Home Blog Page 3222

Deni oo sheegay in uu diyaar u yahay wadahal dhexmara maamulkiisa & DFS

Arbaca , October -25- 2023-{HMC}  Madaxweynaha Dowlad gobileedka Puntland, Saciid Deni ayaa weerar afka ah ku qaaday Masuuliyiinta Golaha wadatashiga Qaran, oo ka kooban dowladda dhexe, dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay furitaaka kalfadhiga 53-aad ee golaha wakiilada maamulkaas ayaa ka hadlay sidoo kale arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Deni ayaa hadalkiisa inta badan eedo culus u jeediyay Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana uu sheegay in Golahan uusan kalgiis ah go’aan ka gaarin masiirka dalka, maadaama waddanku yahay mid federaal ah oo leh hay’ado kala duwan leh

Madaxda Madashu maaha Hay’ad ama golle Dastuuri ah oo lagu gooyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, dalku waa Federaal, wuxuu ka kooban yahay dawlad dhexe o aan sharuucdeeda lagu heshiin iyo dawlad gobaleed mid kastaaba deegaankaada haysato” ayuu yiri Siciid Deni.

Waxaa uu intaas ku daray in nasiib darro weyn ay tahay in xukuumadda hadda xilka haysa ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay in si bareer ah uga leexatay hannaankii federaalka ee dalka, ayna meesha ka saartay dastuurka lagu heshiiyay.

Hadalka Deni ayaa imaanaya iyadoo khilaafka u dhexeeya Dowladda dhexe iyo maaamulka Puntland uu marba marka ka dambeysa uu circa isku sii shareerayay, waxaana Madaxweynaha Maamulkaasi uusan muddooyinkii dambe kasoo qayb galin shirka Golaha wadatashiga Qaran.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn { 25-10-2023}

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Abdimajid Abdiraxman iyo Shukri Baryare

Farsamadii :C/kaafi Cismaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

 

Xamsa Cabdi Barre, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Arbaca , October -25- 2023-{HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson.

Kulanka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxa ay wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Danjire Johansson ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageeradooda Soomaaliya, iyada oo intaa raacisay in xilligan Midowga Yurub kaalin muhiim ah ka qaadan doono barnaamijka xasillinta deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab.

Johansson oo dhawaan loo soo magacaabay Safiirka Midowga Yurub September 18, 2023 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ku sugnaa xilligaas ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka Danab ee Puntland oo qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweyne Saciid Deni

0

Arbaca, October -25- 2023-{HMC} Ciidanka Danab ee Puntland oo qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweyne Saciid Deni

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Haweenka Beesha Abgaal oo baaq nabadeed u direy beelaha ku dagaalamaya gobolka Shabeellaha Dhexe

0

Arbaca, October -25- 2023-{HMC} Haweenka Beesha Abgaal oo baaq nabadeed u direy beelaha ku dagaalamaya gobolka Shabeellaha Dhexe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Caafimaadka Galmudug “Ujeedada shirkaan waa inaan ka tashano siyaasadda caafimaadka dalka”

0

Arbaca, October -25- 2023-{HMC} Wasiirka Caafimaadka Galmudug “Ujeedada shirkaan waa inaan ka tashano siyaasadda caafimaadka dalka”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Brussels ee dalka Biljamka

0

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Brussels ee Caasimadda dalka Biljamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kaga qeybgalaya magaalada Brussels shir xasaasi ah oo u dhaxeeya Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya.

Shirkaan oo socon doona mudo laba cisho ah ayaa lagu wadaa inuu halkaasi ka jeediyo madaxweynaha Soomaaliya khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya mudnaanta u leh.
Waxaa sidoo kale madaxweynaha iyo wafdigiisa ay halkaasi kulamo duceedyo kulan qaadan doonaan madaxda kala duwan ee ka qeybgaleysa shirkaan muhiimka ah ee maanta ka furmaya magaalada Brussels.

Si kaataba ha ahaatee waxaa xusid mudan in dalal badan oo ka mid ah kuwa Midowga Yurub ay haatan dowladda Soomaaliya ka taageeraan dagaalka culus oo ay dowladu ku dooneyso iney kaga ciribtirto gudaha dalka kooxda Al-shabaab.

Ciidmada Israa’iil oo duqeyn ku layay askar Suuriyaan ah

0

Arbaca , October -25- 2023-{HMC} Siddeed askari oo Suuriyaan ah ayaa lagu dilay todobona waa lagu dhaawacay duqaymo ay Israa’iil ku qaadday saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobolka koonfureed ee Daraa, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Wakaaladda wararka ee Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in weerarku dhacay xalay.

Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay weerareen bartilmaameedyo ciidamo Suuriyaan ah ay leeyihiin, iyaga oo sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay weerar ku qaadeen kaabayaasha milatariga kadib markii gantaallo looga soo tuuray xadka.

Dowlada somalia oo markale Muqdisho kaso Dajisay Ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka Eritrea

0

Arbaca , October -25- 2023-{HMC} Magaalada Muqdisho waxaa mar kale dib loogu soo celiyay ciidamo cusub oo tababar kusoo qaaday dalka Eritrea, kuwaa oo muddooyinkii lasoo dhaafay tababar kusoo qaadanayay qeybo kamid ah dalka Eritrea.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa garoonka ciidanka Cirka kusoo dhaweeyay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo tababar kuso qaatay dalka Etirtea.

S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo khudbad u jeediyey cutubyadan tababarka kusoo qaatay dalka Eritrea ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda AS.

Ciidamadii tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea ayaa intooda badan dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, waxaana ciidankan dowladda qorsheeneysaa in qeyb weyn ka qaataan howlagllada ka dhanka ah kooxda AS.

 

Ciidamada ssc khatuma oo la faray n aanay duullaan qaadin balse keliya difaac u galaan ilaalinta deegaannada ay joogaan..

0

Arbaca, October -25- 2023-{HMC}  Hoggaamiyaha Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo socdaal ku tegay qaar kamid ah furimaha dagaalka ee ciidanka maamulkiisa joogaan ayaa kula dardaarmay in ay ilaaliyaan amniga deegaannada ay gacanta ku hayaan.

Firdhiye ayaa ciidanka SSC-Khaatumo uga digay in ay duulaan qaadaan balse taas baddelkeed aanay ka dhigneen in ay gacmaha ka laabtaan haddii ay kusoo duullaan ciidamada Somaliland waa sida uu hadalka u dhigay.

Cabdulqaadir Axmed Aw Cali ayaa dhanka kale sheegay in Ciidanka SSC-Khaatumo ay dedaal xooggan geliyeen sugidda Amniga deegaannada maamulkiisa uu ku sugan yahay isaga oo ka rajeeyay in ay sii xoojiyaan howshaas ay wadaan.

Difaacista deegaannada ay joogaan ciidamada ka amar-qaata ayuu ku tilmaamay mid lagu ilaalinayo sharafta iyo midnimada reer SSC-Khaatumo loona baahan yahay in ay sii xoojiyaan mas’uuliyadda culus ee saaran.

Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa maalin kahor dib ugu laabtay Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool kaddib todobaadyo uu joogay Magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka.

Firdhiye waxaa u hirgalay in Dowladda Federaalka uu u gudbiyay qorshaha maamul loogu aqoonsado karo SSC-Khaatumo waxaana ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS ay u aqoonsatay Si KMG ah.