Sabti , October -28- 2023-{HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya :Cabdisamad Cilmi Cabdi
Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys isaaq
Sabti , October -28- 2023-{HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya :Cabdisamad Cilmi Cabdi
Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys isaaq
Sabti, October -28- 2023-{HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Eli Cohen ayaa soo dhigay bartiisa twitterka qoraal uu ku sheegay in uu ku amray dublamaasiyiinta Israa’iil in ay ka baxaan dalka Turkiga, kadib waxa uu ugu yeeray “hadallada qallafsan ee ka soo yeeraya Istanbul.”
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku tilmaamay duqaymaha Israa’iil ee Qaza “xasuuq” isla markaana ay Israa’iil u aqoonsanayaan “dambiile dagaal.”
Xilli uu Erdogan maanta la hadlayey dadweyne aad u qiiraysan oo ku sugan Istanbul, ayuu ku tilmaamay weerarrada Israa’iil ee Qaza “xasuuq”, wuxuuna sheegay in xulafada reer galbeedka ee Israa’iil ay yihiin “dambiilaha ugu weyn” ee ka dambeeya waxa uu ugu yeeray dambiyada dagaal ee Israa’iil.
“Israa’iil, waxaan kuu cadeyneynaa inaad tahay dambiile dagaal, aduunkana waan u diyaar garoobeynaa, waxaanuna Israel ugu soo bandhigi doonaa aduunka inay tahay dambiile dagaal,” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.
Erdogan sidoo kale ku adkeystay mawqifkiisii ahaa in aanu Xamaas u aqoonsanayn “urur argagixiso”.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay goob ballaaran oo ay isugu soo baxeen dad gaaraya 1.5 milyan oo qof, fagaarahaas ayaa ku yaalla magaalada Istanbul.
Dadkii ka soo qeyb galay ayaa ruxayey calamada Turkiga iyo Falastiin, waxaana munaasabadan oo loogu magac daray Dibadbaxa Falastiin, iyadoo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Ataturk ee aan la isticmaalin, halkaas oo uu Erdogan horay ugu qabtay isu soo bax noocaan oo kale ah.
Sabtidii maanta wuxuu Erdogan ku celceliyay dhaleeceynta reer galbeedka iyo diidmada ay weli ku baaqeen xabbad joojinta Qaza, wuxuuna ku baaqay in dunida Muslimku ay u midowdo dhagarta reer Galbeedka.
Sabti, October -28- 2023-{HMC} Gobolka Banaadir oo dadkii dagnaa xaruntii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha ku amray iney guraan.
Sabti, October -28- 2023-{HMC} Xasan Gerdhuub oo AS ka soo goostay ayaa yiri” Isbitaalka Buulo fulaay meel laga istaago Malahan.
Sabti, October -28- 2023-{HMC} Sida laga soo xigtay website ka faalooda arimaha ciidamada, ciidamada qaaska ahaa ee Maraykanka ee laga dajiyay Israel ayaa u jeedka loo geeyay halkaas yahay inay cirib tiraan dagaalyahanada ururka Xamaas iyaga oo garab siinaya ciidamada difaaca ee Israa’iil.
Korneyl hawlgab noqday oo ka tirsanaan jiray ciidamada Maraykanka ayaa wareysi laga sii daayay talafishinka ku sheegay in “Ciidamada isku dhafan ee maraykanka iyo israa’iil ee aaday Gaza si ay ula diriraan Xamaas una soo daayaan maxaabiista, ayaan ogaaday in ay la kulmeen dhimasho badan.
Warkaan ayaa ku soo aadaya kadib markii uu sare u kacay joogitaanka ciidamada Maraykanka gudaha Israa’iil iyo kuw aloo daabulay inay hawlgalada ka qayb galaan oo la aaminsan yahay in ay si wayn ugu lug leeyihiin dagaalada socda.
Ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ayaa leh qibrad balaaran oo ah dagaalada lagu galo magaalooyinka balse hawlgalka ay ka wadaan Gaza ayaan ahayn mid sahlanaan doona.
Sabti, October -28- 2023-{HMC} Abshir Mowliid Axmed oo ahaa bamba tuur ka tirsanaa Al-shabaab ayey gacanta ku soo dhigeen ciidanka kumaandoska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab.
Abshir ayaa bam gacmeed ku weeraray xaafad ay degenaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandoska Danab oo ku taalla magaalada kismaayo,
“Markii uu falkaas gaystay kadib ayuu damcay inuu goobta isaga baxsado balse ciidanka ayaa cayrsaday kana soo saaray xaafad uu ku dhuuntay oo uu islahaa kaga baxso ciidanka” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidanka Danab.
Abshir ayaa hadda waxa uu ku jiraa gacanta ciidanka kumaandooska danab isagoo sheegay iney jiraan bambooyin u kaydsan oo uu damacsanaa inuu falal amni darro oo kale ka gaysto magaalada Kismaayo.

Sabti, October -28- 2023-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn
Sabti, October -28- 2023-{HMC} Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed ayaa gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Safarka Mas’uuliyiinta ayaa la xiriira dardar galinta Qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab eek a socda deegaanada Koofur galbeed waxaana ay kulamo laqaateen Waxgaradka iyo qeybaha bulshada degmada.
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la filayaa in booqasho ku tagaan goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulkaas.
Muddooyinkii dambe deegaanada Koonfur Galbeed waxaa ku sugan Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, isaga oo ka mid ahaa wafdi uu hoggaamiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo deegaanada uga dhawaaqay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sabti, October -28- 2023-{HMC} Qaraxa Koowaad waxa uu haaa Bam gacmeed lagu tuuray gaari ciidan oo marayay isgoyska Ceel-gaabta, iyadoo laba ruux oo gaarigaasi saarnaa ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta isaga baxsatay danbiilayaashii weerarkaasi geystay.
Qaraxa labaad waxa uu ahaa Miino waxaana lagu xiray guri uu dagan yahay guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Dayniile ee gobolka Bamaadir.
Saraakiil cidan oo weerarkaasi kadib goobta tagtay ayaa inoo sheegtay ineysan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarka, wallow uu burbur xooggan soo gaaray guriga.
Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan faraha kasii baxaya, iyadoo laamaha amaanka ay ku guul dareysteen iney wax ka qabtaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay caasimada ka fulinayaan Al-Shabaab.
Sabti, October -28- 2023-{HMC} General iyo Sheegoow waa naaneys uu isaga iskula baxay, ee maaha Generalkii ciidanka ee layaqaanay