Home Blog Page 3221

Maxeey Tahay Caqabada ka dhalaneysa aqoonsiga SSC ee uu shaaciyay Deni?

Arbaco , October -25- 2023-{HMC} – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay aqoonsiga ay dowladda federaalka Soomaaliya siisay SSC-Khaatumo, ayaa waxa uu shaaciyay inuu caqabad ku noqon karo dhameystirka dastuurka.

Madaxweyne Deni oo maanta khudbad ka jeediyay kalfadhigga baarlamaanka Puntland ayaa waxa uu soo jeediyay in si taxadar leh looga fiirsado isbeddelka cusub ee ku yimid SSC-Khaatumo iyo weliba saamaynta ay ku yeelanayso halka ay Somaliland kaga jirto dhameystirka dastuurka dalka.

“Isbeddelka ku yimid gobolka Sool iyo SSC, oo u baahan in si taxadar leh dalka looga fiirsado mustaqbalkiisa siyaasiga ah. Dastuurka iyo shuruucda dalka ma dhamaystirmayaan illaa SSC-Khaatumo iyo Somaliland xaalkooda la fiiriyo oo miiska la soo fadhiisiyo,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Iyada oo aan meel la saarin aayaha iyo mustaqbalka iyo meesha ay Somaliland kaga jirto dhameystirka dastuurka wuxuu ku noqon doona caqabad aan dhamaan oo u baahan xal joogto ah.”

Arrimahan ayuu sheegay inay caqabad ku noqon doonto geeddi socodka dhameystirka dastuurka, oo xilligaan dowladda federaalka ay dadaal dheeraad ah ku bixineyso dhameystirkiisa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo uusan u socon fowdo iyo in uu wax kharibo ee uu doonayo inuu wax saxo, sida uu hadalka u dhigay.

“Puntland wax ma diidana ee waxay rabta inay wax saxdo oo aragtideeda si cad u dhiibato. Puntland waxay diyaar u tahay in hay’adaheeda kala duwan ee masiirigi ka shaqeeya in marxalad kasta iyo xilli kasta u ahaato mid u taagan sidii loo heli lahaa dowlad dhameystiran oo ku dhisan nidaam federaal ah oo dimuqraadi ah.”

SSC-Khaatumo oo dhawaan aqoonsi ka heshay dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa waxa sida muuqata soo afmeertay sanado rejo ah oo maamulka Puntland uu ka qabay inay dhankooda soo marto, maadaam uu dagaal adag dhexmaray Somaliland, oo ayadu dhowrkii sano ee u dambeysay arrimineysay deegaanadaasi.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn – 25– 10 – 2023

Arbaco , October -25- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Abdi Rahman Muse

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu danbeyay Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 25 10 2023

Arbaca, October -25- 2023-{HMC} Wararkii ugu danbeyay Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 25 10 2023

 

Xasan Sheekh iyo Midowga Yurub oo ka wadahadalay dagaalka ka dhanka ah AS

Arbaco , October -25- 2023-{HMC} BRUSSELS — Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka Midowga Yurub iyo waddamada soo koraya, ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Midowga Yurub Charles Michel, iyaga oo ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Labada Madaxweyne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Khawaarijta iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaaliya oo bilihii lasoo dhaafay saldhiggissu ahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa tan iyo markii dib loo soo doortay – hoggaaminayay dagaal ka dhan ah Al-shabaab – kaas oo ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawisleyda ay Al-shabaab uga xoreeyeen degmoyin iyo magaalooyin badan.

Antonio Guterres oo Badalay Moowqifkiisii Xamaas.

Arbaco , October -25- 2023-{HMC} Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa hadalkiisa ku bilaabaya isagoo sheegay inuu aad uga naxay hadaladii uu shalay ka jeediyay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay  halkaasoo uu sheegay inay muhiim tahay in la aqoonsado in weerarada Xamaas aysan ku imaanin meel banaan ah.

Sida haddii ay qiil u tahay falalka argagixisanimo ee Xamaas,” ayuu u sheegay suxufiyiinta. “Tani waa been, waxay ahayd caksigeeda.”

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sii wada in uu ku nuuxnuuxsado inuu si aan leex leexad lahayn u cambaaraynayo “falalka argagaxa leh ee aan horay loo arag ee 7-dii Oktoobar ee Xamaas ay ka geysatay Israa’iil”.

Guterres waxa uu tilmaamay in shalay uu yiri “ma jirto wax sabab u noqon kara dilka ula kac ah, dhaawaca iyo afduubka dadka rayidka ah – ama gantaalada lala beegsado bartilmaameedyada rayidka”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Runtii, waxaan ka hadlay cabashada shacabka Falastiin.

“Markaan sidaas samaynayay, waxaan si cad u sheegay, hadii aan soo xigto: ‘Laakin cabashooyinka dadka Falastiiniyiinta ma aha in ay ka turjumi karaan weerarrada naxdinta leh ee Xamaas’.”

Madaxweynaha Turkiga oo sheegay in Xamaas ay Yihiin Urur Xornima Doon ah

Arbaco , October -25- 2023-{HMC} Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Xamaas aysan ahayn Argagixiso balse ay tahay koox xoreyn oo dagaal ugu jirta sidii ay dalkooda u xoreyn laheyd.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay inuu joojiyay qorshe uu ku booqan lahaa Israa’iil taasoo qeyb ka ah siyaasadda dalkiisa ee ah inuu caadi ka dhigo xiriirka uu la leeyahay maamulka Yahuudda.

Waxa uu sheegay in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu “si khaldan u isticmaalay awood Milateri uuna weerarkii Xamaas ku qaaday Israel marmarsiiyo uga dhigtay inuu geysto xasuuq bareer ah.

“Xamas ma aha urur argagixiso, waa koox u dagalameysa xoriyada dhulkooda iyo dadkeeda,” ayuu yiri hogaamiyaha Turkiga.

Mareykanka iyo dalalka la xulafada ah ayaa Xamaas ku daray liiska kooxaha ay ugu yeeraan argagixisada.

Madaxweyne Erdogan oo lagu tiriyo hogaamiyeyaasha dalalka islaamka ee sida weyn uga hor yimaada siyaasadaha reer galbeedka ayaa lagu dhaleeceeyey inuusan wax ku filan ka qaban dhibaatada iyo xasuuqa ay israel ka wado Gaza.

 

Maamulka Somaliland oo war kasoo saaray dhaq-dhaqaaqa Socda ee Awdal State.

Arbaco , October -25- 2023-{HMC} – Somaliland ayaa si adag uga hadashay dhaq-dhaqaaq Awdal State ee looga soo horjeedo xukuumadda Somaliland, kaasi oo abaabulkiisa uu ka socdo dalka dibaddiisa.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Boorama ayaa go’aanno ay soo saareen ku sheegay in gobolka Awdal iyo bulshadiisuba tahay Somaliland.

Waxay hoos u dhigeen walaaca in dhaq-dhaqaaqyada ka socda dalka dibaddiisa ay saameyn weyn ku yeeshaan gudaha, “Wax Awdal State la yiraahdo kama shaqeynayso halkan, Awdal waa Somaliland.”

“Shacabka gobolka Awdal waa shacab kamid ah shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayna yihiin dadkii aas-aasay Somaliland taariikh fogna ku leh, ayna jirin wax la yidhaahdo Awdal State iyo cid kale oo sheegan karta ama ka arrimin karta arrimaha gobolkan iyo danahiisa,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo warbaahinta u aqriyay go’aannada kasoo baxay wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Saylici.

Bulshada gobolka ayaa waxay ugu baaqeen midnimo iyo in meel looga soo wada jeesto, wax ay ugu yeedheen “cadowga Somaliland”.

“Wafdiga waxay ugu baaqayaan shacabka gobolka guud ahaan adkeynta midnimada, wadajirka iyo danaha bulshada in laga wada-shaqeeyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Go’aannadan ayaa imanaya xilli magaalada Ottawa ee dalka Canada uu ka dhacay shir dib boorka looga jafayo arrinta Awdal State, oo looga soo horjeedo xukuumadda Somaliland, kaasi oo looga dhawaaqay wax loogu yeeray “madax-banaanida gobolka.”

Isku soo wada duubo, Somaliland ayaa wajaheysa culeyskii ugu xooggana xilli ay lumisay magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, oo ay himika ka arrimiyaan hoggaanka SSC-Khaatumo, oo dhawaan aqoonsi ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Saraakiisha wacyigalinta ayaa ciidamada kula hadlay Xeradii Hore ee hubka ee ciidanka xoogga dalka.

0

Arbaca, October -25- 2023-{HMC} Saraakiisha wacyigalinta ayaa ciidamada kula hadlay Xeradii Hore ee hubka ee ciidanka xoogga dalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Difaaca oo kulan la qaatay Saraakiisha ciidan loo diyaariyey dagaalka AS

Arbaco , October -23- 2023-{HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur {Jaamac} ayaa la qaatay Saraakiisha Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka oo uu Wehliyey Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka ayaa Saraakiisha Faray in sida ugu dhow u bilaabaan Howlgallada Dalka lagaga Saarayo al-shabaab

Wasiirka kula dardaarmay ciidanka Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iney ka dhabeeyaan hadafkooda la xiriira sidii As looga ciribtiri lahaa degaanada ay ka joogaan Koonfur Galbeed.

Saraakiisha qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulankaas ka balan-qaaday iney bilaabi doonaan howlgalka ayna naftooda u huri doonaan sidii As loo ciribtiri lahaa.

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh oo dhowaan booqday gobolada Bay iyo Bakool ayaa ku booriyey ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur galbeed iney ka qeyb qaataan howlgalada dalka looga saarayo As.

DAAWO SAWIRADA } Ciidanka Xoogga dalka oo Al-shabaab ka saaray Buurta Yacgoos

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Ciidanka xoogga dalka gar ahaan Qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay maanta sameeyeen ku burburiyay godadkii ay al-shabaab ku lahaayeen Buurta Yacgoos ee koofurta gobolka Mudug

Howlgalkaan ayaa waxaa hogaaminayey Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka dhulka xooga dalka G/sare Cabdi Salaad Cali waxaana ku wehlinayey Gudoomiyaha Degmada Baxdo Mohamed Abdulahi Muse iyo Taliyaha ururka koowaad ee Daraawiishta Galmudug Macalin Abdi Daa’uud.

Waxay ciidamadu ku guuleeysteen ineey soo af jaraan al-shabaabkii ku sugna Buurta Yacgoos ee koofurta gobolka Mudug .

Ciidamada Xooga dalka iyo daraawiisha galmudug oo iska kaashanayay ayaa wada howlgallo sifayn ah oo lagu baacsanayo al-shabaab si looga saaro gobolada dhexe ee dalka.