Home Blog Page 3217

{DAAWO MUUQAALKA} Deegaanada SSC,Khaatumo oo markii ugu horaysay lagu gelaayo Imtixaanka Dowlada Somaliya qaado.

Sabti, October -28- 2023-{HMC} Deegaanada SSC,Khaatumo oo markii ugu horaysay lagu gelaayo Imtixaanka Dowlada Somaliya qaado.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Madaale oo dhagax dhigay xarunta howlgalka degdega ee Caafimaadka Dadweynaha.

Sabti, October -28- 2023-{HMC} Gudoomiye Madaale oo dhagax dhigay xarunta howlgalka degdega ee Caafimaadka Dadweynaha.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Duqa Magaalada Muqdisho oo dhagax-dhigay Xarunta Howlgalka Degdega ee Caafimaadka Dadweynaha

Sabti, October -28- 2023-{HMC}  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa dhagax dhigay xarunta Hawlgalka Degdega ee Caafimaadka Dadweynaha Gobolka Banaadir.

Dhagax-dhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne iyo Maareeyaha Machadka Caafimaadka Soomaaliya.

Xaruntaan ayaa ka qeyb ka qaadan doonto horumarinta adeegyada Caafimaadka Gobolka Banaadir iyo in ay bulshada helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo munaasabadda dhagax dhiga hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xaruntan la dhisayo loogu tala galay in ay adeegyada caafimaadka ee Degdega u qabato dadweynaha kunool caasimadda Muqdisho.

Guddoonka BF Soomaaliya oo War kaso saartay sababta tartanka looga reebay MARWO Bashiir Cabdi

0

Sabti, October -28- 2023-{HMC} –  Guddoonka sare golaha shacabka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay buuqa ka dhashay waxa ka keentay in tartankii madaxweynaha baarlamaanka adduunka laga reebo Marwo Bashiir Cabdi oo metaleysay Soomaaliya.

Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inuu jiray heshiis dhex-maray isaga, guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Xildhibaan Marwo, ayna isku raaceen inay tanaasusho.

Sababta keenay in tartanka isaga harto wuxuu ku sheegay in Soomaaliya ay dooneyso laba kursi oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah ku biirista bulshada bariga Afrika iyo helista kursiga aan joogtadada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, sidaas daraadeedna ay Soomaaliya dooratay inay Tanzania u tanaasusho, iyadana ay Soomaaliya ka taageerto sidii ay ugu biiri laheyd Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

“Heshiiskaas wuxuu ahaa maadaama dal xor ah aa nahay heshiisyana aan adduunyada la geli karno, xukuumaddana ay ka gaabisay inay noo sheegto waxa ka dhexeeyay Tanzania iyo Soomaaliya, annaga waan ogeyn in bulshada bariga Afrika lagu biiraayo, marka annaga oo ololaheyna wadano ayaa waxaa soo baxday in la dhoho xildhibaan Marwo arrintaas ayaa jirto labadaas kursi ayaa Soomaaliya doonanee, kursigaan waxaan rabnaa inaan u tanaasulno” ayuu guddoomiye Abshirow wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xildhibaanaddu ay aqbashay heshiiska, si ay ugu hiiliso Soomaaliya, kadiban sidaas laghu soo saaray warqadda kasoo baxday guddoonka.

“Marka heshiiskaas wuxuu ahaa aniga, Aadan Madoobe iyo xildhibaan Marwo meel fiican ayuu maraayay, markii ugu dambeysay waxaan isku raacnay in xildhibaan Marwo ay tanaasusho ayada oo Soomaali u hiilineyso” ayuu mar kale yiri Cabdullaahi Abshirow.

Waxaa kale oo uu yiri “Marow marka ay qabashay inay tanaasushay ayaa waxaa markaa guddoonkii uu ku qasban yahay inuu warqad soo saaray oo baarlamaanka adduunka u caddeeyo inaan ka harnay taranka”,

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray xukuumadda Soomaaliya oo uu ka dalbaday inay mar kastaa baarlamaanka usoo gudbiso heshiisyada ay galeyso, si aysan markale u dhicin arrinta maanta dhacday oo uu tilmaamay inay ku timid ogaal la’aan.

“Wixii hadda ka dambeeya xukuumadda heshiisyada ay galeyso waa in baarlamaanka Soomaaliya uu la socdaa, maxaa yeelay laba hay’ad oo kala duwan ayaa nahay” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir ay horay u sheegtay in la dhabarjebiyay, isla-markaana xustay in doorashada oo ay ka dhiman tahay 48 saac loo sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu soo diray warqad ay tartanka uga harayaan, taas oo la yaab iyo dhabarjebin culus ku noqotay.

“Gabdhaha tartamaya waxaa la siiyey xafiisyo, waxaa ugu mashquul badnaa keyga, dadkii codeyn lahaa waxay ii balanqaadeen inay i doora doonaan, rajadeydu waxay aheyd 100%, laakiin waxaa soo afjartay warqadii Aadan Madoobe, waana lagu xisaabtami doonaa taas,” ayey tiri Xildhibaan Marwo Bashiir.

Wararkii ugu Dambeyay qarax ka dhacay Degmada Dayniile

0

Sabti, October -28- 2023-{HMC} –  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax miino oo xalay ka dhaday qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay gudaha degmadasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa  sheegay in qaraxa lagu xiray guri uu dagan yahay guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Dayniile ee gobolka Bamaadir.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uusan gaysan wax khasaare nafeed ah, laakiin waxaa jira burbur xoogan oo soo gaaray dhismaha guriga la qarxiyay.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in xilliga uu dhacayay qaraxa uu guriga ku sugnaa guddoomiye waaxeedka deganaa hoyga miinada lagu qarxiyay, balse wuu ka badbaaday isaga iyo dadkii kale ee la joogay.

Ma jiro wax hadal ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan qaraxaas.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo ciidamada amniga ay baaritaano ka wadaan xaafadda uu qaraxu ka dhacay, si gacanta loogu soo dhigo kooxdii ka dambeysay weerarkaasi.

Dayniile ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay weeraro qaraxyo ah oo qaarkood loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo gaystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan culays soo saartay kooxda As oo jab xoogan lagu gaarsiiyay howlgallada culus ee ka socda gobollada dalka.

Maraykanka oo duqaymo la dhacay saldhigyo ay leedahay Iran

0

Sabti, October -28- 2023-{HMC} – Dowladda Mareykanka ayaa faah-faahin ka bixisay duqeyn ka dhacday Dalka Suuriya oo Washington ay sheegtay in ay ku beegsatay Saldhig iyo xarun kayd hub u ahayd Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

War kasoo baxay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa lagu sheegay in weerarkaan uu jawaab u ahaa duqeyn Jimcihii lagu beegsaday mid kamid ah Saldhiyada Ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Dalka Suuriya.

Sidaas oo kale waxa ay jawaab kale ay u tahay weerar Khamiistii lagu qaaday Saldhig Ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Dalka Ciraaq oo dhammaan labadaas weerar dusha laga saaray Ciidanka Iiraan & Dad deegaanka ah oo ay garabsiinayaan.

Sarkaal katirsan Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in aanay isku xirnayn weerarrada ka socda Suuriya iyo dagaalka u dhaxeeya Falastiiin & Xamaas kaddib markii qaar kamid ah Warbaahinta caalamka ay isku xirtay labadaa daraf.

Weli war kama soo bixin Iiraan si ay faah-faahin uga bixiso sheegashada Mareykanka ee la xiriirta in uu burburiyay saldhig lagu keydiyo Hubka iyo eedeyntii hore ee weerarrada ka dhankaah labada Saldhig ee Washington ku leedahay Ciraaq iyo Suuriya.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn – 28 – 10 – 2023

0

Sabti , October -28- 2023-{HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Mustaf Cali Caddow

Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Nabadoon Yuusuf ” Beesha aan ka dhashay uma saxiixaayo iney qaataan Labo Xubood oo kaliya”

0

Jimco , October -27- 2023-{HMC} –  Nabadoon Yuusuf ” Beesha aan ka dhashay uma saxiixaayo iney qaataan Labo Xubood oo kaliya”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn – 27 – 10 – 2023

0

Jimco , October -27- 2023-{HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Cabdiraxmaan Macalin muuse

Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Dallada Warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA oo Dood Cilmiyeed kusoo Gabagabeeysay Magaalada Baladweyne.

0

Jimco , October -27- 2023-{HMC} –  Dallada Warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA oo Dood Cilmiyeed kusoo Gabagabeeysay Magaalada Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA