Home Blog Page 3226

MW Guudlaawe oo Ku goodiyay in maamulkiisu uu gacan adag ku maareyn doono Dagaalka G’Shabellaha Dhexe.

0

Talada, October -24- 2023-{HMC} Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku goodiyay in maamulkiisu uu gacan adag ku maareyn doono dilalka aanooyinka beelaha ee ku soo noqnoqday Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in muddo saddex bilood ay meel u fadhiyeen, sidii loo soo afjari lahaa isku dhacyada beelaha deegaanka, balse ay xujo ku noqotay xal u helidda colaadda beelaha.

“Waxaad ogtihiin muddo ka badan saddex bilood ayaan meel u fadhinay, sidii beelo walaalo ah oo dagaalamay u heshiisiin lahayn, haddii aan meel ka dhamaynaba, meel kale ayay ka liicee,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa culimada iyo odayaasha deegaanka ugu baaqay in ay dhexda u xirtaan wax ka qabashada isku dhacyada beelaha.

“Culima’udiinka iyo odayaasha ku nool deegaanada Hirshabelle inay u duubtaan dadka is dilaya, qof welibana wixii ay xaq u leedahay loo sheego, intaas ayaan ka codsanaynaa odayaasha iyo culimada,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa carabka ku adkeeyay in hadda ka dib uu maamulkiisu sharciga u adeegsan doono kuwa dhibaatooyinka ka dhex abuuraya beelaha, qof kastana uu mudan doono waxa uu caddaaladda ka helo.

“Annaga dowlad ahaan waxaan ballanqaadaynaa in dowladnimo iyo sharciga aan ku dhaqno, garsoorkiina waan dhameystirnay, waxaana ballan ah in qof weliba sharciga wixii ay ka hesho aan marsiin doono, haddii Ilaahay raali ka noqdo,” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe oo warkan ku sheegay muuqaal xalay lagu baahiyay barta Madaxtooyada HirShabelle.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Cadale, Muuse Maxamed Axmed ayaa AS  ku eedeeyay in ay ka masuul yihiin dilalka aanooyinka qabaa’ilada ee ku soo badanaya deegaanada hoostagga degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in as ay hurinayaan isku dhacyada beelaha ee ka jira deegaanadii gobolka ee horaan laga saaray maleeshiyadaasi.

Shan qof ayaa habeen hore lagu dilay duleedka deegaanka Xaaji Cali oo hoostagga Degmada Cadale, kuwaa oo ay dileen kooxo hubeysan.

Dadkan oo isugu jiray macalin iyo ardaydiisii ayaa jidka loo galay, xilli ay ka soo laabteen dhisme cusub oo sida la sheegay ay Quraan ku soo akhrinayeen. Dhammaan dhibaneyaasha ayaa hal qoys ka soo wada jeeday.

Diyaaradaha Dagaalka Israaiil oo duqeyn cirka ah ka Geeysatay Magaalada Gaza.

0

Talado, October -24- 2023-{HMC} Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda ayaa duqeyn arxan-darro ah ku beegsaday goobo ay degen yihiin Dad rayid ah oo ku yaalla Magaalada Gaza waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray qaar kamid ah dhismihii ay degenayaan Dadkaan shacabka ah.

Saacado kooban ayay Diyaaradaha Israaiil waxa ay gantaallo culus oo kor u dhaafaya 300 ay ku gaareen Magaalada Gaza iyada oo taasi sii kordhisay duqeynta dhankeeda lagu garaayo saldhigyada ay ka sameysteen Dhulka ay xoogga ku heystaan.

Cabsi xooggan ayaa laga muujinayaa in Yuhuuddu ay duqeyso Gargaarka bani aadamnimo ee u gudbay Shacabka ay dhibaatadu ku heysto ee Falastiin maadaama ay ku dhiirratay in ay bam ku dhufato Isbitaalka Al-Ahli Baptist ee Gaza ku yaalla.

Mareykanka ayaa Israaiil usoo jeediyay in ay joojiso Duqeynta isla markaana ay sameyso Xabbad-joojin dhinaceeda ah si hoos loogu dhigo carada ka dhalatay weerarrada arxan-darrada ah ee Yuhuuddu geysaneyso.

Washington ayaa Israaiil uga digtay in ay isku daydo duullaan dhulka ah oo khasaaraha ugu badan ee iska caabinta Falastiiniyiinta kusoo gaarsiin karaan maadaama loo hayo colaad weyn oo ka dhalatay duqeynta ay geysatay.

Israaiil ayaa madaxa gidaarka ku garaacaneysa sabab la xiriirta in ay sheegtay inay awood kusoo furaneyso Maxaabiistii looga soo qafaashay weerarkii cuslaa ee dhacay 7dii Oktoobar 2023 kaas oo bannaanka soo dhigay awood yarida ciidankeeda & sirdoonkii ay ku faaneysay oo ogaan waayay duullaankaas.

seddax bilood Kadib madaxweyne Xasan Sheekh oo kaso guuray Magaalada Dhuusamareeb

0

Talado , October -24- 2023-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka guuray magaalada Dhuusamareeb oo uu deganaa ku dhawaad seddax bilood.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay 3 diyaaradood Dhuusamareeb uga soo rartay agabkiisii madaxtooyada iyo inta badan shaqaalaha iyo ciidankii ka joogay Dhuusamareeb.
Kooxda ugu dambeysa ee xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ka joogta Dhuusamareeb waxay bixi doonaan maanta oo Talaado ah, hadaba muxuu yahay qorshah Madaxweynaha.?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmaha soo socda u safraya dalka Ingiriiska, halkaas waxaa ka dhacaya kulamo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta  AS.

Sida ay ogaatay Warbahinta , Madaxtooyadu waxay qorsheysay in Maxaxweynuhu uu Muqdisho sii deganaado muddo bil ah, iyadoo bil kadib uu dib ugu soo laaba doono Dhuusamareeb, sidoo kale waxaa suurtagal ah inuu dego magaalada Baydhaba, halkaas oo meeshii uu degi lahaa looga diyaariyey, si looga bilaabo wajiga labaad ee dagaalka.

Waxaa sidiisa ku sii soca doona qorshaha dagaalka AS ee kooxda looga xoreynayo Galmudug, si Madaxweynuhu Dhuusamareeb ugu soo laabto isagoo howlgalku gabagabo yahay ama soo dhamaaday.

Dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu isku maray Baydhaba iyo Xudur oo kala ah gobollada Bay iyo Bakool, wuxuu sahminayey hanaanka loo bilaabi karo wajiga labaad ee dagaalka, wuxuuna dagaalkaas ka hoggaami doonaa magaalada Baydhaba.

Guddiga doorashada P/L oo Shaaciyay Jadwalka Doorashadą Baarlamanka & Madaxweynaha

0

Talado , October -24- 2023-{HMC} Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2024, kaasi oo muddo kororsi dadban loogu sameeyay madaxweyne Saciid Deni.

Bayaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland ayaa waxaa lagu shaaciyay in doorashada Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka Puntland loo asteeyay inay qabsoomto 25-ka bisha Febraayo ee sanadka soo aadan ee 2024-ka.

“Guddiga Madaxa-banana ee Doorashooyinka Puntland markuu la tashaday xisbiyada siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha kale waxa uu go’aamiyay in doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada la isa-saaro hal marna la wada qabto,” ayaa lagu yiri bayaanka PEC.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dib loo furay diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, islamarkaana la bilaabi doono dhamaadka sanadkaan, gaar ahaan bisha December.

Qabashada liistada Musharaxiinta ayaa bilaaban doonta December illaa January. Halka ololaha doorashada uu bilaaban doono February 2024-ka, maalmo kahor un waqtiga uu guddiga doorashooyinka u asteeyay doorashada isa-saaran, sida lagu sheegay jadwalka doorashada ee uu saaray guddiga PEC

Jadwalka uu soo saaray guddiga PEC ayaa muujinaya in kordhin lagu sameeyay muddo xileedka dowladda oo ku eg 8 Jan ee sannadka 2024-ka

Sidoo kale waxa uu jadwalkaan imanaya xilli uu khilaaf xooggan ka dhex aloosan yahay xukuumadda madaxweyne Deni iyo mucaaradka oo ku muransan nooca loo qabanayo doorashada madaxtinimada ee maamulkaas.

Saciid Deni ayaa dhawaan sheegay in doorashada 2024-ka lagu qaban doono nidaamka qof iyo cod, hase yeeshe waxaa taasi ka horyimid siyaasiyiinta mucaaradka oo iyagu raba in doorashada lagu galo sidii hore.

Mucaaradka ayaa walaac ka qaba in Saciid Deni uu gacan bidixeeyo doorashada qof iyo cod ama ay u noqoto marmarsiyo uu ku sameysato muddo kororsi, sida maantaba ka muuqata jadwalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland oo Deni u sameeyay muddo kororsi dadban.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 24/10/2023

0

Talado , October -24- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Mustaf Cali Caddow

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

{DAAWO MUQAALKA} SHEEKH SACIID ” Waxaa dhici doono Dagaal La Mid Ah Kii 2008 Oo Kale ka dhacay Gobalada Dhexe

0

Talado, October -24- 2023-{HMC} SHEEKH SACIID ” Waxaa dhici doono Dagaal La Mid Ah Kii 2008 Oo Kale ka dhacay Gobalada Dhexe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Weerar Sababay Dhimasho iyo Dhawac oo ka dhacay Degmada Beergadiid ee Gobolka Hiiraan.

0
Talado, October -24- 2023-{HMC} Faah Faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeeyso Weerar Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay saakay Salaadii Subax Degmada Beergadiid ee Gobolka Hiiraan. Dagaalkan waxaa uu udhaxeeyay Ciidamada Nabadsugida Gobolka Hiiraan iyo Maleeshiyo hubeeysan oo qaab qabiil u abaabulan.
Dagaalka waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah sidoo kalena waxaa uu dhawac kasoo gaaray ilaa sadax kale oo dhinacyadii dagaalamay ah, waxaana uu si gaar ah ugu dhacay Saldhiga Ciidamada Booliska ay ku lahaayeen degmadaasi.

 

Dagaalka waxaa uu ka biloowday kadib markii Ciidamada Maleeshiyada ah ee saldhiga weerarka ku qaaday dhowr todobaad ka hor , Maleeshiyo kale oo Galgaduud kasoo jeedo ay ka dhaceeyn Gaari xamuul ah , waxaana intaasi kadib iyagane xalay ay Meeshiyada ay wadada laamiga ah ay ka dhaceyn gaadiid safar ahaa,

 

Ciidamada Nabadsugida Gobolka Hiiraan ayaa xalay soo xir-xiray Ehelada Maleeshiyadii gaariga ka dhacay Degmada Matabaan deegaano hoos-yimado, waxaana weeraray Saldhiga Beergadiid dad arintaasi ka Carooday oo Maleeshiyo Hubeeysan ah.

 

Xiisad Dagaal oo arintaasi ka dhalatay ayaa manta ka taagan Degmada Beergadiid Gobolka Hiiraan,

Xildhibaan Sanyare oo Ka Hadlay Khilaafka ka Taakan Maamulka Puntland

0

Talado, October -24- 2023-{HMC}  Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur”Sanyare” oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka federaalka Soomaaliya ahna gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug ayaa sheegay in Masuuliyada wixii Puntland ka dhaca uu qaadayo madaxweyne Deni iyo Xukuumadiisa wakhtigu kasii dhamaanayo.

“Ma idin cadaatay in aan Dimuqraadiyad loo socon waxaan usoo jeedinayaa
madaxweyne Deni in uu ka joogo arintaas”.

Isaga oo sii hadlaya waxaa uu sheegay in wixii ka dhasha masuuliyadeeda ay
qaadayso Xukuumada wakhtigu kasii dhamaanayo oo uu ugu horeeyo madaxweyne Deni.

{DAAWO MUQAALKA} War Deg Deg Ah, Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Deeganka Oo la Wareegay Godadkii As ee Deegaanka Jiciboow

0

Isniin, October -23- 2023-{HMC}  Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Deeganka Oo la Wareegay Godadkii As ee Deegaanka Jiciboow

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn 23/10/2023

0

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdisamad Cilmi Cabdi

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO