda ku tilmaamay kuwa arxan daran oo xasuuqaya shacabka magaalada Gaza, isagoo sheegay in ay lamid yihiin kuwa dhibaatada ku haayo shacabka Soomaaliyeed.

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxay ku talagashay hadii la furo marinka Rafax ee Masar inay u diri doonto gar-gaar ummadda Soomaaliyeed laga qaaday, waxaa diyaar ah dhaqaatiir, waxaana geyneynaa kaalmo loogu gurmanayo walaalaha reer Gaza” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle

Dhimashada ilaa iyo hadda ayaa kor u dhaaftay 7700 Shahiid oo 3195 caruur yihiin, iyadoo Israel loogu baaqay in xasuuqa ka socda halkaas joojiso balse diiday, waxaana teegeero aan gabasho lahayn la garab istaagay dalalka reer galbeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn sida gar gaar iyo dhaqaatiirba ugu diri karto magaalada la go’doomiyay ee Gaza, iyadoona Isreal ay diidan tahay in magaaladaasi iyo dadka ku xayiran gar gaar iyo dawaooyin lala gaaro.

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Faarax Sheekh”Waxbarashada lacag la’aan baan ka dhigeynaa”

0

Axad, October -29- 2023-{HMC} Wasiir Faarax Sheekh”Waxbarashada lacag la’aan baan ka dhigeynaa”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasir Fiqi “AS awal magaalada ayey nala jogen haddana cidankena ayaa duledka Ceel-bur si ceyrsanaya’

0

Axad, October -29- 2023-{HMC} Wasir Fiqi “AS awal magaalada ayey nala jogen haddana cidankena ayaa duledka Ceel-bur si ceyrsanaya’

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxamed Jaabuutaawi “hadii la’ina nabad geliyo anana dadka waanu nabad gelineynaa”

0

Isniin, October -29- 2023-{HMC} Maxamed Jaabuutaawi “hadii la’ina nabad geliyo anana dadka waanu nabad gelineynaa”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA