Talado, October -24- 2023-{HMC} Taliyaha Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha dalka General Bariise Aas Aaska Hay’adda Taya Dhowrka Qaran
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Talado, October -24- 2023-{HMC} Taliyaha Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha dalka General Bariise Aas Aaska Hay’adda Taya Dhowrka Qaran
Talado, October -24- 2023-{HMC} Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo aay wehliyaan xubno maamulka kamid ah iyo Wakiilka Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan beeraha iyo cuntada ee FAO ayaa kormeeray goobaha mashaariicda biyo-xereenada ka socdo magaalada Baladweyne.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa madaxda Hayada FAO ka siiyay warbixin biya xereenada hay’ada ay dhiseeyso halka aay marayaan.
Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay madaxda hay’adda FAO sida aay bulshada gobolka Hiiraan uga gacansiiyeen sidii xal waara loogu heli lahaa fataahadda Beledweyne kusoo noq-noqota.
Madaxda maamulka ayaa wafdiga hay’adda FAO ka socday ka dalbaday biyo xereeno kale oo dheeraad ah oo laga dhiso Beledweyne,Suuqyo iyo mashaariic kale oo horumarin ah oo bulshada gobolka baahi u qabaan.
Gabagabadii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa madaxda hay’adda FAO guddoonsiiyay Shahaado Sharaf ka turjumeyso wax qabadkooda la xiriiro biyo xereenada ay ka sameeyeen Magaalada Beledweyne.


Tuesday October 24, 2023
Flash floods caused by heavy rains have killed at least four people in Somalia, said the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) in its latest situation report.
Three people died in the Baidoa district, in southwest Somalia, and a 13-year-old girl drowned in a village in Galmudug state, the central part of the country, OCHA said in the report titled “Somalia: Deyr rainy season 2023 Flash Update No. 2” released Monday, adding that the seasonal Deyr (October to December) rains and related flash floods continue to be reported in several parts of the country.
According to preliminary reports by partners and community elders in Baidoa, at least 122,000 people or 20,347 families have been affected by the rains and flash floods since Oct. 4, including 92,000 internally displaced people living in 178 settlements in the district.
OCHA said that humanitarian partners are working closely with the relevant government agencies on emergency response, preparedness and anticipatory action where applicable.
“Communities in affected areas have been advised to remain vigilant and move to higher safer ground,” OCHA said, noting that the rains have resulted in significant flash floods, destruction or damage of shelters, roads, buildings and bridges, as well as temporary displacement, mainly of internally displaced people in settlements.
According to OCHA, displaced people, the majority of whose settlements are located in low-lying areas, remain most vulnerable to flooding.
“The risk of waterborne diseases and other health hazards is likely to increase due to contamination of water sources and stagnant water,” OCHA said. “Limited access to the affected areas due to impassable roads continues to hinder and delay timely access and assessments in affected areas.
The UN agency estimates that 1.2 million people and 1.5 million hectares of productive land are at high risk of flooding in Somalia.
Wararka ka imaanaya deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi Duhurnimadii maanta uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo iskaashanaya iyo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilaawday kadib markii ciidamada is garabsanaya ay weerar ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen kooxda, waxaana halkaas ku dhexmaray dagaal qaatay ku dhawaad 3 saacadood oo xiriir ah.
Dagaalka ka dhacay deegaanka Jiciboow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshe lama oga khasaaraha rasmiga ah intuu gaarsiisan yahay.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay ka saareen goobtii ay isku aruursanayeen xubnaha ka midka ah Shabaab, islamarkaana ay wabiga uga talaabeen dhanka Galbeed oo markii hore kooxdu kaga soo gudubtay dhanka Bari.
Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ay qeyb ka ahayeen dagaalka culus ee maanta ka dhacay deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan.
Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.
Talado, October -24- 2023-{HMC} Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay deegaanka Goof Gaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa maanta waxaa isku soo dhiibay sargaal katirsanaa dagaalyahannada A See ku sugan gobolada Baay iyo Bakool.
Muqtaar Maxamed Isxaaq Rabaani oo ahaa hoggaamiyihii Jabhada ee gobalka Bokool ayaa saakay isku soo dhiibey ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kaddib xiriro uu lasoo sameeyay saraakiil katirsan ciiddanka xoogga.
Ninkan ayaa sheegay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab muddo saddex sanno ah, waxa uuna sheegay in tababar dhinaca jabhada ah kusoo qaatay deegaanka Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Sargaalkan ayaana sheegay in uu kasoo qeyb qaatay dagaallo badan oo ka dhacay qeybo kamid ah gobolada dalka, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay cafiyaan haddii waxyeelo xagiisa kasoo gaaray.
Talado, October -24- 2023-{HMC} Wiil dhallinyaro ah ayuu askari booliis ahi xalay ku toogtay xaafada Badacas ee magaalada Hargaysa.
Mustafe Abees oo ay walaalo ahaayeen Abwaanka ku caanbaxay mucaaradada xukuumada Madaxweyne Biixi, ee Cabdiraxmaan Abees ayuu xalay askari ku toogtay magaalada Hargaysa, isagoo dhaawac kasoo gaadhay xabada uu saacado kadib u geeriyooday.
“Hadda ayaa nin askari ahi walaalkay Mustafe Abees uu xabad kaga dhuftay wadnaha hoostiisa” Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa sida bartiisa Facebook ku baahiyay. “Walaalkay waa geeriyooday, Ilaahay ha u naxariisto, ayuu saacado kadib markale bogiisa ku baahiyay Abwaan Abees.
Sida uu sheegay maayarkii hore ee magaalada Hargaysa Cabdiraxmaan Caydiid Soltelco, askariga dilka gaystay oo baxsaday xalay, ayaa saaka ay ciidamada booliisku ku guulaysteen in ay gacanta kusoo dhigaan.
Ilaa hada lama oga sababta keentay in askarigu dilka u gaysto Abees, walina xukuumada iyo laamaha amaanku kama hadal dilka.

Tuesday October 24, 2023
The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) said Monday its police officers have successfully wrapped up an explosive hazard and awareness training course in Baidoa, southwest Somalia, to ensure the safety and security of the people.
The ATMIS said the training featured practical demonstrations on convoy movement planning, countering complex attacks and improvised explosive device (IED) awareness.
“The program is aimed to provide the officers with the necessary knowledge and skills to effectively deal with IEDs in ATMIS’ areas of responsibility,” the AU mission said in a statement issued in Mogadishu, the capital of Somalia. It said during the training, the participants also learned how to identify vulnerable areas and types of improvised explosive devices used by militant groups that have been fighting in Somalia.
The IEDs have become al-Shabab’s weapon of choice in its asymmetrical warfare in the major towns, and main supply routes have been singled out as the biggest threat to Somalia’s security and stability.
The use of deadly devices on main supply routes has been cited as one of the key reasons restricting response to humanitarian crises.
According to the ATMIS, al-Shabab often plants IEDs on the main supply routes targeting the African Union and government troops, but civilians often get hit.
Talado, October -24- 2023-{HMC} Dagaal culus oo ka socdo buurta jiciboow ee hoostagta degmada buulaburde ee gobolka hiiraan
Talado, October -24- 2023-{HMC} Guddiga doorashada Puntland ayaa sheegay in doorashada hoggaanka ee maamul goboleedka ee soo socota in la qaban doono 25-ka Bisha Febraayo 2024-ka.
Guddiga ayaa sheegay in doorashooyinkaasi ay noqon doonana kuwo toos ah, isla markaana ay isku mar dhici doonaan doorashooyinka madaxtinnimada ee maamulka iyo kuwa baarlamaanka heer maamul goboleed.
Doorashooyinka madaxtinnimada Puntland ayaa hadda ka hor waxaa soo dooran jiray Aqalka Baarlamaanka oo lagu soo xulo habka beelaha, waxaana lagu waday in la qabto 8-da Jannaayo.
Puntland ayaa bishii May ee sannadkan qabatay doorashooyinka Golayaasha Degaanka oo laga qabtay in ka badan 30 degmo.
Talado, October -24- 2023-{HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao.
Kulanka guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dal gaar ahaan gargaarka bini’aadannimo, iyada oo xilligaan la cabsi qabo khatarta El Niño
Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha kaalintooda wax ku-oolka ah ee ay ka gaysanayaan wax ka qabashada mushkiladda abaaraha, fatahaadaha iyo guud ahaan musiibooyinka bani’aadannimo ee dalkeenna ka jira.
Hay’adda SoDMA ayaa hormuud u ah dadaalllada loogu diyaar garoobayo cimillada El-nino oo laga yaabo in ay saameeyso dadka ku noola Magaalooyinka dhaca xeebaha iyo wabiyada, iyada oo todobaadkaan ay fataheen Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.