Home Blog Page 3220

{DAAWO MUUQAALKA} Guddiga Dib u Heshiisiinta Beel dhawaan ku dagaalamay Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadalay beelihi

0

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} Guddiga Dib u Heshiisiinta Beel dhawaan ku dagaalamay Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadalay beelihi

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} AS oo maanta la waregay Deegaano hoos yimaada Magaalada Baladweyne

0

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} AS oo maanta la waregay Deegaano hoos yimaada Magaalada Baladweyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo dib ugu soo laabtay ka dib safaro ay ku tgatya Dalka Jabuuti

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo dib ugu soo laabtay ka dib safaro ay ku tgatya Dalka Jabuuti

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan looga hadlayay dardar gelinta Amniga iyo wada shaqaynta maamulka degmooyinka oo ka dhacay”’

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} – Kulan looga hadlayay dardar gelinta Amniga iyo wada shaqaynta maamulka degmooyinka oo ka dhacay”’

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiyaha Yaaqshiid “Kormeerka aan sameynay waxaan ku aragnaa in bulshadu amnigeeda ka tashatay

0

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} Guddoomiyaha Yaaqshiid “Kormeerka aan sameynay waxaan ku aragnaa in bulshadu amnigeeda ka tashatay

   HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Masuliyiin ka tirsan mamulka Hirshabele oo deq garsiyaay Furinta Degaanka Barujeed

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} – Masuliyiin ka tirsan mamulka Hirshabele oo deq garsiyaay Furinta Degaanka Barujeed

 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 26/10/2023

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Mustaf Ali Addow

Farsamadii :Cabdi raxmaan Macalin Muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

Israa’iil oo Weli Sii Wada Duqeymaha Marinka Gaza

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} – Maalintii 19aad ee dagaalka Gaza, Israa’iil waxay sii waday duqeymaha ay ku hayso dadka rayidka ah iyadoo 700 oo qof ay 24 saac gudahood ku dhinteen magaaladaas, taasoo tirada guud ka dhigaysa 6,546 iyo 17,500 oo dhaawac ah kuwaasoo u badan caruur iyo haween, sida lagu sheegay xogta Wasaaradda Caafimaadka Marinka Gaza.

Guutada Al-Qassam ayaa ka jawaabtay duullaanka Israa’iil, waxayna gantaal “Ayash 250” ku soo weerareen magaalada Eilat oo ku taal badda cas una jirta Gaza 220 KM, waxayna sidoo kale ku duqeeyeen magaalada Haifa gantaalka “R-160”.

Daanta Galbeed, xiisadda Israa’iil ayaa sii socotay, iyadoo 6 falastiiniyiin ah ay dileen, 80 kalena la xiray intii ay socdeen howlgallada ay ka wadeen magaalada Jenin iyo xeradeeda.

Iyadoo xaalada bini’aadantinimo ee Qaza ay sii xumaanayso, xaalada nidaamka Caafimaadka iyo isbitaaladana ay ka sii darayaan ayaa dowladaha Qatar iyo Turkiga waxay ku baaqeen in la joojiyo dagaalka Gaza iyo in gargaar la gaarsiiyo dadka ku go’doonsan.

Magaalada New York, kooxda Carabta ee Qaramada Midoobay iyo Ruushka ayaa soo bandhigay laba qaraar oo qabyo ah oo kala duwan oo ay ku dalbanayaan xabbad-joojin, taa beddelkeedana Maraykanku wuxuu soo bandhigay qaraar qabyo ah oo ku baaqaya oo keliya xabbad-joojin bini’aadantinimo.

Dhinaca kale, Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu hagayo weerarka Israel ee Gaza.

“Mareykanku waa saaxiib dhab ah oo dambiilayaal ah,” ayuu yiri Khamenei mar uu khudbad ka jeedinayay Tehran. “Maraykanku si uun buu u hagayaa dambiga laga gaysto Gaza”

Khamenei wuxuu intaas ku daray in gacmaha Mareykanka ay ku wasakhoobeen dhiigga kuwa dulman, carruurta, bukaannada, haweenka iyo kuwa kale.

Talaadadii, Maraykanku wuxuu Iran ku eedeeyay “inay si firfircoon u fududeyso” weerarrada gantaallada iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee ay kooxaha ay taageerto ku weerareen ciidamada Mareykanka ee Ciraaq iyo Siiriya.

Dhinaca kale, Xamaas ayaa gantaal rido dheer ku soo riday dhanka dekeda Eilat ee koonfurta Israa’iil oo dhacda gacanka caqaba

Xamaas ayaa sheegtay inay gantaal ku garaacday Eilat, oo ah deked ku taal koonfurta Israel iyo magaalo loo tamashle tago oo ku taal badda cas, oo 220km (136 mayl) u jirta Gaza.

Milatariga Israel ayaa sheegay in gantaalku uu ku dhacay meel banaan ah. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkan oo u muuqday midkii ugu dheeraa ee Falastiiniyiinta tan iyo 7-dii October.

Ciidan loo diyaariyey la dagaalanka AS oo lagu soo bandhigay Degaanka Washaaqo ee gobolka Bakool

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} –  Maamulka Koonfur Galbeedka ayaa maanta degaanka Washaaqo ee gobolka Bakool ku soo bandhigey ciidanka dadka deegaan ah oo ka qeyb galaya dagaalka AS sida ay sheegeen saraakiisha gobolka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool Mudane Xasan Maxamed Xasan indho iyo Odayaasha Dhaqanka Deegaanka ayaa abaabul ka bilaabay Deegaanada, Washaaqo, Dhuurey iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bakool.

Shacabka degaanadaas ayaa isu diyaarinaya ka qeyb galka Wajiga 2 aad ee Ciribtirka Kooxda Argagaxisada AS oo ka socda deegaanada Koofur Galbeedka.

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh oo dhowaan booqday gobolada Bay iyo Bakool ayaa ku booriyey ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur galbeed iney ka qeyb qaataan howlgalada dalka looga saarayo AS.

Israel oo Iran edeyn u jeedisay

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} – Ciidamada Israel ayaa ku eedeeyay Iran inay amartay weeraradii ugu dambeeyay ee kooxaha hubaysan ee ay taageerto Lubnaan, Ciraaq iyo Yemen. Waxay sheegtay in Israa’iil ay daawanaysay dhacdooyinka gobolka oo dhan. Dhanka kale warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in duqeymaha Israa’iil ay ka geysatay koonfurta Suuriya ay ku dileen sideed askari, taasoo Israa’iil ay ku sheegtay in ay jawaab u tahay gantaallo horay loo riday.

Kooxda dabagalka ee fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Suuriya, ayaa sheegtay in Israa’iil ay sidoo kale duqeysay garoonka caalamiga ah ee magaalada Aleppo, oo ah magaalada ugu weyn Suuriya, markii afaraad muddo laba toddobaad gudahood ah.

Daanta Galbeed ee la haysto, wakaaladda wararka Falastiin ayaa sheegtay in saddex qof lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil (kadib markii Israa’iil ay sheegtay in ciidamadeeda ay rasaas kala kulmeen maleeshiyaad hubeysan).