Home Blog Page 3219

Mareykanka oo sheegay inuu duqeeyay goobo lagu kaydiyo hubka Iran

Jimco , October -27- 2023-{HMC}  Saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay gaysteen diyaaradaha Mareykanku lala beegsaday goobo lagu keydiyo hubka iyo rasaasta ay isticmaalaan ciidamada Iran.

Weerarka oo xalay la fuliyay ayaa ka dhacay meel u dhaw magaalada Abu Kamaal ee ku taalla xuduudka Ciraaq, waxaana fuliyay diyaaradaha dagaalka ee F-16.

Ilaa hadda lama oga in uu jiro khasaare ka dhashay weeraradaasi.

Maxay tahay Awooda Xamaas ee Israa’iil uga cabsanayso duulaanka dhulka ee Qasa?

Jimco , October -27- 2023-{HMC}  Weerarki lama filaanka ahaa ee Xamaas ay ku qaaday Israa’iil, maamulka dalkaasi wuxu ballan qaaday in kooxda uu ka sifayn doono guud ahaan dhulkaas. Ama uu xididdada ugu siibi doono dhamaan dhulka Qasa.

Falanqeeyasha arimahan ayaa cabsi ka qaba in Israa’iil aysan si cad u fahmin waxa ka dhici doona Marinka Qasa ka dib marka la soo afjaro howlgalka dhulka ee ciidamada IDF, mustaqbalka deegaanka oo ay ku nool yihiin ilaa 2.2 milyan oo falastiiniyiin ah, ayaa weli shaki ku jiraa.

Hawlgalka Xamaas ayaa ahaa weerarkii ugu xumaa ee Israel lagu qaado muddo 50 sano ah. Ugu yaraan 1,400 oo qof ayaa la dilay, in ka badan laba boqol oo kalena waa la haystaal, tobaneeyo kalena weli waa la la’yahay.

“Dadka Israa’iil waa mideysan yihiin, maantana hoggaankooda sidoo kale waa mideysan yahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Xukunka Israa’iil ee Xamaas waa dhimasho laakiin dhinaca kale dagaalyahanada ururkaasi waxay doonayaan inay dabar jaraan Israa’iil.

Wasiirka arimaha dibada Israa’iil Eli Cohen ayaa u sheegay wariyaasha in Qasa mar danbe aysan khatar ku ahaan doonin dalkiisa aysana ogolaan doonin in Xamaas ay ka sii jirto awoodeeda Marinkaasi.

Wax yar ka dib weerarka ay qaadeen Xamaas, taliska ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa ku dhawaaqay in hawlgal dhulka ah oo aan hore loo arag laga diyaarinayo marinka Qaza.

Waxayna ugu baaqeen dadka deegaanka inay kaga baxaan qaybta waqooyi ee go’doonsan muddo 24 saacadood gudahood ah.

Diyaar garowga dagaal dhulka Israa’iil waxay si buuxda u diyaarisay ciidan ku gaashaaman dabaabadaha dagaalka, waxayna u yeertay ilaa 300 oo ciidamadeeda kaydka ah.

Weerarka dunida isha ku hayso ee dhulka wali ma bilaabin waxaana soo baxay digniino ka yimid kuwa ay is hayaan ee gobolka, kuwa taageera Israa’iilna kuma niyad sama inay qaadaan waana tan soo dadajisay inay dib u dhigaan howlgalka dhulka.

Israa’iil ayaa marar badan ku nuuxnuuxsatay in aysan damacsanayn in ay qabsato Qaza, iyadoo hadafkeeda ugu weyn ku tilmaantay inay soo afjarto maamulka Xamaas.

Laakiin ma cadda cidda maamuli doonta deegaanka, Israa’iilna ay awood u leedahay inay samayso damaceeda.

Ma jiraan hadafyo ciidan oo dhab ah oo la gaari karo.

Maraykanka oo ah taageeraha ugu weyn ee Israa’iil waxaa uu ka walaacsan yahay in milatariga Israa’iil aysan diyaar u ahay inay duulan dhulka ah u shaqayn karo sida uu qorey wargayska New York Times.

Kulankii Tel Aviv ee dhexmaray Ra’iisul wasaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden waxay isla qaateen in loo baahan yahay in la dajiyo qorshe hawleed waqti dheer ah .

Wuxuuna Biden xusay in qaadashada go’aannada adag ee xilliga dagaalka ay u baahan tahay caddayn ku saabsan yoolalka.

Mareykanka ayaa ka cabsi qaba in ciidamada la geynayo Qasa iyo duulaanka dhanka dhulka oo aan lahayn hadaf cad marka laga reebo in ururka Xamaas laga saarayo uu isu rogo dagaal goboleed.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sidoo kale ka hadlay khatarta colaadda gobolka mar uu la kulmay Benjamin Netanyahu 24kii Oktoobar.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo wareedyo ayaa sheegtay in xitaa dalalka carabtu ay ka walaacsan yihiin weerarka dhulka ee Israa’iil ku qaado Qasa halkaas oo ay ku nool yihiin 2.2 milyan oo qof.

Sida uu qabo khabiirka milatariga Israa’iil Israel David Gendelman,waa in lays waafajiyaa istaraatiijiyada cad ee Qasa ee ka soo bixitaanka marka ay laga adkaado Xamaas.

Dowladda cusub ee Qasa.
Ku soo laabashada maamulka Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza ayaa ah mid ka mid ah xaaladaha ugu wanaagsan ee laga dareemayo go’doominta Israa’iil.

“Ugu dambeyntii, waxa ugu wanaagsan ee dhici kara waa ku soo noqoshada maamulka Falastiiniyiinta ee Qasa” ayuu yiri hogaamiyaha mucaaradka Israa’iil Yair Lapid.

Hadii Israa’iil ka adkaato Xamaas,waxa xigi doona waa qaab aan la isla qaadan doonin oo iyada qudheedu horseedi karta xiisad kale oo gobolka ka dhacda.

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in marka Xamaas laga adkaado, Israa’iil ay meesha ka saari doonto mas’uuliyadda nolosha marinka Qasa.

Xamaas waxay raadinaysaa burburinta Dawladda Israa’iil iyo abuurista dawlad Islaami ah oo dhan Falastiin taariikhi ah. Dhaqdhaqaaqa waxa uu taageero ka haystaa Iran.

Kooxdan ayaa xukunka Marinka Qasa ku timid sannadkii 2007-dii iyadoo loo maray doorashooyin, balse kaddib waxay si xoog ah uga eryeen kooxaha ka soo horjeeday siyaasadda. Wixii markaas ka dambeeyay dhowr dagaal ayey la galeen Israa’iil.

Xamaas iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh ayaa kumanaan gantaalo ah ku garaacay Israa’iil waxayna qaadeen weeraro badan.

Ururka Xamaas ayey dalal badan ku dareen liiska argagixisada sida UK, EU, US, Israel, Japan iyo Australia.

Ma cadda mustaqbalka Qasa, mana la saadalin karo dagaalkan iyo sida uu ku dhamaanayo.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 27/10/2023

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdi raxmaan Macalin Muse

Farsamadii : Mustaf Ali Addow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dallada Warbaahinta Soomaliyeed ee Sooma oo Dood Cilmiyeed ku qabatay Magaalada Baladweyne

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Dallada Warbaahinta Soomaliyeed ee Sooma oo Dood Cilmiyeed ku qabatay Magaalada Baladweyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Isku aadka tartanka Kubbadda cagta maamul goboleedyada iyo G.Banaadir oo caawa la sameeyay

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Isku aadka tartanka Kubbadda cagta maamul goboleedyada iyo G.Banaadir oo caawa la sameeyay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Muxuu yiri xildhibaanka Soomaaliga ah ee sida adag uga hadlay dagaalka Xamaas iyo Israa’iil?

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa si adag ugu hadlay qaddiyada Falastiin iyo dagaalka hada ka socda Qasa.

Odowaa oo la hadlayey arday qalin badalanaysay ayaa xusay in xiisadda hadda Qasa ka taagan ay tahay mid caalamka oo dhan indhaha ku hayaan.

Wuxuu tilmaamay in arrinta Qasa ay muhiimad u leedahay Soomaaliya caalamka muhiimad gaara u leh.

‘‘Waa masuuliyad daro iyo akhlaaq xumo in qof Soomaali ah dhaho maxaa naga galay Falastiin, wax badan baa naga galay, walaalo ayaan nahay, markay xanuunsadaan waa inaan xanuunsannaa, markay farxaana waa inaa faraxnaa“ ayuu si caro leh u yiri Xildhibaan Odowaa oo mar xubin ka soo noqday golaha wasiirrada Soomaaliya.

Dadkaas xerada lagu xiray sawaariikh ayaa lala dhacayaa mana haystaan meel ay u baxsadaan iyiomeel ay u furan. Dhiigeena iyo dhacaankeena weeye Falastiin, waana in aan u hiilinaa, balse anigu kama mid ihi kuwa madaxa foorarinaya, ee waan inaan ugu yaraan ducaynaa“ ayuu intaas raaciyey.

Xildhibaan odowaa ayaa dowlada iyo shacabka soomaalida ugu baaqay in sida yihiin si ka weyn dadkaas loogu gurmado oo caawinaad loo aruuriyo Falastiin oo xilligan ku jira waqti adag ayna ku socdaan duqaymaha aan loo meel dayin ee diyaaradaha Israa’iil ka gaysanayaa Qasa.

“Haddaan dowlad nahay iyo hadan ganacsato nahay iyo haddaan shacab nahayba aan wax isugu darno dadkaa wixii lagu caawin karo waa inaan ku caawinaa ha loo geeyo“ ayuu yiri Cabdirixmaan Odowaa.

Isagoo sii hadlayey Xildhibaan Odowaa ayaa xusay inay masuuliyad daro tahay in qof Soomaali ah dhaho maxaa naga galay.

‘‘Sodon sano ka badan oo an dhib ku jiray waxaa imaanayey gargaar ka imaanayey Kuweeyt,Ciraaq,Sacuudiga raashin keeneyey xiligii caga bararku ka dhacay Soomaaliya ma waxay dhaheen maxaa naga galay miyey na dhaheen“aayu hadalkisa sii raaciyey

Waa hadalkii ugu adkaa ee masuul Soomaali ah ka dhaho xiisada ka taagan Qasa tan iyo 7-dii october markii uu qarxay dagaal u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo hore u soo noqday wasiira arimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa dhaliilay cid kasta oo si khaldan u dhigta “qaddiyadda Falastiin”,

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ayaa isna dhawaan ku tilmaamay waxaa ka socda Qasa inay tahay arrin wax ka baxsan bini’aadanimada.

Shacabka ayuu ka dalbaday in itaalka loo hayo hadda ay tahay in loo duceeyo rayidka Falastiin oo todobaadkii saddexaad dhexda ugu jira mid ka mid ah xaaladihii bini’aadanimo ee ugu adkaa caalamka.

Dowlada Soomaaliya ayaa war kooban oo afka carabiga ku qornaa oo ay soo baxay wasaarada arimaha dibada 18 october ku canbaaraysay weerarkii gantaalka ee ku dhacay isbitaalka Al-ahli oo dad ka badan 500 ruux ay ku dhinteen oo ahaa bukaanadii iyo shaqaalahii isbitaalka.

Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay kaliya weerarkii Isbitaalka, waxayna ku baaqday in si shuruud si la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda Qasa.

Muddada labada todobaad ka badan ee xiisada Qasa ay socoto ayaa dareenno adag ay ka muujiyeen culimada Soomaalida oo khudbooyinka masaajidda ee Jimcayaashii la soo dhaafay ku soo qaatay iyagoo kaga hadlay dagaalka.

Sidoo kale magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho shacab ayaa sameeyey dibad baxyo koobnaa oo ay ku taageereen Falastiin kuna cambaareeyen duqaymaha Israa’iil ee dagan Qasa.

{DAAWO SAWIRADA} Dallada Warbaahinta soomaliyeed ee Sooma oo Dood cilmiyeed ku qabatay Baladweyne.

Dood Cilmiyeedkan oo soca doonta Mudoo Labo maalmood ayaa Maanta Magaalada Baladweyne waxaa ka Dah furay Dallada warbaahinta Soomaliyeed ee Sooma

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan Kan Degmada Baladweyne qeybaha kala Duwan ee Bulshada iyo qaar kamid ah wariyaasha Magaalada Baladweyne ayaa ka qeeyb galay,

Xog-hayaha Guud ee Dallada warbaahinta Soomaliyeed ee sooma Maxamed Cismaan Makaraan ayaa Furay Dood Cilmiyeedkan isagoona ka sheekeyey qaabka wariyaasha u heli karaan ilaha wararka iyo sida Bushada loo Gaarsiin karo,

Taliye ku xigeenka saldhiga Booliska Degmada Baladweyne ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Bulshada Magaalada Baladweyne iyo xubnaha ka socda Dowlada oo si wada jir ah ugu qeeyb galay Dood Cilmiyeedkan.

intaasi kadib Masuuiyiinta ka socotay Gobolka iyo kuwa Degmadaayaa soo bandhigay aragtiyo kala Duwan oo ay ku Biiriyeen Bulshada iyo Bahda Saxaafada,

Dood Cilmiyeedkan ayaa ah mid ay waxbadan ka Faaidi Doonaan ururada Bulshada Rayidka ah iyo warbaahinta Madaxda Banaan ee ka Howlgala Magaalada Baladweyne si wada jir ahna ay iskaga hor imaadan qeeybaha kaa Duwan ee Bulshada iyo Maamulka Gobolka Hiiraan

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn – 26– 10 – 2023

Khamiis , October -26- 2023- {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdimajiid Aweeys isaaq

Farsamadii :Abdi Rahman Muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

Abiy Axmed oo sheegay in Itoobiya aysan dagaal iyo xoog ku raadineyn dekad, dhul-badeed

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Khamiistii ku adkaystay in Itoobiya aysan ku duuli doonin dal kale ama aysan danaheeda ku fulin doonin “dagaal” kadib markii hadallo uu horay u sheegay oo ku saabsan raadinta marinka Badda Cas ay walaac ka abuureen gobolka.

“Waxaa jirta cabsi laga qabo in Itoobiya ay duullaan qaaddo kadib dalabkeenii xoogganaa ee dhawaanahan ee ahaa inaan helno bad,” ayuu Abiy u sheegay kumannaan askari oo ku sugan Addis Ababa oo ka qaybgalayay dhoola-tus lagu xusayay maalinta ciidamada Qaranka.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan rabaa in aan carrabka ku adkeeyo in Itoobiya aysan ku raadin doonin in ay danaheeda dagaal ku gaarto, waxaa naga go’an in danta guud lagu gaaro wadahadal iyo gorgortan.”

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka 13-kii Oktoobar, Abiy Axmed wuxuu ku sheegay in Itoobiya oo aan bad lahayn ay tahay “dal jiritaankiisu ku xiran yahay badda cas,” marin biyoodka weyn ee ganacsiga caalamiga ah.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay u baahan tahay inay hesho deked, isagoo intaas ku daray: Haddii aan qorsheyno in aan nabad ku wada noolaanno, waa in la helaa qaab aan wax ku qeybsanno si dheellitiran”.

Hadalladaas waxa ay walaac ku abuureen dalalka deriska ah, gaar ahaan ee Eritrea oo leh xeeb dheer, waxayna wasaaradda warfaafinta Eritrea oo ku raadjoogta hadalka Abiy ay bayaan ku tilmaantay in”hadallada” gelitaanka badda ay yihin waxa ay ugu yeertay kuwa ” xad-dhaaf ah “.

Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa dhaqaalaha Itoobiya waxa uu noqday mid xaddidan.

Itoobiya waxay lumisay xeebteeda kadib markii Eritrea ay ka go’day Addis Ababa oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqday madaxbannaanida sannadkii 1993 kadib dagaal saddex iyo toban sano socday.

{DAAWO SAWIRADA} Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qayb galay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya ayaa Khudbad ka jeediyay kaga hadlay xaalada Somalia

Xassan Shiikh ayaa aya sidoo kale khudbadiisa ku sheegay hindisaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in deeqaha binu-aadantinimo iyo gargaarka degdegga ah ee Midowga Yurub in loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi.

Tan iyo bishii Luulyo 2022, Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ka badan 80 degmo in ay ka xoreeyaan argagixisada Al Shabaab. Magaalo-xeebeedyada sida Xarardheere, waxaan dib u soo celinnay waxbarashadii tooska ahayd muddo toban sano ah kaddib anagoo dib u habeyn ku sameynay dugsiyada iyo macallimiinta. Carruurtan hadda waxay heleen fursad cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Midowga Yurub uga mahad celiyey taageerada dhinac walba leh ee ay siiyaan dowladiisa, wuxuuna ka dalbaday in la sii xoojiyo taageeradaas si Somalia ay ugu dambeyn cagaheeda iskugu taagto.