Home Blog Page 3218

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya Caalamka ee Hiiraanweyn 27-10-2023

0

Jimco , October -27- 2023-{HMC} – Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya Caalamka ee Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Cabdi Maajid Abdirxman

Farsamadii : Cabdi Maajid Abdirxman

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARARKII UGU DAMBEYAY 

{DAAWO MUUQAALKA} Beesha Hilibi Daarandoole oo baaq deg deg ah kasoo saaratay colaada degmada Cadale

0

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Beesha Hilibi Daarandoole oo baaq deg deg ah kasoo saaratay colaada degmada Cadale

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Qarax weyn oo ka dhacay Qaza iyo korontada iyo internet oo ka go’ay meelaha qaar

0

Jimco , October -27- 2023-{HMC}  Waxaa hadda la arkayaa muuqaal toos ah oo ku saabsan qaraxyo ruxay qeybo ka mid ah marinka Qaza.

Milateriga Israa’iil ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay “si joogto ah u duqaynayaan marinka Qaza”.

Qaybo ka mid ah Qaza ayey internet iyo korontadu ka go’een, tan oo kusoo aadday xilliga qaraxu dhacay.

Tan ayaa kusoo aadaysa iyadoo xisbiga talada haya ee Ingiriiska uu la kulmayo cadaadis ku aaddan inuu Israa’iil ku cadaadiyo xabbad joojin.

ISHA BBC

MW Xasan Sheekh oo Erdogan kala hadlay xaalada murugsan ee ka taagan Gaza

0

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, kulankaas ayaa ka dhacay madaxtooyada dalka Turkiga ee magaalada Istanbul.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka labo geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo arrimaha gobolka.

Intii uu socday kulanka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga waxaa sidoo kale looga wadahadlay xaalada murugsan ee ka taagan Gaza, maadaama labada dal ay ka mideysan yihiin qadiyadda Falastiin.

“Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Erdogan miro-dhalka wajiga koowaad ee halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyadoo Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay gacanta argagixisada ka saareen in ka badan 80 deegaan iyo degmo oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed sannado badan, wuxuuna uga mahadceliyey doorka muuqda ee Turkigu uu ka qaadanayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalila ka soo saartay kulankaas.

Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan xoreynta iyo dib u dhiska dalkooda, isagoo xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

“Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay in la bilaabo dhammeystirka iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee hore ay u kala saxiixdeen labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda aad u raadineysa taageero dhanka duqeynta ah, si ay kaga adkaato kooxda AS, wuxuu Turkigu ugu horeeyaa dalalka ay Soomaaliya ka rajo qabto inay u buuxi karaan kaalintaas.

 

Maalmaha soo socda waxay dowladda Soomaaliya qorsheyneysaa inay dhacaan howlgallo culus oo duqeymo u badan, kuwaas oo ciidamada qaranka, saaxiibada caalamka iyo kuwa deegaanka ay ka fuli doonaan deegaanada ay AS weli ka joogaan gobollada dhexe ee dalka.

Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo Aadan Madoobe Ku eedeysay Guul daradii kaso Gaartay Dorashadii maanta

0

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo maanta looga guuleystay xilka madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka oo ay u tartameysay ayaa sharaxaad ka bixisay dhabarjebin ay sheegtay inay kala kulantay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo diray warqad uu ku sheegayo in Soomaaliya ay ka tanaasushay tartankaas.

Doorashada ayaa maanta ka dhacay dalka Angola, afar gabdhood ayaa tartameysay oo Marwo Bashiir ay ku jirtay, waxaana ku guuleystay xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka Tulia Ackson oo ah haweeney u dhalatay dalka Tanzania.

Xildhibaan Marwo Bashiir oo warbaahinta la hadashay ayaa ka sheekeysay sidii ay wax u dhaceen, waxay sheegtay in doorashada oo ay ka dhiman tahay 48 saac loo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu soo diray warqad ay tartanka uga harayaan, taas oo la yaab iyo dhabarjebin culus ku noqotay.

Waxay sheegtay inay go’aansatay in tartankaas aysan ka harin, maadaama ay heysatay balan-qaad weyn iyo rajo doorasho oo aad u sareysa, isla markaana laga ogolaaday inay tartankeeda sii wadato.

Warqadii uu diray guddoomiye Aadan Madoobe ayaa gaartay xildhibaanadii codeyn lahaa, taasi waxay sababtay in wadamo badan ay Xildhibaan Marwo u cadeeyaan in markii hore ay codkooda sii rabeen, laakiin hadda ay ka cudur daaranayaan, maadaama dowladda Soomaaliya oo loo codeyn lahaa aysan diyaar u aheyn inay kurigaan qabato.

“Gabdhaha tartamaya waxaa la siiyey xafiisyo, waxaa ugu mashquul badnaa keyga, dadkii codeyn lahaa waxay ii balanqaadeen inay i doora doonaan, rajadeydu waxay aheyd 100%, laakiin waxaa soo afjartay warqadii Aadan Madoobe, waana lagu xisaabtami doonaa taas,” ayey tiri Xildhibaan Marwo Bashiir.

Waxay qabtay rajada ugu sareysay inta aysan soo bixin warqadaas, laakiin waxay noqotay qofkii ugu codadka yaraa afarta haweenka ah ee tartanka gashay, waxayna heshay 11 cod kaliya.

Waxay sheegtay in markii ay aragtay warqada ay xiriir la samaysay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, balse uusan u sheegin wax sabab ah, isla markaana ay iska sii wadatay howlaheeda ololaha doorashada oo ugu dambeyn maanta looga guuleystay.

“Waxaa la igu yiri Marwo waxaad ku tartameysaa magaca baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka soo baxday baarlamaanka aad ka tirsaneed in uusan kula shaqeyneyn oo korsigaas aysan diyaar u aheyn, marka cod kuma siin karno, sababtoo ah dooraashadaan muhiimadeedu waa in baarlamaanadu isla shaqeeyaan,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Marwo Bashiir.

Ugu dambeyntii waxay tiri Xildhibaan Marwo, “Codadkii aan ku tashanayey ayaa u jaheystay dad kale oo taageero buuxda ka heysta dowladahooda, saakay markii aan goobta codeynta tegay, wadan kasta xubnihii ka socday waa iga cudur-daarteen, waxaa la igu yiri anaga Soomaaya inan codka siino ayaan rabnay, laakiin Soomaaliya ayadaba rabin inay cod qaadato, marka dad kale oo u baahan ayaan codadkeena sii doonaa ee Marwo naga raali ahaaw.”

{DAAWO SAWIRADA} Dallada Warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA oo Dood Cilmiyeed kusoo Gabagabeeysay Magaalada Baladweyne.

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Maalintii Labad ayaa Magaalada Baladweyne Lagu soo Gabagabeyey Dood Cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Dallada warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA Loogana hadlayey Badbaadada Suxufiyiinta, Xoriyatul Qowlka iyo helida Xogaha iyadoona dhinacyada Si waafi ah ay kaga Doodeen.

Bulshada Baladweyne ayaa Markanne qiraya ineey warbaahinta tahay halka kaliya ee laga heli karo wararka Xaqiiqda ah iyadoo aanan lagu kasoonaa karin wararka lagu Baahinayo Baraha Bulshada qaarkood,.

Taliye ku Xiigeenka saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne Xidigle axmed Cali Bin Cali Ayaa sheegay in wada shaqeeynta dhaxmarta Wariyaasha iyo Booliska Magaalada ineey qeeyb ay ka tahay Bad-qabka wariyaha,..

Cali Canshuur Faarax oo kamid ah Bahda warbaahinta ayaa isagan qaba Aragtida la xiriirta in wariyaha Markasto uu yahay kan wararka Saxan Bushada usoo Gudbiya kana Fogado sheekoyinka Been Abuurka..

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Kan degmada Baladweyne ayaa shegay ineey Bahda Warbaahinta u Diyaarinayan ilo ay si dhow wararka ugu heli karaan iyada oo la ilaalinayo Xoriyatul Qowlka…

Xogyaha Dalada Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA Mudane Maxamed Cismaan Makaraan ayaa soo xiray Doodan, waxaana uu sheegay in ay qaban doonan doodahan oo lagu dhisayo Kalsoonida Wariyaasha iyo Bulshada si loo helo Warar saxan.

Dood Cilmiyeedkan ayaa labadii Maalmood ee ugu Dambeeyey wexeey ka soconeeysay Magaalada Baladweyne iyadoo Masuuliyiinta iyo shacabka ay isla Gorfenyeen Qaabka lagu ilaalin karo Xoritul qowlka.

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn – 27 – 10 – 2023

Jimco , October -27- 2023-{HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Cabdi Maajid Abdirxman

Farsamadii : Cabdi Rahman Macalin Muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

 

Erdogan iyo Talyaaniga oo iskula dhacay arrin Xamaas ku saabsan

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa sheegay in hadalka Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee ku aadanaa Xamaas uu ahaa hadal “yaqyaqsi ah”( lalabo). Salvini ayaa dalbaday in safiirka Turkiga ee Rome ay u yeerto wasaaradda arrimaha dibadda si arrimaha wax looga waydiiyo looga yeero wasaaradda arrimaha dibadda si loola wadaago sida arrintaan Talyaanigu uga soo horjeedo

Salvini ayaa cambaareyay hadalka Erdogan ee Xamaas wuxuuna ku tilmaamay “mid xun oo laga yaqyaqsoodo, oo aan ku haboonayn in laga yiraahdo xiisadda Bariga dhexe. Waxaa uu intaa raaciyay”Waxaan u soo jeedin doonaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Antonio Tajani inuu u yeero safiirka Turkiga,” ayuu yiri Salvini.

Intaa kadib, wasiirka arrimaha dibadda Tajani ayaa yiri, “Waxaan dhageysan doonaa ra’yiga ra’iisul wasaare ku xigeenka Salvini si aan u fahmo fikradihiisa iyo mawqifyadiisa ku saabsan xiisadda Bariga Dhexe.”

Tajani waxa kale oo uu intaa ku daray, “Mawqifka dawladda Talyaanigu waa cad yahay: Annaga, Xamaas waa urur argagixiso.

Hadalka ra’iisul ku xigeenka Talyaaniga ayaa ka dambeyay kadib markii madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu meesha ka saaray in Xamaas ay tahay urur argagixiso, waxaana taa badelkeeda u uku sheegay in kooxda Xamaas tahay “xorriyad doon”.

Maxay yihiin eeyaha lagu soo biiriyey ciidanka Somaliland?

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay keensatay eeyo la hawlagala ciidanka amniga.

Sida lagu xusay barta hay’adda sirdoonka ee X, waxay hay’addu keensatay eeyo la sheegay inay la shaqayn doonaan kooxaha qabta noocyada kala duwan ee waxyaabaha qarxa.

Waxay eeyuhu kala shaqayn donaan inay qabtaan qaraxyada la dhigo meelaha u dhow dhismeyaasha, meelaha gaadiidka la dhigto, meelaha u dhow xafiisyada, gaadiidka, xirmooyinka, dadka iyo xarumaha dawladda.

Waxaa kale oo barta X ee sirdoonka Somaliland lagu qoray in taliyaha sirdoonka Somaliland Mustafe Maxamed xasan uu “salaan Sharaf ka qaatay askar ka tirsan NIA oo ay wehliyaan ey tababaran oo laga soo dejiyey garoonka Cigaal Airport, kuwaasoo hordhac u ah cutub ay yeelan doonto NIA”.

Somaliland ayaa soo bandhigtay sawirrada askarta eeyahaas ku shaqaynaysa, kuwaasoo wajiyada u xiran yihiin. Lama sheegin nooca iyo da’da eeyaha, waxayse aad ugu eg yihiin nooca loo yaqaano Belgian Malinois.

Noocas loo yaqaano Belgian Malinois ayaa aad loogu xasuustaa inuu ahaa kii qabtay hogaamiyihii Daacish ka hor intii uusan is qarxin, ka dib markii lagu sii daayey godkii uu ku cararay Abu bakar Al Baqdaadi.

Dhaawac ayaa ka soo gaaray hawlgalkaas Conan oo ah eeygaas godka ka daba galay Al Baqdaadi, waxaana billad Sharaf guddoonsiiyey madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka Donald Trump.

Sweden oo tallaabo adag ka qaadaysa ninkii gubay kitaabka Quraanka
26 Oktoobar 2023
Yaa kula tartamaya xil. Marwo Bashiir xilka guddoomiyaha baarlamaanka adduunka
4 Saacadood ka hor
Maxay tahay Awooda Xamaas ee Israa’iil uga cabsanayso duulaanka dhulka ee Qasa
6 Saacadood ka hor
EeyXIGASHADA SAWIRKA,SOMALILAND NIA
Eeyuhu waxay leeyihiin dareen aad u xoog badan oo ay wax ku urin karaan. Waxay ku xiran tahay qofka tababaraya sida uu u baro inuu qaban karo waxyaabaha sharci darrada ah.

Bil matal, sida uu dhigayo medium.com, Eeyga waxaa la baraa waxyaabaha ay carruurtu ku cayaarto, waxaana la siiyaa wakhti fiican oo uu ku barrto aaladaas. Marka dambe waxaa la mariyaa daroogo, ka dibna waxaa eeyga la baraa urka daroogada.

Natiijadu waxay noqonaysaa in eeygu uu qofka xarigga u haya ku soo jeediyo marka au u soo uraan wax la mid ah urka daroogada.

Marka eeyaha la barayo qaraxyada way ka yara dhib badan tahay, waayo qaraxa wuxuu ka kooban yahay dhowr waxyaabood oo la isku geeyey. Eeyaha waxaa si gaar ah loo baraa inay aqonsan karaan nooc kasta o ka mid ah isku dhisyada qarax uu ka koobnaan karo.

Ka dib waxaa lagu galiyaa meel qarsoon, sida in lagu aaso god dhowr dhudhun ah ama in la mariyo barafuun carfaya ayadoo la eegayo sida uu eygu u so saari karo.

Inta badan eeyaha hawshaas loo tababarayo iyo qofka xarigga u haya waxay sameeyaan 12 usbuuc oo tababar adag ah.

Eeyaha wax baadigooba waxaa loo tababaraa inay baaraan dadaka la la’ yahay iyo meydadka.

Eeyaha wax weerara
Noocan waa eeyo la shaqeeya milateriga iyo booliska. Eeyaha wax weerara waxaa la baraa inay weeraraan oo qabtaan dadka dambiilayaasha ah. Laba marxaladood ayuu ka kooban yahay tababarka eeyahan.

Marxaladda 1aad waa in eyga la baro inuu qaato amarrada aasaasiga ah, oo uu addeeco qofka xarigiisa haya, uuna aad ugu dhawaado oo uusan ka fogaanin wax kasta oo dhaca.

Marxaladda labaad waxaa la isla tababaraa eyga, qofka xarigiisa haya, iyo qof matalaya dambiile, laakinse xiran wax ka celinaya qaniinyada. Eeyga waxaa la baraa in marka la amro uu weeraro dambiilaha, marka amar la siiyana uu sii daayo.

Waxaa kaloo lagu tababaraa xaalad uu buuq iyo sawaxan badan jiro si uu u maqli karo amarrada ayadoo uu buuq jiro.

Mararka qaar ama inta badan eyahaas waxay wax ka galaan dagaallada.

Waxaa kaloo jira eeyo la baro inay madaxda ilaaliyaan.

Gantaal ku dhacay xaruun caafimaad oo ku taal Masar

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Warbaahinta dalka Masar ayaa sheegtay in gantaal uu ku dhacay xaruun caafimaad oo ku taal badda cas ee Masar ee loo tamashlaha tago gaarahaan deegaanka Taba oo u dhow xuduudka Israel.

TV-ga Masar ayaa sheegay in lix qof ay ku dhaawacmeen sidoo kale dhismo ku dhowaa uu burbur soo gaaray. Goob jooge ayaa ku waramay in uu maqlay qarax ka dibna uu ka dhashay qiiq xoogan iyo boor.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay ka war hayeen wararkaas balse dhacdadan ay ahayd mid ka baxsan xudduudahooda.