Home Blog Page 3225

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn – 24 – 10 – 2023

Talado, October -24- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Mustaf cali iyo iqra Abdullahi

Farsamadii :C/kaafi Cismaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

 

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo Celisay muwaaddiniin ku xannibnaa Liibiya

Talada, October -24- 2023-{HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 99 muwaaddiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo muddo ku jiray xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya.

Muwaaddiniintan oo hab tahriib ah ku galay Liibiya ayaa waxaa soo celintooda iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS iyo Hay’adda socdaalka Adduunka IOM ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhoweeyay Ergeyga gaarka ah ee xafiiska Madaxweynaha JFS u qaabbilsan soo galootiga iyo xaquuqda carruurta, Maryan Yaasiin Jaamac iyo Raage Cusmaan oo ah Agaasimaha waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Agaasimaha waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS , Raage Cusmaan ayaa Waraabhnta Qaranka u sheegay in muwaaddiniintan oo ka koobnaa 88 rag ah iyo 11 haween ah ay 47 ka mid ah ka dejiyeen magaalada Hargeysa, halka 52 kalena la keenay Muqdisho.

Agaasime Raage ayaa howshan ugu mahad celiyay madaxweynaha JFS, Hay’adda socdaalka Adduunka IOM iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya, wuxuna dhallin yarada Soomaaliyeed faray in ay dalkooda iimaansadaan kuwa doonaya tahriibkana ay ku tusaale qaataan muwaaddiniintan maanta lasoo celiyay.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan muwaaddiniin kale oo ku xanniban dalka Liibiya, kuwaas oo dhowaan ay rajeynayaan in dalka dib loogu soo celiyo.

Rag dil Geestay oo saakay xukun dil ah lagula fuliyay

Talada, October -24- 2023-{HMC} Ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fuliyay laba askari oo ka kala tirsanaa ciidamada booliska iyo xoogga dalka, kuwaasi oo horay dilal u gaystay.

Labada askari ee tiirka la geeyay ayaa lagu kala magacaaba Yuusuf Isaaq Nuur Aadan iyo Aadan Maxamed Xasan Ibraahim {Boqol}, waxaana horay xukunno dil ah oo ah qisaasta marxuumiinta ay dileen ugu ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Ex-Dable xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan ayaa maanta magaalada Baydhaba loogu oofiyay qisaasta marxuum Mustaf Xaaji Xasan Madkuus oo uu dilay kadibna uu Ceel ku riday si aan loo arkin meydkiisa.

Sidoo kale, Ex-Dable Boolis Aadan Maxamed Xasan Ibraahim {Boqol} ayaa isna loo toogtay dilka Sheekh Cali Ahmed oo ahaa wayeel 65 jir ah.

Dilka Sheekh Cali ayaa yimid kadib markii marxuumka uu isku dayay in uu dilaaga ka waaniyo isbaaro u taalay gudaha Xaafad ku taalla magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar iyo xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo lagu Maxkamadeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Waa Maxay Sababtii Uu Mikel Arteta Uga Xanaaqay Moises Caicedo Intii Uu Socday Kulankii London Derby

Talada, October -24- 2023-{HMC} Mikel Arteta ayaa ka xanaaqay xiddiga Moises Caicedo intii lagu jiray kulankii xiisaha lahaa ee Arsenal ay barbaraha 2-2 la gashay Chelsea sabtidii.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Ecuador ayaa fure u ahaa bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Arsenal kulan ka dhacay Stamford Bridge.

Shaqadiisa fiican iyo waliba sida uu u akhiriyay ciyaarta ayaa keentay in ay chelsea ku riyaaqdo kubad hasashada qaybtii hore ee kulanka.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa marar dib ugu soo guulaystay kubada waxana uu keenay in ay Arsenal si weyn dhibaatooto qay bta hore.

Arteta ayaa si weyn uga xanaaqsanaa xiddiga Caicedo sabab la xidhiidha khaladaad adag oo uu ku galayay xiddigaha kooxdiisa oo xitaa qaar sababi karay dhaawacyo soo gaadha xiddigaha.

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal Sababay Dhimasho iyo Dhawac oo ka dhacay Degmada Beergadiid ee Gobolka Hiiraan

0

Talado, October -24- 2023-{HMC}  Faah Faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeeyso Weerar Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay saakay Degmada Beergadiid ee Gobolka Hiiraan. Dagaalkan waxaa uu udhaxeeyay Ciidamada Nabadsugida Gobolka Hiiraan iyo ciidamo hubeeysan oo qaab qabiil u abaabulana

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Waxgaradka D/Kaxda oo ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagal beeledyada ka socdo Shabelaha Dhexe.

0

Talado, October -24- 2023-{HMC} Waxgaradka D/Kaxda oo ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagal beeledyada ka socdo Shabelaha Dhexe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Shekh Cabdiqani ” falkii wiilka yar lagu dilay ee ka dhacay Galkacyo waxaa ka dhalan karta caro alle

0

Talado, October -24- 2023-{HMC} Shekh Cabdiqani ” falkii wiilka yar lagu dilay ee ka dhacay Galkacyo waxaa ka dhalan karta caro alle

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Ciid oo Jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool Minisoota ka hadlay hormarka dalka iyo dagal As

0

Talado, October -24- 2023-{HMC} Xildhibaan Ciid oo Jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool Minisoota ka hadlay hormarka dalka iyo dagal As

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Beergidiid ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid dhexmaray ciidamo ka tirsan Nabadsugida gobolka Hiiraan iyo ciidamo maleeshiyaad ah oo qaab qabiil u abaabulnaa oo ka careysnaa dad ehelkooda ah oo Saldhiga deegaankaas loogu xiray arrimo la xariira kala dhac gaadiid.

Dagaalka ayaa la tilmaamay inuu yimid kadib markii ciidanka maleeshiyaadka ah ay weerar ku qaadeen Saldhiga deegaanka si ay usoo furtaan dadka ugu xirna Saldhiga, waxaana la xaqiijiyay in weerarkaas uu ku dhintay hal ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen sadax ruux oo kale.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in haatan xaalada deegaanka Beergidiid ay tahay mid degan, islamarkaana odayaal iyo waxgarad ay kala dhex galeen labada ciidan ee dagaalku dhexmaray saakay.

Si kastaba ha ahaatee kala dhaca gaadiid ayaa maalmahii lasoo dhaafay kusoo kordhayay deegaano ka kala tirsan gobolka Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana haatan muuqata in wax ka qabashada arintaasi ay soo faragaliyeen ciidanka dowladda.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ciidan kala dhex dhigtay beelo ku dagaalamay Shabeellaha Dhexe

0

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamo Booliis ah ay kala dhex dhigtay laba beelood oo walaalo ah oo colaada u dhaxeysa ay dib uga soo cusboonatay maalmahii lasoo dhaafay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiid Aadan Cali Doodishe ayaa warbaahinta u sheegay in beelaha ku dagaalamay deegaanada hoostaga degmada Cadale in dowladda ay kala dhex dhigtay ciidamo Booliis ah oo isugu heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed.

“Ciidamada Booliska ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ku guuleystay iney kala dhexgalaan laba beelood oo walaalo ah, kuwaas oo ku dagaalamay deegaan hoos yimaada degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha dhexe” ayuu yiri afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe.

Talaabadaan ay dowladda Soomaaliya qaaday ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo colaada labada beelood u dhaxeysa ay walaac xoogan ka muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, kadib markii habeen hore deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degnada Cadale lagu dilay Macalin Dugsi Quraan iyo xertiisa, xili ay kasoo baxeen goob ay ku subcinayeen, islamarkaana ay kusii kala jeedeen guryahooda.

Beelahaan walaalaha ayaa sidoo kale iska gubay guryo badan oo ku yaala deegaano hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.