Arbaca , October -25- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdimajiid abdirxman aadan
Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq
Arbaca , October -25- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdimajiid abdirxman aadan
Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq
Arbaca, October -25- 2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kaga qaybgali doono shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya.
Madaxwaynaha ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doona madasha oo socon doonta inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023
Arbaca, October -25- 2023-{HMC} Mareykanka, Ruushka iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa ka mid ahaa waddamo Talaadadi shalay riixayay isku day ay ku rabaan in dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamas hakad la geliyo ama in la gaaro xabbad-joojin, si fursad loogu helo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadka ku go’doonsan magaalada hareereysan ee Gaza.
Xilli ay wali sii socdaan duqeynta cirka ah ee ay ciidanka Israel ku hayaan Gaza, ayaa gelinki danbe ee shalay waxaa Gaza u gudbay illaa sideed baabuurta xammuulka ah oo waday cunto, biyo iyo dawo. Gaadiidkan ayaa ka gudbay Marinka Rafax ee ah kan kaliyah ee isku xira Gaza iyo Masar.
Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka ayaa sheegay, in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Mohamed bin Salman, oo Talaadadi shalay khadka telefoonka ku wada hadlay, ay isku raaceen “in la ballaariyo dadaalladda diblamaasiyadda, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka loogana hortago in rabshadaha ay sii faafaan.”
Ruushka ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee QM in xabad joojin aanan shuruud ku xirneyn si deg deg ah loo gaaro, halka Mareykanka uu Qaramada Midoobay geeyay qorshe dagaalka lagu hakinayo si dadka ku go’doonsan Gaza loo gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo.
Dalalka Carabta ayaa iyaguna ku cadaadinaya QM in si deg deg ah colaadda Israel iyo Falastiin looga gaaro xabad-joojin deg deg ah.
Wasaaradda Caafimaadka Falastin ayaa Talaadadii sheegatay, in duqeynta Israel ee Gaza lagu dilay 5,791 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 2,360 carruur ah, tan iyo 7-di bishaan October.
Talado, October -24- 2023-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Buundada cusub ee laga hirgaliyay waddada 21-October ee degmada Waaberi, taas oo loogu tala-galay in ay Caruurta iyo Ardeyda kaga bad-baadaan halista gawaarida istecmaasha wadadaasi.
Munaasabadda Xarig-jarka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Maamulka Degmada Waaberi, iyo Maamulka Shirkada Hormuud oo iyaga gacan ka geystay hirgelinta buundadan.

Talaado , October -24- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya:Abdi majiid aweys
Farsamadii :Cabdimajiid abdirxman aadan
Talado, October -24- 2023-{HMC} Wararkii ugu danbeyay Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 24 10 2023
Talado, October -24- 2023-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda la qaatay Saraakiisha Laamaha kala gedisan ee Amniga.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitary ayaa Duqa Muqdisho ugu warbixiyay howlgallada Xasilinta Caasimadda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin dar-dargelinta Amniga Gobolka Banaadir si loogu hortago dhagarta Cadowga.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Saraakiisha Laamaha Amniga kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo Howlgallada Sugida Amniga Caasimadda, La-dagaalanka Maandooriyaha iyo tabo kasta oo cadowga ku dhibaateyn karo nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

— DHAMAAD —
Talado, October -24- 2023-{HMC} Allaha u naxariistee Gabadhan oo ay Dadeedu jirtay 18 sano ayaa lagu magacaabayay Xamda Xuseen Cumar ayaa toddobaadkan gudihiisa isku dishay xaafad ka tirsan magaalada Hargeysa, gabadha oo ahayd tan kaliya ee reerka u dhaq-dhaqaaqda ayaa la sheegay in ay isu dishay sababo la xiriira xaalado duruufeed oo qoyska lasoo dersay isla markaana ay awoodi weyday in ay maareyso.
Waalidiinta dhalay labaduba waa naafo waxaana hooda u dheer Xanuun kaas oo ah in mararka qaar ay dhacdo ama ay xuudo oo miyir daboolanto .
Waxa jirta gabadh kale oo ah da’da kayar gabadha is dishay, waxa lagu magacaabaa Salma Xuseen, waxa ay jirtaa 15 sano, waa gabadha kaliya ee reerka u hartay maaddaama markii horeba ay labo kaliya ahaayeen, waxaa lasoo werinayaa in qoysku hadda ay wajahayaan cabsi kale oo la xiriirta in gabadha kaliya ee u hartay reerka ee Salma ah ay qorsheyneyso in laftigeeda ay is disho.
Gabadha is dishay waxa ay ahayd ardayad, waxa u suura geli weyday in ay sii wadato waxbarashada sababo la xiriira duruufta qoyska, Xamda waxa ay ka hartay guud ahaan waxbarashada, waxa ay isku dayday in ay raadiso shaqo, wixii ay doontaba ha noqotee, hase yeehsee uma aysan suura gelin in ay hesho, marka ay eegtay nolosha qoyska iyo xaaladda duruufeed ee haysata, marka ay aragtay in waxbarasho aysanu suura geli Karin iyo marka ay shaqo weysay, waxa ay go’aansatay in ay nafta is dhaafiso.
Allaha u naxariistee, Xamda waxa ay isku xirtay qol yar oo gurigooda katirsan, waxa ay xarig ku xiratay xagga saree e qolka kadibna qoorta ayey ku xiratay, iyadoo sidaas isku daldashay, halkaana nafteyda ku weyday.
Qoyska ayaa haatan wajahaya cabsi ah in Salma lafteedu ay dooneyso in ay marti waddadii ay ku baxday walaasheedii kaweyneed, weli duruuf ayaa heysata qofka oo noloshooda waa mid adag, waana tan Salma lafteegu ay u aragto in noloshan aysan wax badan ka bedeli Karin.
Aabe Xuseen Cumar oo ah aabbaha dhalay labada Gabdhood ee midna geeriyootay midina aysan nolosha rejo badan kalahayn ayaa la hadlay warbaahinta MM TV, isagoo ka warramay nolosha adag ee qoyskiisa.
Abbaha oo ka hadlay xaaladda heysata ayaa yiri, “Waxan ahay ninkan naafada ah, anigu marka hore waxa aan ku tiirsanaa xooggeyga, waxan ahay naafo oo maanan xanuunsaneyn, hase yeeshee markii dambe waan soo ciiray oo wan soo fariistay, intaa kadib waxa aan ku nooleyn caawimaad aan ka heli jiray jaarka”.
Intaa kadib BBC-da oo qadka taleefanka kula xiriirtay aabbe Xuseen, ayaan wax ka weydiinnay, waxa ay gabadhiisii Salma qaban jirtay iyo xaaladeedu sida ay ahayd inta aaney is daldalin, isagoo ka hadlayana waxa uu yiri,” Gabadhu wey fiicneyd oo xaalad caafimaad ma aysan qabin, waxa ay noqotay qof garab waayay, ciil iyo culeys ay dareentay awgeed ayey isku dishay, sheydaan baa qaaday, waxa ay is tustay in noloshaaba aysan u qalbin in ay sii noolaato”.

Aabbaha ayaa sidoo kale ka hadlay cabsida uu hadda ka qabo inantiisa kale isagoo yiri, “Hadda inantii weyneed wey tagtay oo inoomasoo laabaneyso, hadda waxaan nahay intantaydii kale ee Salma iyo aniga iyo xaaskeygii iyo ayeeydood, saddexdeena waalidka ah waxaan wada nahay naafo, waxaa hadda iyaduna isku buuqsan intaydii kale ee Salma, adduunyadu waa maalmo koobane, waxa aan codsaneynaa in gala garab istaago”.
Dhinaca kale booliska Somaliland oo aan la xiriirnay ayey noo suura weysay in aan helno, hase yeeshee Aabbe Xuseen Cumar Barkhad ayaa noo sheegay in boolisku weli aysan tegin guriga uu dilku ka dhacay aysanna weli ka hadlin arrinta dilka ee gabadha.
Sida caadiga ah dhallinyarada kunool gudaha dalka waxa ay badankood ka cawdaan dhibaatooyin shao la’aaneed, qaarkood waxa ay ku qasabtaa in ay tahriibaan oo ay naftooda biimeeyaan, kuwa kalana waxa ay isku dayaan in ay gudaha dalka isku celiyaan iyagoo rajo ka qaba in ay samstaan nolol kaduwan tan ay ku noolyihiin.

Xigasho BBC
Talado, October -24- 2023-{HMC} Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Turkigu uu u deyriyey madaxda Xamaas si ay dalka uga baxaan, in yar ka dib markii uu dhacay weerarkiiay Xamaas ku qaadeen 7dii Oktooba.
Wararku waxay sheegayaan insaraakiil sare oo Xamaas ka tirsan ay Turkiga ka dhoofeen. Warbixin ay qortay warbaahinta Al-monitor, Ankara waxay si asluubaysan uga codsatay madaxdaas inay dalka ka baxaan.
Ilo falastiiniyiinta ku dhow oo Ankara joga ayaa warbaahintaas u sheegay “Kooxaha Falastiiniyiinta oo ay kujirto Xamaas, kuma faraxsana mowqifka Turkiga. Hadalkooda waxaaa loo arkay mid aan waafi ahayn. Xataa ugama aysan yeerin safiirka Israa’iil wasaaradda arrimaha dibadda.
Markii weerarka uu dhacayey, hogaamiyaha siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyeh, oo ku noolaa Qadar iyo Turkigu, wuxuu ku sugnaa Istanbul.
Eryidda ayaa sida la sheegay timid markii la arkay Fiidiyow ay ka soo muuqdeen Haniyeh iyo xubno kale oo la joogay oo u ducaynayey raggii weerarka qaaday ayagoo toos u daawanayey sida weerarku u dhacayo.
Laakinse sarkaal Turki ah ayaa beeniyey in dawladdu ay ku amartay Haniyeh iyo saraakiisha kale inay Turkiga ka baxaan.
Iswaydiinta arinta waxaa keenay hadalo dabacsan oo uu jeediyey Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan oo ku saabsanayd xiriro uu la sameeyey madaxda Gobolka kuwaas oo ku aadan joojinta xiisada ka taagan Qasa.
Balse hadalkiisa ayaan la mid ahayn marka loo eego sidii ay horey u ahaan jireen weerarro afka ah, oo ka dhana Israa’iil iyo taageerada Xamaas.
Tan iyo saacadihii ugu horreeyay ee weerarka ay qaadeen Xamaas, Ankara waxay miciin biday in ay adeegsato cod iyo erayo lagu tilmaamay “dhex dhexaadnimo”, kaas oo aysan farta ku fiiqin Israel ama Xamaas.
Maalmihii ugu horeyey ee colaada khudbadaha Madaxda Turkeriga waxay ku koobnayd cambaareynta khasaaraha dadka rayidka ah iyo xoojinta xiriirka dhammaan dhinacyada ay khuseyso si gacan looga geysto joojinta colaadda.
Weerarkii cisbitaalka Al-Ahli ee Qasa oo ay ku dhinteen ku dhawaad 500 oo qof turkey wuxuu adkeeyey mowqifkiisa.
“Duqeymaha Israa’iil waa jawaab celin aan loo meel dayin waxayna ka dhigan tahay xasuuq,” ayuu yiri Erdogan. Waxa uu ugu baaqay Israa’iil in ay joojiso weerarrada ay ku hayso Marinka Qasa, oo uu ku tilmaamay inay ku jiraan isir sifeyn iyo xasuuq.”
Sidoo kale Erdogan ayaa ugu baaqay maamulka Israa’iil inay joojiyaan duqeymaha ay ku hayaan dhulka falastiiniyiinta. Dhanka Falastiiniyinta wuxuu u jeediyey inay joojiyaan dhibaataynta bulshooyinka rayidka ah ee Israa’iil degan.
Hadalkan, inkastoo Erdogan uu dhaleeceeyay Israa’iil, la mid ma aha falcelintiisa ku aaddan kor u kaca Israa’iil ee horey looga bartay xilliyadii ay socdeen dagaalladii hore.
Erdogan ayaa adeegsan jiray xiliyadii hore lahjado adag iyo hadalo dareen leh oo ka dhan ah Israa’iil kuwaas oo uu ku tilmaami jiray falalka ay gaystaan kuwo aan meelna ku lahayn bini’aadanimada.
Dagaalkii Qasa ee 2014, oo ay ku dhinteen in ka badan 2,300 oo falastiiniyiin ah, Erdogan kuma ekeyn cambaaraynta wakhtigaas, laakiin jawaabtiisu waxay ahayd sidan:
“Israa’iil waxay habaaraan Hitler oo habaaraan habeen iyo maalin sababtoo ah Holocaust, Xasuqii Yahuuda ee Nasiga, laakiin maanta waxaan ogaanay in dawladda argagixsada ee Israa’iil ay hawl-galkeeda ku geystay wax ka badan xaquuqii Hitler marka la barbardhigo kan ay ka gaysteen Qasa”, ayuu yiri Erdogan.
Xiligaas Masar iyo Israa’iil ayaa ku eedeyey Qadar iyo Turkey inay ku riixayaan Xamaas inay diidaan hindisaha xabbad-joojinta Masar. Eedayntaas oo uu jeediyey Madaxweynaha Masar Cabdel Fattah al-Sisi.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dib u celiyey abaal-marin uu hore ugu helay sanadkii 2004-tii xubnaha Yuhuuda ee Congresska Maraykanka, kadib eedeyn ay ku tilmaaneed isaga inuu yahay ‘Wadaad Khatar ah’ oo ka dhan ah Israa’iil.
Safiirka Turkey ee Washington ayaa sheegay in Madaxweynuhu ku faraxsanyahay dib-u-celinta abaalmarintaaasi.
Dagaalka Qasa ee 2018, Erdogan wuxuu ku tilmaamay Netanyahu inuu yahay “argagixiso”, Turkigana wuxuu kala soo baxay safiirkiisii Tel Aviv u fadhin jiray. Wuxuuna kii ka joogay dalkooda Israa’iil faray in uu ku noqdo dalkiisa.
Laakin hada Turkey wuxuu doonayaa inuu damiyo xiisada sababtoo ah ma doonayo in dabkan ku fido gobolka, ayna timaado faragalin ciidan oo shisheeya kadib calaamadaha taagerada Israa’iil ee ay fidiyeen Maraykanka iyo dalal ka mida Yurub.
Dr. Khattar Abu Diab oo ka tirsan Jaamacada Paris kana dhigay xirirka caalamiga ayaa u sheegay BBCda: “Hadalka Erdogan wuu ka duwanaa marka loo eego mowqifka uu ka taagan yahay Falastiiniyiinta iska hor imaadyada 2014 iyo 2021 ka dib dib u soo celinta xiriirka Turkiga iyo Israa’iil, iyo xaaladda dhaqaale ee Turkiga awgeed, Erdogan wuxuu doortay dhexdhexaadnimo.” Waxa uu intaa ku daray in xaaladaha bini’aadantinimo iyo duqeymaha rabshadaha wata ee Qasa laga yaabo inay badalaan mowqifka Turkiga.
Madaxweyne Erdogan ayaa hada Israa’iil u dhaleeceeya si ka duwan sidii hore ka dib kulankii dhexmaray isaga iyo Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.
Bilawga dib u dhaca xiriirka Israel iyo Turkiga wuxuu ahaa 2018, markii Turkiga uu ka carooday dilka Israel ay u geysatay daraasiin falastiiniyiin ah oo ka qayb qaadanayay banaanbax looga hor yimi ee wareejinta safaarada Mareykanka ee Qudus.
Turkeyga ayaa tan 2020-kii doonayey inuu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay wadamo badan oo ku yaala Gobolka oo ay ku jirtay Israa’iil.
Siidayntii Ankara lamaane u dhashay Israa’iil oo ku xirnaa Istanbul ayaa bog cusub u furay xirirka labada dal. Taas beddelkeedana, madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa booqday Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay kadib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Qasa, in dalkiisu uu diyaar u yahay nooc kasta oo dhexdhexaadin ah, oo ay ku jirto in maxaabiista la is dhaafsado.
Wuxuu na Erdogan sheegay in dalkiisu uu ku jiro diyaar garowga lagama maarmaanka u ah sidii gargaarka bini’aadantinimo u gaari lahaa dadka Qasa.
“Turkigu wuxuu si cad u bilaabay inuu muujiyo rabitaankiisa ah inuu noqdo dhexdhexaadiyaha labada dhinac iyo inuu noqdo dalka kaliya ee awood u leh inuu la xiriiro labada dhinac laakiin wuxuu yiri waa goor hore in laga hadlo hadda si loo sii daayo maxaabiista,” ayuu yiri Yusuf Kateb.
Ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyada Turkiga ayaa beeniyay jiritaanka wararka ay daabaceen warbaahinta mucaaradka Turkiga ee ku saabsan in Turkiga uu doonayo inuu faragelin militari ku sameeyo khilaafka hadda taagan.
Madaxweynaha Turkiga iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Hakan Fidan wey ka go’an tahay dadaallo dhex dhexaadin ah ayey intaas ku dareen ilo wareedyada la xiriiray madaxtooyada Turkeryga.
Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa Turkiga u arka xulufo istaraatiiji ah, waxaana dhowr ka mid ah hogaamiyaasheeda ay halkaasi degenaayeen muddo toban sano ah.
Madaxa xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa, Ismaaciil Haniyeh, iyo madaxa arrimaha dibadda, Khaled Meshal, ayaa sidoo kale si joogto ah u booqda Istanbul.
Laakiin Xamaas ayaa horay u dhaleeceeyay booqashadii madaxweynaha Israa’iil ee Turkiga, waxayna ku baaqeen “in aan la siinin maamulka Sahyuuniyadda fursad ay ku soo galaan gobolka oo ay ku carqaladeeyaan danaha shacabkooda”.
Talado, October -24- 2023-{HMC} Wararka imaanaayo deegaanka jiciboow ee Dagmada Bulo burte ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaayo in uu wali socdo Dagaalka u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda kuwa deegaanka iyo Al shabaab kaas oo bilaawday shalay.